Home » Qoraalada Maxamed Nuur, Wararka » Si fiican Isu Eeg Inta Aan Lagu Eegin.

Si fiican Isu Eeg Inta Aan Lagu Eegin.

Qofka bini’aadamka ahi, markuu halka uu deggen yahay ka soo baxayo wuu isa soo eegaa. wuxuu isku fiiriyaa Muraayad, hadba tii uu heli karo, wixii aan hagaagsaneyna halkaas ayuu isaga soo masaxaa.

Wuxuu soo aadaa halka uu ku socdo, meel uu ka shaqeeyo ha ahaato, ama  meel uu ku shaaheeyo, ama  meel uu wax kabarto, amase meel uu dan ka leeyahay. dadka uga horreeya halka uu ku socdo waxay wataan Muraayado ka waaweyn tii uu isku soo fiiriyey, dadka Muraayadahaas wax ku eegi doonana isaga waa ka indho-cuddoon yihiin.

Saddex kooxood oo dadka siyaabo kala duwan u fiiriya.

1- Qaar  waxaa jira  si’ aan ka jeedsasho laheyn dadka kale u eega, waxaana u fudud inay durbaba isha ku dhuftaan Saxar ama Habaas dul-saaran dharkiisa ama qof  laga yaabo inuu si wacan isu soo eegay, waa xagga muuqaalkee. maadaama lagu kala  duwan yahay sida la yeelayo marka wax ladhibsado  ayaa dadka qaarkiis  fasax la’aan  waxay gacantooda ku tiraan Habaska ama Saxarka ay ku arkaan dharka ama Jirka qof kale, kuwo kalena gacan lama aadaane waxay u sheegaan inuu boorka iska tiro, waxayna  u badan tahay in qofka la baraarujiyey uu iska masaxo wasakhda korkiisa ama dharkiisa lagu sheegay, sida uu doonayaba amuurtaasi ha u fasirtee.

2-Kuwo kale oo dadka ka mid ah iyagu iskuma howlaan muuqaalka guude waxay xooggooda isugu geeyaan sidii ay ugu fiirsan lahaayeen sida qof ama dadi u dhaqmayaan marka ay banaanka u soo baxaan. qolyahan dambe way noocyo badan yihiin, waxaana ka mid ah:

1- Kuwo u fiirsada hadalka dadka.

2- Kuwo u fiirsadaa ficilka dadka.

Qoloda hore, iyagu waxay jid-gooyo u dhigtaan dhamaan weeraha ka soo baxaya bishamaha dadka kale, iyagoona sixid iyo fasiraad la daba gala qofka ay hadaladiisa uga muuqdaan dal-daloollo. waa qolyo kala duwan laftigooda, waxaase ka mid ah:

1- Kuwo ay ka tahay inay saxaan oo  kaliya waxay khaladka u arkaan.

2- Iyo kuwo  dadka kale la jecel xumaanta, hadaladoodana ka dhex-baara qalooc.

3- Isla qolyaha hadalka u fiirsada ayaan ka hadleynaaye, waxaa ku lamaan oo aan laga tagi karin, qolyo warka oo dhan u xayira inta ay ka fahmayaan, lagamana yaabo in sheekadu socoto inta uu mugdi kaga jiro waxa laga hadlayo, malaheygana qolyahan dambe xumaan iyo dal-dalool raadin ku tabi mayo.

Waan isla soconaa baan filayaaye, waxaan qeybta kale ku sheegnay:

Qolyo ama dad si dhab ah ugu fiirsada ficilada dadka kale, sida ay ila tahayna kooxdaan ma ahan kuwo laga gar-bixi karo, sababahan awgood:

1- Qofka ficilkiisa loo fiirsanayo, kuma talagalsana inuu wax haleeyo.

2- Qolyahan ficilada qiimeynaya meesha ma soo dhigtaan in qofka ay ficilkiisa ka goys-haystaan uu yahay qof qaan-gaar ah oo sidan u abuuran, ama la qabsaday.

Falalka ay diiradda saaraan kooxahan dambe:

1- Fudeydka iyo Deggenaanta.

2- Fariidnimada iyo Damanaanta.

3- Caqliga iyo Duqonimada.

4- Cilmiga iyo Jahliga.

5- Fur-furnaanta iyo Xir-xirnaanta.

6- Reer-Magaalnimada iyo Reer-Baadiyenimada.

7- Geesinimada iyo Fuleynimada.

8- Deeqsinimada iyo Bakheylnimada.

9- Af-tahannimada iyo Af-goroocnimada.

10-Ad-adeygga iyo Dabacsanaanta.

Qolyahan dambe dhammaantood, falalkaas  mawada qiimeeyaan, balse qolo walba mid ama dhowr ayaa laga yaabaa inay si gaar ah ugu fiirsato, malaheygana qof walba oo kooxdan ka mid ah wuxuu si gaar ah ugu fiirsadaa midda ka soo horjeedda tilmaanta isagu isu haysto inuu leeyahay. aan jilciyo halkan.

Tusaale.

Qof ayaa laga yaabaa inuu deggen yahay, inta badan waxa ishiisu qabaneysaa, ama dareenkiisa soo jiidanayaa ficilada deggenaanta iyo  fudeydka. mid kalena waxaa la arkaa inuu reer magaal yahay, ficil walbana wuxuu ka eegayaa reer magaalnimo iyo reer baadiyenimo. mid kale ayaa gole kahadal ah ” af-tahan”, hadal walba waxa uu ka fiirinayaa sida iyo ereyada lagu dhigay. waxaan rajeynayaa tusaalayaasha kale inaan kaga maarmi karno kuwa aan soo bixinay.

Haddii ay sidaas tahay, dadka indhahooda iyo dareenkoodaba waxaa ku rakiban Kamiro aan adiga kuu  muuqan, balse sawir la dhaceysa ficilka ama ereyga kaa soo fulaya, ka dibna kugu qiimeynaya hadba wixii ay kugu arkeen sida ay iyaga la tahay.

Qolyahan aan ka hadlayo, waa kala duwan yihiin sida ay wax u qiimeynayaan, iyo inta jeer ee ay ficilkaaga go’aanka kaga gaarayaan nooca uu yahay. qaar iyaga ka mid ah go’aanka ay kaaqaataan iyaga ma dhaafsiisna, marka ay ku arkaan oo kaliya ama ku xusuustaan bay ku soo dhaceysaa natiijada go’aanka ay kaa qaateen (Inaad Deeqsi tahay, ama Bakheyl tahay). laakiin kuwa kale ayaa go’aanka ay ka qaateen qiimeynta ay kugu sameeyeen, kugu shaabadeyn doona, dhammaan meelaha lagaa helo iyo dadka aad is-taqaanaana u sheegi doona Natiijada ka soo baxday qiimeyntooda, sax iyo khalad tii ay doonto ha ‘ahaatee.

Waxaan maqli jiray haddaad Owliyo la joogto qalbigaagaa la ilaashadaa ” Dabcan waxa qalbiga ku jira Illaahay kaliya baa og” haddaad Fuqoho la joogtana ficilkaagaa la ilaashadaa, haddaad Naxwooley ” dadka shuruucda luuqadda yaqaana” la joogtana carrabkaagaa la ilaashadaa, kusii darsoo haddaad la joogto qolyihii aan soo tusaaleynayna iska jir..

Halkaas markay mareyso laba arrimood waa inaan baraarujiyo:

1- Ma lihi naftaada haku kalsoonaan ee ku mashquul waxa dadka kale kaaga faaloon doonaan, taas uma jeedo.

2- Tilmaamaha 10- ka ah, qaar ka mid ah ee aan soo marnayna waa u dhalasho ee kasbasho ma ahan. “sida aan rumeysnahay “haddii ay sidaasi tahayna tilmaan aan Illaahay noogu deeqan masahlana inaan kasbano, kuwo la kasban karo waa jiraan, sida uu  iftiimiyey Cismaan oo qormadan ka faalooday.

Qormadu dhinaca gaba-gabada ayey  iila sii durkeysaaye, ficil walba, iyo hadal walba, waxaa qiimeyn doono khubaro laga yaabo inaanan ku talagalsaneyn, lagana yaabo ama u badan tahay inay caqli, cilmi iyo qiimeynba heer sare ka gaareen. dabcan dhic-dhiciddu way yaraaneysaa haddii xaalku sidaas yahay, walow Soomaalidu horey ugu maah-maahday ” Waano Abuuris baa ka horreysay”.

Waxaa jira Qolo aan ka mid ahay “qoraha qormadan”, waana kuwa qoraaladooda  ama hadaladooda ay meelo fog-fog gaarayaan, lagana yaabo in wixii uu soo qoray ama yiri ay halkiisa ugu tagaan khabiir qiimeynta kuba takhasusay, dabcan kana mid ah qolyihii aan kor ku soo aragnay (10 kii ). marka haddeynaan si fiican isaga soo eegin waxaan bulshada horkeeneyno, in leyska daba qaato ayey u dhowdahay.

Si Fiican Isu Eeg Inta Aan Lagu Eegin.

Waxaan u jeedaa, aan is-jirno, kalsoonina isku qabno.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

4 Responses

  1. Cisman says:

    Salaan sare dhamaan. Intaas kadbi waa faallo cajiib ah oo aan aaminsanahay inay sarbeeb xooggan xambaarsan tahay.

    Kaliya waxaan qoraaga ku khilaafsanahay in ay jiraan tilmaamo la kasban karo, sida: lambar 6 oo ah R. magaalnimo vs R. baadiyenimo, waxaan filayaa inaysan ahayn dhalasho arintaani sidoo kale lambar 4 oo ah Cilmiga iyo Jahliga. waa la kasban karaa wa haluma jara, waxaa jira tilmaamo badan oo dadku ku dhasho laakiin ay dadaal kadib kasban karaan.

    Waa qoraal sare.

  2. wehliye says:

    waan salaamayaa qoraaga sharafta leh aad ay ufiicantahay maqaalkan mana aho maqaal xasaasi ah maxamed nuur maqaalkii hore buu kululeeyey kan waa noo dajiyey thanks

  3. dirir says:

    walaahi dabeecadahaas qoraagu sheegayo kuwobadan baan arkay waxaan aqaanaa dad say kuufiirinayaan indhaha kaa dhax saaraayo iyo kuwo xan miiran ah kkkkkk

  4. shariif says:

    walaahi maqaalkan waa cilmiga bulshaduu kahadlayaa waana kuwo wax kusoo biirinayo umada dhaqankeeda wanaagsan laakiin waayadan dambe qorayaasha kuwan oo kale maqoraam

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno