Home » Wararka, Warbixinno » Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, Jubaland, iyo Puntland. (Falanqeyn)

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, Jubaland, iyo Puntland. (Falanqeyn)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud, oo cod aqlabiyad ah ku tagay Madaxtooyada, ayaa caqabaddii ugu adkeyd ay dowladdiisa soo wajahday.

Madaxweynaha, ayaa tan iyo markii uu shaqada bilaabay, waxaa soo baxayey khilaaf kala dhexeeya maamulka kumeel gaarka ah ee Jubooyinka, kaasoo hadda gaaray meel xasaasi ah.

Laba arrin ayaa gun-dhig u ah khilaafka Madaxweynaha iyo maamulka kumeel gaarka ah ee Jubooyinka, waxayna kala yihiin:

1- Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

2- Sida laga yeelayo Dhuxusha faraha badan ee Kismaayo taala.

Madaxweynaha, ayaa dhiniciisa waxa uu qabaa in maamul u sameynta goboladaas ay u taalo dowladda uu Madaxda ka yahay, halka dhinaca kale ay qabaan in maamul u sameynta goboladaas uusan faragashanin Madaxweynuhu.

Arrintan, ayaa waxay cirka isku shareertay, ka dib markii guddiyo uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, ay u suuragali weyday inay Kismaayo, tagaan waxaana  is hortaagay maamulka KMG ah ee gobolka.

Ma cadda dowrka Ra’isul wasaaraha Federaalka uu ku leeyahay arrinkan, iyadoona Ra’isul wasaare Saacid uu muddoba  ku mashquulsanaa dhismaha xukuumaddiisa.

Puntland xagee kaga jirtaa arrinkan?

Dowladda Puntland, ayaa shuruudo ay Jubooyinka ka mid tahay ku xirtay la shaqeynta iyo ka mid ahaanshaha dowladda Federaalka, waxayna dooneysaa in gobolada laba Jubbo iyo Gedo uu ka dhismo maamul balaaran oo Federaalka hoos taga.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, oo dhawaan ka hadlayey arrinta Jubooyinka, ayaa sheegay in Puntland iyo Jubooyinka ay isku dad deggen yihiin, ayna khuseyso arrintaas.

Ugu dambeyntii: dadka Odorasa siyaasadda is rog rogidda badan ee Soomaaliya, ayaa aaminsan in Dastuurka Federaalka shaqeyntiisu ay ku xiran tahay goboladan sida maamul uga hirgalo, iyo halka ay iska taagto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka akhri qormo hore oo Somalireal ka diyaarisay mowduucan

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno