Home » Wararka, Warbixinno » Falanqayn: Warbixinta Guddiga Madaxa Bannaan ka soo saaray Baadhistii Dilkii loo geystey Sh Dr. Axmed X. C/raxmaan

Falanqayn: Warbixinta Guddiga Madaxa Bannaan ka soo saaray Baadhistii Dilkii loo geystey Sh Dr. Axmed X. C/raxmaan

Guddi madax bannaan oo muddoba baadhayey ciddii ka dambeysey dilkii naxdinta lahaa ee kal hore lagu diley magaalada Bosaaso Dr. Shiikh Axmed Xaaji C/raxmaan Alle ha u naxariistee ayaa soo bandhigay 25 kii October 2012 warbixin ka kooban qoraal, sawiro iyo filin labo qay bood ah oo marka la isu geeyo muddada uu soconayo noqonaya 88 daqiiqadood.

Qormadan waxaan si kooban ugu falanqayn doonaa warbixinta guddigu faafiyeen aniga oo ka eegaya dhowr dhinac oo kala ah:

  1. Dareenka iyo Saamaynta warbixintani samaysay.
  2. Warbixintu maxay xaqiiqo inagu soo kordhisay?
  3. Dr. Axmed Shabaab baa dilay, waa maxay sababta ay u dileen?
  4. Maxaa ka dhiman warbixinta ?
  5. Maxaa inala gudboon?

 

Dareenka iyo Saamaynta warbixintan.

Warbixintani waxay mar kale dib u damaqday boog xanuun badan oo ay qalbigeenna ku reebtay geeridii sheekha  Alle ha u naxariistee, boogtaas oo aan weli bugsoonin. Qalin kuma qeexi karo xanuunka iyo murugada ay mar labaad dib ugu soo abuurayso warbixintani qof kasta oo Sheekha yaqaanney amaba qof kasta oo qalbigiisa wuxuun iimaan ah ku jiro.

Qofna ma qiyaasi karo ladhka iyo gufaacada xanuunka badan ee ay Sheekha saaxiibbadii, qaraabadiisii, u badkisii iyo ooryihiisiiba ay dib ugu soo kicinayso warbixintani arin ayba ku adkayd inay is illowsiiyaan muddadaa 11 bilood ah ee Sheekhu mootanaa.

Waan malaynayaa amaba hubaa in rag iyo dumar badani dhibaato weyn kala kulmayaan – sida anigaba iga qabsatay – daawashada filinka laga diyaariyey dhagar-qabayaasha qorsheeyey haddana diley Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Alle ha u naxariistee.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa in kuwa dhibaatadaa la arkay inoo geystey u soo dedejiyo wax qalbiyadeennu ku bug soo daan. Arintu si kastaba ha ahaatee, warbixintani waxay wax weyn ka bedeshay dad badan oo markii hore ay ku adkayd inay ku qancaan in Dr. Axmed Xaaji ay dileen ururka al-shabaab.

Ma dad muslimiin sheeganaya oo weliba ku dacwinaya in ay jihaad ku jiraan baa falka noocan oo kale ah ka suurtoobi karaa? cid kaleba ha dileene ma Dr. Axmed Xaaji oo habeen iyo maalinba u taagnaa danta umadda baa  gawrac loola badheedhay oo dhiiggiisa la daadiyey isaga oo salaad subax soo tukadey oo weliba soomanaa? Waa wadaaddo is haya oo la isuma maqli karo. Dad badan baa arimahaas iyo wax la mid ah ku dacwiyey markii ugu horreysey ee qaylidu soo yeedhay, laakiin maanta garwaaqsaday in xaqiiqadu tahay in Sheekhii shabaab diley.

Warbixintu maxay xaqiiqo inagu soo kordhisay?

Warbixintan oo ka kooban qoraal, sawiro iyo filin waxaa soo bandhigay guddi madax bannaan oo loo xilsaaray gun ka gaadhidda dilkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Dr. Shiikh Axmed Xaaji Alle ha u naxariistee.

Qoraalka oo u qornaa sidii war-saxaafadeed aad buu isugu dheeli-tiranyahay si aan surma-seegto lahaynna waa loo tafatiray. War-saxaafadeedkaas waxaa guddigu si kooban ugu soo bandhigeen warbixin taariikhaysan oo si isdaba yaal ah u sharraxaysa dhagar-qabayaasha magacyadooda, qof waliba falka qaybtuu ku lahaa, sida ay isugu xidhnaayeen, kuwa la hayo goorta la qabtay iyo kuwa aan weli la qaban magacyadooda iyo xog kale wixii laga hayo.

Waxaa kaloo la soo bandhigay sawirada dambiilayaasha qaarkood oo si fiican u muuqda iyo magacyadooda oo ku dul qoran sawir walba.

Warbixinta qaybta ugu muhiimsani uguna murugada badan waa filinka. Filinka waxaa ka muuqda labo ka mid ah dambiilayaashii falka ka qayb qaatay oo ay ka muuqato isku kalsooni dheeraad ah, qiranaya in iyagu khiyaarkooda u doorteen in ay xogtan soo gudbiyaan. Way ka muuqataa labada inan in aan baqdin iyo khasab midna xogta lagaga matajin markay waramayaan, waxaa kale oo aynu filinka ka arkaynaa in labada nin waxa ay sheegayaanna aysan ahayn wax loo yeedhiyey ama loo qoray ee tahay xog ay iyagu iskood u soo tebinayaan.

Warbixintan waxaa lagu soo bandhigay caddaymo iyo markhaatiyo ku filan in aan ku qanacno Dr. Axmed yaa dilay? Maxaa loo dilay? Yaa amray in la dilo sheekha? Yaa qorsheeyey? Yaase fuliyey dilka ugu dambayntii? Maxaa lagu qanciyey inamada gacanta geystey? Iyo weliba qaabkii iyo qorshihii falku u dhacay.

Intaa waxaa dheer oo xaqiiqada inoo sii caddaynaya in dadka sawiradooda iyo magacyadooda la soo bandhigay ay yihiin dad dhammaantood la wada garanayo in ay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab. Waa dhalinyaro awalba fara-laga-qaad ka ahaa bulshada dhexdeeda sidoo kalana fakasho uga maqnaa  qaraabadooda, waxaa ka mid ah kuwo ka cararay macaahiddii iyo dugsiyadii ay wax ka baranayeen oo u samri kari waayey inay sii wataan waxbarashadii ay ku jireen.

Warbixintu waxay kaloo daah-furtay in dilalkii iyo qaraxyadii isdaba joogga ahaa ee Dr. Axmed Xaaji ka horreyey kana dambeeyey ay masuuliyaddeeda yeelanayso kooxdani. Rag iyo dumar, arday, dhakhaatiir, culimo, wariyayaal iyo wax garad kale oo badan wixii birta lagula dhex jirey goor iyo ayaan.

Nin door ah iyo maxay shiikh dileen culimadii diinta.

Darwiishku maalintaa isagu wuxuu u jeeday gumaadkii gumaysiga Ingiriisku diyaaradaha ku xasuuqay bulshadii soomaaliyeed ee ka soo horjeestay gumaysigiisa. Maantana isla dadkii ayaa sidii iyo si ka daran loo xasuuqayaa, loo barakicinayaa, loo diidanyahay in ay wax kale iska daaye si nabad ah masaajidda ugu cibaadaystaan.

Dhinaca kale warbixintani waxay dib inoo xusuusinaysaa rag lagu sheegi jirey “culimo” oo si ula kac ah ugu badheedhaya in ay majaro habaabiyaan xaqiiqada dilka sheekha, maro madowna dusha ka saaraan xabaashii Sheekha lagu duugay, iyaga oo u doodaya koox umadda dembiga la arkay ka gashay, koox u taagan habeen iyo maalin xasuuqa iyo gumaadka aan loo meel deyin ee lagu hayo ummadda.

Tolow raggaasi cudur-daar ma ka bixin doonaan markay xaqiiqadan arkaan mise waxay ku sii adkaysan doonaan beentii iyo asaraarkii ay horaba ugu badheedheen, bal aan ka war dhowrno iyaga.

Dr. Axmed  Shabaab baa dilay, maxay u dileen?

“Awal dad kale haba la beegsado markii la beegsaday culimadii, weliba culimadii ugu waaweynaa oo dadka xaqa u sheegayey. Wax kale loo dili maayee dadka yay yan xaqa u sheegin, dadka yay yan xaqa farin ayaa loo dilayaa oo dadkaasi inay yacni caammo iyo juhalo noqdaan ayaa loo dilayaa culimada”  sidaa waxaa yidhi dhagar-qabe Maxamed Saacadoole.

Waa runtii, taasi waa sababta dhabta ah ee ka dambbeysey gumaadka, cayda, been-abuurka, sumcad dilidda muddada dheer lagu hayey culimada soomaaliyeed. Rag baan shaqo kalaba loo dirin iyagoo habeen iyo maalin aan wax kalaba ka shaqayn, barnaamijyo qorshaysan oo dhaqaale iyo farsamoba loo huray ayaa sida madaafiicda culimada roobka lagaga dhigay.

Waxaa muddo socdey qorshayaal xeeldheeri badani ka muuqato oo si isdabajoog ah loogu sumcad dilayey culimada, waxaa bulshada lagu habayey been iska cad inay khasab ku rumeeyaan. Qorshayaal dadka sida hoose wax u indha-indheeya ay u fahmeen kuwo ka taf dheer kooxda wadata.

Taa waxaa dhinac socdey in rag kale shaadh culimo la huwiyey oo haddana la buunbuuniyey si loogu diyaariyo in ay iyagu culimada marka la dhammeeyo ama bulshada la nacsiiyo iyaga loogu bedelo.

Sh. C/Qaadir Nuur Faarax, Sh. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Maxamed Cabdi Umal, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, Sh. Axmed Cabdisamed iyo culimo badan oo kale oo umaddu u taqaan in ay yihiin udub-dhexaadka dacwada iyo samo-ka-talinta ayaynu muddoba caydooda iyo eedayntooda oo aan sal iyo baartoonna lahayn maqlayney, weerar cad oo aan geed loogu soo gabban lagu qaaday, been iyo qarda-jeex ayaa la damcay in wax lagu meel mariyo, oo maxay tahay sababta waxaasoo dhan loo samaynayaa?  Bal adba.

 

Warbixinta Maxaa ka Dhiman?

Runtii guddiga madaxa bannaan hawl weyn bay qabteen, waxaa ka muuqata geesino iyo dadaal dheeraad ah. Waxay ummadda soo hordhigeen warbixin tifqanyotiran oo ku dhisan xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah.

Hase ahaatee, xogtan xilliga la faafiyey iyo xilliga la helay muddo toddoba bilood aan ka yarayn baa u dhaxaysa sida laga fahmayo waqtiga filinka la duubay. Haddaba marka la eego kala fogaanshaha labada waqtiga ma la odhan karaa warbixinta dib u dhac baa ku jira? Guddigu ma sheegin sababta keentay dib u dhaca, wax cudurdaar ahna kama bixin, waase la qiyaasi karaa rag ka dhex shaqaynayey dad iyo dal burburay inay ku iman karto tanoo kale.

Ta labaad, Inkasta oo warbixinta inta aynu aragnay ay inoogu filantahay kana badantahayba caddaynta xaqiiqada la sugayey, kana jawaabtay su’aalo badan oo madaxeenna ka guuxayey. Haddana, warbixinta waxaa ku jira rag iyo dumar kale oo aan ahayn labada dhagar-qabe ee la waraystay ee ka muuqada filinka, waxaa kaloo filinka laga fahmayaa in waraysiga labada dhagar-qabe uusan ku dhammayn filinka. Sow markaa lama odhan karo  warbixinta qayb ka mid ah baa guddigu faafiyey xilligan, qaybaha kalana malaa sabab uun baa dib loogu dhigay, waa sida ay ila tahay aniga.

Ta saddexaad, waxaa bulshada soomaaliyeed muddoba u dheg-taagaysey in maamulka Puntland si mug leh u soo bandhigo natiijada warbixintan taasoo u qalanata musiibada meesha ka dhacday, weliba anigu waxaan filayey in warbixintan ilaa heer madaxweyne lagu soo bandhigi doono. Laakiin waxaa muuqata in aysan taasi dhicin ilaa hadda, faafintanna waxaa la keliyaystey guddigii madaxa bannaanaa.

Shaki kuma jiro in maamulka Puntland kaalin laxaad leh ka qaatay guul ka gaadhista baadhintaanka sida guddiguba warbixintooda ku sheegeen, waana ahayd in ay kaalintaas iyo mid ka badanba ka qaataan, waxaanse rajaynayaa in aysan arintu sidaa fudud ku dhaafin ee sidan si dhaanta maamulku uga fal galo .

 

Maxaa inala Gudboon?

Waxa ugu horreeya ee maanta bulshada soomaaliyeed la gudboon waa in dambiilayaasha magacyadooda iyo sawiradooda la faafiyey meel walba oo lagu sheego warkooda loo soo gudbiyo guddiga madaxa bannaan iyo dawladda Puntland, weliba xilkaasi wuxuu si gaar ah u sii saaranyahay ehelada iyo tolalka ay kasoo jeedaan dhagar-qabayaashu iyo ciddii kale ee aqoon u leh.

Waxaa kaloo umadda soomaaliyeed la gudboon in ay culimadooda ilaashadaan, deegaan walibana u dhug yeesho dhagarta loo maleegayo culimada la joogta.

Culimada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay meel uga soo wada jeestaan si isku mid ahna u dareemaan dhibaatada kooxdani umadda u geysatey, ta ay ku hayso iyo ta ay la maagantahayba.

Maamulka Puntland waxaa la gudboon sida guddiguba ka codsaday in ay dambiilayaasha sida ugu dhakhsaha badan caddaaladda u hor keenaan si waajibkooda loo mariyo, lagana feejignaado in caddaaladda laftigeeda debecsanaani inagaga timaaddo.

Ugu dambayntii Ilaahay waxaan ka baryayaa in boogta aan weli bugsoon ee arintani qalbageenna ku reebtay uu u inoogu dhayo wax qalbigeennu ku bugsoodo, indhaheennuna ku farxaan oo ku abaal mariyo kooxda dhibkaa la arkay inoo geysatey, haddii uu hanuun la magaanayna u soo dedejiyo.. aamiin.

Diyaariyey: Jaamac C/laahi Caydiid

Somalireal.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno