Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii.(Casharkii XXVI-aad)

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii.(Casharkii XXVI-aad)

Haddaanu dib ugu laabanno meertada taariikhda dagaal-weynihii II-aad, waxaa jirtey xilligii ay Jarmalku bilaabayeen mashruucooda dhul-boobka ah, xilligaas ayaa Talyaaniguna ay gashey qiiro middaas lamid ah. Isla-markaas Talyaanigu wuxuu iskula muuqdey in uu yahay dowlad awood leh oo heli karta guulo lamid ah midda uu Jarmalku heley. Meesha u muuqatey waxay markaas ahayd dowladaha ka dhisan koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Waxaa kale oo xilligaas Talyaaniga dhiiri-gelinayay guulaha uu ka heley dagaallada ay ciidamadiisu ka galeen geeska Afrika (Soomaaliya iyo Ereteeriya), kuwaas oo uu ku qabsadey magaalo-madaxdii Itoobiya (Addis Ababa). Arin kale ayaa jirtey oo hoggaamiyaha Talyaaniga ku dirqineysey dagaalka degaanada koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Waxay ahayd cabsida uu ka qabey in Jarmalka uu isku soo ballaariyo degaankaas, dabadeedna uu halkaas ku waayo masaalixdii ay Talyaanigu ku lahaayeen degaanada ku yaal badda dhexe (Mediterranean).

Meesha ugu horeysey oo Talyaanigu uu faduusha ku bilaabey waxay ahayd dowladda ka talisey dalka Albaaniya. Maamulka Fashiistada ah, tan iyo markii ay xukunka qabatey (1922-kii) wuxuu u arkayey gobolka Albaaniya meel istraateeji u ah dalkiisa. Sidaa darteed labada dal (Talyaani iyo Albaaniya) waxay dhigteen heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalo-madaxda Albaaniya (Tirana) sanadkii 1926-kii. Heshiiskaas oo lagu magacaabey First Treaty of Tirana, ayaa wuxuu ahaa mid shirkadaha Talyaaniga u saamaxyey in ay soo saaraan macdanta ku jirta dalka Albaaniya. Isla-markaas lacago deyman ah ayuu Talyaanigu siiyey dalkaas uu heshiiska la dhigtey. Dhaqaalihii Abaaniya wuxuu noqdey mid si buuxda ugu xirma Talyaaniga. Sanadkii xigey (1927-kii) Talyaaniga iyo Albaaniya waxaa kaloo ay dhigteen heshiiskii labaad (The Second Treaty of Tirana), kaas oo ahaa heshiis is-difaac wada-jir ah. Talyaanigu wuxuu markaas la wareegey dhismaha, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Albaaniya.

Boqorkii Albaaniya Zog I-aad (Axmad Mukhtaar) kuma uusan qancin in dhaqaalihiisa iyo ciidankiisa ay si buuxa u maamulaan Talyaaniga. Sidaa darteed, sanadkii 1931-kii wuxuu diidey in uu Talyaaniga u dheereeye heshiiskii dhaqaale ee ka dhexeeyey labada waddan. Sanadkii 1934-kii dowladda Albaaniya waxay heshiis dhaqaale la dhigatey waddamada Griig iyo Yugoslaafiya. Benito Mussolini ma uusan jecleysan heshiiskaas. Sidaa darteed, markii uu Jarmalku qabsadey waddamada Austria iyo Jekoslofaakiya, Benito Mussolini wuxuu isu arkey isaguna in uu xaq u yeeshey in uu qabsado Albaaniya. Sidaasna uu kula xulufoobo huwanta xuddunta ah oo Jarmalku hor-kacayo.

Talyaanigii wuxuu markaas culeys ku saarey qaabkii ay Albaaniya u bixin laheyd lacagta dul-saarka ah ee uu ku lahaa. Markii Albaaniya ay awoodi weydey, Talyaanigii wuxuu codsadey in loo oggolaado in ay si toos ah u farageliyaan howlaha cashuuraha ee dalka. Isla-markaas ay si buuxda u kontroolaan sokorta dalka Albaaniya iyo tellegaraamyada, iyaga oo isla-markaas la wareegey korontada dalka. Iyada oo xaaladdu ay sidaas tahay ayaa dowladdii Talyaaniga waxay codsatey in dugsiyada Albaaniya dhamaantood lagu dhigo afka Talyaaniga. Boqorkii Albaaniya Zog I-aad, wuxuu bilaabey tallaabooyin gadood ah oo uu ku yareynaayo cadaadiska uu Talyaanigu ku haayo dowladdiisa. Waxaa kamid ahaa in uu dalka ka eryo dhamaan khuburadii ciidamada ee Talyaaniga ahaa. Wuxuu soo saarey xeer ay dowladda Albaaniya kula wareegeyso shirkadihii Talyaanigu lahaa iyo dugsiyadii kaatooligga ahaa oo Talyaanigu ay ka fureen dalka. Dabadeed wuxuu bilaabey in uu xiriir siyaasadeed ka raadiyo dowlado ay kamid yihiin Faransa, Jarmalka iyo dowladaha Balkaan.

Benito Mussolini, wuxuu ku dhaqaaqey in uu dowladda Albaaniya uga jawaabo tallaabooyin ku lid ah. Markii Hitler uu qabsadey dalka Chekoslovakia oo ahayd 15/3- 1939-kii, toban cisho dabadeed (25/ 3-1939-kii ayuu Mussolini wuxuu dhambaal u direy boqorkii Albaniya Zog I-aad. Wuxuu amrey in maamulka dalka Albaaniya uu hoos-keeno Talyaaniga si uu ula midoobo. Inkasta oo Albaaniya ay tahay dal ka yar kana tabar-yar Talyaaniga, misana boqor Zog I-aad waa uu diidey arintaas. Waxaa xigey maraakiibtii dagaalka Talyaaniga in ay soo dhoobtaan xeebaha Albaaniya. Maalin Jimce ah oo ku began 7/ 4- 1939-kii ayaa ciidamadii Talyaaniga ay ku soo degeen ciidda Albaaniya. Maalintaas ayaa Talyaaniga looga yaqaan Jimcihii wanaagsanaa (Good Friday).

Ciidamadii Albaaniya oo aad u dayacnaa una tabar-yaraa, ma ayan sameyn iska-caabin xooggan. Taasi waxay dhalisey in boqor Zog I-aad iyo xaaskiisii Geraldine Appony ay u baxsadaan dalka Giriigga. Dabadeedna ay London u qaxaan. Waxaa xigey, markey taariikhdu ahayd 12/ 4- 1939-kii, in barlamaankii Albaaniya uu Talyaaniga isu-dhiibo. Sidaasna uu dalka boqor ugu noqdo boqorkii Talyaaniga Vittorio Emanuele III-aad. Dowladdii Albaaniya waxay noqotey mid maqaar-saar ah oo uu odey ka noqdey nin la yiraahdo Shefqet Verlaci. Tallaabo fal-celis ah ayuu Ingiriisku markaas qaadey oo uu ku qabsanayo jasiirado kamid ah dalka Giriigga. Taasina waxay ka danbeysey markii ay labada dal ku heshiiyeen arintaas si looga hor-tago in Talyaaniga uu weerar ku soo qaado waddamada ku yaal buuraha Balkaan. Degaankii ugu horeysey ee uu eegtey wuxuu ahaa gobol ku yaal waqooyiga Albaaniya ee la yiraahdo (Epirus). Xilligaas wuxuu ahaa mid ka madax-bannaanaa maamulka dalka Albaaniya. Dadka ku dhaqan ayaa badankiisu waxay ka soo jeedaan Giriig.

8/ 10- 1940-kii, Talyaanigu wuxuu bilaabey in uu weerar ku qabsado gobolkaas si uu taladiisa ula wareego. Dowladda Griigga oo la deris ah ayaa ka xumaatey weerarkaas uu Talyaanigu qaadey. Iyagu waxay arkayeen in iyagana loo soo socdo. Inkasta oo laga tiro iyo xoog weynaa, misana Giriigga dagaalkii ayay soo galeen. Weeraro dhuumaaleysi ah ayaa ciidamadii Giriigga ay bilaabeen taas oo Talyaanigii ku keentey in uu degaanka caga-dhigan waayo. Bishii maarso 1941-kii Talyaanigu wuxuu soo abaabuley weerar xooggan oo uu ku doonayay in uu ku soo af-jaro ka talinta gobolka Epirus. Ciidan ka kooban 11 qeybood ayuu soo dagaal-geliyey, kuwaas oo uu hoggaaminayey Jeneraal Carlo Geloso. Qorshaha weerarkan magaca uu sitey wuxuu ahaa Deyrtii Talyaaniga (Italian Primavera). 2/ 3- 1941-kii, idaacadda Roma waxay sheegtey, hoggaamiyihii dalka Talyaaniga Benito Mussolini, in uu hor-kacayo ciidanka si uu u xoojiyo niyadda skartiisa. Isagu wuxuu doonayey in uu gobolkaas qabsado inteeyan Jarmalku soo gaarin degaanka. (Stephanos Z?tos. Greece: The Struggle for freedom. 1967. Crowell. p. 39).

Ciidanka Giriigga ah ee xilligaas ku sugnaa gobolka Epirus xooggoodu wuxuu ahaa 6 qeybood. Waxaa hoggaaminayay Jeneral Alexander Papagos. 9/ 3—1941-kii aya ciidamadii Talyaaniga waxay dagaalkii ku bilaabeen duqeyn xooggan oo ay adeegsanayeen madaafiic iyo dayuurado. Waxay dabkooda la beeganayeen fariisimaha ciidamada Giriigga. Dagaalku wuxuu socdey hal toddobaad. Sida la ogsoon yahay, xoogga dayuuradaha iyo madaafiicdu maahan kuwo door weyn ka qaata dagaallada. Gaar ahaan haddii lagula dirirayo xoog jabhad ah. Sidaa darteed wax dhaawac ah ma ayan geysan. Ciidankii cagta ee Talyaaniga, markii ay dagaalka soo galeen, dhaawac badan ayaa sloo geystey, kumana ayan guuleysan in ay qabsadaan gobolkii ay doonayeen. Guul-darradii Talyaaniga soo gaartey waxay ahayd jabkii ugu horeeyey oo is-baheysiga xuddunta (Axis) soo gaara tan iyo intii uu dagaalkii II-aad bilowdey.

Talyaanigii waxay markaas guddoonsadeen in ay toos u weeraraan dalka Giriigga. Mussolini wuxuu is-tusiyey, haddii uu ku guuleysto dagaalkan in uu boos adag ka helayo loolanka adduunka ka socda. Isaga oo ku faraxsan duulaankan ayuu wuxuu yiri:

“ Hitler wuxuu mar walba i tusaaleeyaa arin waaqic ah. Haddase waxaan siinayaa oo aan ku celinayaa sunuuddiisii. Markii aan qabsado dalka Giriigga, isagu wuxuu ka baxayaa dhigaalka wargeesyada “. (The Ciano Diaries. Galeazzo Ciano. 1946. P. 247. Roma – Italy).

28/ 10- 1940-kii, Emanuele Grazzi oo ahaa danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Athens (Griig) ayaa ra’iisul-wasaarihii Griigga (Ioannis Metaxas) wuxuu gaarsiiyey dhambaal uu ka-sidey Benito Mussolini. Hoggaamiyaha Fashiistada wuxuu ra’iisul-wasaaraha ka codsadey, muddo saddex saacadood ah in uu ku oggolaado in Talyaaniga looga kaco meelo dhul-xeebeed ah iyo jasiirado ku yaal meelo istraateeji ah. Sidaa darteedna Giriiggu ay u oggolaadaan ciidamada Talyaaniga in ay si xor ah u dhex-maraan dhulkooda si ay u gaaraan meelaha ay dalbadeen. Ra’iisul-wasaarihii Giriigga Ioannis Metaxas waa uu diidey dalabkii Mussolini, wuxuuna kaga jawaabey sidaan: Taasi waxaan ka xigaa dagaal. Diidmadaas uu Ioannis Metaxas kaga jawaabey dhambaalkii Mussolini, waddanka Giriigga iyo dadkiisaba waa ay u damaashaadaan oo waxay yiraahdaan Maalintii Mayada (Ohi Day).

Sidaas ayaa isla-maalintaas (28/ 10- 1940-kii) waxaa ku bilowdey weerarka la magac-baxay Greco-Italian War. Talyaaniga wuxuu weerarkan ku doonayey in uu gacanta ku dhigo marimada istraateejiga ah ee Giriigga mara. Waxaa kamid ah jasiiradaha leysku yiraahdo Ionian Islands iyo jasiiradaha ku yaal badda Agean (Agean Islands). Baddaas ayaa waxay xiriirisaa badda dhexe (Mediterranean) iyo badda Madow (Black Sea). Labaatan qeybood oo ciidankii Talyaaniga ahaa ayaa ka qeyb-qaatey weerarkan. Siddeed qeybood waxay diyaar ku ahaayeen dalka Albaaniya oo ay horey u galeen. Wadar ciidankaas tiradiisu waxay dhameyd 565,000 oo nin. Waxaa weheliyey 463 oo dayuuradood. Ciidamada Giriigga waxay tiradoodu markaas ahayd 300,000 oo nin. Tirada dayuuradaha ay heysteen waxay ahaayeen 77 dayuuradood. Jeneraal Pietro Badoglio (sarkaalkii Itoobiya qabtey) iyo Jeneraal Mario Roatta (abaanduulihii ciidamada Talyaaniga), waxay ahaayeen labada sarkaal oo ugu dhowaa Mussolini. Labaduba waxay u sheegeen in ciidanka intaas le’eg ay ku qabsan karaan Giriig.

Weerarku wuxuu ka bilowdey xuduudda waqooyi oo Giriiggu uu la leeyahay Albaaniya. Gaar ahaa gobolka buuraleyda ah ee la yiraahdo Epirus. Ciidankii Talyaaniga wax yar oo hor u-mar ah ayay ka gaareen dagaalkaas. Dabadeed ayaamihii ugu horeeyey ee bishii nofember 1940-kii, waxaa dhacay dagaal mug weyn oo weerarkiisa ay Talyaanigu soo qaadeen. Dagaalkaas oo loo yqaan (The Battle of Elaia-Kalmas) ayaa waxaa loogu magac-darey webiga Kalmas ee ku yaal waqooyiga Giriigga. Isla-gobolkii Epirus xadkiisa ayuu weerarkan ka dhacay. Inkasta oo weerarkan uu ahaa mid Talyaanigu ay si xoog-weyn u soo galeen, misana wax guul ah kama ayan gaarin. Waxaa kale oo jirey aag kale oo Talyaanigu ay weerar xooggan ku qaadeen, kaas oo ahaa dhulka ay ku dhacaan buuraha Pundus. Waxaa xusid mudan sarkaalkii odeyga u ahaa ciidamada Talyaaniga ka fadhiyey Albaaniya Jeneraal Visconti Prasca, in uu dowladdiisii u tilmaamey in uu si sahlan ku qaban karo aagga buuraha Pundus. Dabadeedna ay ciidankiisu toos u geli karaan magaalo-madaxda Giriig (Athens). Laakiin aragtidiisii waxay beenowdey markii dagaalku biowdey oo ciidankiisii waa ay jabeen.

Giriigga waxaa gacan siiyey dhulka qallafsan oo buuraha ah iyo iyagoo si wanaagsan isu qeybiyey. Waxaa kale oo ay si deg-deg ah u helyeen gargaar uga imanayey dad-weynaha ku dhaqan degaanka. Taasi waxay sababtey meel kasta oo ay qabsadaan in dib looga kiciyo. 13/ 11- 1940-kii, ciidamadii Talyaaniga waxaa laga saarey dhamaan dhulkii ay Giriigga ka qabsadeen. Xataa Talyaanigii waxaa laga qabsadey tuulooyin dhowr ah ee ku yaal koonfurta dalka Albaaniya, kuwaas oo uu horey u heystey.

Muddo gaaban dabadeed dagaalladii weynaa waa ay kakadeen. Sababtu waxay ahayd waxaa bilowdey xilligii qaboobaha. Markiise uu dhamaadey qaboobihii, Mussolini wuxuu layimid qorshe dagaal rogaal-celis ah. Hoggaamiyihii Fashiistada, wuxuu markaas soo fariistey Albaaniya, si uu ugu soo dhowaado fagaaraha ay colaaddu ka jirto. Dagaalkaas oo bilowdey 9/ 3- 1941-kii, ayaa Talyaanigu wuxuu ku soo weerar-tegey ciidan gaaraya 55.000 oo nin. Inkasta oo uu ka hub wanaagsanaa Giriigga, misana khasaaro xoog-weyn ayaa soo gaarey ciidamadiisii. Muddo hal toddobaad ah ayaa dhowr iyo toban kun oo ciidamadii Talyaaniga ah waxaa laga yeeley wax la diley iyo wax la dhaawacay. (Greece in World War II. Heinz A. Richter. 1998. p. 119. Greece – Athens).

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno