Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii Casharkii XXVII-aad.

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii Casharkii XXVII-aad.

Sidii caadada u ahayd ayaa dowladda Jarmalka, iyada oo wax sabab ah ayan jirin waxay dejisey qorshe weerar oo ku wajahan degaanka koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Gaar ahaan degaanka buuraha Balkaan iyo dalka Giriigga. Qorshahaas oo magaciisu ahaa Operation Marita ayaa ku tallaabsigiisii wuxuu yeeshey saddex dhacdo oo hor-dhac u noqdey, kuwaas oo dedejiyay fulintiisii. Midda koowaad waxay ahayd dhaawacii Talyaaniga ka soo gaarey dagaalkii uu ku qaadey Albaaniya. Waxaa arinkii dhibsadey nadaamkii Nazi-ga ahaa oo curad u ahaa xoogagga is-baheysiga xuddunta (Axis Powers).

Dhacdo kale waxay ahayd tallaabo uu qaadey ra´iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, kaas oo qudhiisu ay cabsi ku abuurtey weerarkii Talyaaniga uu ku qaaey Albania. Churchill, si uu uga hor-tago foofka Talyaaniga ee bariga qaaradda Yurub, wuxuu dowladda Giriigga u furey wada-hadal is-kaashi ciidameed. Laba nin ayuu u xil-saarey arintaas oo waxay ahaayeen wasiirkiisii dibadda Anthony Eden iyo sarkaal la yiraahdo Sir. Jhon Dill.Waxaa xusid mudan, tan iyo markuu dagaalku bilowdey in ciidamada Jarmalku ay ahaayeen kuwo guushu ay dhankooda jirtey. Khasaarahan Talyaaniga gaarey ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyey ee ku yimaada ciidam

Sada is-bheysiga xuddunta. Dowladdii Jarmalka waxaa markaas ku dhashey cabsi ah, khasaaraha Talyaaniga kaga dhacay Albaaniya in uu hor-joogsado guushii taxanaha ahayd ee ciidamada xuddunta ay ku gacan-sareeyeen dagaalka. Taasina ay bilow u noqoto bur-bur ku yimaada mashruucii colaadda ay u ololeynayeen. Sidaas ayaa jabkii Talyaaniga uu uga mid noqdey dhacdooyinka dedejiyey damacii Jarmalka uu ku qabsan lahaa Balkaan iyo dalka Giriigga.

Dabayaaqadii bishii jeewari ayaa labadii masuul waxay gaareen magaalo-madaxdii Giriig (Athens). Waxay halkaas kula kulmeen Boqorkii Giriigga George II, ra´iisul-wasaarihiisii Alexandros Koryzis iyo taliyihii ciidanka Jeneraal Aelxandros Papagos. Kulankii raggaas waxaa ka soo baxay heshiis ah in dalka Giriigga fariisimo laga-siiyo cuntubyo ka tirsan ciidamo ka socda waddmada Barwaaqo-sooranka oo Ingiriisku odeyga u yahay (Common-wealth). Waxaa looga hor-tegayay weerarka Talyaaniga uu ku soo qaadey dalka Albania in uusan soo gaarin dalka Giriigga. Isla-mrkaas ay qorshe mid ah ka yeeshaan dagaalka.

2/ 3- 1941-kii waxaa bilowdey qorshe uu Ingiriisku ku magacaabey Operation Lustre. Wuxuu ahaa daad-gureyn ciidamo ka socda waddamada barwaaqo-sooraka. Waxay isugu jireen Ingiriis, Australia, New Zealand iyo Poland. Waxaa kaloo weheliyey ciidamo Falastiin ah iyo kuwo Cypriot ah. Waxaa iyaguna jiray qeybo kamid ah ciidanka cirka ee Ingiriiska, kuwaas oo la dejiyey garoomo ku yaal bartamaha iyo koonfurta dalka.

Wxaa odey ahaa Sir Jhon D´Albiac. Ciidamadaas ayaa wadartooda magaca ay lahaayeen wuxuu ahaa W-Force. Tiradoodu waxay gaarsiisneyd 62.000 oo nin. Waxaa odey u ahaa Sir. Henry Maitland Wilson. Iyagu waxay kamid ahaayeen ciidan horey loogu ururshey xeebaha waqooyi ee dalka Masar. Ciidaankaas ayaa markii la soo qaadey, waxaa dhamaantood la keeney degmada Piraeus ee ku taal xeebta koonfureed ee dalka Giriig. 26 markab ayaa ka qeyb-qaatey daabuleynta ciidankan. (David A. Thomas. Nazy Victory: Creta 1941.New York´s Stein and Day. 1972. p. 127. USA).

3/ 3- 1941-kii, magaalo-madaxda dalka Giriig waxaa ku kulmey saraakiil sare ee ka socda waddamada Giriig, Ingiriis iyo Yugoslav. Si wada-jir ah waxay u dejiyeen qorshe ay xoogagga xuddunta kgaga-difaacayaan waddamada ku yaal buuraleyda Balkaan iyo dalka Giriigga. Waxaa qorshahaas kamid ahaa in ciidamada xooggan oo Giriigga ka jooga Albania loo daayo meeshooda. Jeneraal Papagos oo ra´yiga lahaa ayaa wuxuu tilmaamey difaaca ka sokow in ciidankaas uu astaan u yahay gacan-sareynta ay xulufadu kaga guuleysteen xoogga xuddunta ee Talyaaniga. Sidaa darteed joogitaanka ay Albania ku sugan yihiin, ay dhaawac ku tahay haashaarka ciidamada Talyaniga iyo isla-weynidooda. Laakiin halista uu qorshahaas leeyahay waxay tahay, waxaa difaac-la´aan noqonaya magaalada la yiraahdo Thessaloniki ee istraateejiga ah, taas oo ku taal bartamaha waqooyiga Giriigga. Degmadaas ayaa waxay tahay magaalo-madaxda laabaad ee dalka.

Waxay waqooyiga kaga taal xeebta gacanka Frige. Waxay xiriirisa degmooyinka muhimka ah ee Giriigga. Isla-markaas waxay dalka Giriigga ku xiriirisaa waddamada Yurub ee wqooyiga Giriig ku yaal. Waxaa intaas weheliya waa degmada ay taakulada u sii mreyso ciidmada brwaaqo-sooranka (W-Force) ee la doonayo in la dejiyo waqooyiga Girigga. Taliyaha ciidanka Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos ayaa qabooijyey wal-walka saraakiishii kulantey ay ka qabeen arintaas. Jeneraalku wuxuu sheegey in magaaladu ay ku dhex-taal degaan buuraley ah oo cimilada dhulkeedu uu qallafsan yahay. Haddii dhulka ku hareereysan la dhigo ciidamo teel-teel ah, waa ay ku filan yihiin in ay difaacaan.

Si guud saraakiishu waxay u gaareen qorshe ah in ay dhisaan fariisomo ciidan oo ah khad difaac, kaas oo ku dhereran xduudda waqooyi ee Giriigga. Xuduuddaas ayaa waxaa waqooyiga kala deris ah waddamada Turkiya, Bulgaria, Macedonia iyo Albania. Fadhiyada difaaca ah ee ciidanka waxaa loo xushey meelo istraateeji ah oo buuraley ah.

Khddaas difaaca ah oo isu marta webiga la yiraahdo Haliacmon River iyo buuraha Vermion Mountine, ayaa waxay ku magcaabeen Haliacmon Line. Saraakiisha Yugoslaviaga ee ka qeyb-galey fadhiga, waxay ballan-qaadeen in ciidamadooda ay xiraan waddooyinka looga soo tallaabo webiga la yiraahdo Strymon ee biyihiisu ay maraan galbeedka Bulgaria iyo waqooyi-bari ee Giriigga. Taliyihii ciidanka Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos wuxuu arintaas ka muujyey wal-wal uu ka qabo in ciidamada Jarmalku ay ka soo qeyb-galaan dagaalka. Markaas oo qoshaha Yugoslaav-ka uu noqonayo mid daciif ah. Ciidanka 5-aad ee Yugoslavia waxay qaateen waajib ah in ay difaac ka galaan degaan koonfurta dalkooda ah, kaas oo u dhexeeya degmada la yiraahdo Kriva-Palanka (Macedonia) iyo xuduudda waqooyi ee Griigga.

Imaatinkii ciidamada barwaaqo-sooranka iyo qorshihii difaaca oo ay isla-gaareen ciidamadii degaanka, Jarmalkii waxay ku abuurtey walaac uu ka qaadey, ciidanka cirka ee Ingiriiska in ay duqeeyaan ceelasha shidaalka ee dalka Romania. Xilligaas shidaalka ay ciidamada Jarmalka ku howl-galaan xooggiisa waxay ka helayeen ceelasha dalka Romania. Arintaasina waxay ahayd dhacdo labaad oo dedejisey in Jarmalku weeraro Balkaan iyo Giriigga. Jarmalku wuxuu markaas bilaabey, waddamada Romania iyo Bulgaria oo la saaxiib ahaa, xuduudna la leh Giriigga in ay u daad-gureeyaan ciidamo badan. Isla-markaas ciidamadii waddamadaas uu ka diyaariyo guluf xooggan oo dagaalka la gala. (Sir. Winston Churchill. Yugoslavia and Greece. Memoirs of the Second World War. 1991. p. 420. London – UK).

Qodob kale ayaa jiray oo sababey in Jarmalka uu ku deg-dego dagaalka weerarka degaamadaas. Waxaa jiray heshiis saddex-geesood ahaa oo lagu magacaabo Heshiiskii Saddexda Xoog (Tripartite Pact). Waxaa isla-saxiixdey dowladaha Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabaan. Heshiiskaas ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Berliin 27/ 9- 1940-kii. Arimaha ay ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa Jarmalka iyo Talyaaniga in ay Yurub ka dhisaan hannaan siyaasadeed ee cusub, Jabaankuna sidaas si lamid ah ay bariga qaaradda Aasiya ka dhisaan hannaan siyaasadeed oo cusub. Saddexda dowladood waxaa kaloo ay ku heshiiyeen, si arintaas loo xaqiijiyo in ay yeeshaan is-kaashi siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ciidan.

Goor danbe waxaa ku soo biirey heshiiskii dowlado ay kamid yihiin Hungary (20/ 11- 1940), Rumania (23/ 11- 1940), Slovakia (25/ 11- 1940), Yugoslavia (25/ 3- 1941), Bulgaria (1/ 3- 1941), Croatia (15/ 6- 1941). Dowladaha heshiiska dhigtey waxay markaas ictiraaf siiyeen jiritaanka dowladda Midowga Soofyeeti. Taas ayaana ka danbeysey heshiiskii ay Berliin ku dhigteen labada wasiir arimo-dibadeed ee Jarmalka iyo Soofyeetiga. Dowlad kale ayaa jirtey oo heshiiska goor danbe ku soo biirtey. Taasina waxay ahayd dowladda Finland oo markii Soofyeetigu ay soo weerareen ku khasbanaatey in ay doonato xoog ay isu baheystaan dagaalka. Xooggaas ayaa wuxuu noqdey Jarmalka oo markaas ku khasbey Finishkii in ay xubin ka noqdaan dowladaha ku bahoobey heshiiska Tripartite Pact. Markaasna waxay ahayd 25/ 6- 1941-kii.

Dowladda Yuguslavia ayaa markii ay heshiiskan saxiixdey (25/ 3- 1941-kii) ayaa waxaa ka hor-yimid mucaarado xooggan oo lagu diiddan yahay heshiiska. Waxaa xigey kacdoomo ay dad-waynuhu ku muujinayeen in ayan raali ka ahayn heshiiska. Waxaa markaas dalka odey ka ahaa boqor la yiraahdo Prince Paul Karadordevic (1934 – 1941). Kacdoonkii ay dad-waynuhu dhigeen wuxuu dhaliyay in dalku af-gembi ka dhaco, kaas oo ay ka danbeeyeen saraakiil ka tirsanaa ciidamada Yuguslavia. Af-gembigaas oo dhacay laba cisho dabadeed markii heshiiska la saxiixey (27/ 3- 1941) ayaa waxaa odey ka ahaa taliyihii ciidanka cirka Jeneraal Dusan Simovic. Isagu wuxuu markaas isku magacaabey ra’iisul-wasaare. Xilkii boqrnimadana wuxuu u dhiibey wiil dhallinyar oo 17 sano jir ah. Kaasi wuxuu ahaa Peter II Karadordevic.

Dhacdadaas dabadeed Jarmalkii kama uusan daahin in uu weerar ku soo qaado Yugoslavia. Waxaa jiray qorshe weerar oo Jarmalka u diyaarsanaa, kaas oo ay ku doonayeen in ay dalka Giriigga ku qabtaan. Xilliga ay ciidamada Jarmalka soo weerarayaan degaankaas, ciidanka 5-aad ee Giriigga weli ma ayan gaarin fariisimihii ay difaaca ka geli lahaayeen. Qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen qudhiisa, xooggiisii ma uusn soo gaarin. Jarmalka marka uu ciidamadiisa u soo daadgureynayo dalka Bulgaria, dowladda Giriigga waxay ciidankeeda ka soo daadgureeneysey gobolka layiraahdo galbeedka ku yaal oo la yiraahdo Western-Tharace ee Bulgaria xuduud la wadaaga.

28/ 3- 1941-kii, ciidankii Giriiigga ee ku sugnaa ciidda Macedonia (qeybta 12-aad io qeybta 20-aad) waxaa maamulkoodii lagu wareejiyay Sir. Henry Mailand Wilson, kaas oo ahaa hoggaamiyihii ciidamada Barwaaqo-sooranka. Sarkaalkan Ingiriiska ah iyo saraakiishii ciidamada la waldaaminayay waxay xarun-tlis ka dhigteen meel ku taal bartamaha dalka Giriigga oo magaalada Larissa ka xigta waqooyi-galbeed. Ciidankii New Zealand waxay degeen agagaark buurta la yiraahdo Olympus oo ah buurta ugu dheer dalka Giriigga (2.917 m.).

Sida aanu soo xusney Jarmalku wuxuu horey u diyaariyey ciidamadii weerarka qaadi-lahaa. Ciidankaas oo xooggoodu ay ku firirsanaayeen waddamada Bulgaria iyo Romania ayaa qaab-dhismeedkoodu wuxuu ahaa sidaan:

1) Ciidan keyd ah oo si toos ah looga xukumo hoggaanka sare ee taliska ciidamada Naaziga ah. Ciidankan waxay ka koobnaayeen siddeed qeybood oo ciidan ah. Waxay kala ahaayeen sidaan:

Saddex qeybood oo ciidamada gawaarida-gaashaaman ah (Panzer Divissions). Waxa ahaayeen 4-aad, 12-aad iyo 19-aad. Laba qeyboodoo ciidanka fudud ah (Light Devissions). Waxay ahaayeen 100-aad iyo 101-aad.

Ciidanka II-aad ee cagta, waxaa odey u ahaa Jeneraal Maximilian Reichsfreiherr von Weichs. Ciidankaas ayaa wuxuu ka koobnaa saddex qeybood oo ciidanka cagta ah (1-aad, 132-aad iy 183-aad) iyo labaqeybood oo ciidanka gawaarida-gaashaaman ah (8-aad iyo 14-aad).

2) Ciidanka II-aad oo uu odey u ahaa Jeneraal Kurt von Briesen. Iyagu waxay ahaayeen laba qeybood oo ciidanka buuraha ka dagaalama ah (1-aad iyo 49-aad), laba qeybood oo ciidanka gawaaida-gaashaaman ku dagaalama (8-aad iyo 14-aad) iyo qeyb ciidanka cagta ah (16-aad).

3) Ciidanka II-aad ee keydka ah oo uu odey u ahaa Jeneraak Kurt von Briesen. Waxay ka koobnaayeen saddex qeybood oo ciidanka cagta ah ( 125-aad, 169-aad iyo 197-aad).

4) Ciidanka 12-aad oo uu odey u aha Jeneraal Wilhelm List. Waxay kakoobnaayeen shan eybood oo ciidanka cagta ah (50-aad, 72-aad, 73-aad, 125-aad iyo 164-aad), laba qeybood oo ciidanka gawaarida-gaashaaman (2-aad iyo 9-aad), laba qeybood oo ciidanka buuraleyda ah (5-aad iyo 18-aad) iyo guutada 1-aad ee ciidanka SS ee tiknikada ku dagaalama.

5) Ciidanka 50-aad oo kamid ah kuwa 12-aad ee keydka ah ee uu odey u yahay Jeneraal George Lindemann. Iyagu waay ahaayeen laba qeybood oo mid ay tahay ciidanka cagta (qeybta 46-aad) midda kalena ay tahaygawaarida gaashaaman (16-aad).

Ciidankaas oo xooggoodu wuxuu ahaa 680.000 oo nin. Qalabkoodu wuxuu ahaa 1.200 oo tanngi iyo 700 oo dayuuradood. Waxaa waayeel u ahaa Jeneraal Wilhelm List.

Waxaa weheliyey 565.000 oo ciidan Talyaani ah, kuwaas oo watey 163 taangi iyo 463 dayuuradood. Xoogga ciidankaas ka soo hor-jeedey waxay ahaayeen 420,000 oo ciidanka Giriig ah iyo 20 taangi. Waxaa weheliyey ciidanka Barwaaqo-sooranka oo tiradoodu ay ahayd 62,612. Qalabkoodu wuxuu ahaa 100 taangi iyo 250 dayuuradood.

Subaxda uu af-gembigu ka dhacay Yugoslavia galabteedii Hitler wuxuu xafiiskiisa ku kulmiyay saraakiishii hoggaanka u haya ciidamada. Isagu wuxuu go´aanshey, intuusan caga-dhigan maamulka ka curtey Yugoslavia in la weeraro. Isla-galabtaas si wada-jir ah waxay u dejiyeen qorshe weeraro Yugoslavia. Qorshaha waxay ku magacaabeen Howl-galkii Ciqaabta (Operation Punishment). Magaca sirta ah oo dagaalkaasi uu lahaa wuxuu ahaa Operation-25.

Tan iyo dagaalkii I-aad wixii ka danbeeyey dowladaha adduunka si xoog ah ayay isu hubeynayeen. Ciidaka Yugoslavia oo kamid ahaa xoogaggaa is-hubeynaa ayaa waxay ku qalabeysnaayeen 4.000 oo madaafiicda goobta ah. 1.700 oo kamid ah waxay ahaayeen kuwo casri ah (37 mm). Qoryaha Lidka Taangiyada (47 mm). Waxay heysteen Moortarrada culus 2.300 ah. 1.600 oo kaid ah waxay ahaayeen kuwo casri ah. Waxay isugu jireen gumucooda 81 mm, 220 mm, iyo 305 mm. 940 qoryaha lidka dayuuradaha 15mm iyo 20 mm. Habukaas ayaa dhamaantiis waxa sancadooda lahaa Talyaani iyo Czech. (Jozo Tomasevich. War and Revolution in Yugoslavia. 1941-1945. p. 58. London – UK).

Dayuuradaha ay Yugoslavku heysteen waxay dhamaayee 450 dayuuradood. Waxay isugu jireen kuwo sancadoodu tahay Jarmal Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis. Waxay isugu jireen kuwa weerarka qaada, kuwa bambooyinka tuura iyo kuwa gaadiidka. Kala-bar in kabadan oo dayuuradhaas ah ayaa sancadoodu cusbeyd. Ciidanka badda waxay heysteen 4 kuwa wax bur-buriya oo casri ah, 4 kuwa badda quusa oo casri ah, Raxan 10 ah doonyaha qoryaha saaran (MTBs), 6 kuwa miinooyinka dhiga, 6 doonyaha fudud ah. (Conways All The World´s Fighting Ships. 1922-1946. Conway Maritime Press. 1980. London – UK).

Wixii ka danbeeyey af-gembigii ka dhacay Yugoslavia, Jarmalka waxaa culeys ku hayay wakhtiga. Saacad walba oo socotey oo uusan weerarku bilaaban wuxuu u arkayay luggooyo siyaasadeed. Sidaa darteed wuxuu dedejiyey bilowgii dagaalka. Sagaal cisho dabadeed af-gembigii, subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 6/ 4- 1941-kii ayaa dagaalkii qarxey. Weerarka waxaa bilaabey ciidamadii cirka ee Jarmalka (Luft-Waffe). Duulimaad duqeymo xooggan leh oo is daba-joog ah ayaa waxay la beegsadeen magaalo-madaxda Yugoslavia (Belgrade). Muddo afar cisho ah, 500 oo duulimaad ayay dayuuradahaas sameeyeen. Waxay beegsanayeen saldhigyada ciidamada, xarumaha is-gaarsiinta, dhisma-hoosaadka iyo gegida dayuuradaha.

Dayuuradaha ay Yugoslavku heysteen waxay dhamaayee 450 dayuuradood. Waxay isugu jireen kuwo sancadoodu tahay Jarmal Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis. Waxay isugu jireen kuwa weerarka qaada, kuwa bambooyinka tuura iyo kuwa gaadiidka. Kala-bar in kabadan oo dayuuradhaas ah ayaa sancadoodu cusbeyd. Ciidanka badda waxay heysteen 4 kuwa wax bur-buriya oo casri ah, 4 kuwa badda quusa oo casri ah, Raxan 10 ah doonyaha qoryaha saaran (MTBs), 6 kuwa miinooyinka dhiga, 6 doonyaha fudud ah. (Conways All The World´s Fighting Ships. 1922-1946. Conway Maritime Press. 1980. London – UK).

Taariikhdaas aanu soo xusney, subaxnimadii goor ay arooryo tahay ayaa dayuuradihii dagaalka ee Jarmalka waxay ku soo kallaheen magaaladii. In dagaalku ku bilowdey caasimadda Yugoslavia, Muddo afar cisho ah, 500 oo duulimaad ayay dayuuradahaas sameeyeen. Waxay beegsanayeen saldhigyada ciidamada, xarumaha is-gaarsiinta, dhisma-hoosaadka iyo gegida dayuuradaha. Jarmalku siyaasadda uu ka lahaa arintan waxay ahayd in uu beddelo fagaaraha hardanka ka dhacayo.

Weerarkii hore oo Talyaaniga lagu jebiyey wuxuu ka qarxey dhulka dowladda Albania. Waxaa kaloo ay Jarmalku ka weecanayeen ciidamada xooggan ee Giriigga ka joogey Albania, iyaga oo isla-markaas khalal iyo cabsi ku ridaya ciidamada Giriigga ee xooggan oo difaaca kaga jira xuduudda u dhexeysa Griig iyo Bulgaaria. (The Rise and Fall of the Third Reich: A History of Nazi ermany. Simon and Schuster. 1990. p. 824).

Subaxnimada dayuuradaha Jarmalku ay weerarka ku bilaabeen degmada Belgrade, ciidamadii Nazi-ga ee ku sugnaa Bulgaria waxay ku dhaqaaqeen weerar ay ku qaadeen xuduudda waqooyi ee Giriigga. Ciidanka XL ee gawaarida gaashaaman ee Jarmalka ayaa laba meelood ka soo weerarey xuduudda. Laba cisho dabadeed (8/ 4- 1941) qeybta 73-aad ee ciidanka cagta ee uu hoggaaminayay Jeneraal Bruno Bieler ayaawaxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan degmada Prilep oo ah midda afaraad ee ugu wayn Macedonia. Waxay jareen waddada tariinka ee isku xirta Belgrade iyo Thessaloniki. 9/ 3- 1941-kii,Jeneraal George Stumme wuxuu ciidamadiisii gaarsiiyey waqooyiga degmada Monastir si uu isu diyaariyo in xuduudda Giriig uu ka weeraro degmada Florina ee xadka Macedoniya ku taal.

Labadaas ciidan waxay si buuxda u go´doonsheen dalka Yugoslavia oo waxay ka dhigeen mid aanan xiriir la sameyn karin xoogaggii xulufada. Waxa kaloo go´don noqdey qeybo kmid ah ciidamadii la oran jiray W-Force, kuwaas oo ku sugnaa degmooyinka ku yaal xuduudda waqooyi ee Giriig. Tusaale-dhig ciidankii ku sugnaa degmooyinka Edessa iyo Katerini. (The Official History ofNew Zealand in the Second orld War. 1939-1945. Chapter 6-22. W.G. McClymont. 1959. p. 160. Willington – New Zealand)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno