Home » Maqaallo, Wararka » SHEEKADII CAYNAB KAARSHE IYO MIYIR ABTI-DOON QAYBTDII 3AAD

SHEEKADII CAYNAB KAARSHE IYO MIYIR ABTI-DOON QAYBTDII 3AAD

Intiinii horey ula socotay sheekadaan waxaad xusuusataan in aan adeegsaney magacyo door ah oo isugu jirey; kuwo dad kuwo duunyo iyo deegaanba, haddaba si aan xusuustiina dib ugu soo celiyo magacyadii aan istimaalay waxaa ka mid ahaa; Caynab Kaarshe iyo  Miyir Abti-doon oo ahaa labadii ruux ee sheekada sal-dhigga u ahaa, Hadoodilane iyo dooxada Habaarane oo ahaa dhulkii uu ku dhashay kuna koray Caynab. Kaarshe odawaa oo ahaa aabbihii dhalay Caynab. Quman Saxardiid oo ahayd hooyadii dihatay. Magan Kooreeye, Adeerki labaad ee Caynab, dhanka kalana dumaalay hooyadi. Suuban Kaarshe iyo barni Kaarshe labo gabdhood  ee ay walaalaha ahaayeen. Dheeman Odowaa waa Eedadi .

Warfaa Colaad Wardheere, Caynab bay qosy wadaageen. Samawada Haybe, gabadh uu mar u hanqal-taagay hase ahaatee Warfaase ka hor istaagay. Xagar-talo-waa, waa halkii ay ka soo hayaameen Miyir qoyskoodu. Max’ed J. Joof. waa ninkii tiriyay tuduc yar oo aan u soo qaadanay markaan tilmaamaynay gabdhaha Soomaaliyeed dhaqankoodii hore. boqor iyo dhaacle, qaar ka mid ah dharkii ay ku labisan jireen gabdhaha Soomaalidu. Ina Laalays, waa rati koron ah oo uu Caynab lahaan jirey. bilaha dago, waa bilo ay dadka reer miyiga ahi sakada xoolaha bixiyaan. Salaamoco iyo Jafeeco waa labo geed oo geed-quwaax ah oo arigu xagto gaar ahaanna jilaalkii. seermawaydo iyo sagaallada cirir, waa xilliyo ay yaqaanaan dadka xidigiya, waana xilliyada la fisho roobabka, haddii la waayo roobna aan markaas ka dib loofadhiyin in uu dib ka da’o. Cowrala kooreeye oo ahayd Miyir hooyadeed. Maka Shiiraar, waxay dudo ahaayeen Miyir reerkooda. cadho waa xanuun aad u xun oo ku dhaca xoolaha gaar ahaan, geela iyo araga. Casaan, waa hal ka mid ahayd geela Caynab.

 

 

CAYNAB IYO HABAR DUGAAG

Haddaan intaas kudhaafno magacyadii aan sheekada labadeedii qaybood ee hore aan u adeegsannay, bal aynu u soo laabano Caynab Kaarshe oo habeenkaas golihiisii jooga, geeliina dul miranayo. Caynab wuxuu ahaa nin dhiifoon oo u toog-haya xaalad kasta oo timaadda, wuxuuna hal mar ah ku warhelay “AC” “AC” iyo geelii oo diday. Waa raxan libaax oo ay hoggaaminayaan gool iyo aar aad u gaajooday, cago-baruurtoodiina dabo dal’ayaan oo hal mar ina baxnaan oo hayd qaalin sannadkii hore ilmo xootay haddana qas-goysay ku helay haad, hal marana ku degay, ugu horreyntiina luqunta riday.

Caynab oo dhiillo gashay, hootadiisii iyo amlaydiisii saddex-geeska ahaydna labada gacmood ku wata ayaa kula booday halkii uu balowgu ka yeerayay. Intuba inta ka dhaqso lehe wuxuu arkay raxantii libaaxa ahayd  oo ku raran Ina Baxnaan. Caynab wuxuu ahaa nin aad u yaqaana tabaha dugaagga gaar ahaanna bahalka shaashka leh oo aysan badanaa kala raagin, waqti badanna aysan ismoogaanin. Wuxuu hootadii ku ganay gooshii Eebbana wuxuu uga joojiyay meel aysan ka kicin, balse gacantiisa marka ay ka baxday hootadii waxaa dusha kaga degay aarkii oo aad gorgor moodo.

Caynab oo horey gacanta bidix u sii duubtay ayaa afka u gashay aarkii, isana sidii caadadiisa ahayd wuxuu afkuu oo labo taago kala joogaka ku qabsaday gacantii Caynab ee go’u ku duubnaa, cidiyihiisii dheerdheeraana wuxuu kala haleeyay dhabarka, isaga oo gacantiina labo meelood ka jabiyay dhabarkiina nabaro waaweyn ka gaarsiiyay. haseyeeshee Caynab uma diirnixin taas, taarraydiisii ayuu aarkii oo dusha ka fuushan ku daldalay ilaa uu maqlay isagii oo dhuunyeerinaya, dhulkana ku dhacay, balse dhibta kale oo haysatay waxay ahayd markii uu garan waayay sidii gacantiisa  libaaxa dhintay afka ugu jirta uu ugala bixi lahaa. Caynab intii uu  la rafanayay sidii uu gacantiisa jajaban si maad ah ula bixi lahaa ayaa jirkiisii waxaa ka baxay caarodhabankii, wuxuuna ku dul dhacay aarkii uu isagu ajalay, isaga oo miyir beelay.

cago-baruurtii oo aan war ka ahayn waxa dhacay iyo in odaygii iyo habartiiba xijaabteen, balse iyagu gosha kaga jirey hashii ay u loogeen, ayaa mar danbe u soo daqaqamay dhankii aarka, waa xog moogayaal aan la socon waxa dhacaya oo dhane, waxay dul yimaadeen Caynab oo miyir la’ iyo aarkii oo bakhti ah, isla markiiba waxay dusha kaga seexseexdeen ladabii mahallik ee isku dul dhacay, iyaga oo qaarkoodna ku dul faclaynayey.

Bal qaybtaana aan ku hakino intaas, waana inoo qaybta 4aad insha Allaah

W/Q C/risaaq Ismaaciil Xaashi (Cirro)

+254-722-928442 Kenya.

4 Responses

  1. cismaan wacays says:

    aaad bay xiiso u leedahay sheekadaani

  2. Walad farah says:

    Dr. Abdirisak Hashi sxb sheekadaan aad bay xiiso u leedahay runtii waana ku taxanahay

  3. iisho - Marka caddeey says:

    ascw. aad ayaan ugu farxaa markaan arko qayb cusub oo sheekadaan ka mid ah waxaan hoosta ka xariiqdaa erayada cusub markaas ayaan waydiiya dad afka iga aqoon og waxay iigu sii fasiraan kuwo kale oo aanan garanayn markaasaan labadaba iska bartaa masha Allaah

  4. manka says:

    masha allaah, waa sheeko macaan

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno