Home » Diinta, Wararka » AXKAAMTA SOONKA. W/Q: Idris Axmed Cusmaan.

AXKAAMTA SOONKA. W/Q: Idris Axmed Cusmaan.

Kuwa Xaqqa rumeeyoow waxa la idinku waajibiyey soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey si aad u dhowrsataan. Waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin (quudin) miskiin, ruuxii badasada (kheyrkana) saasaa u fiican, inaad soontaan ayaa idin kheyr badan hadaad tihiin kuwa wax og. Waa bisha soon ee la soo dejiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddeyn hanuun iyo kala bixin (xaqqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah, waxaa saaran maalmo kale. Wuxuu idinla dooni Eebe fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad dhammeystirtaan tirada weyneysaanna Eebbe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhowdihiin, mudantihiin inaad mahadisaan Eebbe. AlBaqara-aayadaha 183-185.

Ibn Jariir Adhabari oo fasiraya aayadan wuxuu yiri: Waxaa la yiri kuwa lagu waajibiyey soonka hortiina waa nasaarada. Laakinse habka soonkooda waa ka duwanaa keena oo waxay soomi jireen laga bilaabo habeenka kolka ay seexdaan ka dIb inaysan wax cunin waxna cabin oo ay xaasaskoodana taabanin. Oraah kale ayaa jirta oo Ibn Jariir ansaxiyay in kuwa idinka horeeyey loola jeedo ahlul kitaabka (nasaarada iyo yuhuuda). Waxaa kaloo la sheegay in waqtiga uu isku mid ahaa oo ay aheyd bisha Ramadaan ee sannadka. Inaad ka dhowrsataan cunida, cabida iyo taabshada xaasaskiina inta aad soomantihiin. Maalmo kooban oo tirsan waxay aheyd markii hore saddex maalmood oo laga soomo bil walba, sida ay mufasiriintu yiraahdeen, waa intaan soonka bisha Ramadhaan la waajib yeelin. Ka dib waxaa la waajib yeelay soonka bisha Ramadhaan oo saddexda berri lagu nasakhay. Mucaadh Ibnu Jabal wuxuu yiri: Rasuulka Allaah (salallahu calayhi wasallam) markuu yimid Madiina wuxuu soomay sadex berri bil walba iyo maalinta caashuurada Ka dib ayaa Allah soo dejiyey aayadan. Ibn Jariir wuxuu yiri: Qofka xanuunsan ama musaafirka ah wuxuu soomayaa maalmo kale oo qalo ah inta maalin uu ka afuray bisha Ramadhaan.

Haddii aad intaan wax ka mid ah sameyso soonkaaga wuu burayaa:

1) Cunid ama Cabitaan wax walba oo afka laga qaato, ha ahaado wax nifci leh ama wax aan nifci laheyn. Wax walba oo Sanka laga qaato oo u gudba gudaha ka dibna gaara caloosha, waxaana daliil u ah in nadiifinta duleelada sanka oo ah qeyb ka mid ah weysada aan lagu dheeraaneyn marka la sooman yahay.

2) Mantag oo la iska keeno (la is mantajiyo), mantaga wuxuu ku imaan karaa dhowr siyaabood oo ka mid ah fiirinta waxa nafsadu ay jecleysaneyn, urinta wax aad u qurmuuna, caloosha oo si aad u daran loo tuujiyo, farta oo afka si daran loo geliyo ilaa uu mantag yimaado, ama maqlka wax aad u xun oo nafsadu ka yaqyaqeyso. Haddii mantag iska keenid jirin oo mantagu iska yimaado ma buriyo soonka.
3) In la iska soo saaro manida ama shahwada, taasoo ku imaan karta in qofku taabto xaaskiisa ama fiirinta badiyo.
4) Xijaamada ama is toobidda (is daaweynta iyadoo dhabarka la sarsaro ka dibna dhiig laga soo saaro iyadoo lagu dhuuqayo qalab yar oo dulbada u eg), qofka la toobayo iyo qofka toobayo labaduba wuu ka burayaa soonka. In dhiig la iska keeno si ula kac ah, iyadoo qofka sooman xusuusan yahay.
5) Hadduu qofku affuro asigoo ka shakisan in qorraxdu dhacday soonkiisa wuu buray; waa inuu xaqiiqsadaa in qorraxdu dhacday. Laakinse haddii ay maladiisa u badan tahay ama uu xaqiiqasaday in qorraxdu dhacday wuu affuri karaa.

Haddii aad intaan wax ka mid ah sameyso soonkaaga ma burayo: 

1.      Hadduu qofku wax cuno ama cabo asigoo iloowsan ma ka buraayo soonka, sidoo kale haddii wax boor ah ama duqsi afka gudaha u galo si lama filaan ah, ma buraayo soonka.

2.      Waxaan halkan ku caddeyn lahaa kutiri kuteen badan oo aan raad ku laheyn sharciga, kuwaasoo aan soonka marna burineyn, sida inuu soonku ku burayo dhiig ka yimaada ciridka marka qofku cadeysanaayo, indhaha oo la kuusho, hadduu jirkiisa xoqo oo uu dhiig ka yimaado, in gooska ama ilkaha iska bixiyo oo dhiig ka yimaado, in sanka dhiig ka soo daato iyadoon ula kac aheyn, sidoo kale waxaa la isticmaali karaa buraashka iyo macjuunta ilkaha lagu nadiifiyo, laakin waxaa haboon inaan la isticmaalin maadaama macjuunta tahay mid dhuunta u degi karta, haddii loo baahdo waxaa la isticmaali karaa habeenkii. Qofka sooman waa inuusan ula kac dhiig isaga keenin asigoo xusuusan inuu sooman yahay.

3.      Hadduu qofku ku fekero u tegida xaaskiisa (galmood) ka dibna ay mani ka timaado ma buraayo soonkiisa.

4.      Hadduu qofku hurdada ku junubo (manida ka timaado asigoo hurda) ma burayo soonkiisa.

5.      Hadduu qofku haraa cuno ah ku arko afkiisa ka dibna soo tufo, ma burayo soonkiisa.

6.      Hadduu qofku qubeysanaayo oo ay biyuhu u dareeraan dhuuntiisa iyadoon ula kac aheyn, ma burayo soonkiisa.

7.      Hadduu qofku luluqado oo ay biyuhu u dareeraan dhuuntiisa iyadoon ula kac aheyn, ma burayo soonkiisa.

8.      Hadduu qofku nadiifinaayo sanka gudahiisa, sida weysoqaadka, oo biyuhu u dareeraan dhuuntiisa iyadoon ula kac aheyn, ma burayo soonkiisa.

9.      Hadduu qofku wax cuno asigoo ka shakisan in fajarka dhashay ayaa la xiriira shan arrimood oo xukunkoodu yahay sida soo socota:

  • In qofka u sugan tahay in fajarka weli dhalan, soonkiisa ma burin.
  • In qofka u sugan tahay in fajarka dhashay, soonkiisa waa buray.
  • In qofku wax cuno asigoo ka shakisan fajarka ma dhashay mise waa weli, laakinse maladiisa u badan tahay inuusan fajarka weli dhalan, soonkiisa ma burin.
  • In qofku wax cuno ama cabo asigoo maladiisa u badan tahay in fajarka dhashay, soonkiisa waa buray.
  • In qofku cuno ama cabo asigoon maladiisa dhinacna u janjeerin, soonkiisa ma burin waa saxiix.

10. hadduu qofku affuro asigoo maleynaya in qorraxdu dhacday  soonkiisa ma burin.                 11. Hadduu qofku wax cuno asigoo maleynaya in waqtigu yahay habeen laakin ay maalin tahay , sida in uu suxuurto ka dib markuu fajarku dhashay asigoon ka warheyn oo u maleynaya in weliba habeen yahay, soonkiisa wuu wadanayaa wax qaleyn ahna kuma waajibo.

Waxa soonka burinaaya iyo waxaan burineyn dhexdooda waxaa ku jira wax loo yaqaanMAKRUUH  iyo MUSATAXAB. Waa maxay Makruuh iyo Mustaxab?. Makruuh: waa waxa la reebay in la sameeyo iyadoon waajib aheyn in laga haro. Maxaa yeelay hadday waajib ahaan laheyd in laga tago wuxuu isu bdeleayaa XARAAM. Arrimo badan oo makruuh ayaa ku sugan salaadda, weysowaadka, soonka, xajka, iyo beeca (ganacsiga). Makruuha xukunkiisu waa in qofka ka tago oo ka haro la abaalmariunaayo, ajar ka helaayo, oo aanan la ciqaabeyn qofka sameeya. Farqiga u dhexeeya makruuh iyo xaraam waa in xaraamka qofka sameeya la ciqaabayo. Laakin waxaa jira in sharciga luqad gaar ah leeyahay oo makruuh micnaheedu mar kale noqoneyso xaraam. Sida uu Nebiga salallahu caleyhi wasallam yiri: Allah wuxuu idinka xarimay qiil iyo qaal (kutiri kuteen) su’aalaha badan, daayacida maalka. Inallaaha kariha lakum qiilqa waqaal, kathrata su’aal, idhaactal maal. Micnaha kariha lakum waa idinka xarimay halkaan. Laakin  marka la micneynaayo kalimada makruuh ma lagu fisiro xaraam. Mustaxab:waa waxa la faray in la sameeyo iyadoon waajib aheyn in  la sameeyo. Maxaa yeelay hadday waajib ahaan laheyd in la sameeyo wuxuu noqon lahaa WAAJIB. Mustaxabka xukunkiis waa in la ajar siinaayo qofka sameeya oo aanan la ciqaabeyn midka aan sameyn. Laakin ajarka laga helaayo mustaxabka in la sameeyo waa ka yar yahay midka laga helaayo in waajibka la sameeyo.

  • In candhuufta ururto ka dibna qofka liqo ma ahan makruuh, soonkana wax uma dhibaayo. (Dad badan baa waxay la tacaalaan oo afka kaga daalaa candhuuf tufid maalinta soonka oo dhan iyagoo ka cabsanaaya in soonkooda buro haddii ay liqaan candhuufta, taasi soonka kuma burayo).
  • Waa xaraam in la liqo xaaqsiga ama balqanka, laakin tani waa iskugu mid qofka sooman iyo qofka aan sooneyn. Waayo waa  wasaq marka xigana waxaa laga yaabaa inay jeermi jirka ka soo go’ay wadato.
  • Waxaa makruuh ah in la dhadhamiyo cuntada iyadoon loo baahneyn  ay duruuf jirin (Laakin haddii cunto kariye yahay oo uu u baahdo dhadhamin heerka cusbada, macaantiisa, in bislaatay, ceyrin tahay waa u banana tahay).
  • Waxaa makruuh ah in lubaanta adag oo aan kala daadaneyn la calaaliyo. Haddii lubaantu leedahay dhadhan waxaa laga yaabaa in dhadhankeeda caloosha u dhaadhaco. Sidoo kale waxay badisaa candhuuta, balqanka, waxay yareyeneysaa oonka (haraadka). Laakin lubaanta jilcan ee kala daadata marka la calaaliyo waa xaraam.
  • Waa makruuh in la dhunkado ama jirka lagu dhejiyo xaaska. Halkan waxaa ka farcama micno badan oo ah in ay isku duubida ama ku dhegida qofka xaaskiisa la socoto dareen shahwa leh. Marka waxaa loo kala qeybiyaa labo xaaladood oo kala ah in dareen shahwad leh aan la soconin iyo inay la socoto laakin qofku is heyn karo.oo uu isa adag yahy labadaa xaaldoodba waa u banana tahay inuu dhunkado, isku duubo ama ku dhego xaaskiisa. Xadiiska sheegaya in nin nebiga salallahu caleyhi wasalllam weydiiyey dhubkashada ama isku duubida xaaska kolka la sooman yahay oo uu u idmay, haddana mid kale weydiiyey oo uu u diiday; midka hore ahaa qof da’weyn oo duq ah midka kalana dhallinyarro ahaa, waa xadiis daciif oo aan xujo noqon karin. Nebiga salallahu calayhi wasallam wuxuu dhunkan ama ku dhegi jiray xaaskiisa asigoo sooman. Nin baa weydiiyey xaalka ku dhegida ama isku duubida ama dhunkashada xaaska qofka oo sooman, waxaa meesha joogtay Ummu Salama  (raliyallahu canhaa) wuxuu nebigu ku yiri: middan weydii. Waxay Ummu Salama u sheegtay in nebigu salallahu calayhi wasallam dhunkan jiray, isku duubi jiray ama ku dhegi jiray asigoo sooman.
  • Waa in laga fogaado beenta, xanta, caayda iyo aflagaadada. Arrimahan foosha xun waa ka xaaraan qofka aan soomeyn xataa. Laakin waxaa halkan loogu xusay si gaar ah maxaa yeelay kolka qof sooman yahay way ku sii adkaaneysaa. Soonka ma aha keliya in la iska dhaafo cunid iyo cabitaan. Allah wax ugama baahna baahideena (gaajadeena) iyo oonkeena (haraadkeena). Sunnada waxaa ku sugan in nebiga salallahu calayhi wasallam yiri: Qofkaan ka tegin oo aan iska daayin beenta (qowlu zuur) iyo ku camal falkiisa iyo jahliga, Allaah wax uu ugu baahan yahay inuu ka tago cuntadiisa iyo cabitaankiisa ma jiraan. Jahligu waa caqli yaraanta iyo sabar la’aanta, suuqda oo lagu qeyliyo, dadka oo l gardareysto aflagaado iyo caay, iwm. Xadiiska kale wuxuu sheegayaa: Hadduu midkiina sooman yahay yuusan qeylqeylin oo hadal fool xun ku hadlin, haddii qof caayo ama la dagaalo ha yiraahdo: Anigu waan soomanahay,. Qofka sooman waxaa looga baahan yahay inuu la yimaado aadaab gaar ah. Hadal wanaag, naxriis, deganaan, nabadgelin dadka kale, ma ahan inuu suuqsa ku qylqeyliyo ama maqaayadaha fadhi ku dirika la isugu aflagaadeeyo qabiil qabiil ama siyaasada dad isku dirka ah waqtiga afurka ku sugo.
  • Qofka soon qalo lagu lahaado waxaa waajib ah inuu si dhaqsiya ku gudo uusan u dib dhigin ilaa bisha soonka kale timaado. Waxaa mustaxab ah in laisku daba xijiyo si dhaqsi loo guto qalada. Ma banaana in dib loogu dhigo ilaa bisha soon kae ka timaado iyadoon cudurdaar jirin. Iyadoo soon waajib qalo ah lagu leeyahay ma wanaagsana  qofka inuu soomo mid tadawuc ah. Qofkii dhinta asigoo lagu leeyahay soon waajib qalo ah waa in weligiisa (qofka xiga ee mas’uulka ka ah) ka gudo. Xadiis ay soo werisay Caa’sha raliyallahu canhaa:Qofkii dhinta oo soon lagu leeyahay waxaa u gudaayaa oo u soomayaa weligiisa.
  • Halkaan waxaan ku soo qaadan doonnaa masaa’il ku saabsan xaalado gaar ah:

AFFURKA IYO SUXUURTA

Waxaa wanaagsan in afurka la dedejiyo, suxuurtana la daahiyo. Rasuulka salallahu calayhi wasallam wuxuu yiri: Dadka (Muslimiinta) lagama waaynaayo dhexdoodda kheyr inta ay deejinayaan afurka. Maxaaloola jeeda dedejinta afurka? Marba haddii ay qorraxdu dhacdo in lagu degdego afur. Maxaa yeelay Nebiga salallahu calayhi wasallam wuxuu yiri: Haddii habeenka ka yimaado halkan wuxuu tilmaamamay dhinaca barri, maalintuna ay u galbato halkan wuxuu tilmaamay dhanka galbeed, oo qorraxdu dhacdo, midka sooman wuu afuray. Xadiis qudsi ayaa Rabbi ku yiri: Addoomankeyga waxaan ugu jeclahay kuwa ugu dhaqsiyaha badan afurka. Nebiga salallahu calayhi wasallam suxuurkiisa iyo salaadda fajar waxaa u dhexeeyey inta muddo ee laga aqriyo konton aayadood. Dadka qaar ayaa waxay aminsan yihiin jahli darted inay ajar dheeraad ka helayaan haddii ay waqtiga afurka daahiyaan. Taasi waa qalad waxayna ka soo horejeedaa sunnada. Waxaa haboon in lagu afuro timir iyo biyo. Haddii timir la waayo biyo. Rasuulka wuxuu yiri: Haduu midkiina afuro ha ku afuro timir, haddii uu heli waayo timir, ha ku afuro biyo waa dhuhuur. Adaabta afurka waxaa ka mid ah:

1.      In la yiraahdo BISMILLAAH

2.      In lagu duceysto: ALLAHUMMA LAKA SUMTU WACALAA RIZQIKA AFDHARTU, ALLAHUMMA TAQABBAL MINNII INNAKA ANTAS-SAMIICUL CALIIM.

3.      Maalin kulul hadday tahay oo biyaha cabo inuu yiraahdo: DAHABA DHAMMA WABTALLATIL CURUUQ WATHABATAL AJRU INSHAA ALLAH.

Waa socotaa……la soco qybta labaad (2aad)…….


Qore: Idris Axmed Cusmaan

E-mail: idahos@hotmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno