Home » Wararka, Warbixinno » Rajadii Kursiga Madaxweynenimo ee Sh. Shariif oo aad hoos ugu dhacday.(Faalo)

Rajadii Kursiga Madaxweynenimo ee Sh. Shariif oo aad hoos ugu dhacday.(Faalo)

Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid Rajadii Sh. Shariif  Sh. Axmed, ka lahaa in mar kale Madaxweyne loo doorto.

Madaxweyne Shariif, ayaa Rajo weyn ka qabay in mar kale dib uu ugu guuleysto tarkanka Madaxweynenimo ee dhawaan la filayo in loo baratamo, iyadoona sida hadda muuqata Sh. Shariif ay ku soo baxeen wax badan oo uusan ku xisaabtameyn.

Sh. Shariif, ayaa isku haleynta ugu badan ka qabay Odayaasha dhaqanka, oo uu galaangal badan ku lahaa, isagoona rajeynayey in Odayaashu ay soo xuli doonaan xildhibaano isaga u codeeya marka Madaxtinimada loo baratamayo.

Rajada Madaxweyne Shariif, ayaa guuldarrada ugu weyn waxa ay ku timid, ka dib markii guddiga Farsamada ay dib u celiyeen xubno uu  isku haleynayey inay u codeynayaan, taasoo ceel dheer kusii ridday hammigii Madaxweyne Shariif.

Saddex Dhinac oo Madaxweyne Shariif  laba ka mid ah isku haleynayey.

1- Odayaasha dhaqanka.

2- Guddiga dhexdhexaadinta.

3- Guddiga Farsamada.

Shariif  Sh. Axmed, ayaa isku haleynayey Odayaasha dhaqanku inay  soo xuli doonaan xubno badan oo isaga u codeeya, halka Odayaasha dhexdhexaadinta oo 25 ka koobanna uu ka filayey in loo celin doono xubnaha xildhibaannimadooda ay doodda ka dhalato.

Maaddaama uu Shariifku, xisaabtaas isu geystay, wuxuuna meesha soo dhiganin shaqada guddiga Farsamada, oo aheyd kala shaan dheynta xildhibaanada la soo gudbiyo, taasoo dhabar jabka ugu daran u keentay.

Markii xaal halkaas gaaray, ayuu Shariifku qeylo afka ku shubtay, isagoona ka biyo diiday qaabka ay howshu u socoto, iyo shaqada guddiga Farsamada, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in Odayaasha dhaqanka howshooda faraha looga qaado.

Arrinta ugu adag  ee Shariifka soo wajahday.

Ergeyga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,  Augustine Mahiga , Wakiilada Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, Britain,Midowga Yurub, Talyaaniga, Norway, iyo  Turkiga, oo shalay Muqdisho kula shiray Madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday, ayaa isku raacay in guddiga Farsamadu ay shaqo wanaagsan hayaan, howshoodana faraha looga qaado, iyagoona Odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay soo gubiyaan xubnaha beelahooda ka midka ah ee inay bedelaan laga dhowrayo.

Taas, ayaa macnaheedu yahay in ay cirka isku shareertay in dib loo soo celiyo xubno Shariifku doonayey in ay baarlamaanka soo galaan, kuwaasoo guddiga Farsamada ee beesha caalamka taageerada ka helay ay hor-istaageen inay Xildhibaano noqdaan.

Ugu dambeyntii:  waxaa la dhowrayaa halka ay amuurahaani ku biyo shuban doonaan, iyadoona wax walba ay kala caddaan doonaan maalmaha inagu soo aaddan.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

13 Responses

  1. ciid says:

    walaahi waxbaa kudhacay shariif ka awalba waa la ogaa inuuna meel lagali karin prof c/wali maxaayeelay shariif waa nin indhaha kala qaaday 2006 . waqtigaas prime minister ku wuxuu wax ka dhigayey jaamacad dalka waxaa loo baahan yahay in dadka aqoonta leh ay hogaamiyaan dadka barakada iyo xooga ku joogay waqtigoodii wa dhamaaday

  2. xuseen says:

    waan kugu raacsanahay ciid waqtigii aqoontaa la joogaa iyo waxqabadka waa lasoo dhaafay waqtigii xooga iyo raganimada shariif waa nin fiican oo lafahmi karo laakiin marxalada hada dalku marayo waxaa larabaa nin Dr Gaas oo kale ah oo soomaalida meel wanaagsan u rara

  3. bishaar says:

    soomaaliya rajada u iftiimeyso waa prof gaas oo madaxweyne unoqda waxaan qabaa in shariif meesha isaga tago si dalka looga saaro godka ay ku rideen qabqablayaasha uu shariifku difaacayo

  4. abu rixa says:

    waan salaamayaa dhamaan somalireal.com iyo akhristayaasha sharafta leh waxaan leeyahay ciid wanaagsan, marka xigta shariif shiikh axmed awalba wuxuu periodic president waxaana loogu talagalay oo kaliya in maadaama ay isku luuqad ku hadlaan nimankaan DHURWAAYO CUNKA AH (ashabaab) bal xal ka keeno oo luuqadooda kula hadlo laakiin tiina wuu ku fashilmay oo wuxuu ka bixi waayey tamashlayn, israaf, raaxaysi, safaro dibada ah, degmooyin magacaabid iyo walxo kale oo aan hada halkan ka sheegi karin sidaas daraadeed isagoo awlkii hore istaraatiijiyad dheer laga laheen ayuu short crises managementigii ku fashilmay marka waxaan ku soo gunaanadi lahaa adeer mawlacaagii isaga laabo

  5. horeeye says:

    madaxweyne shariif waxaa lala ciyaaray chess game uusan waxbadna ka aqoon sidaa darteed baawaxa lagaliyey checkmate uusan meelna uga bixikarin.

    waxaan heshay khibrad la’aan siyaasadeed waxaa laciyaaray rag bashaha cidiyihii ugadhmaadeen.

    ug danbeyntii shariif waa oday soomaliyeed xilna soo qabtay waxaan kula talin lahaa wali wa dhalin yar yahee bal siyaasadana hasii barto hadlakana wax haka dhiso.

  6. siciid a.muuse says:

    asc arinka aad ka aan ugu faraxsanahay wuxuu yahay inay bur burtay beentu beerlaxawsiga ahayd oo lagu been abuuran jiray oo la dhihi jiray ” waxaan nahay ahlu diin aala shiikh” haduu ba maantay shariif la ooynayo war gudiga farsamo yaa iga qabtay aan keesado caado qaata yaashii aan gataye mida kale pmka dr gaas waa halyay madaale ah maxaa yeelay waxaad ogtihiin dhowr bilka hor inuu naftiisa ku waayi rabay u shaqaynta dalkaan iyo dadkiisan dhiban national theater oo (aala shaykh) ay si bareer ah ugu dambeeyeen madaama ayaga iyo ashabaaba ayan qaab kale oo wax loo xaliyo aqoon inay dadka qarxiyaan ma ahane dhanka kale wuxuu muddo halsano ah diktoorku lashaqaynayay oo waliba ku dulqaadanayay la shaqaynta 2da shariif oo aan ognahay 2daba heerka ay ka joogaan professinalismka.
    anigu waxaan aaminsanahay kaliya inaan leenahay hal nin oo aan kutilmaami karo “our memorial leader” waan dr gaas waxaan maalin walba laptopka iigu jira khudbadii raysalwasaaraha ka jiidiyey “Istanbul 2012 somali conference” ee lamagac baxday “my goal” oo igu dhiirigalisa maalin walba inaan ahay nin somali ah oo awood badan oo khaas la aha khayiraad iyo qoondooyin kale ” this is what i think somalia can and will be inshaa allaah”

  7. zakariye says:

    maanta somaliya waxya maraysa waqtigi lixdankii ookale somlia is going to born again waxaa loobaahna yahay in lahelo dad xilkas ah oo aan dambi hore kagalin dadka iyo dalka .

    waxaan ubaahanahya in lahelo dad aqoon leh maanta waa waqtigii aqoontu talin lahayd.
    waxaan doonaynaa dad sumcad dunida kuleh ilaahna yaqaan oo sooheliya sharaftii iyo karamadii burburtay ee ummada somaliyeed.

    ma aqbali karno in lasoo celiyo hogaamiye kooxeedyadii dhig miiratada ahaa ee dadkan iyo dalkan heerkaas soogaar siiyey.

    ugu dambeyn tii waxa mahad iskaleh ALLAAH SUBXAANAHU WATACALAA mahada labaadna waxaa leh guddiga farsamada iyo beesha caalmka kuwaas oo diiday hogaamiya kooxeed yadii in ay soolaabtaan.

    sheekh shariif ummadda soomaaliyeed waa kahan jabeen kadib markuu udooday warlordski.

  8. ali geele says:

    sifiican ayay u tacliiqiyaan raggii/gabdhihii iga horeeyey kaliya waxaan raacin lahaa 2da shariif waxaa la la dheelay ciyaar siyaasadeed aad u xiiso badan markii hore waxaa dhagta wax loogu sheegay shariif caado qaate ama sakiin hadba kaad u taaqaanid markaas ayuu wuxuu ladagaalay shariif madaxweyne fashilmay ama sh. shariif hadba saad u taaqnid markii u cararayna madaxweynihii isaga ayaa lagu yeeri maxaad taqaanaa oo aad xildhibaan ku noqotaa markaas ayuu aflabadi yeeray fiiri youtubeka .
    Intaas ka dib hada waxaa soo noqday axadkii oryatashiniistaha ahaa farmaajo oo meelaha ka sheegta dawladaydii waxbay qabatay abooyoow waa maxay waxa goonida ah oo ay qabtay ma wuxuu ka wadaa puntland ayaan kala gooyey oo isku daygii fashilmay ee nacaybka iyo xaasid nimada ku dhisnaa ee raascasayrland,ssc iyo khaatumo state oo nimanka ganacsatada ah (traders) ah lacagtaa soo siiyey baa waxqbtid kiisa waxaan dhihi lahaa sxb thisis kaagiina (buug farmaajo ku qalan jabiyey) waan akhriyey isir nacaybka iyo cuqdada ka buuxda calooshaadana waana tustay ee ha is daalin

  9. Zubeyr says:

    Asc walalaha musliminta intas kadib Ilaahay waxan ka beryeyna dhib na haysto in u naga saro hogankana nogu dhibo qof alla ka cabsi iyo karti aqoned leh
    walalka sacid muse waxan ka codsana khudba dr gas e shirki stanbul se ku heli kara computer ma haysti waxan raba inan mobile kuso download gareysto se igu sura geli karta waxana ka suga jawab

  10. siciid a.muuse says:

    Zubayr walaal runtii waxay ahayd cenetenial speech ama khudbaddii qarniga waxaad ka daawataa oo gujisaa linkigaan: http://www.youtube.com/watch?v=-tdCgf-rMMU

  11. C/xanaan says:

    Walle waxbaa kadhacay shariif wax uharay majiran balse gaas asna muxuu dhaamaa? Horay shariif iyo gaas isuma khilafin sidan ookale balse maanta dan ayaa ku kaliftay. Tankale dadkan farmaajo wax kasheegayo hadaysan is indho tiraynin way ogyihiin waxqabadkiisa mudadii 6da bilood aheyd iyo inuu soo dhisay xukuumadii ugu wanagsaneyd lana oran jiray TAYO tankale hadusan farmajo waxba qaban mudadii yareyd maxay shacabka ku jecladeen khaasatan reer muqdisho? jawaabta dadweynaha ayan u daayay.

  12. Zubeyr says:

    Walal sacid muse wad mahadsantahay

  13. aligeele says:

    c/xanaan
    walaal farmaajo waxa ay isku nooc yihiin siyaasiga kenyanka ah ee Kalonzo Mesyoka oo ku caan ah orientations (is dadka sacabka looga keeno) waana waxaan ku tilmaami karo bulshadan u sacbinaysa dad habeenkii lashiriyo oo loo diyaariyo boorarka ka dibna dadka loo tuso kuwa ayaga iskood isku xilqaamay, walaal saan horey kuugu tilmaamay farmaajo wax wayn oo horey uqabtay anigu ma arkin kaliya waxaa la dhehi karaa wuxuu dhaamay xukuumadihii ka horeeyey sida ina c/rashiid, nuur cadde, ali m/geedi iyo hadaad rabtid ku darso ali khaliif galaydh laakii xukuumadda BAADBAADO QARAN iyo calan sideheedaba waa out standing hadaan wax yar oo ka midda waxqabadkeed kaa tuso anoo aad u koobaya:
    1. in ay dhistay siyaasadda hufan oo dalka looga saaro shabaab ayadoo kaashanaysa amisom (in aad amisom ku shaqaysid laftirkeedda waxay u baahantahay istiraatiijiyad haddii kale ayadaa kugu shaqaysanaysee)
    2. in uu markii ugu horeysay la sameeyey madaxda kale ee tfgda jawi wada shaqayn oo uusan xukuumadda wax buuqa kasoo yeerin iyadoo aan ognahay dadka lala shaqaynayo inay yihiin kuwa ugu qalafsan islamarkaan ugu madax adag somalida.
    3. in uu isku xira dhamaan maamulada ka jira dalka iyo tfg da sida puntland, galmudug ahlu sunna iyo xitaa somaliland oo jawigii lagu wada hadli lahaa soo celiyey.
    4. in uu sameeyey dalada dhaqaalaha iyo maaraynta deeqaha Joint Financial Board
    5. in uu wanaajiyey xiriirkii caalamiga ah ee TFG du lalahayd dunida inteeda kale oo uu ku dheeri galiyey madax heer caalami inay markii ugu horeysay teer iyo qaran jabkii inay yimaadaan muqdisho (erdugan, banki moon iyo kuwo kale farabadan).
    6. in uu soo celiyey rajo ah in dalkii dib loo dhiso waxaan ognahay maantay wax dib u dhisay ay ishu ku faraxdo ka socda magaaalada muqdisho.
    7. WAA AABIHII HINDIS ROADMAPKA AANU MAANTA KAGA BAXNAY KUMEELGAARNIMADII OO AAN MAANTAY MIRIHII GORANAYNO HADAY AHAAN LAHAYD DASTUUR CASRI OO MUNAASIB KU AH QARNIGA 21AAD IN SOMALIA QAADATO AHNA MID KA MIDDA KUWA UGU CASRISAN QAARADA AFRICA.
    8. WAA QOFKA LOO CREDIT GARAYNAYO IN MAANTAY SOMALIA KA BAXDAY KUMEELGAADHNIMADII AYNA GASHAY WAJI CUSUB OO DHANKA SAXDA AH LOO QAADAY TUSAAALE MAANTAY HEADLINESKA CAALAMKA WAXAA MARKII UGU HOREYSAY LAGU ARKAY SOMALIA OO DASTUUR RASMI AH SAMAYSATAY, IYADOO DOORASHO ISKU DIYAARINAYSA IYADOO DIB U DHIS DIYAAR U AH
    intaas waa inta kooban ee aan kusoo koobi karo wax qabad dr gaas iyo xukuumadiisa mudadii sanadka ahayd oo ay jirtay waad mahadsantiin.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno