Home » Diinta, Wararka » Bayaan ka soo baxay Shirkii Culimada iyo Ducaadda Salafiyiinta ee Kenya

Bayaan ka soo baxay Shirkii Culimada iyo Ducaadda Salafiyiinta ee Kenya

Culimada Soomaaliyeed qeybo ka mid ah, ayaa shir aay ku yeesheen magaalada Nairobi, waxay ka soo saareen bayaan u qornaa sidan:

Bayaan ka soo baxay Shirkii Culimada iyo Ducaadda Salafiyiinta ee Kenya

August 5- 6, 2012 Ramadaan 17,18, 1433h

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey kulan labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah culimada iyo ducaadda  Soomaaliyeed ee Kenya. Shirkaas waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

  • is waraysi iyo xog kala qaadasho
  • Wada tashi ku wajahan dib u habeynta dacwada
  • Sixidda iyo ka hortaga manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah salafka.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib culimada iyo ducaaddu waxay isku raaceen:

  1. In dibu-habayn lagu sameeyo dacwada oo la dardar galiyo, lana xoojiyo isku xidhnaanta iyo iskaashiga ducaadda iyo culimada.
  2. In laga hortago manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah ee salafu saalix. Sida; kooaxaha takfiirka ah ee faafinaya manhajka khawaarijta, kooxaha banaysanaya dhiigga muslimiinta iyo guud ahaanba  kooxaha kale ee soo noolaynaya caqiidooyinka firqooyinkii lunsanaa.
  3.  In culimadu ay mowqif mideysan ka yeeshaan masalooyinka caamka  ah iyo dhacdooyinka cusub ee hadba soo kordha.
  4. In la xoojiyo kaalinta ay culimadu ku leeyihiin heshiisiinta, hoggaaminta iyo sixidda bulshda Soomaaliyeed.
  5. In culimadu kaalin libaax ku yeeshaan horumarka shacabka iyo u gurmadka meelaha ay ka dhacaan musiibooyinka guud.
  6. In mudnaan gaar ah lasiiyo daryeelka iyo waxbaridda dadka soo islaamaya ee kala duwan, loona sameeyo goobo wax lagu baro.
  7. In looga digo dadka  falalka waxyeelada u gaysanaya Muslimiinta dalka kunool iyo diintooda, sida qarxinta goobaha dadwaynaha, goobaha cibaadada iwm, taas oo keeni karta in lagu ugaadhsado meelaha ay ku yaryihiin ama masaajida la gubo.

Gabagabo:

Waxay culimada iyo ducaadda isu timid ugu baaqayaan ummadda soomaliyeed: Inay Allaah ka baqaan, diintoodana si wada jira u qabsadaan, ayna diintooda ka qaataan culimada lagu kalsoon yahay, kuna dadaalaan walaalnimadooda iyo wadajirkooda, khilaafkoodana ku xalliyaan wada hadal iyo walaaltinimo si waafaqsan shareecada islaamka.

Hoos ka daawo sawirada shirka Culimada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa kulankan ka soo qayb galay culimo iyo ducaad badan oo ay  ka mid yihiin:

 

  1. Sh Maxamed Cabdi Umal
  2. Sh C/Raxmaan Sh Cumar
  3. Sh Xasan Ashkir
  4. Sh Maxamuud Shible
  5. Sh C/Qaadir Boobe
  6. Sh C/Wahaab Isxaaq
  7. Sh Maxamed Ibrahim Shakul
  8. Sh Cismaan Maxamuud
  9. Sh. C/laahi Nuur Abul-fadli
  10. Sh. Axmed Sulub
  11. Sh. Maxamed Cismaan Calasow
  12. Sh Faarax Mire Rooble
  13. Sh Faarax Maxamed Jeenihaar
  14. Sh C/Wahaab Cismaan
  15. Dr. Axmed Xaaji C/ladiif
  16. Dr. Adam Sh Cali Saalax
  17. Dr. Maxamed Maxmuud Cali
  18. Dr. Adam Inshaar
  19. Dr. C/laahi Xasan Ibraahim

6 Responses

  1. haadi says:

    ilaahay hanoo dhaafo culimadeena shararta leh kuwii wanaaga loo sheegayo ku dhaqmana alaha naga dhigo sidfiican bay wax ku wadaan maxaa yeelay fatwada iyo bayaanada jamaaciga ah waxay kawaxtar badan yihiin mida fardiga wayna ka saameyn badan yihiin

  2. c/laahi says:

    maasha alaah way wanaajiyeen culumada salafiyiinta waa waalidkeen meel khatar bay naga soo celiyeen inaan u duceynaa leynaka rabaa inaan abaalaawayaal noqono sax maahan w

  3. bishaar says:

    walaalaha webkaan maamula ilaahay ha idinka ajarsiiyo kheirka aad noo soo gudbineysaan culimadana allaha nagu anfaco cilmigooda alaahuma aamiin

  4. Muxamed says:

    Asc, marka hore waxaan salaamayaa akhyaarta somalireal i wanaagsan ood usoo ban dhigtaan afkaarta inta xaqa difaacayso marka xiga waxaan baraarujinayaa markastoo gaalo kusoo duusho dad muslimiin ah iyo diintooda waxaa jiri jiray mujaahidiin gaalada la jihaado oo dagaal kala hortaga hadaan tusaale usoo qaadano jihaadka geeska afrika laga soo bilaabo al mujaahid axmad gurey lagu xijiyo al mujaahid sayid maxamad cabdille xasan ilaa yowmunaa haadaa ooy hortaagan yiihiin gaalada is bahaysatay xarakatul shabaab almujaahidiin iyo sheekhooda weyn alcallaama sh. Xassaan xuseen oo asagu u taagan inuu dhabar jabiyo wixii shubhaad ah ee lagu bushinayo jihaadka ee kasoo baxo labada masaajid ee islii ku yaalo. Hadaan dib oogu noqdo sayidkii wuxuu warqad u qoray culimo afar ah 1. Sheekh xasan barsame wuu ajiibay inuu jihaadka ka qayb qaato 2. Sh. Biyamaalow asna wuu ajiibay 3. Sh. Cali jowhar asna afkuu ka jihaaday 4. Sh. Aweys biyoolay gaaladii ayuu la saftay jihaadkana wuu duray sayidkana khawaarij ayuu ku sheegay? Sayidii wuu gabyey oo wuxuu yiri culimada sidii baaniyaal baladka gaal joogto baabkii allaa laga akhriyey inay baloobeene inuu balalka naareed ku dhici ba,aha yaa u heega? Cajiib maanta waxaad moodaa sayidka inuu la hadlayo jihaadka dalkeena ka oogan iyo culimada baladka gaal joogto ee mujaahidiinta khawaarijta ku haya? Waxaan kusoo gunaanadi ereyadii sayidka taqabalalaah. Culimada sidii baaniyaal baladka gaal joogta baabkii alaa laga akhriyey inay baloobeene inuu balalka naareed ku dhici ba,aha yaa u sheega? Bishimo aamusaa waxay helaan inay bad baadaane rag balaayo iyo ceeb ninkii igula baayooda inaan baxarka moolka ah ku ridi ba,aha yaa u sheega.

  5. Suufi says:

    to Muxamed
    waxaad rabtaa hal qof oo da yar inaad barbardhigtid jamaaco culumo ah oo cilmi iyo da ba ka weyn ka khibrad badan taasna macquul maaha tacasub i dho la,aan ah baa kuhayo kaliya ma waxaad rabtaa inaad naga gadid xasaan xuseen baa shariif soo daahiray ah culumada kalena waa xunyihiin asagoo weli gaaleysiiyey soomaalida inta yar ee shabaab la socoto maahee? taas cid kaa yeeleyso malahan adiga maku raacsan tahay gaaleysiinta jamaaciga ah ee culumo iyo shacab uu wadaadkaas gaaleysiinayo?

  6. Xasn says:

    To suufi horta adaba qirtay ina tahay suufi mida kali walal sh.xasaan kaliya mahe kuwa jogo furumaha dagaalka kuwas culumo maha miya mise culumada idinka waxadna culuma dhihina culumo maha miya culumo way jogta 50meyo kor u dhafayso iyo kasi badan o ku kala sugan wilayaatka somalia kuwa kalo jogo calamka dacaladisa adeer suufi kahadl warka walalka maxamed u ka hadlay waxad fikrad qabto kas ka dhibo ha isku warerin wax lagaga so shubay masjidka umal iyo waxa la halmala e culuma u suga kuwas aniga waxan u aqaan khaainin ilahay iyo rasuulkisa iyo mumininta khayanay lakin waxa so socdo malin an xolo iyoilmo aysan xabad tareyn ila qalbi cafimad qabo mahe malintas a no balama anaga iyo culuma usuu ictisaam iyo kuli gaalo racyo lakin manta 2safba jirto kan galada iyo kan musliminta ictisaam iyo kuwa culumo ku shegaysan waxay buxshen sufufta galada aygana ka markato ah o ku shegin hal malin o qura aygo galada waxka shegayo ma arkaysid galada ma ceblawayaalba? kuwan murtadinta e dumarki kufsaday dadki xolohodi dhacay dadki dhiigoda banaystay qofti aydilan iska dhahayo wa shabab kuwas ma ceblawayalba? War dadow qofti xaqdon ah walahi khaliqa konka aburay cirka sara u qaday arlada aburay bada&barinka kala hayaan ku dharte inaysan manta wax isku qasnayn qofti ilahay caqli siyay o xaqdona ah qofwalba aydo dayayso ama safka kufaarta hagasho ama safka musliminta lagu so dulay o wax u haray aysan jirin ictisaam dad muslimin ah o musliminta u damqado haday yihin muslimintu waliged bay isku khilafi jiren mas aloyin e may intay kaso tagan safka galada may musliminta kala niqaashan waxay dodka qaban walahi inaysan nasixin ahayn e wa gaalo racyo gaalo so adegsatay walahi manta galadu tangiyada iyo dababadka ay watan amisom iyo galada o idil dagaalka hubka waxa noga daran kan maskaxda bal eeg 1horta dadka waxma garatada o ku fikiro aduunyadoda o lo yaqaan suqlay ama aduunya raca o jahilinta waxay u sameyen musiq heeso ninka musiqa dhagaysayo hal mar o kaliya madhagaysa karyo darsi diini ah 2dadki ay garen bararuga islaamka o wax fahmayay dhagarta galada waxay u sameyen culuma usu dadka waxay shalay uga digi jiren dadka manta dadki ku wanihayo dhanka kalina wixi fikradoda gaalo uso mayrisay kaso horjedana ku xukumayo khawij iyo waxlamida ikhwani malin ay dadka musliminta guulaysa donan galana la jebi donan nairobiga ay hada dadka brobaganada ugu hayana rayada towxiidka laga tagi dona bi dinilaah ictisaam an daba jogay ninwalbow hadhow laga yeli ma e hadaba qofwalbow xaqa radi iyo xaqiqda o haku lumin waxan din ku naqayn wa qofti xaqdon ah intas ayan uga baxa wb towfiiq

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno