Home » Wararka, Warbixinno » Arrimaha Jubooyinka, oo ah Imtixaanka ugu adag ee uu u fariisanayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Arrimaha Jubooyinka, oo ah Imtixaanka ugu adag ee uu u fariisanayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sh. Maxamuud, oo bil ka hor ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Arrinta Jubooyinka ay tahay  Imtixaanka ugu adag ee uu u fariisanayo.

Gobolada Jubooyinka, oo ka mid ah deegaanada ugu badan ee dagaalada sokeeye ka dhaceen, ayaa loolanka ka jira uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoona muddo sanado ah ay east africa ka soconayeen abaabulo maamulo loogu sameynayo gobolada J/hoose, J/dhexe  iyo Gedo.

Waxaa in muddo ah loo fadhiyey maamul u sameynta deegaanada kor ku xusan, iyadoona amuurtaas ay bari gantaalayaan urur goboleedka IGAD, Qorshahaasna hadda waxa uu ku dhow yahay gabagabo, iyadoona abaabulka howshaasi ay soo bilaabatay 2009-kii, xiligii xukuumaddii Cumar C/rashiid, wasiirkeedaa Gaashaandhiggana uu ahaa Prof. Gaandi.

Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu eegayaa sida uu u wajaho mowjadaha goboladan, ee  siyaasad ammaan iyo dhaqaaleba leh, waxaana jira arrmo qaarna la .tuhunsan yahay qaarna la ogyahay oo Madaxweynaha ku riixeysa inuu ku deg degin amuuraha deegaanadan, waxayna kala yihiin:

1- In Madaxweynaha uu ku cusub yahay xafiiska, isla markaasna ay horyaalaan shaqooyin culus.

2- In deegaanadan ay yihiin kuwo dad badan isha ku hayaan, isla markaasna xasaasiyaddooda leh.

3- In Madaxweynaha uusan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka hoos ka dhiska ee Federaalka.

Qodobka ugu dambeeya ayaan la hubin waana midka la tuhunsan yahay, balse wax walba waqtiga ayaa kala caddeynaya, waana midka ugu adag ee dowladdiisa horyaala, iyadoona dastuurka dhawaan la ansixiyey uu dhigayo in Soomaaliya loo dhiso dowlad goboleedyo Federaalka hoos yimaadda.

Ugu dambeyntii: Imtixaankan culus ee goboladan, ayaa Madaxweynaha waxaa lagu tijabinayaa sida uu u galo, iyo Natiijada uu kala kulmo, iyadoona dad badan oo siyaasadda Soomaaliya wax kala socda ay aaminsan yihiin haddii uu Madaxweynuhu anuurtaan ku Baramooso ay waxa kale oo dhan u hagaagayaan.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

2 Responses

  1. wadaad yare says:

    Shaki ma leh in sidaasi tahey wax jira oo ay tahey imtixaan adag.Hase ahaatee arrinta biyo kama dhibcaankaa oo khilaafka salkeedaa waa arrinta federalka. Waana Jubbooyinka meesha uu nidaamka federalku ama somaliya ku bur burin doono ama isaga looga takhallusi doono.

  2. cabdulaahi says:

    Time will tell mr culusow.
    Ninka culusow ah wuu degdegayaa sharci dalka u yaalana uma hogaansano marka waa inuu iscasilaa, dadka soomaaliyeed ee 22 sanno isbaarada,dhaca,barakincinta iyo nabada loo diidanaa xiligii ay nabad heli lahaayeen nin wareersan qoorta u galay, waxaan odhan lahaa:- war culusow fiidow fadlan soomaali way ka daashay qabyaalad iyo isqabqabsi ee haddii aadan aqoon iyo khibradtoona u lahayn jagana laguu doortay banee jagada boqolaal kaa aqoon badan ayaa joogta waxna qaban karta,ha abuurin colaad iyo isqabqabsi beelaha dhexdood ah.hana isku dayin inaad cabudhiso rabitaanka shacabka jubooyinka iyo gado adoo ka duulaya rabitaan qabyaaladeed.mana aha mid lagaa aqbaleyo mr culusow

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno