Home » Maqaallo, Qoraalada Maxamed Nuur, Wararka » Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn.

Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn.

Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn: waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono sida ay waddaniyiintu ugu yar yihiin dadka ku hadla luuqaddan aan qalinka u qaatay inaan amuurtan ku lafa guro.

Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa reer guuraa asal ahaan, sida la wada ogyahayna dadka reer guuraaga ah majirto  meel ay si gaar ah u leeyihiin, qofka miyiga ka war qaba ayaa garanayee, reer guuraagu hadba xero ayey dagaan, midda ay ka guuraanna waxa ay ka rartaan alaabadooda, cidda iyaga kaga dambeyneysana dan kama laha.

Reer guuraagu meelaha ay isugu yimaadaan waxaa ka mid ah Ceelasha, Keliyada ay soo maraan biyaha Baraagaha, iyo dhulka daaqsinka ah ee loo soo naq raaco, waxaana dhacda in dadka reer miyiga ah ay meelahaas ku dagaalamaan, iyadoo dagaal boqolaal sano ka hor amuurahaasi ka bilowday laga yaabo in weli leysu aaneysto.

Dhaqankii noocaas ahaa wuxuu Soomaalida la soo galay magaalooyinka, waxaana tusaalayaal badan laga heli karaa sida Soomaalidu ay magaalooyinka ugu dhex-guur- guuraan. markii guryo waaweyn laga dhistay magaalooyinkana weli ma harin dhaqankii reer guraanimada ahaa.

Soomaalidii u qaxday waddamada dibadda dhaqankaas kama harin, waxaana jirta inay isaga kala gooshaan magaalooyin, waddamo, iyo qaarado, iyadoo meel walboo  aad tagto ama maqasho ay ka jiraan Soomaali isdaba-mareysa, waxayna taasi dhacdaa marka qofi diyaarad u raaco waddan kale si uu reerka ugu soo sahmiyo, ma mooddaa in weli odaygii reerka miyi roobka u sahmin jiray uu waddamada caalamka isaga kala gooshayo si uu reerka ugu raro sharcina uga qaataan hadba waddanka ay nolosha  fiican ku tabayaan.

Haddii aan ku soo laabano gudaha waddanka, magaalo walba hadda waa isbedeleyaan dadkii ku noolaa. 10 sano guduhood waxaad arki kartaa in magaalo dhan ay dadka intiisii badneyd ka taagaan iyagoo meel kale u wareega, waxaana laga yaabaa muddo aan badneyn magaalo aad ka maqneyd inaad cidna ka garan weydo haddii aad dib ugu laabato, mana ahan arintaasi mid ku gaar ah deegaan.

Ina soo celi

Dhaqanka noocaas ah ee asal ahaan ay Soomaalidu u badan tahay, ayaa waxaa u raacay in ayan dadku helin wacyi gelin la xiriirta waddaniyadda, iyadoo dadka hadda nool wixii dowladnimo Soomaaliyeed soo gaaray ay in badan iskaba iloobeen mowduucaas, kuwa badanna ayanba war iyo wacaal u heynin wax la yiraahdo waddaniyad, waxayna indhaha kala qaadeen iyadoo qolo walba ay deegaan gaar ah ilaashato, taasoo iyada xitaa sida lagu wada joogo ay iska tahay “allow sahal”.

Waddaniyad la’aantu Soomaalidu iskuma dhaanto marka laga hadlayo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana tusaalayaal ka soo qaadanayaa dhowrkan qolo ee hoos ku taxan:-

1-Siyaasiyiin

2-Ganactaso

3-Wadaaddo

Haddii aan isku dayo inaan aad u soo uruuriyo qormada aan mid mid isu dul-taago 3-da qolo ee aan kor ku taxay, anoo kalsooni buuxda ku qaba in qeybaha kale ee bulshadana ayan kuwan waxba dhaamin, balse mid walba ila fiiri sida ay uga maran tahay waddaniyadda.

Siyaasiyiin

Eedeynta Siyaasiyiinta, waa mid la wada fahmayo, isla markaasna cidina uma damqato wax ka sheeggooda, sidaas daraadeed cidda wax ka sheegeysana uma naxdo, kuwa maqlana kama bakadaan, sidaas ayaa sahleysa in eedeha loo soo jeedinayo ay inta badan bulshadu wada fahanto. Aniga oo intaa ka soko maraya aan isku dayo inaan banaanka soo dhigo sida siyaasiyiintu uga dhar la’yihiin waddaniyadda, waa intooda badanee:

Dalka oo dhan waxa uu u rahman yahay in siyaasiyiintu gaaraan danahooda, nabad, nolol iyo horumarna inta cirku jiro ayey jiraan haddii aan la yeelin waxa ay doonayaan siyaasiyiinta faraha badan ee dalka isku haysta, nooc kasta oo ay yihiin. Haddiiba hal siyaasi ama dhowr isku dan ah lala xaali lahaa maxaa inaga bi’i lahaa, waa siyaasiyiin badan oo qaarba dhinac u yaacayaan, qaarba wax nagu beer laxawsanayaan kuwaba shaar nooc ah soo xiranayaan, mid walba ama koox walbana ay ka taagan tahay “ Cadnaakoow ku cunay ama ku ciideeyey” mid walba ama koox walba ay haysato taageero dibadeed, tabarta taageeradaasi intii ay dooneyso ha le’ekaatee. Siyaasiyiintaasu waxa ay sababeen in dalkii hooyo ay qurumo shisheeye ku hardamaan, qaarba wax ay ku andacoonayaan, kuwo waxa ay huwan yihiin shaar isbeheysiyo dibadeed, goloyaal caalami ahna waa laga soo ansixiyey. Kuwo kale waxa ay xiran yihiin shaarar diimeed dalka meel ay ka soo galeen lama yaqaanno,  ciddii soo hadal qaaddana iyadaa cirka roob ku  og.

Ganacsato

Markii meesha uu ka baxay nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya horraantii 1991, waxaa dhacday in dad ganacsato ah ay magaalooyinka kala baxaan wixii maar ahaa ee ku jiray biraha. warshadihii dalku lahaa wixii qalab ahaa ee ay lahaayeen si aan xilkasnimo ahayn ayaa loo gatay. dhirtii dalku lahaa in badan oo ka mid ah waxaa xaalufiyey ganacsato si ay dhuxul uga dhigaan, una dhoofiyaan. ugaartii dalka warkeedba daa. xoolihii dheddeg waa dhoofiyeen in badan.

Waxay dalka keeneen Daawo dhacday, raashin dhacay iyo wixii la mid ah, dal jaceyl meesha ay ka joogaan iyo dadkiisa intaas waa inagaga filan tahay. iyadoo ay intaasi jirto haddana dadka ganacsiga ku jira ee Soomaaliyeed sidaas ma wada ahan, laakiin kuwa aan dalka iyo dadka aan dan ka lahayn ayey u badan yihiin.

Qeybta wadaaddada iyo in aan ku dari doono dib ayaan u dhiganayaa waa inoo qormadeena dambe insha allaah.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

 

21 Responses

  1. kaahiye says:

    wuu mahadsanyahay walaalku sifiican buu ucabiray qeybta wadada aa xiiso leh taasaan sugayaa

  2. Abu Rixa says:

    shukran m.n.shire.
    wadninamadu waa lexjecle qofku u hayo wadankiis iyo dadka ku nool waana asaaska midnimada iyo horumarka ummaddi gaadho, anaguse waxaad moodaa booskii wadaninimadu naga degi lahayd inay naga gashay xanuun dilaa ah oo la dhoho qabyaalad iyo midka kale oo baryahii dambi hujuumka culus nagu hayay ee ahaa xag jirnimada(al qulu fi diin), inkasta oo kaas hadda aan jiirnay oo qayb ahaan ka talaabsan rabno inshaa allaah laakiin ragaadinta, iyo threat ugu weyn wuxuu naga haystaa qabyaaladda oo inta ay isa seexiso marka aad dhahdo haday waxkala dhaqaaqeen madax soo taaganaysaa QAATALAKA ALAAH AMIIN, intaas waa dhibaatada generally na haysata,
    waxaa kuu soo haray ganacsatada gangka ee iishooda qaatayaasha ah ee manaxdada ah waxaan ku dhihi lahaa somali islama nihin waxaad traders iyo dhiig miirato aan diin iyo damiir lahayn wadankii oo tabar daran oo canshuur idinka qaadin ayaa daawo iyo raashin dhacay iyo weliba bililaqo iyo boob ku wadaan hamoodin inaad faaideen ee laakiin waa la idinla xisaabtamin oo la idinka abaal marin,
    amaa siyaasiyeenta isugu jira jawaasiista shisheeye calooshood u shaqaystayaasha iyo qabyaaladiistayasha iyo waliba kuwa diintii ku fidnoobay oo is iska dhigay ina xaga ilaahay loogu doortay inay dadka ku amarku taagleyaan waxaan say isugu xigaan ugu sheegi lahaa:
    1.siyaasiyiinta calooshood u shaqaystayaasha ah ee cadowga u adeegga: waxaa nasiib wanaaga ah in ajenda yaashiina 50% ay fashilmeen oo ku hungoowdeen haday ahaan lahayd inaad dalka kala googooysaan, inaad xashiish wadanka ku beertaan, inaad xeebaha gadataan, inaad cadowga dariska ah dalka ku wareejisaan, inaad calooshood u shaqaystayaal caalam ah isla xadaan macdanta iyo energy dalkeen, inaad ummadda gaajo u dishaan, inaad sumcad been ah nagu dhexyeelataan, inaad maxmiyad dib noogalisaan iyo ugu dambayn inaan fahanay inaad isku kaayo dili/diri jirtaan oo noogu sababayn jirteenkaliya kugu qabiil ma ahan “oo yaa ka fiican hadiisan igu qabiil ahayn waaba diversity iyo is dhex gal iyo qaranimoe!!!!!!!!!!!!!!!!!!!” hadana aan idiin sheegnay ENOUGH,
    waxaan idiin sheegi lahaa hadii intaas aad ku fashilanteen cashar hadiin noqoto oo retiregareeya somaliana waxay kasoo noqon from the ashes (dambaska) adinkana fisha ciqaabta aad ku haboon tihiin in la idin marin doono ka dib marka la idin horkeeno cadaalada mafio yahay!.
    QAYBTA WADAADADA MAR RABO INAAN HOR DHOCO, WAXAAN KA HADLAYAA MARKII QORAAGU QORMADA DAMBE OO UGA HADLO INSHAA ALLAAH

  3. horeeye says:

    thanks qoraaga runtii siweyn baa loogu baahnaa maqaalkan,noociisa ookalana waa in dadka waxqoraa ay qoraan.

    waddaniyaddi waa luntay.

  4. Muxammed says:

    Asc maxamad nuur shire bacda salaam, waxbadan ayaan bartaan ooga doodnay wadaniyad iyo waxay tahay aniga iyo waaniye iyo walaalo kaloo badan waa taana meel isla saarnay inaad soo celcelisaan ood qanci weydaana waa nasiib daro soomaaliduna waxay tiraahdaa waayeel marbuu wada hadlaa kalana waafaaye. Hadaan dib idiin xasuusiyo wadaniyad iyo ciddii keentay iyo waqtigay bilaabatay iyo ujeedkii loo sameeyey , wadaniyad gaalo ayaa bilowday waxaana loo sameeyey in muslimiinta lagula diriro diintoodana looga saaro allaah sw. Arladan rusul buu usoo diray si ay diin ugu islaaxiyaan waxaana ka horyimid xaqdiidyo arlada sheegtay inay ayagu leeyihiin cidii ka hortimaada dhaqankoodana ayka saarayaan dhulkooda daliilkuna waa kanaa ( wa qaalaladiina kafaruu lirusulihim lanukhrijannakum min ardinaa ow latacuudunna fii millatinaa) ama dhulkayaga waan idinka saaraynaa ama hidihii iyo dhaqankanagii ayaad kusoo noqonaysaan? Hadaba wadaniyad waan diin gaalo waa dhaqan gaalo waa waxaan islaamka aan shaqo ku lahayn bal loo sameeyey in islaamka lugu kala qayb qaybiyo dabeedna lagu dumiyo. Intaa ka dib nusuusta eebe ninkii ku qanci waayo jahanama ayaa qancisa? Maxamad nuur shirow waxbadan baan xaqa kuu cadeynay waxaadna ka door biday inaad raacdo xaqa inlagu yiraahdo maashaa allaah waa qoraa qiimi badan waa nin xikmad badan ilaahayow asagoo kale noo badi? Intee lagu amaani karaa? Ama lagu oran karaa qoraa xariif ah? Muddo 60-70-sano ah? Ka dib qabri ayaa lagu galin afar waxyaabood ooy dadku neceb yihiin ayaan loogu tagaa qabriga 1 waa mugdi dadkuina mugdiga waa neceb yihiin oo waad aragta waxa nalal dhalaalayo gurigaaga kiu jira 2. Waa kuleyl dadkuna kulka waa neceb yihiin waad ogtahay waxa gurigaaga ku jira mukeyf iyo marawaxad qabow tuureysaa 3. Waa cariir oo dadku wey neceb yihiin ciriiriga oo waad u jeedaa gurigaaga inta mitir square uu yahay 4. Waa cidlo oo dadku cidlada waa neceb yihiin inta kaligaa lagu dhigo qabriga ayaa lagaasoo kala dareeri oo kuwan kugu hayo maashaa allaah qoraa qiimi badan kula galimaayaan bal maalinta qiyaamo wey kugu inkiri baadilkay kuugu jiibinayeen aduunka. Maskaxdaada maalkaaga muruqaaga carrabkaaga iyo cilmigaaga iyo qalinkaagaba waa lagu suaali inaad xaqa ku difaacday iyo inaad xaqa kula dirirtay baadilna oogu gargaartay? Waxaan kusoo gunaanadayaa wadaniyad, qaranimo iyo calmaaniyad wax diinta sal iyo raad ku leh ma ahan bal waa fikir gaalo u dajisay inay kula dirirtoi diinta islaam kuna kala qoqobto nuslimiinta

  5. maxamed says:

    muxammed baarakallahu fiika yaa akhii sifiicanaa ufaah faahisay alle dambigaaga hadhaafee,wadaniyadu waxaa loogu tala galay in muslimiinta lakala googooyo dabeetana sidaa lagu gumeysto waana fikrad gaalo,insha allah socon meyso maanta baraarugi meel kastuu gaaray waxa leysku walaaleysanayo waa caqiidada inti isku caqiido ah unmaa walaalo ah walow yeysan isku jinsi ahaanin.

  6. Abu Rixa says:

    @Muxammed.
    ano kusoo gaabinaya waxaa kaa dhihi lahaa wadan nacaybkaaga calaa mandaral islaam:
    tarmidiga wuxuu soo saaray xaadis ibnu cabaas suubanaha ka wariyey isagoo dhahaaya:
    ” dhulkaa wanaagsan miyuu jiraa (maka) oo aan kaa jecelahay hadii aan liga kaa soo saari lahaynna meel aan adi ahayn ma degeen” sidoo kale bukhaari wuxuu soo saaray” in nabiga safar ka yimaado oo madiina usoo dhawaado in uu ordin jiray faraska/hasha” ibnu xajarna arinkaas wuxuu ku tilmaamay fadliga madiina leedahay iyo INAY BANAAN TAHAY IN LA JECLAADO WADANKA LOONA HILOOBO,
    sidoo kale in wadanka la jeclaado, la difaaco islamarkaana laga faaidaysto waa xaqiijinta macnaha aayadan alle sareeye uu ku leeyahay “eebaa idin dejiyey arlada idin kana camirid dalbay” sadaqalaahul cadiim
    Dhanka kale xitaa taada (jilicsan) hadii laguu toosiyo waxay noqon lahayd in laga bilaabo jeceylka ahalka, qaraabada riximka muwaadiniinta ka dibna muslimiinta laakiin adigu muslin oo dhan ma jeclid koox muslimiinta ka mid ah ayaa indhahaagii buuxiyey si aad iyaga u jeclaatidna waa in walaalkaagi somaliga iyo muslimkaba (bi darajatayn) kula ahaa aad nusqaamisid xuquuqdiisii walaanimo (rixim) si aad ula mid dhig walaalkale oo aad muslim isla tihiin (bi daraja) bal adigu dib isugu laabo!!!!

  7. xaaji says:

    kow qoraaga ayan umahadcelinaya sifican ba ugu farayareysatay nimankan dhahayo wadaniyada gaalnimo ah wax mafahmayan sey badiye u jogen bay magaalo xernimo ka bilaben adun iyo su u shaqeyo ma yaqanan waxa indhahoda buxuyey xoga xer ah oo reer miyi ah oo xafis dowlad iyo wadan midna aan waxba kala soconin hees calan aan waligood qaadin geel moxow indho kuul kakasa lakin diinta ay ku dodayan oo sida qaldan loga dhaadhiciyey hadi lo raco madina sow yuhuud iyo munaafiqiin lama difaacaneynin muslimiinta? diina wax kama taqanan aduuna waa laeydinka idnaha saabay

  8. Muxammed says:

    Asc ubu rixa magaalooyinka makka iyo madiina ayaan oogu jeclahay aduunka inaan kaga noolaado ee ma la ii ogol yahay inaan ku noolaado? Waa maya bal inaan ku noolaado werkeeed daayee mala ii ogol yahay inan xaj kusoo guto ama cimro? Maya la iima ogola? Yaa ii diiday? Waddaniyad baa ii diiday oo waddani ma ihi ku dhashay wadanka sacuudiga sidaad daraadeed waxaa la iga rabaa pasapoor iyo waliba fiise inaan ku soo galo nebiga scw. Markuu xajka ka hadlayey wuxuu yiri ha aado qofkii awooda wadaniyaduna wey nasakhday xadiithkaas oo waxay tiri xajka waxaa aadi karo qofkii pasapoir iyo fiiso haysto? Bal gaalnimadaas cad baad ii qurxineysaa ood igu qulaamineysaa adigoo qiil u raadinaayo qubxigaas? Nin soomaali ah ayaa afkiisa iiga sheegay in xaj loo diiday asagoo kasoo xajiyey abuu dabay loona diiday inuu soo galo sacuudiga ka dib markii la yiri baasaboorkaaga dhicitaankiisa shan bilood ayaa ka dhiman sidaa araadeed international law ayaa diiday inaad soo xajido by bye?

  9. Abu Rixa says:

    @Muxammed
    wcs marka hore anoo ku ixtiramaya waxaad u jawaabtay qaab xarfinimo ah, waxaan ula jeedaa jawaabtaydii oo dhan waxaad ka fahantay maka, madiina iyo xaajka sxb naska waa cumuumu lafdiga ii mahan khusuusu sababka inaad wadankaaga jeclaatidna khaaskuma ah inaad maka iyo madiina ii xataa waxaa sunne ah ama sharci ah inaad xamar iyo somalia jeclaatid (marlabaad fiiri sharaxa xadiiska bukhaari ee ibnu xajar), dhanka kale waxaad isku qastay labo walxood oo kala ah
    1.mawqif diplomaasi ah (siyaasi ah) sida in la adkeeyo ama la jilciyo dal ku gal iwm, maxaa yeelay kuma lihi ma dhaliili kartid sucuudiga iyo dawlad kaleba qaabka visaha u bixiyaan ama processing kooda
    2. arin qariisi ah oo ilaahay dadka ku abuuray oo la dhoho wadaniyad (in wadankaaga aad jeclaatid) waana arin mashruuc ah sidaan nusuusteed kor kuugu xusay.
    ugu dambayntii addilla keenso mawqifkaaga kabbaysa “wadaniyadu waa galnimo” maantoo dhan ha taagnaane!

  10. wadaad yare says:

    Abu Rixa

    Waad ku mahadsantahey sidaad iskugu deyeyso inaad dad maskaxdooda qufullo lagu jebiyey wax u fahamsiiso. Laakiin haka yaabin iney fahmaan inta ay kasloonida ku qabaan dhagar qabayaasha is qarxinaya oo naftooda halaagaya iyo nafta dadka.

    Ma waxaa wax fahmaya ninka ka yaqsan la, oo ay la qummantahey wiilasha yar yar ee maalin kasta hilibkooda soo waraya sidii kawaankii xoolaha?

    Laakiin ineysan kuwo kale duufsan oo iskaga dhigin dad diin sheegaya oo aysan jaahiliinta baadiyeyn in loola doodo oo shubuhaatkooda raqiiskaa loo muujiyo nacasnimadooda meeshey ku jirtaa.

    Bal damiinnimadiisa ninka maanta fahmi la, inaan Viso laga maarmeyn maxaa lagala doodaa waa wax dhego xirane?

    Hadii halka milyaar iyo barka muslimiinta si aan regulation laheyn loogu fasaxo iney usoo xajiyaan maxaa dhici lahaa isma weydiinayo!

    Waqtigii Rasuulka iyo Salafka ma jireen isgaarsiintaan sahashey isku socodka dadka oo qof kastaa saacado yar kaddib uu ka degayo meeshuu doono?

    Haddaan Viso iyo dokumenti jirin immisa gaalo ah ayaa intey muslimiin sheegtaan iska soo buuxin lahaa xajka iyo dhulka barakeysan?

    Qalbigooda xanjo ayaa ku dheggane caammadana hallooga digo hana la iska dhiciyo najaastu dad ma ahane!

  11. sugule says:

    to muxammed
    waxan ku wdydinaya laba su,al oo kala ah
    laba bilyan ee musliminta ah way jecel yihin inay maka iyo madina ku noolaadane suurtagal ma tahay inaan labadeena bilyan maka iskugu imano?
    tan kale in paspor la qaato in lagu gaaloobayo yaa ku shegay?
    abu rixa iyo wadad yare qomkan isku mel wax kama aragno caqli ay kugula dodana ma qaban sheydan ba quful ku dhajiyey qofki isku daya inu kafurana card cas baa lo taagaya

  12. wadaad yare says:

    Abu Rixa iyo Sugulle

    Jazaakumullaahu kheyr. Waxaan ula doodeyno iney iyagu wax maqlaan maahane waa inaan caammada iyo da, yarta qalbigoodu xaashida yahey iyo iyaga aan loo kala dhex bixin, markaasna ay khuraafaatkooda diin uga dhigaan, dabeedna isagoon dheg la qabto laheyn oo miineysan uu nasoo galo oo isku keen qarxiyo.

    Kuwaanoon dowlad loo heysan waa nasiib darro ee Ilaahey dowlad musiibadaan xijaab nooga noqota hanoo sahlo.

  13. Good Debate says:

    qoraaga maqaalkan waxaad moodaa aniga aragtidey in uu is dhexgelinayo laba arimood oo aan shaqo isku lahayn oo kala ah waddaniyad iyo tacabir ama haajirid iyo sahamin meel ama xaalad ka fiican duruufta nololeed ee qof ama dadyow haysata. in la haajiro oo la tacabiro waa centuries-old practice oo aadanuhu weligiis waa soconayey oo nolol wanaagsan ama shaqo iyo dhaqaale wanaagsan ayuu raadinayey, dadka reer baadiyaha ah wax gaar ku ah ma ahan, mana ahan wadaniyad la`aan, tusaale ahaan maanta oo aynu joogno dadyowga aduunku weli sidii bay u haajiraan waxaad arkaysaa gobol boom ama koboc dhaqaale ama shaqo ay ka dhacdey oo dadkii aadayaan sida markii ay soomaalidu khaliijka adi jireen 70kii ama hoos u dhaca ku yimid xirfadlayda I.T ga ee wadamada reer galbeedka ee ku qasbay hindidu in ay u haajiraan maraykanka iyo yurub. ama dadyowga polishku sida xad dhaafka ah ee ay ugu soo qulquleen U.K iyo Germany markay E.U da ku soo biireen, marka arintan dadkoo dhan waxay noqonayaa reer guuraa waana aadanuhu wax ay caado u tahay in sameeyaan. waqtigan cowlamada iyo fududaynta isgaarsiintuna kuma sii jirto in dhaqdhaqaaqa dadku noqdo mid maraya meeshii ugu fiicnayd sidaas oy jirtana dadku weli waa wadaniyiin oo hilow wadan marna qalbigooda kama go`in.

    hadii aad wadanka mudo ka maqnayd oo aad soo noqotid waxaad u imaanaysaa dadkii oo isbedelay oo kuwa da`doodu yarayd koreen, waayeelna qabri la dhigay, ragii aad barbaarta isla ahydeena ay ciroobeen, xoogsato meelo kale ka timidna soo buux dhaafiyeen magaalada. waaa meesha ninkii carbeed ka yiri” ” dadku mahan dadkii aan aqaanay daartuna daartii aan aqoon jiray ma ahn.

    hadii wadaniyada laga hadlayo waa process umadeed oo mudo soo socday oo ku qotoma taariikhda umadaas, thaqaafadeeda, xoriyadeeda, diinta iyo dhaqanka, cimilada wadanka iyo xataa cuntooyinkeeda.. soomaalidu jacayl wadan waa qabaan waana fududahay in wadaniyiin laga dhigo laakiin duruufo qalafsan ayaa ka jira wadanka. in dadku jeclaadaan wadankooda meel ay joogaanba u soo hiloobaan, oo ay difaacaan qadiyadiisa waa madluub waana waajib,. dowladihii soo maray wadanka iyo hal abuurka suugaanta soomaalidu kaalin wayn ayay ka qaateen arintaas waana tii soomaalidoo qabiil qabiil ah isku keentay si ay gumaysiga reer yurub isaga saaraan, mar dambana 1977 kii soomaalidoo hal ah oo wadaniyad la qiiraysan itoopiya darsi lama ilaawaan ah siisay.

    qodobka ganacsatada ku saabsan ee qoraagu la xiriiriyay wadaniyad xumadooda siday u gateen ama u xaalufiyeen hanti qaran, waxa keenay taas waa dowlad la`aanta iyo fowdada lagumana dhaliili karo, sharcigii ciqaabi lahaa ayaa meesha ka baxay, lagana yaabee ganacsato in aan lagu sheegi karin kuwii sayidka taaladiisa imaaraadka ka iibsadey. laakiin mid waa lagu dhaliili karaa ganacsatada oo wadaniyad xumo ah waa mida ah in ay taageereen qaarkood ama lacagtooda ku bixi yeen dagaalkii ahliga ahaa oo warlordhadii ay maal geliyeen, iyo iyagoon u adeegsan lacagtooda in ay ku bixiyaan sidii soomaaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii iyo nidaamkii , iyaguna ay hormuud ka noqdaan soo celinta nabadda iyo dowladnimada. halkaas waxay ka yihiin garwadeen lagu gablamay eeddana halkaas ayay ku leeyihiin aniga aragtidey.

    waad mahadsantihiin

  14. Muxammed says:

    Asc abuu rixa waxaad tiri adilo la imow maanta dhan haku haynin wadaniyad waa gaalnimo? Abu rixa adila iyo waanadaba waxaa qaata dhagihii wax weeleeya? Wax badan baanu adilo idin tusnay adiga iyo saaxiibadaaba in wadaniyad, qaranimo, iyo calanba daaquud yihiin bal wax waad ku qaadan la dihiin? Tan aad leedahay si xariifnimo ah baad u hadashay adaa xariifnimo labo jibaaran u hadlay? Waayo marka koowaad anigu qoraha maqaalka ayaan u jawaabay jawaabteyduna waxay radineysay wadaniyada uu qoraagu difaacayey ee ahayd wadan aan wadaniyiin lahayn waa guri aan deyr lahaa? Oo macnaheedu yahay wadaniyiintu wadankoodu waxay u yihiin deyr ka difaaca dugaaga soo weeraraya? Anigu wadan iyo wadaniyiin ayey doodaydu ku saabsaneyd adiguna waxaad ila aaday makka oo qaryo ah iyo madiina oo qaryo kale ah markaa qaryo iyo wadan isku mid ma ahan ee sidaa u kala ogow? Makka waa qaryo wadankeedu waa sucuudi muqdisho waa qaryo wadankeedu waa soomaaliya qaahira waa qaryo wadankeedu waa masar siday gaaladuna naga dhaadhicis kuwo badan oon diinta islaam aan aqoon u lahayna ay run moodeen? Ayna ku dhaceen dhex maquurteena dhagartey gaaladu u degtay dadka muslimiinta ah. Waxay waxaani bilowdeen xilaygay ingiriis iyo faransiis ay sameeyaan xaduudaha caalamiga ah ay xarxariiqeeb sekas bekas sanadkii 1916-kii si ay qoorta iskugu galiyaan dadyowgii muslimiinta ahaa ee markaa ay gumeysanaayeen ayna ooga takhalusaan waxla yiraahda midnimada muslimiinta iyo khilaafa islaamiyah? Markii ay gaaladu dhisanayeen waxa ay oogu yeeraan united nation wadamada muslimiinta waxay ku jireen gumeysi badankood waxaana loo keenay waxay gaalo diyaarsatay oo diintooda kasoo dhanbalatay ayaa laga saxiixay dowladihii islaamka sheeganayey madaxdoodii kuwaasoo dhamaantood ahaa arday ay gaalo soo barbaarsatay waxna soo baratay ayaguna wey saxiixeen daaquudkii gaalo ay wadatay? Tusaale gaaban chaterka qaramada midoobay waxaa ka mid ahaa dowladii rabto inay xornimo ka qaadato reer yurub waa inay qeexdaa nooca dowladeeda iyo nooca dastuurkeeda waxaan mabnuucka ah in dastuur laga dhigto kitaabka alle sidaa daraadeed baad arkeysaa dowladii soomaaliya ee 60-kii nooceedu wuxuu ahaa democracy multiparty? Bakistan federal rebuplic, libya milatry dictotership? Hal wadan oo loo ogol yahay ma jiro in loogu yeero islamic state? Cidii tiraahdo kitaabkaan isku xukumeynaana waxaa la dul keenayaa b52 iyo tangiyada reer galbeedka

  15. Muxammed says:

    Wadaad yare waxaad tiri hadeysan fiso jirin halka milaardi ee muslimka ah see loo kala maamuli lahaa? Taa waxaan kaa iri siday hada ku yiaadaan si la mid ah ayey ku imaan lahaayeen ayagoo imaaro imaaro kala ah tusaale imaarada islaamiga ah ee soomaaliya intaa haka soo xajido imaarada masar sidoo kale imaarada ciraaq sidoo kale ayadoon fiise iyo pasapoor midna lagu xirin weyna iman doontaa inshaa allaah kol dhow? Waxaa tiri hadaysan fiisa jirin gaalo muslim iska dhigaysa ayaa kusoo gaban lahayd oo sidaa xajku iman lahayd? Waa hurudaaye hadaba gaalo ayagoon gaban bay sid cad ku yimaadaan dhulka barakeysan ee syybanahu scw yiri jaziiratul carab gaalo kuma rki karo waliba ayagoo khamriga ku cabo dhulka barakeysan oo fisqiga ku sameeya ayey joogaan? Waxaad tiri nimanka ka yaqyaqsoon waayey inay dhiig daadiyaan? Cajiib waxaa yaqyaqsooda qofkii dhamxanag leh hadaad dhamxanag leedahay ama aad tahay nin yaqyaqsooda waxaa ka lalaboon lahayd dastuurka fasaxaya inuu nin ninkale fuulo naagna ay naag kale ku safaada kaasaas ka yaqyaqsoon lahay ood maalin walbo la taagan tahay dastuurbaa banaan ee hala qaadto? Waxaad tiri nacasnimadooda? Hada ka hor ayaa mid reer mudug ah oo doqon ahaa isuna haystay inuu caaqil yahay ayaa yiri hebelow doqomada reerkanaga aan tirino? Markaasaa ninkii uu la hadlayey ku yiri bal adiga kow dheh? Markaasuu yiri ba,aa? War anigu nacas ma ihiyee ee doqomada reerka ila tiri markaasuu ninkii yiri waan kaa saari doonaayee bal horta adiga kow dheh? Markaasuu yiri kow? Ninkii baa yiri nacas labaadba reerkanaga ma lahan? Wadaad yare waxaan ku leeyahay hadii la yiraahdo doqomada soomaaliyeed hala tiriyo waxaad noqoneysaa doqonka koowaad ee soomali ka dhashay? Lakiin nasiib daro isma ogid? Iskamana kaa dhihin kuma dulmayo bal waan kuu cadeynayaa doqonimadaada 1. Nin dalkiisii gaalo kusoo duushay oo dadkii gaalada ka difaacayey maalin walba tunka haysa gaalidiina ku sabeen xirahayo ayaa tahay oo gaalkii garsiinayo mujaahidiintii difaacaysaneyna gardaro ku xukumayo kuwa noocaagoo kale ah abwaaniinta soomaaliyeed ayaa doqonimadooda ka hadlayoo waxay dheheen geesiga damqanayaa gumeystuhu la diriraa? Mujaahidka difaacaa doqontuna huruuftaa?

  16. Abu Rixa says:

    @muxammed
    markii aan arki adoo sadaro badan soo qoray waxaan is iri waxaa laga yaabaa in uu wax uun adillo ah soo helay laakiin markaan sii akhriyey nasiib darro xitaa adillo iskaddaaye shubuhaad aa kaala niqaasho waasoo waysay, maxaa daliil soo heshaa isbeelinka afsomaligaadban sixi karane maxaa yeelay anigu masheegin wax xariifnimo la dhoho waxaan ku iri waxaad u jawaabtay qaab XARFINIMO AH , waxaa kaloo markaad waxbadan soo qortay isaga kaa dhex yaacay WADAN IYO WADANIYAD waa markaad leedahay “maka waa qaryo sucuudiga wadankeeda ah” muslimnimada, insaaniyadda iyo raganimadaba waxay keenaysa inaad ka gaabsatid wax aadan haba yaraatee daliil u hayn, ma ahan inaad u dhaqanteed walaal “maxaa iga galay mar hadaan la i arkeen ama aan la i aqoon” magaranayo qiyamka ku ogalaaday inaad commenti ku caaysid qof fikir aad isku khilaafteen oo aad dhahdid “doqon” creekgii hore ayaa waxaa dhaqan u ahaa markii ay ku fashilmaan niqaashka inay dadka caayaan la dagaalamaan waxaana ka koobiyeey suufiga iyo ashabaab (iyo taageeriyaashooda) afka carabiga waxaa loo yaqaan (safsaddah), fadlan hadiiba ay adkaysasho danbe kuu dhimantahay adilo ku difaaca fikirkaaga adoon caroon haddii kale aniga waa iga bas!!

  17. Muxammed says:

    Abu rixa waxaad tiri ma garanaayo qayimka kuu ogolaaday inaad caydo ama doqon ku shegto qof aad fikir isku khilaafsan tihiin? Taa waxaan kaa iri ninkaan doqon ku sheegay asagaba nacasnimuu naku sheegay asagaana aflagaada ku horeeyey idan inaad tayda daaha qaado tiisana aad duugto taasu waxay nasusinaysaa sidaad cadaalada ooga aradan tahay? Xariifnimo iyo xarfinimo waa labo erey oo aad iskugu dhow xaga qoraalka oo isu ekaan karo haday iskaga kay dhexgaleen inaad igu sheegto nimaan aqoon speelling soomaliga iyaduna waxay na tusaysaa xukun jowrkaaga intuu gaarsiisan yahay? Anigii kula doodayey ayaad ii cadaalad smeyn la dahay umada aad tunka haysato habeen iyo maalin maxaad moodaa? Adiilo haday ku celinayso iga hoo waxaad tiri wadankaaga inaad jeclaato waa mashruuc? Hadalkaasaaba shirki inaad wadanka isu idaafayso ood inaad leedahay sheegato ayaaba shirki ah daliilkuna waa ( innal arda lilaah) arlada alaah sw. Ayaa iska leh iyo waxa ku dhexjiraba xadiith nebi scw. Wuxuu ahaa qofku dhulka wuxuu ku leeyahay ( guri uu dago, beer iyo 2mitir o lagu duugo qofkii intaa ka badan sheegta maalinta qiyaamo 7arlo ayaa kuqunta loogu duuduubaa) xadiis sidaas macnihiisu ahaa hadaan usoo noqdo jaceylka arlada iyo naceybkeeda horka dhulka ilaahay baa iska leh sida ku cad aayadaan kuusoo qoray waana isku mid dhuka eebe oo makala fadli badno marka laga reebo meelaha barakeysan ee diinta kusoo aroortay sida makka madiina iyo beytul maqdis? Dhulka intiisa kale wuxuu ku kala fadli badan yahay ama ukala khayr daran yahay sida allah sw loogu caabudo ama loogu caasiyo? Mathalan dhulka allah meel looga noolaado waxaa oogu xun waa mareykanka waxayna darajadaas ku heshay waa kufriga, fisqiga iyo xaaraanta? Meel lagu noolaado waxaa oogu kheyr badan waa wilaayaadka islaamiga ah ee baraawe, baardheere iyo buurhakabo waxayna ku muteen waa kheyr iyo wanaaga ka jira iyo sharciga eebe oo lagu dabakho? Waxaa xaqiiq ah inaan kusiiyey adilo kugu filan hadaad ku waano qaadaneysid wuxuu alle na amray inlaga hijroodo dhulka gaalo ka taliso wuxuu suubanuhu naga nahyiyey in dabkeeniyo dab gaalo isu muuqan? Loona hijrooda dhulka kitaabka alle ka oogan yahay? Marka dhulku allah sw. Ayaa leh dhamaantiis mana kala fiicno waxa lagu kala jecel yahay waa meelna sharcigii allah ayaa ka oogan cidna laguma dulmi karo meelna gaalaa ka taliso oo fisqi baa dul heehaabaayo iyo dulan sidaasaa naloo amray inaan ka hijroono

  18. Abu Rixa says:

    @muxammed
    Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan muuqaal guud ka helay khibraddaada dhanka diinta intay gaarsiisantahay!!
    aayadda aad soo qortay ee ah “….inal arda lilaah” qaabkee u daliishatay??? dhulka ilaahaybaa leh sax, aduunkoo dhan alaa leh (maalik al mulka) nafteena ilaahaybaa iska leh sidaas oo ay tahay aayada aad bilowday maa dhamaystirtid waxaa ku ciga”…yuurithuhaa man yashaa” cidduu doonoo dhaxalsiiyaa (siyaa) marka ma ayaadaasaa dalil kuu noqon kartaa?? mise aday ku radinaysaa aayadda kala ilaahay wuxuu ku yiri “ilaahay ayaa boqortooyada oo dhan iska leh, CIDDUU DOONO AYUU SIIYA BOQORTOOYO CIDDUU DOONO WUU KA QAADAA…) xittaa maku fahmiwaysay !!!xadiiska??? (hoos ayaan uga hadli doonaayee) aad ku leedahay guri,beeer iyo 2mitir ee qabriga qofku wuu yeelan karaa?? markii horena waxaad tiri waa shirki inuu dhul yeesho??
    hadaan usoo noqdo (xadiiska?) aad soo qortay ee nabiga aad u tiirisay halkee ku yaalaa ma nabigaa weligiis sheegay ama ka hadlay 2 metre mise meter ayaa waagaas jiray, xadiiska meeshuu ku yaalo sheeg haddiii kale ilaahay ka baq oo nusuusta hakuu been abuuran!

  19. Muxammed says:

    Abu rixa@ aayadu aniga ima radineysee waxay radinaysaa ninka sheeganayo dhulka eebe inuu asagu leeyahay ee ku haya soomaaliya soomali baa leh wadankeena soomaaliya haka baxaan dadka ajaanibta ah ee masar sucuudi ka yimid ha joogaan walaalaheen ugandha burundi dadka fikirkaas daaquudka ah qabo yey aaayadu xablul wariidka jareysaa? Xadiithka macnihiisa sidaa yahay baan ari anigu ee ma oran xadiisku sidaa buu ahaa adaana igu been abuuranayo been abuurna iiga digayo? Tan kale ninkii lahaa dad muslimiin ah oo mujaahidiin ah iyo gaalo cawaan ah ayaa isku dhaqan ah waxaa khalad ah inaan lasii doodo ee salaamun caleykum?

  20. Abu Rixa says:

    @muxammed
    walaal ha is xiijin hana u hadlin kaliya yaan commentiga lagaaga dambayn!!!! wax yar intaad tawaaducdid qiro in shubuhaadkii lagaa kala daadiyey!!!! xadiiskii aan kuu diray inaad sanadkiisa soo xaqiijisid waad kari waysay (anna waanba ogaa inaadan soo sixi doonin macnaha xadiiska aniga kaama sugayn ee waxaan kaa sugayay nas sareex ah???),
    dhanka kale waxba identitiga (ahaanshaha) kuma kordhiyo qofkaa laakiin waxaa lagu kala tagay waa characterka (dhaqanka)tusaale: haddii adiga oo muslim ah aad wax xadid dabcan gaalka wax xaday iyo adigaba waxaa tihiin labo tuug (dabcan kaamawado) sidoo kale gaalka dadkiisa laaya oo wax values ah aan lahayn waxaa lamid noqonaya muslimka dhaqankaas laga helay

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno