Home » Diinta, English, Wararka, Warbixinno » Culimo 20 ka badan oo ka digtay Manhajka Sh. Xasaan Xuseen.

Culimo 20 ka badan oo ka digtay Manhajka Sh. Xasaan Xuseen.

Culimo Soomaaliyeed oo gaareysa ilaa 24 Sheekh, ayaa waxa ay ka digeen Dariiqa uu ku socdo Sh. Xasaan Xuseen Aadan.

Culimadan 24-ka gaareysa, ayaa waxay soo saareen fatwo ay ku sheegeen in dariiqa uu ku socdo Sh. Xasaan Xuseen uu yahay dariiqii Khawaarijta, waxayna tusaalayaal u keeneen waxay u cuskanayaan amuurtaas, waxaana ka mid ahaa qodobada:

Qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda

islaamiga ah ee Al-madiina ayaa su,aal ay soo waydiiyeen culimada
soomaaliyeed ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ku saab sanayd
manhajka uu aaminsanyahay Xassaan Xusseen ayaa waxa ay u qornayd
sidan .

Hordhac:
Xilli kasta waxa uu allaah u doortay diintan culimo caadiliin ah oo ka ilaalisa
marin habaabinta kuwa xadgudbsan,iyo been abuurka kuwa baadilka ku
sugan iyo qaloocinta kuwa jaahiliinta ah, sidoo kale waxaa allaah ina faray
in aynu culimada u celino wixii ku saabsan arimaha Diinta sida Allaah uu
maxaa yeelay culimadu waa halka ay ummaddu u cararto waqtiyada fitanku dhacaan xaqqa iyo baadilkuna is
dhex galaan.

Sidaa daraadeed haddii aanu nahay ardayda wax ka barata jaamaccadda
islaamiga ah ee Al-madiina , anaga oo culimadayada soomaaliyeed u hayna
ixtiraam iyo jacayl aan la sifayn karin diintuna ay ina farayso in la jeclaado
oo la ixtiraamo kuwa allaah ku nooleeyay manhajka salafka , sababna uu
uga dhigay inay ku hanuunaan dad aan tiradooda la soo koobi karin, allaah
waxaan u waydiinaynaa in uu khayr kaga abaal mariyo culimadeena
dadaalka dacwadeed ee ay ummadooda u hayaan
Su’aasha:????
Culimadayada sharafta mudan: waxa aan idinka qarsoonayn waxyaabaha
uu Xassaan Xuseen ku faafiyo muxaadaraadkiisa iyo duruustiisa kuwaas oo
meel ka dhac ku ah culimada iyo ardayda soomaaliyeed ee cilmiga diinta ku
hawlan ,Ummaddooduna uga markhaati kacday khayr iyo wanaag, ilaa xad
uu gaadhay arinkiisu in uu si badheedh ah ula jahro gaalaysiinta culimada
ka dib markii uu soo dhameeyay dhaleecayntooda iyo caydooda kuna
xukumay fisqi iyo inay yihiin  .(culimo xunxun)

Qaar ka mid ah cajaladihiisa waxa uu ku yidhi: ( Jamaacada Al-Ictisaam
agtayda waxa ay ka yihiin koox gaalo ah oo diinta ka ridawday , waxaana
loola macaamilayaa sida dadka ridooba), waxa uu ula jeedaa hadalkan
jamaacada la yidhaahdo Al-Ictisaam Bilkitaabi Wasunnah oo ay ka mid
yihiin badanka culimada salafiyiinta ah ee soomaaliya, sidoo kale waxa uu
ku sheegay cajaladihiisii ugu dambeeyay in lagula dagaalamo oo lagu laayo
culimadaas meel kasta
Qaar ka mid ah cajaladihiisa Waxa uu ku dooday inuu banaanyahay dilka
qof caalim ah haddii fasaadkiisa lagu joojinayo in la dilo , waxaana uu
sheegay in ka wax dilay mujaahid yahay ka la dilayna shahiid yahay waxa uu gaalaysiiyay cid kasta oo ku hoos nool goobaha ay ka taliyaan

maamulada riddoobay – waa sida uu hadalka u dhigaye- tusaale ahaan
goobaha uu ka taliyo sheekh shariif, madaxwaynaha dawladda ku
meelgaadhka ah, maamullada Puntland,S/land,iyo soomaali galbeed
xukunkaasna kuma kala saarin haba yaraatee ruux caalim ah iyo mid
caammi ah toonna , ha aaminsanaado waxa ay aaminsanyhiin maamulada
uu gaalaysiiyay ama yaanu aaminsanaane –waa sida uu sheegtaye.
Hadaba su,aashayadu waxa ay tahay:

Muxuu yahay manhajka ninkaasi?
Waa maxay mawqifka sharcigu ka qabo?
Waa maxay xukunka in la dhegaysto cajaladihiisa iyo duruustiisa? Halgan.net
Jawaabta Culimada:

Culimadu waxay in badan u kuur galeen waxyaabaha ka soo fulay ninkaa la
sheegay kuwaas oo isugu jira masaa,il iyo fataawooyin xag jira iyo weliba
arimo kale oo munkar ah ayna ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

1. wuxuu gaalaysiiay si aan kala reebis lahayn qabaa,il soomaaliyeed isaga
oo magacyadooda ku sheegay cajaladihiisa.

2. wuxuu gaalaysiiyay dhamaan muslimiinta ku nool goobaha ay ka
taliyaan xukuumadaha uu ku tilmaamay inay diinta ka riddoobeen.

3. wuxuu baneeyay dhiiga culimada ku khilaafsan ra,yigiisa gaalaysiinta
iyo fahamka jihaadka isaga oo xujjo ka dhiganaya in fasaadkooda la
horistaagayo

4. wuxuu ku gaalaysiiyay culimada iyo ducaadda qaar ka mid ah jamaacaadka islaamiga ah arimo ismoodsiis iyo male awaal ah.

5. wuxuu booriyay gaalaysiinta dadka iyo fududaynteeda ,iyo weliba in
albaabkeeda loo furo guud ahaan ardayda iyo dadwaynaha kaleba
arinkaas oo ay ka dhalatay in lagu ciyaaro xaqqa laguna dhiirado
khalqiga.

6. wuxuu booriyay dilka culimada iyo ducaadda khilaafsan ra,yigiisa
meelkasta oo ay joogaan.

7. wuxuu caadaystay cayda iyo aflagaadada culimada iyo ducaadda iyaga
oo uu ku tilmaamayo inay yihiin jawaasiis iyo adeegayaal shisheeye.

8. wuxuu ku caanbaxay ku ciyaaridda aqwaasha culimada sida in wax laga
jaro hadalkooda ama lagu siyaadiyo ,la kala hor mariyo ama la kala dib
dhigo laguna masabido culimada wax aanay sheegin.

Ka dib markii ay culimadu baadhis xeel dheer ku sameeyeen manhajka
ninkaas magaciisu kor ku xusan yahay gaar haan masaa,ilka (axkaamta iyo magacyada dadka la siinayo). waxaa u cadaatay in manhajkiisu yahay manhajka khawaarijta
fogaatay ee xadka ka talawday kuwaas oo wax ku gaalaysiiya waxaan
gaalnimo ahayn, isla mar ahaantaana aan raacin dabarada (
dawaabidda) sharcigu u dejiyay gaalaysiinta iyo waxa lagu gaaloobo,
fududaystana dhiigga iyo xurumaadka kale ee muslimiinta iyo
culimadooda.
Ninkani waxa uu ka mid yahay kuwa sunnada ka baxay khilaafka uu
khilaafay daraadii iyo ka bixitaanka uu dibada uga baxay, sidoo kale
waxa uu ka mid yahay kuwa ummadda ku baxay gaalaysiin tooda iyo
banaysiga dhiigooda daraadeed sida ku sugan xadiiska muslim weriyay :

Qofkii ku baxa ummaddeyda oo oo dila midkeeda wanaagsan iyo keeda
xunba, isaga oo aan ka dhowrsaneynin mu’minkeeda, mid ballan lahaana
aan ballantiisii u oofinineynin, iga mid ma aha aniguna ka mid ma ihi.

Sheekhul islaam ibnu taymiyah alle ha u naxariistee wuxuu yidhi:
khawaarijtu waa dadkii ugu horreeyay ee muslimiinta gaalaysiiya, waxay
dadka ku gaaleysiiyaan danbiyada, waxaa kale oo ay gaaleysiiyaan ciddii
bidcadooda ku khilaafta, waxayna banneystaan dhiiggeeda.

Sidoo kale wuxuu yidhi khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay ee dadka
qiblada u tukada danbiyo ku gaaleysiiyay,ama wax ay iyagu danbi u arkaan
ku gaalaysiiyay, dhiiggoodana sidaas ku banneystay.

Sidoo kale wuxuu yidhi: khawaarijtu waxay leeyihiin labo arrimood oo ay
gaar la yihiin oo ay kaga bexeen jamaacada muslimiinta iyo madaxdoodaba:
1. waxay ka bexeen sunnadii iyaga oo wax aan danbi aheyn danbi ka dhigay,
ama wax aan wanaag aheyn wanaag ka dhigay, arrinkaasina waa midkii ay
nabiga ula badheedheen, markii uu dulkhuweysira al tamiimi ku yidhi : (
caddaalad samee caddaalad maadan sameynine)…

2. waxay wax ku gaaleysiiyaan danbiyada iyo gafafka, waxayna arrintaas ka
dhaliyaan inay banneystaan dhiigga muslimiinta iyo xoolohoodaba, iyo in
daarta islaamku tahay daar xarbi ( dagaal) daartooduna ay tahay daar
iimaan ( nabad galyo)

Waxaa kale oo uu yidhi : waxay caqiideysanyihiin aragti khaldan iyo bidco,
haddana dadka ayey kula dagaalamayaan, waliba waxey gaaleysiinayaan
ciddii khilaafta, sidaa daraadeed caqiidadoodu waa khalad waxaa kale oo ay
ku khaldanyihiin in ay la dagaalamaan ciddii khilaafta, iyo inay gaaleysiiyaan
ama lacnadaan, arrintaasna waxaa lagu yaqaannaa dhammaanba dadka
hawa raaca ah sida jahmiyada…. Ilaa uu ka yidhi: khawaarijta diinta ka dhex
baxday ayaa kuwaas madax ugu ah gaaleysinta ahlu sunnaha iyo la
dagaalankoodaba.

Mar kale waxa uu sheekhu sheegay: in caammada oo lagu sallido
gaaleysiinta culimada – waa sida uu yeelo ninka la soo sheegaye- ay ka
mid tahay usuushii khawaarijta, wuxuuna yidhi: haddana waxa uu
caddeeyay in ayna bannaaneyn in lagu gaaley siiyo culimada muslimiinta
ee ka hadla arrimaha ijtihaadiga ah, gaf ka dhacay daraaddii,
hadalkaasina waa hadal wanaagsan oo in lagu raaco ay tahay.
Maxaa yeelay in dadka jaahiliinta ah lagu sallido culimada gaaleysiin
tooda waxay ka mid tahay munkaraadka waaweyn,waliba waa asal ka
mid ah usuusha khawaarijta iyo raafidada ( shiicada) ku gaaleysiiya
madaxda muslimiinta waxyaabo ay la tahay in ay ku gafeen oo diinta ka
mid ah, ahlusunnuhuna waxay isku waafaqsanyihiin in aanay
bannaaneyn in culimada muslimiinta lagu gaaleysiiyo gaf kaliya.
Sidaa daraadeed culimada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxa ay
cadaynayaan iyaga oo arrintaas uga jeeda u naseexaynta ummadooda
ah iyo ilaalinta diinta arrimahan soo socda:

1- manhajka ninka magaciisu kor ku xusan yahay waa manhajkii
khawaarijta ee kulminayay in diinta iyo aduunkuba fasahaadaan ,waxaana waajib ah in laga digo

2- ma banana in la cuskado waxyaabaha uu culimada ka soo guurinayo
ilaa laga hubiyo masaadirteeda asliga ah , maxaa yeelay amaano ma
laha lagumana kalsoonaan karo.

3- Ma banana in laga ganacsado cajaladihiisa iyo kutubtiisa xambaarsan
masaa,ilka iyo aqwaasha munkarka ah ee la soo sheegay.

4- Sharci ahaan uma banana ardayda yaryar iyo dadka caammada ah
inay dhagaystaan duruustiisa iyo cajaladihiisa iyo inay akhristaan
qoraaadiisa toona, sidoo kale waxaan banaanayn in masaajidda
muslimiinta gacanta loo geliyo ama loo fasaxo si aanu dadka
muslimiinta ah caqiidadooda uga fasahaadin.

5- Culimadu waxay dusha ka saarayaan ninka la soo sheegay inuu
mas,uul ka yahay in badan oo ka mid ah waxyaabaha soomaaliya ka
dhacaya ee ay ka midka yihiin dilka culimada iyo dadka aan waxba
gaysan sababna waxaa u ah in arimahaasi dhacaan fataawihiisa
guracan ee xaqqa baalmarsan.

6- Culimadu waxay ugu naseexaynaysaa ninkaas in uu ilaahay u toobad
keeno oo ka gaabsado gaalaysiinta muslimiinta iyo banaynta
dhiigooda, sidoo kale culimadu waxay ugu naseexaynayaan
qaraabada iyo ehelka ninkaas inay gacmihiisa qabtaan oo ka celiyaan
dhibaatada uu umadda muslimiinta ku hayo.
Arimahaas oo dhamina waxay ka mid yihiin oo soo guda gelayaan hadalka
alle iyo rasuulkiisa ee ahaa.
Magacyada Culimada saxiixay:
1. sh. Maxamed cabdi Umal
2. sh.C/raxmaan maxamed Qayliye
3. sh. Cali Warsame xasan
4. sh Maxamuud Ciise Maxamuud
5. sh. C/qaadir Nuur faarax
6. sh. Yuusuf Aadam Muxamad
7. sh. Daahir aw cabdi yuusf
8. sh. Axmad daahir xasan xuseen
9. sh. C/raxmaan Sheekh Cumar
10.sh. C/naasir xaaji Axmad
11.sh. Maxamuud sh.Maxamed Shibli
12.sh. Muxamad Idiriis Axmed
13.sh. C/laahi Sheekh Nuur
14.sh. Maxamuud Xaaji yuusuf
15.sh.Axmad maxamed Sulaymaan
16.sh.C/laahi daahir Jaamac (baashe)
17.sh. Maxamuud Sh. Axmed Xasan ( Ubuu shayba)
18.sh. C/raxmaan Maxamed Cilmi (Abyad)
19.Dr.C/rasaaq maxamuud takar
20.Dr.maxamuud C/raxmaan Maxamed (Hoori)
21.Dr.C/raxmaan sh.C/laahi Cumar
22.Dr.C/laahi Xasan Ibraahiim
23.Dr.Haaruun sheekh Xuseen
24.Dr.Aadam sheekh cali saalax

Hoos ku dhufo si aad u aqrisato Fatwada iyo magacyada Culimada soo saartay.

Fatwo Ay Culimo Soomaaliyeed Kaga Digayaan Manhajka

37 Responses

  1. muumin says:

    Maansha alaah waxaan ahay dadka mudada fataawidan oo kale sugaayey way soo daahday laakiin ilaahay haka abaalmariyo culumada xil baa ka saaran inay dadka diintooda u naxaan wixii afkaar qalad ah ku dhaxfaafinayo jac ka dhahaa

  2. darwiish says:

    Ilaahay ha barakeeyo culumadeena meel fiican bay ka asiibeen asaga wax kale uma furno inuu caytamo iyo inuu dhaho hala laayo walaahi god buu ku jiraa

  3. haaruun says:

    Xasaan khaarijinimo waa dhaafay shabaab xataa wuu ka fogyahay wuxuu qabaa in dumarka suufiyada la adoonsado xoolahoodana la dhaco wuxuu qabaa in sh yusuf qardawi uu gaal yahay wuxuu qabaa soomaalida badankeeda inay gaalo yihiin kuli waan ka dhageystay

  4. ciid says:

    Culimada waa jamaaco in badan waan hubaa inay ka cilmi badan yihiin xasaan kuligood waa ka da weyn yihiin qaarkood waxay jaamacado ka soo baxeen asagoon dhalanin hadana waa kaligiis muxuu fali tolow nagnag koleyn deen mahayee

  5. maxamuud yare says:

    Ilaahay culimadeena habarakeeyo xasaan ilaahay hasoo hanuuniyo jidka khaarijinimada ah alaha ka soo celiyo waa nin dhalinyaro ah

  6. suldaan says:

    Ma ogtihiin in xasaan uu aaminsan yahay aduunka inuu oogu cilmi badan yahay waligiin ma aragteen quruur intaa ka weyn mida kale mucjisaad buu aaminsan yahay wuxuu dhahay hada ka hor hala xado supermarket yada gaalada waxaas diin maasheey

  7. xaaji says:

    Xasaan godkiisaa biyo ugu soo galeen asagaa laga waayey meel fariiso hada waxaa socda uruurinta waxyaabaha uu aaminsanyahay wuxuu udhaqmay sidii qof caalam kale jooga maba ogo in wax kasta la record gareynayo

  8. Muse Omar says:

    Xasaan asagaa joogso laga kari waayay dadkaa la tusayaa wuxuu qabaa masa,aail qariib ah
    1-waxuu Sagaashameeyadii Arday ka ahaa Magaalada Herar, wuxuuna ufatwooday ardaydii Soomaaliyeed ee ladhigan jirtay Machadkii Sh Axmed Sh Xusseen Cadde in Gabdhaha Axmaaradu yihiin Mulku yamiin ama (Adoomo) oo meher la aan laqabi karo ama lala dhaqmi karo !!!

    2-waxuu Fatwooday in DKM ee Soomaaliyeed dhammaan laga bilaabo Madaxwaynaha ilaa shaqaale hoosaadka yar ayar yihiin Murtadiin Diinta Islaamka banaanka ka ah. Taasoo horseeday in Alshabaab xalaalaysteen dad badan oo soomaaliyeed oon halkan lagu sookoobi Karin, waxaana laga xusuustaa Gumaadkii ardaydii kaqalin jabisay Jaamacada Banaadir ee Hotel Shaamaw & Ardaydii deeqda waxbarasho kaheshay wadanka Turkiga ee lagu gumaaday Warshadda Hargaha & Saamaha ee Magaalada Muqdisho.

    3-waxuu Fatwooday in ay Murtadiin yihiin Diintana Bannaanka ka yihiin: Dadkii Kashaqeeyay, kuwii kuwaafaqay & kuwii Kufarxay heshiiskii dhaxmaray Dawlada Itoopiya & Ururkii UWSLF !!!

    4- waxuu Fatwooday in la dilo Culumada loo yaqaano Al-salafiya Aljadiidah oo meesha laga saaro, asagoo waliba magacaabay culimo uu ka mid yahay Sh Axmed Imaam, waxaana hadalkiisu ahaa: Immisaan idin idhi war madaxa katoogta Salafiya Jidiida, sida Sh Axmed Imaam !!

    5-waxuu Fatwooday in ninkii dila Nin Jihaadka Caqabad ku ah haba noqdo nin culima ahee waa ladili karaa: waxuuna noqon ninkii Dila Mujaahid, ka ladilana waxuu noqon: Shahiid !!! taasoo macnaheedu kadhalan in nin walba nin culima ah dilo: si uu asna unoqdo Mujaahid Ajar badan hela, Sheekhaa la dilayna Shahiid Janno gale ah!!!! Sidaa waxaa lagu gumaaday Culimo uu udanbeeyay Sh Axmed Xaaji C/raxmaan !!

    6-waxuu Fatwooday: in ninkii Jinsiyad kaqaata wadan gaalaad ama Dastuurka wadankaas aqbala: in uu yahahay Murtad. Akhristaw waxaase yaableh: in Sh Xassaan laftiisu galayo Fatwadaas maxaa yeelay sida lawada ogsoonyahay waxuu kudhashay Gobolka Goday ee wadanka S/Galbeed. Waxuuna kharashbadan iyo wax isdaba marin badan kubixiyay siduu kuheli lahaa dhalashada wadanka Kenya taasoo uu kuguulastay kadib markuu been kasheegay oos badalay: goobtuu kudhashay, taariikhduu dhashay & magacyadii waalidkii. Waxuuna maanta haystaa dhalashada wadanka Kenya waxuuna kuqaatay in uu aaminsanyahay, ixtiraamayo, kana danbaynayo: Dastuurka & Shuruucda dalka Kenya Sida kucad Shuruucda Sugnaanta & Dhalashada Kenya Utaala ee kucad dastuurka Dalkaas. !!!

    7-waxuu fatwoodaa dadkana ka iibiyaa in Xarakada Alshabaab lamid tahay: Imaaro Islaami ah oo wadankaas katalisa. Taas oo macnaheedu yahay ururkii diida ama kooxdii iyo shakhsigii kahoryimaada in surka lajaro oo uu kahoryimid Dawlad ama Imaaro Islaami ah!!! Taasi waxay sabab u ahayd in Cagta lamariyo Ururadii kahoreeyey Alshabaab ee wadanka kajiray Sida Kooxdii Raaskaanbooni & Xuzbul Alislaam. Hadaba Imaaradaas dadka in ay adheecaan lagu layn hayo: talaw yaayaqaana Amiirkeeda si dadku ubarto Imaamkooda: magaciisa & Muuqaalkiisa midna yaa yaqaana (waa jinni madax Duuban Amiir kadhigo) soo ma aha?.

    8-waxuu fatwooday in Bulshada dagan (Puntland, S/Land & S/galbeed) dhamaantood yihiin Murtadiin ama haku raalinoqdeen ama yayna ku raalinoqone !!!!

    9-sh Xassaan waxuu fatwooday in laxadi karo xoolaha Gaalada oo tusaale ahaan intaad gasho Supermarketyada aad iska daldalan karto waxay tabartaadu kuu ogolaato ama kuusuurooba; maxaayeelay waa ghaniimo (Qaniimo) ayuu leeyahay. Taa hadaad layaabto akhristaw tan eeg: Wuu kasiidaray oo waxuu fatwooday Sh xassaan in Xoolaha Abgaal ee Islii yaalla (waa xaafadda somalida ee Nairobi) in laboobo maxaa yeeylay ayuu yidhi waxay taageersanyihiin DKM ee Murtadka ah waa siduu aaminsanyahaye !!!!

    10- Sh Xassaan Iyo SH Axmed Godane waxaa fataawidooda cajiibka ah kamid ah in ninkii Isku qarxiyo oo kudhinta Dadkaa Muslimiinta ah ee ay Murtadiin uyaqaanaan in uu Jannada horay kagali. Halka ayagu waa labada sheekh iyo Madaxda Alshabaab ee ayna diyaar u ahayn inay isqarxiyaan Janadaana Jubuq dhahaan!. Iska daa inay isqarxiyaane dagaalba isku dayimaayaan, Godane isaga in la arkaaba geeri u ah!.

    Hadaba Akhristoow walaal: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Geel Curadiisii diday maxaad mooday Aarankiisa?!! Oo macnaheedu yahay haduu yaaco Geela waawayn kiisa yarayari maxaad kafili oo loola jeedo : wuu ka sii daranyahay oo wuu durduriyaa ama afdhuubleeyaa, waxwalbana cagtuu mariyaa gaar ahaan Maqasha iyo caruurta. Hadaba hadaad kuwareersanayd falalka Alshabaab waxaad aad oola yaabtaa Culimadooda Ufatwootay balaayadan. Ee waliba Diinta Islaamka kusheegi in ay sidaa qabto !!!

  9. xamdi says:

    ilaahay waxaan kabarineyaah culimada ajae weyn inuu siiyo xasaan waxaan kula talinhayaa inuu sunada usoo laabto ardadiisa waxaan leeyahay intaas wax maku fahmi weydeen weli idinka waxaad ogtihiin waxyaabo badan oo qariib ah oo banaanka u soo bixin

  10. bishaar says:

    maasha allaah fatwadan bari horaa la rabay in lanoo suu kudbiyo maxaayeelay xasaan xuseen arinkiisu waa weyn yahay hada inuu sii fogaado maahee xitaa inuu istaago waa diidan yahay xagee u socdaa meel ka shisheysa maba jirto

  11. kaafi says:

    ilaahow hana ceebeenin xasaan waxan oo caqiido xumo ah haduu qabo maxaa intaan loo fiirsanaayay mar horaa la rabay in dadka xaqa loo cadeeyo anyway culumada waa mahadsan yihiin isaga waa kaligiis masaa,ilkiisana waa shaad iyo wax leysku dardaray ilaahay soo hanuuni dad badan waa fitneeyeya

  12. c/laahi says:

    salaamu calaykum culimadan intaan ma ahan kuwo kale oobadan ayaa kasoo gaari waayay xasaan vs culumada soomaaliyeed yaa difaacaayo kuwo wax qoro waxaa uguweyn cabdiwaaxid asagana culumo uma dhigmi karo hadii kale waxaa loohayaa maxamed nuur weli waxaa lagasugayaa inuu buul caaro kasoo jawaabo saasaan rabaa

  13. muscab says:

    baraafo fikirkaas xasaan waa mid aan dhuunta mareynin wuxuu hada mari la,yahay kuwii ugu dhawaa shaki baa ku bilowday waxaan kudari lahaa waxaa la weydiiyey hada ka hor jamaacada takfiir wal hijra wuxuu yiri sida loo suurad xumeynaayo uma xumo dad badan way kafiican yihiin buu dhahay waxaa kaloo la weydiiyey muxaadari hada kahor uu ku radiyay takfiirka oo la dhoho taxdiirul muslimiin can takfiirul musaliin wuxuu ku jawaabay waan qaldanaa waagaas waana ka towbad keenay maktabadiisay ka dhacday arintaas mafhuumku waa cad yahay haduu ka towbad keenay radintii takfiir walhijra macnaha waxba uma dhexeeyaan hada iyaga iyo asaga

  14. abuu dijaana says:

    sh xasaan fafidahu laah waa halyey waxaan oo kale waxba uma dhimeyso makaanadiisa cilmiga ah iyo diyaanadiisa wadaadadan fadhi kudirirka ah waxay hadleen ra yigooda sheekhu islaam na kama aamusi doono insha alaah

  15. shuceyb says:

    aniga waxaan aaminsnahay in xasaan la buunbuuniyey asagana uu saas rabo wixiisu waxay ahaayeen khaalif tucraf marka macno badan baa loo sameeyey hadana wuxu bilaabayaa masaa’il kuwan ka katarsan si culimada islaamka oo dhan u naqdiso

  16. mataan says:

    culimadii caanka aheyd baa fatwadan ku dhan waxay ka digayaan fikirka caqiimka ah ee khawaarijta ee xasaan aaminsan yahay dadkana ugu yeero

  17. shariif says:

    ilaahay hanoo dhaafo culumadeena waan kudaraxsanahay inay ka dhiidhiyeen manhajka munxarifa ah kaas ow xasaan dadka ugu yeero waa la soo afjaray hada yow u jawaabi ileen asagaa shaad ahee

  18. yuusuf says:

    fatwadan waxaa iiga muuqanin sh cukaasha waa nin caqli badan 2007 buu sheegay in xasaan ku socdo jidka khawaarijta walaahi waa caalim caqli badan

  19. cumar dheere says:

    maasha alaah waxaa fatwadan kulmisay culimadii hore kuwii dhexe iyo kuwii dambe safka hore sh c/qaadir nuur faarax, sh cali warsame sh c/naasir sh c/raxmaan sh cumar safka dhexe sh umal sh shibli sh maxamed idris safka dambe sh abyad dr c/raxmaan sh c/laahi iyo rag kale waxaan ka wadaa sida saxwada loogu kala horeeyey culimada kale sadaxda saf bay ku kalajiraan maxaa rag isugu timid meesha cilmi iyo khibrad kaligiis duul xasaan baalal malahan uu ku duulo

  20. yoonis says:

    ala maxaa kudhacay xasaan asagaa laga waayay soo joog waxaa lasugayaa inuu meel fariisto fikirkiisu waa laan gaab waa asaga iyo dhalinyaro xamaasadeysan kaliya

  21. shirwac says:

    ilaahay hanoo naxariisto xaqana hanagu dilo fitno baa socotee

  22. dirir says:

    to shirwac
    maxaad fitno ka wadaa ma in xasaan muslimiinta looga digaa fitno ah waxaan layaabaa dadka sidaan u hadlo iyo kuwo dhoho culumaa is haysa

  23. farxaan says:

    a/c. culumada waajib baa ka saaran diinkaan qofkii dadka meel xunkuwado waa inay farta kufiiqaan intaas baysameeyeen culumadan khayr alaha kasiiyo dadaalkooda

  24. Alas says:

    Maansha alaah waxbadan ayaa culimadu ka warwareegeen wadaadkan, laaakin manta waa ilahay mahadii mar hadii culimadu doorkooda qaateen,wiilkii iswaalabawaabiyaa hela,,,,,?

  25. Abdihakim says:

    Ardey macallinkiisii xumaa malahan ceebaal……

  26. Abu-wehliye says:

    Waxey ila tahy in qofa aqoonta yari uu bood boodkiisu badan yahay. waxaase layaab leh qof sheeganaaya inuu Caalim Islaami yahay iney ka maqan yahay aadaabtii lagu yaqiin Culimada. waxaan dhihi lahaa inlaahey ha soo hanuuniyo asiga iyo kuwa kaloo badan oo lamid ah.

  27. xuseen says:

    bacda salaam waxyaabaha lagu sheegay sh xasaan kuligood waa wax jira dalillna waxaa uah asaga laftigiisa inkasow hada uu wax arkay malaga yaabaa inuu sidaan isku dhaamo

  28. cali says:

    wadaadka bas halaga dhoho inuu iswaansadaa laa arkaa ilaahay hanoo soo hanuuniyo waxa laga yabaa rag iska dhicin inay jidkaas inxiraafka leh ku riday

  29. wehliye says:

    aniga kuma qanacsani sida wadaadadu isku qabqabsanayaan weli waxaa lagu jiraa bil ramadaan ilaahay an ka yaabno wax nooga muhiimsan baa jira is radin oo ah inaan diinta u adeegno

  30. Shagaari says:

    As.wr.wbr…

    Aniga waxaan arkaa in qaabkan wax loosoo qoray aysan wax maslaxa ahi kujirin sababan

    jira owgood:

    Sheekh xassaan iyo culimada ictisaam way wada socdeen markii hore waxa isbadalka

    keenay waa waxa laga yeelayo arinta soomaliya..
    -
    Jamaacada ictisaam waxay xal uragtay in Dowlada lataageero oo saas xal lagu gaadho.
    -
    SH: xasaana waxuu diin u arkay in Halgankii laguwada jiray lasii wado.

    Hadaba hadii khilaaafka rasmiga ah ee culimada udhaxeeya uu kaa yahay, anigu waxaan

    arkaa in sheekh xasaan kaga garhelay culimada ictisaam arinkaas. Taasna waxaa daliil
    -
    inoogu filan in maanta umadii loo dajiyay dastuur gaaleed ladoonayo in wadanka lagu
    -
    gumaysto, Sheekh Bashiir salaadna wuu kahadlay arinkaas, waxaa marka meesha kasoo
    -
    baxaysa, hadii dastuurkaasi sidaa ku hirgalo, soo xalka kaliya ee umadda ubanaan markaa
    -
    noqon mahayo in la Halgamo.

    Waxii intaas kasoo hadha anigu waxaan arkaa in laga heshiin karo, ama si asluubaysan
    -
    lagu qeexi karo aragtida diineed ee lagu kala duwanyahay.Haba qalafsanaatee..!!!

  31. Cismaan says:

    A/C

    Allaah ha ina waafajiyo xaqa. Culimadan aad ayey u fara badan yihiin waxayna u badan yihiin kuwo magac iyo maamuus ku dhexleh ummada Soomaaliyeed. Sh. Xassaan waa kaligiis, xaqiiqdii arinkiisu waa cajiib. Waxaan u malaynayaa inay ku haboon tahay inuu is daba qabto inta uusan meel halis ah ka dhicin.

    Muslimiinta dhiigooda oo la banaysto waa arin aad iyo aad u xun in la gaalaysiiyo warkeedaba iska daa!!

  32. asad yare says:

    Waa culimadii Somalia ugu waaweynayd balse midda jirtaa waxay tahay sh.xasaan inta la soo fadhisiyo maa lala doodo isagu wuxuu dhahaa xujo ayaan haystaa laakiin culimooy calaa mashhad mina naas maad kula doodaan xasaan haddii aan timirta lafi ku jirin bal waxaad is weydiisaa sh.umal iyo sh.shible iyo sh.xasaan waxy deganyihiin oo kala joogaan 3 masjid oo hal 2km isu jira, aaway munaadaradii iyo bayaankii iyo qaabkii salafku u doodi jireen haddii lakala fogyahay haa risaalo hala isu qoro ama cajal hala isu diro laakiin laba wadaad oo hal xaafad wada degan in midba mar masjid ka qeyliyo waxba soo kordhin mayso, ugu dambayntii Umaloow xasaan waa habarwadaagaa adaana dadka baray oo soo caan saaray maantana halkaasuu marayaa hadday saas tahay isa soo horfadhiista ama shible vs xasaaan ama umal vs xasaan oo xujo cad cad la kaalaya ama dadka wareerka ka dhaafa bilaahi calaykum.

  33. sheekha says:

    ku shagaari ama student ama waxgarad

    ma ku raacsan tahay xasaan in ictisaamku gaalo yihiin.

    umada xalkeeda iyaday u taal , waa muslim , waxay leeyihiin culimo odayaal iyo wax garad aad u tiro badan , martina uma aha fataawaadka xassaan , ee intaad waxaaa iska dayso fataawaadka takfiirinta ah maxaad u aragtaa.

  34. Muxamed says:

    Ilaahay baa mahad leh nabad galyo iyo naxariisna nebigeenii muxammed korkiisi ha ahaato intaas ka dib sheekhul islaam alcallaama sh. Xassaan xuseen aadam xafidahullaahu waa caalimka ummada soomaaliyeed ee zabanka waa aftahan waa nin cadeeyey xaq faro badan ooy culimo badan ay duugeen waxa lagu haystana waa maad xaqa nala duugtid maxaad xaqa u cadeyneysaa! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa shaydaan ayaa labo dameer oo xasad ah jahanama kasoo rartay si uu u beec geeyo dameer waxaa dagsaday culimo dameerkii kalana dumar ayasaa dagsaday idan dadka waxaa oogu xaasidnimo b adan wadaado iyo dumar! Sidaa daraadeed waa wax soo jiri jiray culimo ka gaabisa xaqa cadayntiisa markuuu kasoo dhex baxo caalim rabbaani ah oo xaqa cadeynaya inay xasdaan ooy ximiyaan waa arin soo jireen ah tusaale gaaban imaamu qazaali ayaa soo cad cadaaday macalinkiisii oo nool ayuu kutubtiisa lawada daalacday caalamul islaam markaasuu macalinkiisii uu ka xumaaday arinkaas dabeedna yiri yaa imaamu qazaali la qataltanii wa anaa xayyun! Anoo nool ayaad idishay! Nafsun shay,un weeye waxa sheekh xasaan lagu haysto oo culimadii ictisaam oo ka waaweyneyd oo joogto ayuu sh. Xasaan soo cad cadaadey? Oo xaqii ay qariyeen uu cadeeyey markaasay ictisaamna dheheen yaa abuu salmaan la qataltanii wa anaa xayyun! Sh. Cali warsame wuxuu somaliland oogu mana sheegtay inuu ururkii itixaad kala diray si uu u badbadiyo somaliland sh. Maxamuud ciise waa ninkii inta warqada u qoray sucuudiga ka joojiyey dhaqaalihii la siin jiray uruirkii al itixaad ee gedo axmaarada jihaadka kula jiray cabdiraxmaan sh. Cumar wakaa safiirka maraykanka ee kenya geeyey masaajidka kulana balamay ladagaalanka alshabaab maxamad idiris wakaa yiri i do not care magadishu sh.c.qaadir nuur faarax waka mahige u muxaadareyey intasoo baadil ah ee sh. Xassaan banaanka usoo saaray ayaa lagula coleytamayaa umal iyo shibilina warkoodaba daa

  35. Suufi says:

    to Muxamed
    suu kaligiis u yahay xasaan ka aad difaaceyso baa adigana kaligaa u tahay fikir laan gaab ah oo ciyaar ay taageerayaal u yihiin baa wadaa marka ay xanaaqaana takfiirin iyo tafsiiqin tabar ka dhiganayo kolay khawaarijta waqtigooda waa dhamaaday caleentoodaa kor ka soo dhacday insha allaah mar waa la arkayaa ayadoo laga sheekeynayo kahwaaeijta sabankeena iyo dhibka ay dadkeena u geysteen

  36. Muxamed says:

    Suufi waxaan ku leeyahay laandheerahaada ku faanaysid wuxuu la mathal yahay cayayaan tiro badan oo jubada hoose daadsan magaciisana la yiraahdo saama gade waa wax tiro badan hadana cagta ayaa la mariyaa! @sayahsumul jamcu wayuwaluuna dubur@ laandheerihiinu waa la jabin dabada ayaadna jeedin doontaa

  37. Abdulkadir says:

    waxaan anigu la yaabay ninku waa shabaab weeynaaday waliba waa shaqsiga ugu qatarsan, Kenya oo shabaab la dagaalameysana waa ku noolyahay marka arrinkaas seebuu taloow ku dhacay ma ruwaayadbaa oo dowlada Kenya raali bay ka tahay mise wax kalaa jira aniga waxey ila noqotay maadaama sheekh xumahaas uu gaaleysiin iyo fatwoyin dil iyo dhac soomaalida lagu sameynayo uu kujiro inay Kenya maslaxad u aragtay ileen meel bey isku mabda kawada yihiin oo ah soomaali yaysan waligeed degin.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno