Home » Diinta, Wararka » Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad) W/Q: Sh Axmed C/samad

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad) W/Q: Sh Axmed C/samad

Qeybihii koowaad iyo labaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay: qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo la turjumay, ahmiyadda gaar ahaaneed ee qisaani leedahay iyo qeyb ka mid ah faa’iidooyinka qisada gaar ahaan faa’iidooyinka Alle weyne ka hadlaya iyo kuwa cilmiga ku saabsan. Qeybta seddexaadna waxaan ku soo qaadaynaa faa’iidooyinka ka hadlaya aadaabta saaxiibtinimada iyo faa’iidooyinka kale ee caamka ah.

Faa’iidooyinka saaxiibnimada ee qisada:

Wiilka (khaadimka) Muuse raacay waa Yuushac Ibnu Nuun, sida ku cad naska xadiiska, waana nabi ka mid ah nabiyaasha reer Banii Israa’iil, waana nabigii Ilaahay qorraxda u joojiyay markii uu magaalada qabsanayay.

Xadiisku wuxuu tusayaa in qof xor ah la adeegsan karo iyo in khaadimku adeeco qofka uu u khidmaynayo iyo, in aysan dhib lahayn in caalimka iyo ninka fadliga leh uu adeegsado qof uu ka fadli badan yahay, mana noqonayso inuu cilmi baristii iyo edbintii ujro ku qaatay ee waa dhaqan wanaagga iyo muruu’ada saaxiibnimada. Muuse khaadimkiisa ayaa cuntada u siday.

Waxaa habboon in khaadimka ama shaqaalaha shaqadiisa loo caddeeyo, taas oo keenaysa in uu xilkiisa garto, hadhowna lagu la xisaabtamo. Muuse wuxuu ku yiri khaadimkiisa: kugu kallifi maayo wax kale in aad ii sheegtid meesha kalluunku kugu faaruqo mooyee.

Diintu way jidaysay in loo khidmeeyo culimada iyo dadka fadliga leh. Yuushac Ibnu Nuun wuxuu u khidmaynayey nabi Muuse, Anas Ibnu Maalik-na nabigeena ayuu khaadim u ahaa. Waxaa kale oo xadiisku tusayaa in loo baahan yahay rafiiq wanaagsan marka la safrayo.

Waxaa sunno ah in ninku khaadimkiisa cuntada wax ka siiyo.Waxaa kale oo habboon in ay labadoodu wax wada cunaan. Wuxuu yiri nabi Muuse: ina soo sii qadadeenii, taas oo tusaysa in ay wada cuni lahaayeen.

Waxaa loo baahanyahay in loo turo khaadimka iyo dadka ku raacsan, khaadimkii Muuse wuxuu hilmaamay in uu u sheego in Ilaahay kalluunkii nooleeyay, hilmaankaasna wuxuu ku kallifay safar dheer oo ka dheeraad ah baahidooda, Muuse-na khaadimkiisa kuma canaanan hilmaankaas. Anas Ibnu Maalik oo nabigeena toban sano u khidmaynayayna wuxuu yiri: waligay nabigu wax aan sameeyay ima oran maxaad u samaysay, wax aanan samayna ima oran maxaad u samayn weyday.

Waxaa habboon in aan ninku saaxiibkiis marna ka tagin ilaa uu cududaar ka gaaro, sidii Khadirba yeelay, kama uu tagin ilaa Muuse qirtay in Khadir cududaar ka gaaray.

In ninku saaxiibkiis ku waafaqo wixii aan mamnuuc ahayn waxay keenaysaa in ay saaxiibnimadii sii joogtowdo, siina xoogaysato.

Faa’iidooyinka guud ee qisada:

Waxaa loo daliishan karaa qisadaan in qof kale lagu oran karo: Alle ha igu kaa furto.

Beentu waa in shayga looga waramo si ka duwan sida uu dhab ahaan yahay; sidaa darteed been buu sheegay cadawga Ilaahay waxaa looga jeedaa wuxuu sheegay wax khilaafsan xaqiiqada ee laga ma wado in uu been u jeeday. Waxaa laga faa’iidaysanayaa beenintaas in caalimku gar u leeyahay in uu ku beeniyo ciddii cilmi la’aan wax uga sheegta wax uu isagu cilmigiisa hayo, sida nabigeenu (scw) u yiri: been buu sheegay Abuu Alsanaabil (wax aan dhab ahayn buu sheegay).

Diintu way jidaysay in ninku ka waramo daalka iyo dhibta qabsatay, sida nabi Muuse u yiri: safarkayagaan waxaan kala kulanay daal. Waxaa la mid ah in ninku ka waramo xanuunka haya, haddii aanay wehelin Alle ka eedsheegad iyo qadar u carood.

Kaalmaha Ilaahay wuxuu addoonka ugu yimaadaa hadba sida uu u fuliyo amarka Alle, qofka waafaqsan amarka Ilaahayna waxaa loogu kaalmeeyaa si aan loogu kaalmayn kan khilaafsan. Wuxuu yiri nabi Muuse: waxaan kala kulanay safarkayagaan daal, wuxuuna tilmaamayey safarkii uu dhaafay meesha loo socday, horayna uga ma eedsheegan safarkoodii ay ugu socdeen meesha labada badood ku kulmaan.

In sida saxda ah loo soo noqdo gafka ka dib ayaa ka khayr badan in khaladka lagu sii madax adaygo. Muuse iyo Yuushac dib bay ugu noqdeen raadkoodii markii ay ogaadeen in ay meeshii dhaafeen. Si qofku wixii ka khaldama uu uga noqdo ayaana Ilaahay u jideeyay toobada.

Diintu way jidaysay in qofka lagu dhoho: waa kuma?, isagana waxaa laga rabaa in uu sheego magiciisa ama wax kale oo lagu garto ee aanu oran waa aniga iwm. Khadir wuxuu yiri: kuma ayaad tahay?, Muuse na wuxuu ugu jawaabay: waxaan ahay Muuse.

Hilmaanku waa dabci banii aadam, qofkii wax hilmaamana lagu ma canaanto.

Diintu ummadihii hore way u jidaysay salaanta. Muuse wuu salaamay Khadir, Khadirna wuu la yaabay halka salaantu uga timid deegaankii uu markaas joogay.

Wax kasta oo qofku u maleeyo inuu qaban karo ma fulin karo, Muuse wuxuu ku yiri nabi Khadir waan sabri doonaa, mana ku caasin doono, in shaa’ Allaah. Ka dibna waxaa u caddaatay in aanu waxa uu la kulmayo ku sabri Karin.

Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa in qofkii cid shardi la gala ay waajib ku tahay in uu u oofiyo, haddaanu dambi ahayn iyo in culumada ballan lagu la gali karo habka waxbarashada iyo arrimo kale, ninkii khilaafana looga baahan yahay in uu cududaarto, sida Muuse yeelay. Khadirna wuxuu Muuse ku yiri markii uu ballankii seddex goor jabiyey: kani waa kii aan ku kala tagi lahayn, Muusena arrintaas ma inkirin.

Way bannaantahay in doon iwm la kiraysto iyo in dadka karaamaynta laga aqbalo, sida Khadir u yeelay in ay nooli la’aan ku raacaan doonta.

Qofkii ixsaan loo galo waxaa laga rabaa in uu ka abaalgudo. In laga abaaldhacana ma habboona, iska daa in dhib loo gaystee. Muuse wuxuu yiri: dad nooli la’aan nagu soo qaaday baad doontoodii u qasaday oo dillaacisay!.

Miskiinku wuu yeelan karaa xoolo aan ku filnayn, arrintaasna ka bixin mayso tilmaanta miskiinimada. Wuxuu yiri Khadir: doonta waxaa lahaa masaakiin.

Way bannaantahay in badda laga shaqaysto sida berriga looga shaqaysto oo kale. Khadir wuxuu yiri: doonta waxaa lahaa masaakiin badda ka shaqaysata.

Khadir wuu ku dadaalay in aan doontu degin, dadkuna hafan oo wuxuu meeshii uu fujiyay ku dhakabiyay kurtun; si aan biyuhu uga soo galin. Wuxuu sameeyay xeelad ah (sidee xeego loo xagtaa, ilkana ku nabad galaan?).

Diintu waxay jidaysay in xumaha uu raddiyo qofkii ogaada in uu xumaan yahay.

Qofka wax hilmaama dambi looga qori maayo waxa uu hilmaamay ha noqdo xaq Ilaahay ama xaq aadane’e, waxaase dhici kara in laga gudo wixii ka dhasha hilmaankiisa oo xaq aadane ah. Muuse wuxuu yiri: ha ii qaban wixii aan hilmaamay.

Ma habboona in dadka lagu kallifo wax aanay Karin ama mashaqo ku ah; waayo way daalinaysaa, xaqana way ka eryaysaa, waxaase loo baahanyahay in lagu la macaamilo cafis, fududayn iyo wixii ay karaan. Muuse wuxuu yiri: ha igu saarin arrintayda culays. Haddaba waxaa la gudboon dadka in ay qabtaan wixii ay karaan ee aysan isa saarin wax awooddooda ka baxsan.

Arrimaha oo dhan axkaamtooda waxaa lagu socodsiiyaa waxa muuqda, axkaamta adduunyada ee maalka iyo dhiigga iwm waxaa la cuskanayaa waxaas muuqda ee daahirka ah, waxa qarsoona Ilaahay baa loo daynayaa. Nabi Muuse wuu ku raddiyey Khadir dillaacintii doonta iyo dilkii wiilkaba, illaa sida muuqata waa in uu dulmi yahaye, Muuse na uma bilnayn in uu ka aamuso.

Dilku wuxuu ka mid yahay dambiyada ugu waaweyn. Muuse wuxuu ku yiri macallinkiisii: waxaad samaysay wax la inkiro (foolxun). Halkaa waxaa inoo ka muuqanaya in aan cidina sharciga ka weynayn iyo sida marar badan loogaga aamuso dadka jidka ka weecanaya, iyada oo lagu tixgalinayo sheekhnimo ama madaxnimo.

Qisaasta oo ah in qofkii qof dila loo dilo, kii dhib gaystana laga jaro waa wax diintu jidaysay, mana aha munkar. Muuse wuxuu yiri: (iyada oo aan naf dilin), munkarna ma aha dilka qofkii naf si ula kac ah oo xaqdarro ah u dila. Waxaa yaab leh in aan loo danqan tobanaanka ama boqollaalka dulmiga lagu dilayo, lagana qayliyo qisaasta mujrimkii xasuuqay!.

Waa waajib in la martigaliyo ciddii xaq u yeelata, waliba sharci ahaan martida la soori waayo xaq bay u leedahay inay xoog ku qaadato martigalyadeeda.

Way fiicantahay in lagu tabarruco khayr ama hawl iyada oo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo. Khadir si tabarruc ah buu ku toosiyay darbigii dhacayey.

Waxaa sunno ah in uu qofku ducada iyo arrimaha aakhiro naftiisa ka bilaabo, sida nabigeenu u yiri: naxariista Ilaahay ha ahaato korkayaga iyo Muuse korkiisa. Wixii arrimaha adduunka ah se waxaa edeb ah in dadka kale loo dooro, naftaadana aad ka hormarisid.

Si wanaagsan buu Ilaahay awliyadiisa ugu maamulaa wax muuqaalkiisu dhib yahay, laakiin naxariis ah. Eeg wiilka gaalnimada u jiidi lahaa waalidiintiis oo laga diley, mid ka wanaagsana loogu badalay iyo masaakiinta doonta laga jeexay oo Rabbi ugu badbaadiyey.

Nabi Khadir doontii wuu dillaacshay, wiilkiina wuu diley, wuxuuna sheegay arrimahaan inuu ku sameeyay amar Ilaahay  iyo doonistiisa, wuxuuna yiri: waa (naxariis xagga Rabbi ka ahaatay, aniguna taladayda kuma samayn). Taas waxay tusaysaa in uu waxyi arrimahaas ku saabsan ku soo degay; sidaa aawadeed uma bannaana qof aan waxyi samada uga imaanayn inuu wax dilo oo wax kharribo, isaga oo ku andacoonaya in ficilkiisa xikmad qarsooni ka dambayso.

Naftu way jeceshay qisooyinka iyo dhagaysigooda. Nabigeenu (scw) wuxuu yiri: waxaan jeclaanay in Muuse sii sabro; si Ilaahay khabarkooda noogaga sii waramo. Haddaba waxaa loo baahanayahay in qisooyinka Qur’aanka iyo xadiiska looga faa’iidaysto hanuuninta, wacdinta, qancinta iyo tarbiyaynta dadka gaar ahaan carruurta.

Waxaa wanaagsan in uu dhoho in shaa’ Allaah qofkii yiraahda waxaas baan mustaqbalka samaynayaa, sidii Muuse u yiri: waad i heli doontaa aniga oo sabraya, haddii Alle idmo. Ilaahayna wuxuu yiri: (shayna ha dhihin berri baan arrinkaas qaban doonaa, (in aad dhahdid) in shaa’ Allaahu mooyee).

Way bannaantahay in labada dhibaato ee aan laga wada fakan karin midda fudud lagu dhoco; si looga fakado tan daran. Sidaa oo kale waa laga indhalaaban karaa munkaraadka qaarkood; si aanu uga dhalan munkar ka dhib badan. Khadir wuu ceebeeyay doontii; si aan doonta oo dhan loo dhicin. Haddii uu ceeb la’aan ku dayn lahaana boqorkii doomaha fiican boobayay ayaa ka dhici lahaa. Laakiin waa inaysan waxaasi khilaafin waxa sharcigu caddeeyay, tusaale ahaan: ma furna in la dilo qof laga filayo in uu dad badan laayo inta aanu ku dhaqaaqin. Khadir isagu wuxuu u dilay Ilaahay baa ogaysiiyay xaqiiqada wiilkaan, isla markaana amray.

Xoolaha qaarkood in la fasaadiyo; si badankooda loo wanaajiyo way furantahay. Khadir doontii qaarkeed buu fasaadiyay; si badankeedu u badbaado, sida dhakhtarku qofka uga jaro xubinta bugta; si intiisa kale u badbaado.

Way bannaantahay in doonyo la fuulo, baddana lagu safro; si cilmi ama dan kale oo bannaan loo gaaro, sida ay Muuse iyo Khadirba yeeleen.

Diintu way jidaysay in safarka sahay loo qaato. Muuse wuxuu ku yiri khaadimkiisa: na sii qadadayada, safarkayagaan daal baan kala kulanaye. Dadka qaar baa yiri: in sahay la qaato gaar ahaan xajka tawakulka ayay ka hor imaanaysaa, arrintaasina sax ma aha oo Ilaahay wuxuu ku amray xujeyda inay sahay qaataan, wuxuuna yiri: sahay qaata, sahay waxaa u khayr badan Alle ka baqa’e.

Diintu way jidaysay in ciddii baahata ay martigalin ama cunto dalbato, haddii aysan magaaladu lahayn meelo cuntada lagu gado.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno