Home » Wararka, Warbixinno » Madaxweyne Shariif oo xaajadu ku xuntahay.

Madaxweyne Shariif oo xaajadu ku xuntahay.

Madaxweynaha KMG Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed ayaa wajahaya waqtigii ugu adkaa ee Madaxtinimadiisa.

Madaxweyne Shariif oo bilowgii 2009-kii Jabuuti loogu doortay inuu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, ka dib markii ay heshiiyeen garabkii Isbeheysigii uu hoggaaminayey ee dib u-xoreynta, iyo xukuumaddii TFG da ee uu ra’isul wasaaraha ka ahaa Nuur Cadde, ayaa ugu dambeyntii waxa uu wajahayaa xaalad  adag.

Shariif  Sh. Axmed, ayaa muddadii 3-da sano iyo 8-dda bilood aheyd ee uu xilka hayey, waxay isla soo shaqeeyeen ilaa 3 Ra’isul wasaare, kuwaasoo kala ah: Cumar C/rashiid, Maxamed C/laahi Farmaajo, iyo Dr. C/wali Maxamed Cali oo hadda ah wasiirka koowaad.

Madaxweyne Shariif,  ayaa isaga iyo Cumar C/rashiid waxay isku qabteen siyaasadda, ka dibna waxaa is casilay ra’isul wasaarihii, ka dibna waxaa uu soo magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo isna uu meesha kaga baxay heshiiskii Kampala, waxaana markaas ka dib  uu magacaabay Prof. Gaas.

Muddo sanad ah ayey wada shaqeynayeen Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana goor horeba soo baxayey warar sheegaya in beesha caalamku ay daaqadda ka saareyso Madaxweynaha.

Markii la soo gaaray gabagabada waqtigii dowladda loo madleeyey, isla markaasna la ansixiyey Qabyo-qoraalka Dastuurka, ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu dareemay inay adag tahay inuu mar kale ku guuleysto Madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana arintaasi muujinaya:

1- Shirkii Saxiixayaasha Road map ka, oo uu Madaxweynuhu ka soo carooday.

Wixii waqtiga shirkaas la soo gabagabeeyey ka dambeeyey Madaxweynuhu, wuxuu garowsaday in sida wax u socdaan ayan u quxux badneyn sidii uu rabay, isla markaasna waqti uu ku soo kabsan karo uusan u harsaneyn.

2- Guddiga Farsamada oo is hortaagay xubno badan oo xildhibaannimo u sharaxnaa, kuwaasoo la Jaal ahaa Madaxweynaha.

Arrintan, ayaa culeys weyn ku sii kordhisay sida ay u adag tahay in mar kale Madaxweyne Shariif uu dib u soo laabto, iyadoona waqtigu ku yar yahay oo uusan wax badan fursad u haysanin inuu xaliyo dhibaatooyinka soo wajahay hammigiisa doorashada soo socota.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed, ayaa waxaa sababay in culeyskaan uu soo wajaho:

In Saxiixayaasha Road Map ku, ka cod badan yihiin.

Inuusan haysanin Kalsoonida Ergeyga gaarka ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

In Guddiga Farsamada ay dib u celiyeen xidhibaannimada  xubno badan oo Shariifka taageersanaa.

Iyo In beesha caalamka looga galaangal badan yahay.

Arrimahaasi oo dhan oo is biirsaday, ayaa waxay  cirka ku toleen hammiga Madaxweynenimada Soomaaliya ee Sh. Shariif Sh. Axmed, balse wax walba waxaa fasiri doona maalmaha foodda inagu soo haya.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

One Response

  1. Runtii waan ku garaxsanahay sida wax u socdaan waliba waxaa sharaf ah in loo diiday dadkii ka soo qayb qaatay burburkii iyo barakiciintii soomaaliya sida qabqablasaahii hore

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno