Home » Wararka, Warbixinno » Al-Shabaab oo isku khilaafsan qaabka ay ula dagaalamayaan xulufada ka soo horjeedda. Warbixin xasaasi ah.

Al-Shabaab oo isku khilaafsan qaabka ay ula dagaalamayaan xulufada ka soo horjeedda. Warbixin xasaasi ah.

Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab ayaa si adag isugu khilaafsan habka ay ula dagaalamayaan ciidamada Xulufada ah ee ka soo horjeeda.

Warar xogogaal ah oo ay shabakadda Somalireal heleyso ayaa xaqiijinaya in dhawaanahanba uu soo jiray khilaaf u dhexeeya Madaxda Al-Shabaab oo la xiriira qaabka dagaalyahannadooda ay u wajahayaan ciidamada Xulufada ah ee ka soo horjeeda, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyey la wareegayey magaalooyin ay Shabaabku muddo ka arriminayeen.

Saraakiisha ayaa isku haya laba qodob oo kala ah:

1- In Xulufada lala galo dagaal toos ah, dhulka Shabaab ka talisana aan laga bixin, inta leyska difaacayo ama laga shahiidayo.

2- In dagaal toos ah aan Xulufada lala galin ee dagaalka loo rogo ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Ra’yiga hore, ayaa waxaa qaba Dhamaan saraakiisha aan Soomaalida aheyn, iyo weliba qeyb ka mid ah saraakiisha Soomaalida, kuwaasoo uu ka mid yahay Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole), kooxdan ayaa waxaa ra’yigooda la dhacsan inta badan dhalinyarada, waxayna dooddoodu tahay in laba midkood la qaato. waa midda horee in la difaaco dhulka ay Shareecadu ka arrimiso, difaaciddaasna lagu dhamaado. waa midda labaade in Shahiidnimo la raadiyo haddana ay ugu dhowdahay, waxaana ra’yiga qeybtiisa dambe aad ugu dheggen dagaalyahannada aan Soomaalida aheyn iyo Soomaalida dibadaha ka timid, kuwaasoo ku doodaya inayba u yimaadeen si ay Shahaado u qaataan, waa qaabka ay wax u arkaane.

Ra’yiga kale ayaa waxaa qaba Madax uu ka mid yahay Sh. Abuu Mansuur, isagoona ku doodaya in hadba wixii duulaanka Xulufada looga hortagi karo lagu dhaqaaqo  iyadoo la xeeladeysanayo, laguna xisaabtamayo awoodda ciidanka iyo huwanta ka soo horjeedda, waxaana ra’yogan dambe ku qanacsan rag u badan Odayaal, Culimana ay ku jirto.

Khilaafkan, ayaa waxa uu ka soo muuqday magaalada Kismaayo, iyadoona markii hore Kismaayo laga baxay, ka dibna dib loogu soo laabtay, walow markii dambe Shabaab ay si buuxda magaalada ugala baxeen mas’uuliyiintii iyo qalab wixii ay qaadan kareen, waxayna taas jahwareer ku ridday qaar ka mid ah dhalinyarada dagaalanta, kuwaasoo mararka qarkood go’aamo ayan ogeyn la qaadanayey iyagoo ka dagaalamaya furinta hore.

Waxaa xusid mudan in kala duwaanshahan ra’yiga ah uusan ilaa hadda sababin kala fogaansho iyo iska soo horjeedsasho, ee xogta aan ku heleyno kaliya in labadan aragti lakala qabo, dhinac wabana uu dooddiisa xoojinayo.

Amuurtan, ayaa waxay ku soo beegmeysaa xili magaalada Kismaayo ay ka baxday gacanta Al-Shabaab, taasoo aheyd magaaladii ugu muhiimsaneyd dhulkii ay ka talanayeen, waxaana ay taasi dhacday ka dib markii dulaan balaaran oo Soomaali iyo Ajaanib iska kaashaneysay cir, bad iyo dhul looga soo qaaday.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

8 Responses

  1. wadaad yare says:

    La isma gaarin. Awal maslaxo iyo maqaam ay wada heystaan ayey ku wada socdeen. Laakiin wixii hadda ka danbeeya duur galnimo iyo shiddo ayaa hortaalla. Marka dhib yimaadana dabeecaddu way xumaataa, xanaaquna wuu bataa, kala shaki, iyo sidaan halla yeelo iyo lama yeelayo!

    Tan kale

    Dhaqaalaha badan wuxuu u saamaxayey qolada gacanta ku heysa iney noqoto kuwa iyagu wax ka go,aan. Laakiin hadda kaddib waa sinmayaa oo sagaarada duurka lama kala xigo.

  2. Muxammed says:

    Asc bacda salaam khilaafkaasu waa khilaaf muctabarah ee la aqbali karo gaalada ma wajanaa oo ixdal xusnayeyn midkood ma helnaa? Iyo mayee inta ka xeeladeysaneyno alxarbu khudac oo inta iska dhigno dad cararay oogana tagno magaalada quutooyinka qaraxyada iyo qutooyinka istish haadiga iyo ciimada aadka u tababaran ee amniyaadka ee madaxa jabiya murtadiinta maku cadaabnaa gaalada sidii shalaba ka dhacday kismaayo iyana waa fikir fiican. Hada ka hor ayaa ataxiyaadka dhexdiisa nin farta dhaqdhaqaajinaya ayaa nin caamay ah wuxuu weydiyey wadaad tabliiq ah farta la dhaqaajiyo iyo mida la taago teebaa saxsan? Markaasuu yiri wadaadkii tabliiqa ahaa farta taagan iyo ta liiqliiqaneysaba waa saxsan yihiinee mid aan far taageynin aanan liiliijineynin baa banaanka taaganee kaalay aan masaajidka soo gelinee marka walaalaheen somalireal waxaan oran lahaa mujaahidka raba inuu shahaado qaado iyo kan raba inuu xeeladaystaba waa sax san yihiine wadaadka joogo boosaaso iyo berbera iyo islii ee aan diyaarka u ahayn inuu shahiido ama xeeladeysto kaalaya aan saaxada jihaadka keenee ileyn waad ogtihiin dalkii gaalaa qabsatee jihaad fardul ceyn ah ayaana taaganee

  3. abuu caisha says:

    ku: muxamed

    muxamedow kaalaya ayaad leedahay aan dadka jihaad ugu yeernee, waxaan ku leeyahay ma wax alla iyo waxaad adigu jihaad u aragtaad iigu yeeraysaa inaan kuugu imaado mise wixii diintu amartey..? mujaahid ,jihaad..mujaahid..jihaad.. inbadan baa lagu celceliyey oo lagu celceliyey nin kastaana waa dhihi karaa laakiin suaashu waxay tahay ma oofsadeen erayooyinkaas dawaabidoodii iyo usuushoodii taas dadka wax ka garanaya ayaan weydiinayaa…?.

    tan kale ma markaad dalkii soomaaliyeed iyo dadkiisiiba hoog iyo halaag badeen oo aad gaalo mashriq iyo mqrib isaga keenteen ayaad hadda leedahay farta in la dhaqdhaqaajiyo iyo inay taagnaato labada waa saxe ina keena oo kuwo cusub oo labadaba aan sameyneyn doonnee, taasi waxaan u arkaa timirtii horaaba dab loo waayaye oo tii horee jar iska xoornimada ahayd ayaabad ku fashilantaye ma hadaad sidii maskii inta xuub dhaxsato aad mid kale noqon..? mise sheekadu waxaa weeye war socadkii waa ku daallaye ina orodsiiya..!! soomaali baa laga sheegay macalinow alif waxbuu leeyahay iyo wax ma leh adaa lagaa maqlaye , dee intii horee ku raacday baabad dab ku gurteene oo aad kolba magaalo uga sii baxsateene ma inta hartey baad rabtaan inaad israacisaan.. taasi waa caqli xumo.

    aan ku weydiiyee aaway raggii hogaamiyeyaal baa nahay lahaa ee ina godane iyo raggiisii may horta iyagu haday runsheegayaan jihaadaan oo janno doontaan, mise iyagu horaaba jannadii meel loogu dhigey, maxay sida abeesadii kolba dhulka u gelayaan oo dhuumaaleysanayaan, sidii madaxooda loo saarey lacag xataa mar kaliyana hadal lagama maqlin oo naftoodii baa la hirweynaatey, may iyagu ugu bhorreeyaan waxa ay ummadda ugu yeerayaan.

    dagaalkii mu’tah 3dii hogaan ee ciidamada muslimiinta hogaaminayeyba way ku shahiideen, dagaal kastana ninka qaaidka ayaa ugu horreyn jirey, sida noo muuqatase carruurtii soomaaliyeed inta dab lagu gurey oo gabbaad laga dhigtay ayaa kolba meel loo wareegayaa..ma taasaa jihaad ah , inaad canugii yaraa ee aan labaatan gaarin inta aad qaddimto oo miino ku xirto taangi ka horgeyso adigana aad gabbato oo godadka hooshoose dhex joogto oo kolba aad shaati hor leh xirato adigoo isqarinaya xaq miyaa taas…? waxaan ku leeyahay sidii baqbaqaagii hal kelmad oo jihaad jihaad jihaad ha ku celcelininee dadka ha u dhigina game iyo kab tuur soomaali hoog idinkaga horreyey ma jiree inshaa allaahu soomaali way soo kaban idinkana jar iska xoornimadu waa idinla soo gaaban doontaa…

  4. Muxammed says:

    To: abuu caaisha, asc bacda salaam walaal horta afkaa qoyan looma hadlo ee hadii la hadlayo si xikmadeysan baa wax loo sheegaa tan aad leedahay jihaadka ma sidaad rabtaad u taqaanaa? Taa waxaan kaa iri jihaadka waxaan u aqaanaa siduu illaahay quraankiisa ku sheegay iyo sida ku cad axaadiith rasuulka ( idaa araadal cudu an yukhyij bilaadun min bilaadil muslimiin fal jihaadul farul ceyn) scw. Ma yugandha iyo kenyaan gaalo aheyn? Mise musliinta lagu soo duulaan islam aheyn? Mise kismaayo iyo baydhabaan baled muslim aheyn? Adeerow noo sheg qodobkaad ddidan tahay? Mise waxaagu yaa samictu naasa yaquuluun fa qultu? Waxaad leedahay maxaa loo dhuumanayaa oo god loo fgalayaa sidii abeesadii? Cajiib! Ninyahow cilmi yaridaa? Miyaadan maqlin in suubanaha.scw. Iyo saaxiibkiisba ay god galeen ayagoo gaalo ka cararayaan iney dilaan? Oo marka taasu ay sharaf u tahay madaxa mujaahidiinta in madaxooda dollar la dul dhigo taasoo ah sunadii suubanaha.scw. Waxaad tiri madaxdu mey janno doontaan? Taa waxaan kaa iri miyaaday maqlin in alshahiideen madaxda mujaahidiinta intooda badan sida sh. Yusuf axmad tiire, macalin aadan ceyrow, abuu cuteyba, cabdullahi salaad, labaatan jirow,abuu cabdalla, abuu jabai, ilyaas, iyosh. Aden garweyne? Mise waxaagu waa hadaa ha kooyee? Suaal aan ku weydiiyee bal ka waran culimadaada gaaladu ay fiisaha siiso ee diyaaradaha qaangaarka ah ku dekeeya iyo culimadeyda faaska la dul taagan yahay yaa wadadii nebi muxammad ku taagan? Ma ninka fiisaha qaatey mise midka faaska lala hacayo? Allah cadaaladaadu u ekaa tii abii jahal iyo kacab bin ashraf?

  5. cabaas says:

    Asc wr wbr. Bacda salaam waxaan leeyahay jabka iyo fashilka ku yimid kooxda shabaab waxaa sabab u ah khilaafka ey khilaafeen kitaabka alle iyo sunnada rasuulka (s.c.w) waxaan alle ka baryeynaa dhaliyarada aan cilmi iyo caqli ku yaryahaw inuu soo hunuunsho kana badbaadiyo dhagarta sheydaanka illaahow naga aqbal.

  6. Xaji says:

    Kuwi shabakada benta qorijiray aya waxeyqabtan wayay markasey comenti maciin biden

  7. Asc, shabab talodii waya araga wa diideen hada waxay guranayaan waxay beerteen, 2006kii markay so galen ethopia sidii looga hortagay dagaalka wa la ogaa, maanta markay kenyanku soo galeen iyo waa isla gaalo lkn Shababa baa dadka biday inay qori loo qaadin, waxayna noqodeen dad umada ay ka door bidaan gaalada, dil qarax gaalaysiin,culumo layn…. Iwm, alle soo hanuuniyo haduu hanuun u qoray hadii kalana hanaga hor wareejiyo.

  8. Zarqawi says:

    Wadadyare iyo kuwa melahan wax kusoo qora. waxaan idinkugu bishaaraynaynaa hadan nahay mujaahidiinta inan kusoconayno amarada Umaradeena ka bilow Abu Zubair ilaa Dr. Ayman Al-Dhawaahiri. insha allah dagaalku wuxuu ku socon doonaa ku dhufo ka dhaqaaq. IED lagu qarxiyo tangiyada iyo babuurtood, Isitishaadiyo iyo ingimaasi . bi idinilaah waxaa la arki doonaa wax aan horay loo arkin. muqdisho iyo kismaayana waxay noqon doonaa Bagdaad iyo Dimishiq oo kale. bi idinilaah Madaxdan dowladaha kuwa sheeganaya dhulkaan jilbaha ugu dhufan doonaa. Anagoo ku soconayna amarka ALqaacida.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno