reer mudug dabkii galay ayaa gaaray dunidiiye
holacii runtii daaray baan cidi dawaynayne
maan garan wixii laysu dilay oo dagaal badaye
dad waxay ahaayeen xigaaloo misana dhalasho doorroone
isir qura kasoo deexmayoo ul iyo diirkeeda
raas wada degoo waxay ahayd kal diqoonayne
dannigayga marna kama sugayn inay dagaalaane
hayeeshee col baa laysku dumay noo cabbaabada’e
dariiqaa raggeenii la dhigay looba meel dayine
sida cadow dagaallamahayaa daabka lays suraye
duqoowdiyo waxgaradkii ayaa digasho loo laayay
maatadii qaxdoo way durkeen saan dab loo galine
daarihii dhisnaa baa dumoo waa daleel marane
dayac baa runtii muuqda iyo waxaynan doonayne
dadkaygoow is daayoo ilaah yuu dirkeen rogine
dun quraad dhammaantiin tihiin odaygi daaroode
daris iyo xigtaad wada tihiin dayr ku wada noole
kan wax dilay midkaa dhimanayiyo maydka wada daadsan
waxa dabarka loo jarahayaa waa dirkaan nahaye
dabka dhiga ilaahay hortiis yaan dugaag noqone
dadku ways khilaafaa markii dani timaadaaye
hadal baase door roon wuxuu duub caddaa yiriye
duqoowdeena aan garab galnoo diiradlaha tuurno
ducadana inaan badinno baan keed dalbanayaaye
rabiyoow colaadaha ka dami gaalkacyana dooji
booga dhaya alloow noogu deeq daa’im baad tahaye
aamiin aamiin

masha’allaaaaaaah aad ayuu umhadsanyahy abwaanka da’da yar waa dadka loo baahanyahay ee maskaxdoodo ay ka bad baadayey cudurka qabeelka iyo qabyaalada sxb guleed waxaa lagaarabaa in aad halkaas kasiiwado