Home » Wararka, Warbixinno » Xushmad darro siyaada ah oo lagu arkay Dadka ku Aafeysan gaaleysiinta Muslimiinta.

Xushmad darro siyaada ah oo lagu arkay Dadka ku Aafeysan gaaleysiinta Muslimiinta.

Xushmad  darro siyaada ah ayaa waxaa  lagu arkay Dadka ku Aafeysan gaaleysiinta Muslimiinta.

Sida Culimo badan ay shaaca ka qaadeen, warbaahinta Somalireal na warbixino badan  ku muujisay, waxaa waayadan dar-dar xoog leh ku socda is-gaaleysiinta, iyadoona dadka qaarkiis ayba  dhaqan  u noqotay inay  xukunkaas culus dul-dhigaan  qof ama dad la imaanayaa dhamaan waxyaabihii Islaamnimadu amreysay, ama Muslimiinta lagu waajib yeelay.

Haddaba dadka amuurtaas dhaqanka ka yeeshay, ayaa waxaa lagu arkay calaamado waaweyn oo ay ka mid tahay:

Xushmad darro siyaada ah.

1- Cayda dad la xurmeeyo ayaa ka mid ah dhaqanka Takfiiriyiinta maanta, iyadoo guud ahaan ayan habooneyn in dadka la caayo.

Qolyahan ku ibtileysan Gaaleysiinta Muslimiinta, ayaa cayda waxay u tahay tiirka labaad ee ugu xoogga badan ee ay xuskadaan, marka laga yimaado Gaaleysiinta. umana kala soocaan cayda cidda ay iska soo horjeedaan xitaa haddii ay waalidkood tahay.

” Abtigey waa nin xun oo diin neceyb ku caan baxay, xaqa waa la caddeeyaaye taas kama gabanayo” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dhalinyarada caqligooda ku waayey ku deg-degidda gaaleysiinta Muslimiinta, ka dib markii kuwo kale oo ceel u qodoyey ay u baaseen, isna uusan iska jirin.

Haddii la xusuusiyo in caydu ayan fiicneyn, gaar ahaan in laga xishooda waalidka iyo dadka waaweyn, waxaa macquul ah inaad maqashid iyadoo leys bar-bar dhigayo gaaladii hore iyo waalidka, magaca ay huwan yihiinna uu yahay diin difaacid, halkan marka ay mareyso laba arrimood waa ceeb:

1- In isku xukun la siiyo laba shey oo kala duwan.

2- In lakala qaado laba shey oo isku mid ah.

Marka in qof gaalnimadiisu ayan muran laheyn la bar-bar dhigo, isku xukunna la siiyo qof Muslim ah guud ahaan, aad ayey foolxumo u tahay, balse waxaa la arkaa inay qolyahan ku doodaan inay gaalnimadiisu u caddahay qofka ay maaggan yihiin, maaddaama iyagu ay dadka la baadigoobayaan inay gaaloobaan, inta badanna dad Muslim ah ay xukunkaas culeyska badan kula haliilayaan.

Ugu dambeyntii: amuurtan iyo kuwo kale oo ka foolxunba waa lagu arkay dadka dhaqanka ka dhigtay inay dab ku cayaaraan, ama bahal guriga soo gashadaan, marka laga soo tago dhaawaca soo gaaraya diintoodana, waxaa lagu arkay miyir la’aan iyo xushmo darro.

Halkan ka akhri qormadii hore ee xanuunada laga qaado ku deg-degidda gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah

Xafiiska Wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

3 Responses

  1. Asad yare says:

    Waxaa kaloo ka mid ah calaamadaha qoladaas xanaaq aad u dhow aadna u badan

  2. Muxamed says:

    Xushmad daro ka weyn anigu ma arag allah.sw. Diintiisa rugni ka mid ah oo lagu been abuurta waa rugniga jihaadka inla yiraahdo dal muslim ah oo ay kusoo duuleen gaalo is bahaysatay in jihaadkii ka oognaa lagu tilmaamo waa fitno anigu garan maayo xushmo daro ka weyn? In mujaahidiintii gaalada hortaagnayd oo naf iyo maalba u huray difaaca diinta iyo dadka inlagu sheego waa sufaho waa juhalo waa caqli yar xushmo daro ka weyn anigu ma ogi in dastuurkii ugu horeeyey la yiraahdo waxaa dajiyey suubanaha.scw. Xushmo daro ka weyn inay jirtaa anigu garanmaayo? In gaal soo duulay oo dad muslim ah xasuuqayo dumarkii kufasanayo dintii ku saxaroonayo inla yiraahdo waa nabad ilaaliye xushmo daro ka weyn inay jirtaa ila ma ahan ee xushmadeeeey xaal qaado nin kastaa iska ka sheegyayeey

  3. abu cabdallah says:

    TO muxamed;

    Muxamedow waxaad dhexda kaga jirtaa inbadan oo ka mid ah kuwa hadda soo rucleeyey ee aaban adduun iyo wuxuu ahaan jireyba la soconin oo erayo loo meeriyey ku celceliya sidii baqbaqaagii hadalka qofku yiraahdo ka daba oran jirey, waxaa la yaab leh in hadalkaaga xamaasad ka muuqatao ood kelmado hadii hadda qeex lagu yiraahdo ay macquul tahay inaadan adnaa tacriif ka bixin aad isaga celcelisay, marka waa wax wanaagsan inaad fikirkaaga ku shaqeyso ee aadan wax laguu meeriyey aadan lasoo shirtegin oodan ku celcelinin, waana inta ay cuskadaan ee ay ku tukubaan kuwa xushmad darida lagu ibtileeyey ee maanta wax xalaal iyo wax xaaraanaba ka tallaabsaday.

    jihaad, mujaahidiin, kitaab alle, ayaad ku wardisay adiga oo qiireysan sawse ma ogid in kuwii saxaabadii ugu fadli badnaa khilaafey ee dhiigooda banneystey ay sheeganayeen inay jihaadayaan oo kitaab alle kor yeelayaan, saw ma ogid kuwii dilay cumar bin khadaab, cali bin abii daalib iyo kuwii surka ka jarey wiilkii sharafta badnaa ee nebiga waa xuseen ibnu caliye dhammaantood ay alle ugu dhowaanayeen laynta saxaabadaas oo waliba ay sheeganayeen in uusan jirin camal ka fadli badan oo alle ay ugu dhowaadaan, dhinaca kale iyo acmaashooda marka la fiiriyana uuba nebigu qirey in uusan jirin xataa saxaabada cid ku gaareysa acmaal badnida, mar haday saas tahay waxba lagama soo qaadin sheegashadoodaas ay salaad soon jihaad iyo alle ka cabsi ku wardiyayeen oo waxaa laga dhigay hal bacaad lagu lisay, adiguna waxaad difaaceysaa oo aad u xamaaseysan tahay koox qawlaysata ah oo lagu ibtileeyey cayda iyo aflegaadada culimada ilaahay ee xilli laga yaabo inaadanba jooginba ama aadan wax la sheego ahayn dacwadaan soo waday oo loo soo xiray, loosoo masaafuriyey, loo dhibay madaxooda iyo garkooduna ay ku cirroobeen sidii ay ugu taagnaayeen dacwada rabbi, thimaartoodii iyo kheyrkoodiina caalamka meel kasta gaadhey, miyaanay kuu muuqan buhtaanka iyo borobogaandada golaha magaca beenta ah sameystey ee aan anigu u aqaanno GOLAHA BUHTAANKA ay har iyo habeen la taagan yihiin ee ku aflegaadeynayaan culimada.ee ay sharaftoodii iyo cirdigoodii wax ay u reebteen aysan jirin, iyaguna aan hal hal u aqaano rabbina ku dhaartaye aanu jirin mid ka mid ah iyaga oo dacwadaan sabqi ku leh, waliba kuwii ugu liitay bulshada dhexdeeda ay hogaaminayaan ee kuna waabariisnaya kuna gabaldhacsanaya cunidda hilibka culimada. wallaahi waxaa lay sheegayey qaar iyaga ka mid ah in hadda ayba madaxa la sii galeen manaahijta aan soomaali weligeed lagu maqal oo ay afka la laacayaan saxaabadii nebiga waxaana waxaa ugu wacan xawliga iyo xaddhaafka ay ku socdaan, waana waxa lagu yaqaan kuwa hawadooda raaca ee xarig celiya aan lahayn in kolba mawjadii hadaafeysaba ay raacaan illaa ay ciribtoodu ku dambeyso meel aan la mahadinin. si kastabase ha ahaatee muxamedow kula yaabi maayo haddii adiga aysan aflegaadeda cayda iyo xadgudubku aanay kuula muuqan xushmad darro oo aad geesi u taqaan ninka waxyaabahaas caadada ka dhigtay oo waxaa suurta gal ah in markii ugu horreysay eed indhaha kala qaadeyba aad waxyaabahan ku indho kala qaadey oo diin oo dhan iyaga kuu yihiin, maxaa yeelay duqsiga iyo bahalka xaarwalwaalka la yiraahdoba ka dhaadhicin meysid in waxa ay ku jiraani uu qudhun yahay waayo mid kastaa wixii ugu horeeyey ee uu kusoo hanaqaadey ama koomkan markuu yimid uu la kulmay ayaa wuxuu ahaa qudhunkaas oo aabayaashiis iyoo waaridkiis ku jiraan sidaasaaba isaga uu qudhunkaas bash iyo badhaadhe ugu yahay, marka iska dhexdabaasha xushmad daradaas oo waliba iskugu hambalyeeya xilli aan hadda ahayn ayaa la kala ogaan doonaaye.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno