Home » Maqaallo, Wararka » Xukunka Ina Godane iyo xukunkii Carroweelo. W/Q: Wadaad Yare.

Xukunka Ina Godane iyo xukunkii Carroweelo. W/Q: Wadaad Yare.

Sheeko xarriirooyinka carruurta lagu maaweeliyo waxey xanbaarsanyihiin macno qarsoon oo ah nuxurka iyo dulucda sheekada lagala dhex baxayo. Haddaba sheekada boqoraddii Carroweelo la oran jirey macnayaasha qarsoon oo ay xanbaarsantahey iyo xukunka kooxda Al Shabaab oo Ina Godane u taliyo sidey iskugu egyihiin ayaan aad ula yaabey.

Sheekada Carroweelo oo kooban

Carroweelo waxaa la yiri waxey aheyd gabar aqli badan oo han weyn oo aan ku qanacsaneyn kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada oo aheyd ilmaha iyo aqalka. Marka raggu kaligiis shirayo ayey caro la dillaaci jirtey oo oran jirtey “Oo waataan hal qof oo dumar ahna shirka laga qeyb gelineyne bal eega”!

Maalintii danbe ayey soo fakartey xeel ay ku inqilaabto ragga taladana ay dumarku kula wareegaan. Dumarkii ayey aragtideedi kacaannimada aheyd ka dhaadhicisey waxeyna tiri si aan u inqilaabno ragga waxaan ku mashquulineynaa carruurta. Haye iyo howraarsan. Dumarkii raggii ayey u yimaadeenoo waxey ku yiraahdeen “waxaan dooneynaa inaan sidiinnoo kale annaguna shirnee bal hal maalin ilmaha adinkuna haya”! Raggii oon shirqoolka jira ka warqabin ayaa is yiri waa iska dumaroo mindhaa abaay sitidoodi ayey qabsanayaane hal maalin wax idinma yeeleysee bal ilmaha haya.

Waa sidii lagu ballamaye raggii oo ilmihii la daalaa dhacaya oo mid kastaa kaligiis gurigii ilmo ku haya ayaa inta loo tegey madaxa laga wada gurey! Hal nin oo la oran jirey Odey Biiqe ayaa ka fakadey oo badbaadey iyo ubadkii yar yaraa iyo wixii uurka lagu sidey.

Waxaa soo harey ilmo yar yar oo saqiirraa iyo kuwo caloosha lagu sido. Carroweelo oo laheyd iyadu taladaas ragga lagu gumaadey  ayaa loo caleemo saarey iney noqoto boqoradda dumarka. Waxaana lagu ballamey in rag danbe aan wax talaa laga dhegeysan. Si taasi u dhacdana in gebigoodba la cirib tiro.

Carruurta yar yar iyo kuwa uurka lagu sido oo dhalan doonana in la dhufaano oo iyagoo korommo ah lagu shaqeysto ayaa lagu heshiiyey. Sheekadu way dheertahey oo aakhirkii Odey Biiqagii fakadey ayaa gabar iyada Carroweelo ah dhashey intuu duurka ka helo guursan doona iyadoon iyadu la socon. Sidaasna wiilkii iyada dili lahaa ayey gabadheedu ku qaaddey, aakhirkiina isagaa dili doona Carroweelo isagoo taariikhdii hore u dhacdeyna ka heley aabbihiis Odey Biiqe,tabtii uu boqoradda jinni uga takhallusi lahaana siiyey. Sidaas ayeyna ku galbatey boqoraddii Carroweelo oo Ina Rag meel aysan ka fileyn ayuu uga soo baxey!

Dulucda sheekada iyo meelaha ay iska shabbahaan xukunka Ina Godane

  • Aqli loo isticmaaley balaayo ka talin iyo baas abuurnimo
  • In laga aqli badiyo dad badan oo loo adeegsado sidii qalabkii,sida ay ku sameysey dumarkii kale iyo raggii ay korommada ka dhigtey oo iyada waardiyeha iyo ciidanka u ahaa.
  • Kacaanka cuqdadda iyo carada kaliya ku dhisan natiijo xumadiisa.
  • Shacabka oo maati caano leh iyo maangaabka mooyee inta fakari karta laga takhalluso.
  • Dadka badan oo kaalinta qalabnimada ku qancey oo in la adeegsado diyaarka u ah(korommadii).

Yaa u dhigma korommadii Carroweelo oo Shabaabkaa

Taageerayaasha Shabaabku dhammaantood waxey taaganyihiin booskii ay taagnaayeen dumarkii iyo korommadii ay ku shaqeysan jirtey Carroweelo. Ina godanena wuxuu taaganyahey booskii Carroweelo!

Iney sidaas yihiin daliilkeedu wuxuu yahey waxaa maalin kasta Ina Godane lagu eedeeyaa inuu sameystey carruur yar yar oo uu u isticmaalo leynta cid kasta oo uu doonayo inuu ka takhalluso. Arrintaasi waxaa og dad faro ku tiris ah oo isagu ku kalsoonyahey iyo ciyaalka howshaas fulinaya.

Iney sidaas tahey waxaa muujinaya amaaraat(calaamado)

Denbiyada iyo shirqoollada Shabaabku inkireen waxaa jira kuwo ka badan oo la mid ah oo ay qirteen. Kuwa ay qirteeni waxey calaamad u yihiin kuwa ay dafireen oo la midkaa. Kuwa ay inkireenna waxaa inkirey korommada iyo dumarka Carroweelo ku adeegato ee Carroweelo nafsaddeedu(Ina Godane) kama hadlin!

Ina Godane ma Nebiga s.c.w ayuu ka muhimsanyahey?

Nebiga s.c.w waxaa xaaskiisi Caa,isha r.c lagu nabey iney dhowrsanaantii meel uga dhacdey. Nebigu s.c.w waa la ogaa oo xaaladdu meel xun iyo murugo weyn ayaa usoo hoyatey heer uu uga calaacaley asaxaabtiisi ilaa aakhirkii Ilaahey Qur,aan uu ku beri yeelayo Caa,isho uu soo dejiyey. In Nebiga s.c.w xaaskiisi la tuhmey ayaa gil gishey nebigii s.c.w iyo ummaddii Islaamkoo dhan. Laakiin Ina Godane in lagu tuhmey gumaadkii Shaamow iyo dilkii Sh.Axmed Cabdu Raxmaan tintiisa ma aysan dhaqaajin juuqna kama uusan oran labadaba!

Taageerayaasha indhaha la, oo ciyaaraya kaalintii korommada iyo dumarka Carroweelo ku adeegan jirtey unbaa waxey leeyihiin hoggaamiyeheennu shuqul kuma lahan arrintaas.

Korommada su,aal baan u hayaa

Maxaa hoggaamiyihiinnu hadduusan ka danbeyn qaraxii Shaamow iyo dilkii Sh.Axmed Cabdu Raxmaan uu uga hadli waayey oo iskaga beri yeeli waayey tuhmadaas weynanka badan?

Ma isagaa ah shakhsi aad muhim u ah oo haya howl ka muhimsan middii Nebigu s.c.w hayey, iyadoo Nebiga s.c.w iyo asaxaabtiisiba ay gil gishey tuhmadii Caa,isha loo jeediyey?

Mise tuhmada loo jeediyey hoggaamihiinna ayaan aheyn mid weyn oo iska licib saqiir ah oon mudneyn in waqti lagu bixiyo si la iskaga fogeeyo?

Haddey sidaad sheegeysaan idin gubtey tuhmadaasi oo ay daacad idinka tahey ilmada yaxaas ood qubeysaan iyo tacsida aad soo direysaani maxaad u kari weydeen inaad su,aalo ka weydiisaan hoggaamiyihiinna arrintaas ood uga dalban weydeen inuu iska beri yeelo tuhmooyinkaas weynanka badan oo halista idinku ah?

Mise hoggaamiyihiinnu wuu ka weynyahey nin adinku aad su,aalo weydiisaan oo maqaamkeedi ma aydanan gaarin? Marka inaad adinkoon isaga waxba weydiin difaacdaan ood tuhmada ka beri yeeshaan ayaad isku waajibiseen?

Maxaa isaga dareen la,aan ka dhigey oo ay u saameyn la,dahey arrintaasi? Ma nin aan dunida joogin baa oo aysan raad ku laheyn waxa dunida ka dhacaya? Mise adinkaa noqdey qalab lagu adeegto iyo korommadii Carroweelo ku adeegan jirtey oon sayidkiinna waxba weydiin Karin?

Korommadu Kalsooni 100% ayey siiyeen siyedkooda

Dhibka heysta taageerayaasha Shabaabka oon korommada ugu yeerey wuxuu yahey kalsooni 100% ah ayey ku qabaan hoggaamiyehooda Ina Godane iyo kuwa ka sarreeya isaga ee ajaanibtaa. Ma qabaan shaki ama baqdin inuu qalloocan karo oo denbiile noqon karo. Waxey is leeyihiin waa labo middood:

  1. Inuusan tuhmadaas gelin oo beri ka yahey oo lagu nabayo.
  2. Iyo inuu falkaas amrey oo xikmad uu isagu ogyahey (lixikmatin yaclamuhaa huwa) uu u sameeyey.

Hoggaamiye heerkaas ah waa dajaal

Kalsoonidu haddey heerkaas gaarto waa cubuudiyah waana heer dajjaalnimo oo kale ah. Bashar gefi kara oo lala xisaabtamayo oo la iska jiro qaladkiisa waa la dhaafsiiey oo waxaa la gaarsiiyey martabaddii Ilaahnimada oo aheyd

(?? ???? ???? ???? ??? ??????)

Ilaahey wuxuu sameeyo lama weydiiyo ee addoommadaa la weydiiyaa waxey sameeyaan weeye aayadda macnaheedu.

Is weydiiya taageerayaasha Shabaabow haddey u suurto gashey culimadiinni haddaad leedihiin culimmo iyo indheer garatadiinni haddaad leedihiin indheer garato iney weydiiyaan Ina Godane inuu falalkaas lagu eedeeyey ka danbeeyo iyo in kale. Oo hadduusan ka danbeyna uu iska beri yeelo oo afkiisa iska difaaco, hadduu ka danbeeyana uu difaaco oo daliilkeeda keeno oo uu yiraahdo ”innagaa ka danbeyney daliilkaas ayaanan u cuskanney” sidii aad sameyseen meelaha kale oo la midkaa ood qirateenba oo ay ka midka tahey gumaadkii B/Weyne, kii Hotel Muna iyo kii Hargaha iyo Saamahaba.

Denbiyadii aad qirateen ayaa idiinkaga ceeb yar kuwa aad dafiteene ma ogtihiin

Meelihii intaad dadka ku leyseen aad qirateen waxey dadka idinka soo horjeeda u muujinayaan manhajkiinna munxarifkaa oo takfiirigaa ood ku qanacdeen. Laakiin meelaha aad inkirteen waxaa ku jira tuhmo dheeri ah oo ah in inxiraafka manhajigaa uu idiin wehliyo mid akhlaaqi ah oo ah in madaxdiinnuna tahey dhagar qabayaal shahwadooda wax u khaarajiya, adinkuna haddaad taageerayaashii tihiin aad tihiin tanagyo iyo qalab uu ku adeegto kaligi taliye aan ku heer aheyn dadka uu hoggaamiyo oo iskala sarreeya oo aysan talo ku biirin karin.

Haddaad hoggaamiye bashari ah oo caadi ah u aamminsantihiin maxaad ugu qancin weydeen inuu ka hadlo tuhmooyinka loo heysto?

Mise hoggaamiyihiinna ”baxarkiisa lama galoo baxar buxuur waaye”!

W/Q:  Wadaad Yare

wadaadyare09@gmail.com

 

27 Responses

  1. sahal says:

    waan salamaya qoraha maqalka shekaa waxan u fahmay koromada inu ka wado xaga caqliga ay ka dhufanan yihin laakin hal wax ba ka maqan aawey odey biiqay ilen shekada arawelo wuu kujiray

  2. Abu Muscab says:

    Ninka Qoralka Qoray, Hadaanahay Mujaahdiinta Soomaaliya waxaan u adeeceeynaa amiirkeena SH.Muqtaar Abu zubair si aan ugu dhawaano ilaahey oo na amray in la adeeco Umarada islaamka. Waxaad ka xanaaqsantahay ma ahan dilka sh. Dr. Ahmed sh. abdirahman sababtoo ah sheeqa waxa dilay waa saxiibadaa PSTA. ee waxaad ka naxsantahay waa dilalka loo geysto murtadiinta iyo munaafaqiinta oo lagu ciribtirayo. bi idnilaahi tacaalaa walaga ciribtiraa Murtadiinta iyo munaafaqiinta waxay rabaan ha ahaadaane. dhulkaan soomaliyana Raayada tawxiidka madoow ayaa loogu talinaa hadii kale nabad ma arkaysid. laa salaam bilaa islaam . bi idinlaahi tacaalaa.

  3. qulqul says:

    Bismillaah. Wallee annagaa wax aragney. Boqolaal ruux oo kala duwan oon isku itijaah, isku fikir iyo isku ujeeddo ahayn oo gaalo iyo kuwo muslim sheegtaba leh ayaa weerar dhinac kasta ah nagu haya. Ilaahow noo gargaar. Kuwo awood iyo xoog ayey noo adeegsadaan( diyaarado, maraakiib, drones, hub culus iyo ciidamo fara badan) oo ay weliba bar bar socdaan Mukhaabaraad badan. Kuwo hadal nagu weerara. Sidaasoo kale daa’ifadii ama kooxdii looga soo horjeesto waxay daliil u tahay iney xaqa ku taagan yihiin. Iyagana maxaa gooni u soocey mulimiinna kawada dhigey? Cadowgoodana maxaa isu geeyey iyagoo kala diin iyo ujeeddo ah? Xaqu waa hal waddo baadilkuna waa subul..
    Wadaad yarow commentiyadaadba ku rooneyd. Markaad barxad weyn ood ku boobooddo heshay ayaad sidii sac bal iyo ka dhergey ‘mess’ ka wareegtey.
    Hadalkaagu hal ujeed ayuu leeyahay: waa in shaki iyo is aaminid la’aan lakala dhexdhigo mujaahidiinta iyo madaxdooda. Mujaahidiinta iyo taageerayaashooda umarada ma caabudaan. Amiirka waa laazim in lagu adeeco waxaan macsiyo ahayn. Ujeedkana waa nidaam iyo kala dambayn. Fowdo iyo isku dhex yaacna waalaga fogaanayaa. Midda aad leedahay Amiirku muu ka hadlo dadkii lagu laayey hotel shaamow iyo dilkii sheekh axmed. Horta dadkii shaamow ku le’dey iyo dilkii sh axmed kama duwana kamana ahmiyad weyna muslimiinta badan oo maalin kasta ay laayaan gaalada iyo guxuushtooda. Arrintuna ka hadal weyba dhaaftey wax ka qabad bey u baahan tahay. Mujaahidiinta iyo madaxdoodana wax kaga horreeya maleh wax ka qabadkaas.

    Korommo iyo wax la soo dhufaaney hadday jiraanna, adiga iyo kuwa kula midkaa kow ka ah. Waxaad korommo u tihiin caqli aan loo adeegsan sidii loogu tala galey, afkaar quruntey oo bakhti ah oo reer galbeedka kuffaartaa laga soo min guuriyey. Waxaad korommo u tihiin dimoqraadiyad iyo mabda’ gaaleed.
    Adiga waa horaaba lagu dhufaaney, maskaxdaadana khayr oo dhan waa laga faarujiyey, irbado aad u badan oo wax lagu dhufaanana waa laguugu soo raray. Laakiin intuu muslim baraarugsan nool yahay heli meysid meelaad si xor ah sidii laguu soo dhufaaney aad wax ugu dhufaanto. Inaad wax diin ah aadan shuqul ku lahayn waxaa ku tusaya, sheeko xariir baad dooneysaa inaad diin nooga dhigto. Car wadaad yarow rag ma tahay ujeedkaaga saxda ah ma caddaysan kartaa?
    Taargadkaaga koowaad waa muslimiinta kuwooda ugu dadaalka badan(salafiyada)

  4. wadaad yare says:

    Qulqul waxaad tiri adigoo aniga ii jawaabaya:

    “Midda aad leedahay Amiirku muu ka hadlo dadkii lagu laayey hotel shaamow iyo dilkii sheekh axmed. Horta dadkii shaamow ku le’dey iyo dilkii sh axmed kama duwana kamana ahmiyad weyna muslimiinta badan oo maalin kasta ay laayaan gaalada iyo guxuushtooda”

    Su,aal

    Marka aad sidaas leedahey ma waxaad ka waddaa Shaamow dadkii lagu xasuuqey iyo khaarajintii Sh.Axmed CabduRaxmaan annagaa ka danbeyney oo waxaan ugu aareyney dadkii gaaladu xasuuqdey?

    Mise waxaad ka waddaa labadaba gaaladaa ka danbeysey?

    Haddaba dhegaha ma li,idin oo waad ogtihiin inaan Shaamow iyo Sh.Axmed gaalo loo heysane oo hoggaamiyihiinna loo heystee soo haddaad taageerayaashiisi tihiin xaq uguma lihidin inuu tuhunkaas iska beri yeelo?

    Ikhsa caleyk Qulqulow meedey ragannimadaadi iyo dadnimadaadi?

    Tuhmada adigu aad hoggaamiyahaaga ka difaaceyso oo kula foosha xun in loo nisbeeyo muu isagu iska difaaco oo canbeereeyo oo u tacsiyeeyo dadkii dhibku ku dhacey ahalkoodi iyagana u duceeyo?

    Maxaa adigaa qareen bilaa ijaar ah oon cidna ogeyn kaa dhigey dulliyahow nasakhani?

    Ninka aad sidaas indho la,aantaa adigoon aqoon aad u difaaceyso wuu idin yasayaa wallaahi adiga iyo waxa la midkaaba. Wuxuu idiin arkaa cows uu isticmaalayo.

    Sababtoo ah hadduu idin qaddarinayo labo middood ayuu idiin sameyn lahaa:

    1. Inuu falka qirto daliilkeedna idiin keeno ood isku meel kasoo wada jeesataan.

    2. Iyo inuu iska beri yeelo tuhmada oo aad cuskataan is beri yeelkiisa.

    Laakiin hadda maxaad dadka lasoo hor fariisan kartaa oon ka aheyn indho adeyg iyo qajajac aan cidna kuu ogeyn. War nin rag oo fikirkiisa xor u ah oo su,aalo keeni kara iska dhig maangaabyahow nin kula mid ah wilaayadaada ha u dhiibane!

  5. Muxibulculamaa says:

    Ninkan Wadaad yare ah, salfiyiinta ayuu wax ka sheegaa, wuuna duraa. Marka why shabakada loogu faafinayaa nin saas dagaal ugula jira?
    Mida kale markuu wax ka sheega qolyaha kale, way iska celiyaan oo daliil iyo falsafaba way iska difaacaan. laakiin markuu Culimada Ictisaamka wax ka sheego maxaan u lanahay nin dhaalibul cilmi ah oo radiya?

  6. C/xanaan says:

    To qulqul sxb waxaa kuu wanagsaneyd inad marka hore su,aalaha silayaqaan uga jawaabtid kadib wixii aad kudareyso kudarto waayo qoraaga wuxu su,aalaha weydiiyay waa mithaalkiina Ee ma ahan inad difaac aan micno kufadhinin gasho. Tankale waxa xaqiiq ah oo maanta maragmadoonte ah in ina godane aysan jirin qof idinka iyo mithalkiinaba kamid ah inuu utago oo uu inu khilaafo iska daayee uusan ku orankarin san ayey diinta qabtaa, sxb ogow aniga shabaab mudo dheer ayan lashaqeynay waxay yihiina wan kadharagsanahay maantana la inoo qeexi maayo marka fikradaada qaloocan orod oo kadhaadhacsii qofkii aan waxba ogeyn sheekadu waa LIBAAX NIMAAN AQOON BAA LAX KARITA waxan goobjoog u ahaa qorsheynta dilal badan oo loogeystay dadka indheergaradka tii iigu amankaaga badneyd waxay aheyd midii lagu dilay oday 91jir ahaa oo la oranjiray axmed nageeye kaasoo ladoonay in dilkiisa lagu jano tago waa aduun madaxii loo rogee majuhu hooseeyo. Oday in dhalinta axmed godane ushaqeyso caqliga kadhufaanayihiin waxaa cadeyn u ah dilka loogeystay odaygaas 91jirka ah oo hadana gabanka dilay uu doonayo inuu kujano tago. Wallee nimaan yaabin baa loo yaabaa.

  7. qulqul says:

    wadaad yare. Dulli iyo nasakh adiga qof kuma dhihi kartid. Wax kaa dullisan oo kaa nasakhsan ma jiro. Waxaana daliil kuugu ah; afkaartan sumaysan ee qurunkaa dadka aad la dhex ordeyso , mabda’a ay ku salaysan tahay eed ka uuleyso ma caddeysan kartid. Car waakaase caddayso!
    Qof muslim ah oo muwaxida dulli iyo mid nasakhan toona ma noqdo.
    Waxaa qalbiga nooga jira, carrabkana aan ka qireynaa, dadkana aan gaarsiineynaa diyaarna u nahay inaan nafta iyo maalka u hurno waa kalimada “LAAAA ILAAHA ILLALLAAAAH” Calayhaa naxyaa Wacalayhaa namuutu Wacalayhaa nubcathu wanalqaa Rabbanaa aaminiina bifadlihi wakaramihi. Ruux addoomo in loo ahaado iyo martabo ilaahnimo aan u oggolnahay ma jiro, amiir xarako oo qarnigan nool joojiye xittaa Nabiyullaahi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam martabo ilaahnimo in la gaarsiiyo ma oggolin. Waxaan aaminsannahay inuu ahaa bashar loo waxyoodey farriinna nalooku soo dhiibey. Keliya waxaan uga dayaneynaa kuna adeeceynaa qaabkii Alle loo caabudi lahaa. Sidaasuuna ku mutaystey inuu noqdo Afdalul-makhluuqaad SCW. Macbuudka xaqa ah oo cibaadoo dhan keligii mudan, xukunkiisuna uu yahay kan keliya oo lagu kala baxo waa Allaah, ee wadaad yarow doqonnimada iyo dullinimada inta iska deysid Allihii ku uuntey isu dhiib. Ha isu dulleeyn hawadaada, shahwadaada iyo afkaartan gharbiga ahee kufriga ah. Rabbi isu dullee.
    Fikirkan ibaaxiga aheed qabto rag baa si dhab ah korommo ugu noqdey oo sida dumarkii loo isticmaalaa. Ilaahaan ka magan galnee. Dimoqraadiyadaad mar walba u doodeyso, ood buunbuunineyso baalashana aad u yeeleyso waa midda keliya ee rag baddey iney rag kale ku hor foorarsadaan iyagoo dambeedka feydaya. Marka wadaad yarow adoo waxaas aaminsan cidna dulli, nasakhnaan iyo koronnimo midna kuma sheegi kartid. Waxaad saxnimadkiisa aaminsantahay samayskiisana kuu fudud.
    Ina godane waxaan u gartey inaad sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ka waddo. Waa amiirka Xarakada. Daahirkiisaan xukmineynaa wixii u qarsoon Allaa og. Waxaan ku ognahay inuu muslim muwaxida yahay har iyo habeenna u taagan yahay maslaxadda ummadda muslimkaa gaar ahaan Soomaalida. Waxaana muuqda inuusan masaalix gaara wadanin. Ma ii sheegi kartaa maxaa ku kallifaya isaga iyo kuwa la midkaa iney waxaasoo dhiba maraan, dagaal, qaxar, naftoodey halis geliyaan iya taa beddelkeed heli kara wax walbana loo oggol yahay hadday mabda’ooda tanaazul ka sameeyaan. Waxaan wanaag ahayn kuma ogin Sh Mukhtaar Abuu Zubeyr Alle ha dhowree isaga iyo kuwa la midkaa iyo annagaba. Aamiin. Haddii xumaan ku caddaato, xumaan Alle haka dhowree ìsaga iyo annagaba, mudnaanteeda gaarkaan siineynaa wixii nagala gudboonna waan ka sammaynaynaa, adigana kaala tashan meyno. Xumaan aad ka faafiseyna ku qoonsan meyno.
    Midda kale waaqica Soomaaliya nagama dahsoonna. Soomaalidu waa bulsho qabyaaladdu aafeysey illaa man Raxima Rabbuk Ilaahey hanagu daree kuwa loo naxariistey aamiin. Maahmaah baaba u degsan ‘FIQI TOLKII KAMA JANNO TAGO’ oo micnaheedu yahay iney jiraan wadaaddo culumo sheegta oo qabyaaladda ku aafeysan. Alshabaab xooggoodu wuxuu joogaa koonfurta Soomaaliya. Koonfurna waxaa dega qabaa’ilka aan ahayn kuwa reerka amiirka uu ka dhashay (Isaaq/Isxaaq) Raxaweyn, Hawiye, Daarood iyo kuwo kaloo badan. Marka sheekadu haddii xoog iyo amar ku taagleyn tahay, qabyaalad baa lagu kala bixi lahaa sheekh Mukhtaarna waa horaa la dallici lahaa oo kulleetiga la qaban lahaa lagana takhallusi lahaa. Isaaqna Soomaali badankeeda awood uma heli lahayn. Sheekadu sidaa maha marka ee waa islaanimo iyo beyco lakala galey waxa lagu kala dambeeyo. Hal nin oo xoogsanaya meeshuu ku xoogsanayana aysan ahayn meel reerkiisu ku badan yahay amaba ay degaan suura gal maahan.
    Mar walba dad baa xaq iyo dulmi intaba lagu dilaa. Kuwa ay Alshabaab xaqa ku dileen joojiye kuwa dulmiga lagu dilo iyaguna ay ka mid yihiin- dulmi ka weyn ma jiro nin diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa difaacanaya in la dilo- oo Alshabaab lagu nabo ayaaba aad u fara badan. Marka tee laga jawaabaa? Dad ujeedkooda uu yahay”WALGHOW FIIHI LACALLAKUM TAGHLIBUUN” in maantoo dhan laysku mashquuliyo u jawaabido wax loo baahan yahay maahan. Nin qoyan biyo iskama dhowro. Yaa laga cabsanayaa oo dil la fuliyey laga qarinayaa? Ma eedbaa laga baqayaa? Ma dagaal? Ama ha qirto ama ha inkiro hakuu dambaysee, ma eedahoo dhan oo la ii soo jeediyaan qirtaa ama inkiraa? Mise labo ka mida? SHAAMOOW iyo Sheekh Axmed. Why these two and not others?!

  8. waaniye says:

    wadaad yare marka koobaad adiga hadalkaagu wax qiimo ah malahan oo waxaad tahay nin daad qaaday xunbo cuskay markuu fikirkii shaydaaniga ahaa kuusoconwaayay ayaad doonaysaa inaad geedaha isku sooqariso

    waxaad iska dhigaysaa nin kaxun dilkii dr axmed, sow dr axmed (ahn) ma ahayn salafiyadii aad necbayd? ma markii ladilay ayaad jeclaatay?

    waxaan kudhihilahaa wadaad yarow fikirkaaga dadka usoobandhig oo caqiidadaad dadka ka gad lakin inad tuqyo uun kunoolaato lafahaaga uuma fiicna waana zanaadiqada xaalkooda.

    midda aad leedahay muxuu amiirkiinu isaga bariyeeli waayayna waxaanu kaaleenahay amiirku inuuna gacmihiisa kudilin dr axmed qarixii shaamawna kufulinin adiga 100% og qof ay kaqarsoontahayna majiro.

    balse eedu waxay kusocotaa xarakada dhan xarakaduna afhayeen ayay leedahay afhayeenkeedii ayaana uhadlay beeniyayna waxa aad sheegaysaan.

    marka hadaydaan afhayeenka xarakada kuqancaynin hede inuu amiirku maalinkasta wadaad yare ookale ujawaabo wuu kasharaf badanyahay.

    hadaad rabtaan inuu maalin kasta hadlo kadibna aad ugaadhsataan ood lacagtii maraykanku idiin balanqaaday aad heshaan taasi madhacayso inshaa allah.

    hadaad rabto inaanu warkaaga maqalno oo aanu kahornimaadno amiirkayagana waa wax aan lafilaynin ee hakufikirin.

  9. waaniye says:

    C/Xanaan

    adigu waligaa inaad been kashaqayso ayaa dhaqan kuu ah runtana waxba kama taqaanid acmaal aanad waligaa galin ayaad maalin kasta sheegataa

    shabaab ayaan lashaqayn jiray, waan soo jihaadi jiray iwm ayaad maalin kasta meelahaas lataagan tahay

    wax aad jihaad iyo shabaab kataqaanana malahan oo horaan kuu ogaanay waxaad tahay iyo beentaada aan aabo yeelka lahayn marka kolayba hadaad been sheegayso mid iskutoosan soo diyaarso dadkana kadhaadhici lakin inad mid iswada burinaysa oo hadana aadanba aqoon ulahaan sheegto ceeb ayay kugu tahay

    rag uu kamid yahay waxgarad iyo yaasiin ayaa waahore beentaada fashiliyay

    cudurka uugu wayn ee adiga kuhayaana waa qabyaalad

    qofkasta oo hadal qora hadalkiisa ayaa ceebaynaya oo fashilinaya waxa qalbigiisa kabuuxa.

    marka haday alshabaab adeerkaa udiideen xil miyaad xanaaqi oo cuqdad ayaad isgalin

    cabdi xanaanow waxaad tahay waan kulasoconaa aqoona waanu kuuleenahay ee isdaji!!!!!

  10. sadiiq says:

    to qulqul
    waxaad dhahday macsiyo kuma raaceyno amiirkeena ina godane waxan ku weydiinayaa intii xarakadu jirtay weli khalad ay gashay majiro miyaa haduu jiro waa kee aan aragnee waxa aad sheegeyso inay t\runtaa tahay iyo inaad iska leedahay waa say u badinayee hadaad dhahdo xarakadu weli ma gafin noo sheeg hadii ay jiraan khaladaad aad ogtahayna ha qarinin maxaa yeelay khaladaadkii saxaabada ayaa ilaahay sheegay quraan la akhrisanayo ilaa maalinta qiyaame marka dan loo qariyo majirto marka xarakada iyo taageerayaasheeda malaga waayey hal nin oo Oaday biiqay oo kale ah oo diida falalka wuxuushnimada ah ee Inada Godane kula kacayo shacbiga soomaali

  11. burhaan says:

    aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraha maqaalka wadaadyare oo aan uga baranay fikrad caafimaad qabta .intaas waxaan ku darayaa dadka SHABAAB taagera horay ayaa looga quustay caqligooda qoful ayaa inta lasaaray ayaa furihii cid aan la’qoon latagtay .
    taasna waxaa daliil u ah qof lumiyey in uu wax is waydiiyo ama fakaro in ay waxa uu sacabada utumayo sax yihiin iyo in kale ??? wali is maysan waydiin JIHAAD noqday in culimada la’laaayo JIHAAD noqday in ardayda iyo maclimiinta LAGUMAADO caqli garan waayey warninkan aamusan ee lagu eedeeyey in uu amray DR AHMED XAJI CABDIRXMAN maxuu la’aamusanyahay ??? aamusku miyuusan ahayn daliil raali ahaansho ama in uu asagu falka gaystay

  12. wadaad yare says:

    Waan idin salaamey akhyaarta dhammaantiin a/c

    Waaniye iyo Qulqul

    Dadka loo isticmaalo amniyaatka oo aan su,aalaha is weydiin karin ayaad sidoodi u dhaqmeysaan. Adinkoo bannaanka ka jooga xarakadii oo aan gudaha ugu jirin ayaad sidaan u dhaqmeysaane haddii inta bastoolad la idin dhiibo dakano iyo dhiig faraha la idiin geliyo sideed noqon laheydeen?

    Wax baaritaan ah ma isku deydeen weligiin oo ku aaddan eedaha bulshadu u jeedineyso xarakadiinna?

    Haddaan isku deydaan qoortiinnaa u maqan oo jaasuus ayaad noqoneysaan. Waa inaad marka indhaha isku qabsataan oo wixii iyaga kaliya idiin sheegaan aad aammintaan ilaa aad hortiinna ka weyneysaan nin Shabaab magacooda ku hadlaya!

    Hadhowna markaad sidaas ku weydaan oo ay si la hubo saaxada uga baxaan ayaa raggii ka tirsanaa oo xog ogaalka ahaa ay qori doonaan waxey ogaayeen oo fool xumooyinka ahaa. Markaasna dadka adinkoo kalaa ma rumeysan doonaan, oo waxey oran doonaan waa iftiraa ee “mujaahidiintu waxey ahaayeen mahdi soo daahirey oo cadow u xoog sheegtey”!

    Sidaas darteed dadka noociinnaa oo kale weligood xaqiiqda ma ogaan karayaan oo albaabada ayaad ka xirateen inaad runta ogaataan. Runtii kharaareyd waxaa idiinkaga fiicnaatey been khiyaali ah oo qurxoon ood naftiinna ku qancisaan.

    Dadka naarta la gelinayo waa adinkoo kale oo nicmadii weyneyd ee caqliga oo la siiyey ku xijaabey “hawadooda”. Si cad ayaad uga gaashaamateen inaad runta khalqiga dhan ogayhey aadnan ogaan. Xaqiiqo aan jirin oo rag aadnan aqoon hawada idiin soo marsiiyaan ayaad xaqiiqdii la taaban karayey oo hortiinna taalley iyo marqaatiyadii cad caddaa ka door biddeen.

    Ilaaheybaan ka magan galey inuu ii dulleeyo sidiinnoo kale!

  13. Wadani says:

    To: waaniye
    Afhayeenkee ka hadley Dilkii Dr Sh Axmed Xaaji AUH.?????????????
    Sh Cali Dheere iyo Abuu Muscab waa labada afhayeen midna kama hadlin!!!!
    SHABAAAB labo mid baa laga rabaaa
    1- Shiikha waan dilney waxaaana u dilney wuxuu ahaa ….. waxaana cadeyn u ah …….
    2- Shiikha ma aanan dalin bari baana kanahey. Waxaana jawaabta laga rabaa Amiirka iyo Afhayeenka oo kaliya.
    Sababtoo Shiikha family kiisa oo Allah SW uu yiri “Qofkii Dulmi lagu dilo Waligisii ayaan u siiney xujada/Suldaan” Suuratu Al-israa
    Beesha Shiikha oo ah beel u dagaal gashey difaaca diinta marki masaajida iyo wadaadii Galkacyo lagu soo duulay ayaa waxay afkooda ka dhaheyn Shabaabow dilkas baa idin heysanaaaye naga garbaxa????

    Ogowna Beeshaas waxaa laga diley rag badan oo isku jira Saraakiiil, Suufiyo iwm kuwaas oo kurtigood shabaab lagu tuhmey, sababta kuwaas loga aamusay waxay aheyd, shabaab oo dagaal cad kula jira oo la hubo iney qirnayaan. waana rag is hayey oo dagaal ka dhaxeeyey, LAKIN Dr Sh Axmed waxaa looga baqayey Gacan Gaalo iwm, ee loogama baqeyn Cid DIIN u dirireysa.

    SHABAAAAAAABOW KA GARBAXA DILKA DR SH AXMED
    hadii kale Aduun iyo Aakhiraba waad ku khasaareysaaan sida hadaba u socoto howshu

  14. qulqul says:

    To Waaniye Assalaamu Calaykum walaal waan ku salaamey. Dadaalka aad waddo ajar kan ugu khayr badan Alle hakaa siiyo xaqana Alle hanagu sugo aamiin.
    To: Sadiiq. Amiir xarakada ama qof walboo kale waa xaaraan mana banaana in macsiyo lagu raaco. Hadduu macsiyo galo mudnaanteeda gaarkaa la siinayaa. Labo waa mid uun 1. In macsiyadaa lagu wato iyadoo wanaagyadiisa kale la tixgelinayo. 2. In si toos ah looga beri noqdo ama haddii xitaa maslaxad noqoto lala dagaalamo. Allaah waxaan ka baryayaa in Amiirka Xarakada Alshabaab iyo annagaba uu macsiyada naga dhowro aamiin. Mar walba waa inaan maanka ku haynaa “LAA DAACATA LIMAKHLUUKHIN FII MACSIYATIL-KHAALIQ”.
    Khaladka uu qof galey waala qiimeynayaa. Ma mid weyn baa? Ma mid yar baa? Qofka khaladka galay ma kas buu u galey mise kama’. Dhibaato intee la eg ayuu khaladkaas keeni karaa? Hadduu qofka khaladka kas u galey, maxaa ku xambaarey? Kaftan iyo ciyaar miyey ka ahayd? Ma xanaaq ama caro? Ma maseyr baa ku kallifey? Mise waxbuu aarsanayaa? Qofka khaladka galey ma iskula quman yahay mise wuu ka qoomameysan yahay. Maloogu cudur daari karaa mise waa lagula tiigsan.. Khaladka diinta maxay ka qabtaa? Mas’ala khilaafiyah inuu xiriir la leeyahay malaga yaabaa? Qofka khaldamey iyo khaladkiisaba in la qiimeeyo iney muhhm tahay waxaa ku tusinaya: saxaabigii sirta muslimiinta fakiyey Nabigana SCW uu u cafiyey inuu dagaalkii badar ka qeyb qaatey darteed. Dilkii khaalid ibnul waliid uu u geystey dadkii yiri “SABA’NAA” iyagoo Aslamnaa uga jeeda Khaalidna uu afgaranwaayey. Nabigu SCW wuxuu yiri Ilaahow beri baan ka ahay wuxuu khaalid falay. Khaalid lagama beri noqonine falkiisaa laga beri noqdey, dilkii looma qisaasin diyana lama warsan. Waxaa kaloo soo qaadan kartaa saxaabigii diley nin gaal ahaa laakiin markii seefta lala soo dul istaagey tawxiidsadey saxaabiguna uma joojinin wuxuu u qaatey kalmaddaas inuu isku fakin rabo. Laakiin Nabiga SCW aad buu u canaantey. Isagana sidoo kale looma qisaasin diyana lama warsan. Dhamaan saddexda saxaabi RC Khaldaadkooda waala qiimeemyey. Saxaabiga hore ka qeybgalkii badar ayaa looga gaabsadey cudurdaarkuu dhiibteyna daacad bey ka ahayd. Labada saxaabi ee dambe waxaa lagu qiimeeyey ikhlaaskii iyo daacadnimadii ka muuqatey iyo iney isla saxsanaayeen. Midna waxbuu ta’wiishadey kan kalena wuxuu fahmi waayey Saba’naa in laga wado Aslamnaa. Asal ahaan waxaa muhim ah in qof walboo muslim ah malaha loo wanaajiyo khaladkiisana la qiimeeyo.
    Camal kasta oo diini ah waxaa loo shardiyaa labo shardi. Kow ikhlaas. Labo inuu waafaqsan yahay Islaamka(QURAANKA IYO SUNADA) . Labada shardi waa muhim laakiin Ikhlaaskaa sii muhiimsan. Xaakimka ama mujtahidka hadduu asiibo labo ajar buu leeyahay hadduu gafana hal ajar. Marka uu gafo ajarka wuxuu ku mutaysanayaa dadaalkiisa. Dadaalkana wuxuu ka tarjumayaa ikhlaaskiisa..
    Ashabaab iyo amiirkooda gaf maka dhici karaa? Haa wuu ka dhici karaa. Laakiin waala qiimeyn.

  15. qulqul says:

    Bismillaah. Hal mid baan idiinku darsanayaa.
    Nimankiinaan Salafiyada sheeganaya si dadban oo aadan dareemeynin ayaad Islaamka ula dagaalameysaan. Al-shabaab wey idinkaga dhegtey maahane waxa aad duulaanka waa Islaamka iyo ahalkiisa. Prejudice ama naceyb micno darro ah oo aad u qabtaan Alshabaab oo meel8 salka ku haya aan la garaneyn ayaad Islaamka idhnka fogeynaya. War nimanyahaw shaydaanka iska naara hareerihiina eega oo cadowgiina dhabta ah aqoonsada Alshabaab cadow idiinma ahee. Meelahaasaad tuban tihiin idinkoo baylaha xabbad baa leydin toogan karaa haddii wax leydinku falaayo.

    Wadaad yare sheekadiisu Alshabaab iyo Salafiyo wey ka fogtahay, wuxuu dagaal toos ah kula jiraa Islaamka. Wuxuuna qabaa in CAQLI IYO TAJRUBO natiijadii ka dhalata lagu kala baxo oo dastuurna laga dhito. KITAABKA QURAANKA IYO SUNNADA NABIGA SCW agtiisa waxba kama ahan. Wuxuu aaminsan yahay in wax kasta laga niqaashi karo iyadoo loo adeegsanayo CRITICAL THINKING IYO REASONING xitaa koley ku tahay Jiritaanka iyo waxdaaniyada ALLAAH. Wax walba agtiisa waalaga mucaaradi karaa.

  16. waaniye says:

    qulqul
    wcs wr wb

    wll salaanta qaaliga ah waan kaa qaaday mid lamid ahna waan kuusoogudbinayaa

    bacda salaan akhi dadaal badan ayaad kubixinaysaa siday dadkani wax ufahmilahaayeen balse dadkani maahan dad xaqdoon ah ee waa dad ay alshabaab lacolaytankoodu kabuuxsamay oon indho lahayn

    waa dad aan isku mabaadi ahayn bal lacolaytanka mujaahidiinta uun kumidoobay

    bal hadda ufiirso wadaad yarihii iyaga saan ogayn ucaayi jiray ayay amaan ladaba taaganyihiin

    waa umad shaydaan duufsaday oo caqligii laga daboolay

    amniyaad jeebkooda ah unbay kuwaasheen

    marka kolay wax kuma qaadanayaane adigu waajibka uun iska rid

  17. waaniye says:

    wadaad yare

    horta waxaa ilaahay mahadii ah inaad amiirkayaga uqirtay caqli iyo garasho!!!

    dabcan qof caaqil ahina wax macquul ah unbuu dadka amraa sida caadiga ah

    dadka cuqalada ihina daa iman waa isku lood doqomaduna waa isku lood

    adiga iyo inta kulamidka ahba waxaad raacdeen shayaadiinta iyo gaalada warkooda

    shaydaan iyo gaalana waa doqomo inta raacdayna waa doqomo kale

    taasna waxaaba kaagaga filan inaad qof aad caaqil kutilmaantay natidhaahdo kahadha oo dulliga iyo gaalada raaca

    lakin caaqil waxaas lagama dhaadhicin karo!!!

  18. salmaan says:

    Amakaagayeey goormaa caqligu soo laaban.

    Waxaan aad ula yaabey dadka ku daalaya dad wax inta lagu soo borograamgareeyey la sii daayey, oo maskaxdoodii brain-washed lagusoo sameeyey hadii aad wax walba ku akhrido waxaa kaliya oo ay kaga go,an tahay wixii lagusoo shubey ee aysan helin wax ka shubey, waxaa marka qasab ah in ay sidii shimbirkii (baqbaqaaqa ) ku celceliyaan wixii loosoo meeriyey ama lagusoo programegareeyey.
    waxaan taas ula jeedaa nimankaan shabaab taageerayaasha u ah iyo madaxdoodaba waxaa wax kusoo shubtey ururka kharibaaddu madax martey ee aan adduunkaan najaax loogu qorin dhiig la daadiyo iyo wax la dumiyo mooyaane, nimankaan marka wax aan waxaas ahayn ku celcelin maayaan oo rag la takhdiiriyey, hadaad kitaabkooda (idaaratu-tawaxush ) akhrisaan wallaahi sarajoogga ayaad ka duulaysaan, waxaanadna mooddaa inayba ka mid yihiin nimanka caalamka baabiiyey ee mukhaabaraadyada yuhuudda iyo ruushka iyo mareykanka sida la sheegay inay u dhaqmaan macnaha xagga mu,aamarada iyo khayaanada , sharci islaam iyo mid gaalaadna maba qabto marka casharada lagu programgareeyey nimankaan Alshabaab iyo taageerayaashooda halkaasey salka ku hayaan oo waxaa la sheegaa ragga inta badan sirdoonada loo tababaro waxay gaaraan heer xataa marka ay shaqooyinkaas isaga tagaan ay noloshooda raad ku yeelato oo cid ay rumeystaan aan la arag, waxaana taas ugu wacan tacliimaatkii la siiyey iyo culuumtii ay ka qaateen sirdoonimada, marka nimanka alqacidda salka ku leh iyaguna waa sidoo kale oo marna loogama fadhiyo in fal ay fuliyeen wuxuu rababa ha ahaatee ay qirtaan inta aanay u arag in maslaxo aaney ugu jirin, sidaas darteed ayaaney alshabaab u qiranin xasuuqii hotelkii shaamow iyo waliba dilkii foosha xumaa ee AUN dr sh axmed xaaji c/raxmaan, xuduudaha biniaadamka qabtaana maba qabto nimankaas oo waxay la dhiilgareynayaan nimankaas aan soo sheegnay ee sirdoonada caalamka .

    tusaale ahaan waxaad la socotaan in waqcadii weyneyd ee sep 11 2001 kii ay madaxdii uruka alqacidda badankood ka hor imaadeen in la fuliyo, waliba ninkii masuulka ka ahaa hay,adda sharciga ee ururkaas ee wakhtigaas, diiniyyana ay u sheegeen inaanay bannaaneyn in la laayo dad abriyo ah oo shacab ah, tan kale ay tahay ballaankabax ragga fulinaya ay ka baxayaan ballankii ammaanka ee la siiyey, (waxaa hawshaas si fiican uga sheekaynaya sheekhaas lajnada sharciga u ahaa madaxda ee abuu xafsah al-muritaniyyi ee Aljazeera TV uu wareystey ninkaas oo weerarkaas ka dib isaga tegey) sidoo kale waxaa alqacidda ay ballankii uga baxeen kuwii ugu dhowaa ee walaalahood ahaa ee ay martida u ahaayeen waa daalibaane oo ka codsaday inaysan tallaabo aaney daalibaan ogeyn qaadin, oo weerarkaas mareykanka lagu qaadey lamaaney socodsiin daalibaan, marka walaalayaal nimankaan xuduud xirta mid islaam iyo mid gaalo ma jirto.

    oo xataa beenta ay sheegayaan ilaah ugu dhowaansho iyo waxay iska dhaadhiciyeen oo maslaxad ku sheeg ah ayay u sheegayaan saw ma aydaan weebabka alshabaab sida aanay wax been ah uga waaban iyo xataa culimadooda oo aan been ka waabaneyn, waa wax lagu soo shubtey marka, ee ha ku daalina xataa khalada cad hadii ay arkaan waxay u sameynayaan tabriiraad oo heer cubuudiyo ayaabey ku dhowyihiin, waxaan soo xasuustaa qiso aanan hubin sixadeeda waxaa la yiri markii fircoon geeriyoodey ee baddu liqdey dabeed meydkiisii lasoo saarey ayaa dadkii ugu oohinta badnaa waxaa ka mid ahaa nin ahaan jirey gilihiisii waziirada ee hore oo uu ka jarey fircoon afarta addin (labada lugood iyo labada gacmood) ninkaas ayaa ka mid ahaa dadkii aadka ugu oynayey fircoon, markaasaa dad ay weydiiyeen oo ku dhaheen war fircoon addimahaagii buuba wada jaraye maxaad ugu ooyeysaa, markaasuu ninkii ku jawaabey..”intaas iyo in kabadanba inuu ii geyto wuu lahaa ) bal u fiirso marka allaan kugu dhaarshaye ninkaas xoolonimadiisa wuxuu gaarey heer cubuudiyo oo gefkii laga galey uu tabriiriyo oo dhiigiisii duudsiyo, ha ka sugina marka kuwaan alshabaab iyo taageerayaashooda inay wax gef ah ama wax tuhun ah geliyaan waxa ay madaxdoodu sameynayaan.

  19. Muxammed says:

    Ascww. Bahda somalireal waanu ku faraxsanahay inaad u ogolaataan bartiina in dadka afkaarta ku kala duwan ay wax ku tacliiqiyaan ama ay ku qoraan maqaalo wadaad yare waad u ogolaateen anagana waan soo soconaa ee soo daaya maqaaladeena taasaa cadaalad ah. Intaas ka dib wadaad yare hal baan leeyahay, ragaana ictisaamka ah ee u sacabtumayo bushiga wadaad yare iyo beenta uu buufinaayo iyagana hal baan leeyahay. Wadaad yare waxaan ku leeyahay waa baryey sacab laguma qarin karo arintaana wey xargo goosatey oo ma joogto been iyo propagando website lagu qoray xili ay waxka qaadi karto oo gaaladii iyo kuwii kabaha u siday ayaa sas iyo argagax ka qaaday wiilashaan yar yar ee kitaabka ilaahay kor yeelay oo gaaladii ayaa wadnaha farta ku haysa xarakatul shabaal al mujaahiddin iyo fiditaankooda ayku fidayaan geeska afrika. Ato males ayaa yiri intaan noolahay shareecada islaamka laguma xukumayo soomaaliya? Asagiina waa bakhtiyey shareecada islaamkana waa ka oogan tahay soomaaliya sida baraawe,baardheere, buurhakabo, diinsoor, jowhar,ceelbuur, iyo meelo kaloo fara badan taa waxay daliil u tahay inaan lala dagaalami karin kitaabka alle lagana adkaan karin. Males ayaa la diriray kitaabka alle oo shareecada islaamka kansar ku noqday waxaa allah sw. Ku abaal mariyey cudurka kansarka illaa uu silac u bakhtiyo waxaa lagu riday cancerka maskaxda gala iyo cancerka dhiiga ku dhaca waxay gaalada caalamka isu keeneen wixii dakhtar specailisy ahaa aduunka waxna waa u qaban waayeen wadaad yare waxaan ku leeyahay yuusan kugu dhicin cancerka afka iyo kan cunaha la dagaalanka diinta alle iyo dadka ehelka u ah eed la dirireysid awgeed. Qolyaha u sacbinayo wadaad yare waxaan leeyahay ma taqaanaan wadaad yare? Waxaan idinkugu maah maahayaa hada ka hor ayaa nin qabiilo ugaas u ah ayaa gabar yar oo 14- ah kufsaday! Ugaaska magaciisa waxaa la oran jiray cubeyd yemani ayuu ahaa gabadhii markii la suaalay ee la yiri yaa saan kuu galay waxay tiri ugaaska ayaa sidaan ii galay? Waa la yaabay? Dadkii qaar waxay dheheen ugaasku waxaan ma sameyninee amay gabadhu been sheegaysaa? Nin ugaaska aad u yaqaanay ayaa yiri maa tacrif cubeyd? Markaasuu yiri cubeyd ma adaa gabadha farsameystay? Markaasuu yiri haa anaa farsameystay? Markasuu yiri ninkii eesh aquulu eeh. Hada waxaan idin leeyahay maa tacrif wadaad yare? Eesh aquulu eeh? Waxaan halkaan ka salaamayaa walaalaha xaqa difaacayo een ilaahay dartii u jeclahay ee kale ah waaniye iyo qul qul balanteenu waa difaaca xaqa iyo dadka ehelka u ah wadaad yare maqaal baan soo wadaa aan daacaqurunkaaga ku radin doono insha allah ee labadeena seefood tii saawir noqotaa sinji guura weeyaan?

  20. Wadani says:

    To: waaniye
    Afhayeenkee ka hadley Dilkii Dr Sh Axmed Xaaji AUH.?????????????
    Sh Cali Dheere iyo Abuu Muscab waa labada afhayeen midna kama hadlin!!!!
    SHABAAAB labo mid baa laga rabaaa
    1- Shiikha waan dilney waxaaana u dilney wuxuu ahaa ….. waxaana cadeyn u ah …….
    2- Shiikha ma aanan dalin bari baana kanahey. Waxaana jawaabta laga rabaa Amiirka iyo Afhayeenka oo kaliya.
    Sababtoo Shiikha family kiisa oo Allah SW uu yiri “Qofkii Dulmi lagu dilo Waligisii ayaan u siiney xujada/Suldaan” Suuratu Al-israa
    Beesha Shiikha oo ah beel u dagaal gashey difaaca diinta marki masaajida iyo wadaadii Galkacyo lagu soo duulay ayaa waxay afkooda ka dhaheyn Shabaabow dilkas baa idin heysanaaaye naga garbaxa????
    Ogowna Beeshaas waxaa laga diley rag badan oo isku jira Saraakiiil, Suufiyo iwm kuwaas oo kurtigood shabaab lagu tuhmey, sababta kuwaas loga aamusay waxay aheyd, shabaab oo dagaal cad kula jira oo la hubo iney qirnayaan. waana rag is hayey oo dagaal ka dhaxeeyey, LAKIN Dr Sh Axmed waxaa looga baqayey Gacan Gaalo iwm, ee loogama baqeyn Cid DIIN u dirireysa.
    SHABAAAAAAABOW KA GARBAXA DILKA DR SH AXMED
    hadii kale Aduun iyo Aakhiraba waad ku khasaareysaaan sida hadaba u socoto howshu

  21. qulqul says:

    To Muxammed wcwrwb. Walaal salaanta waan kaa qaadey waan dadaaleynaa inshaa Allaah Ilaahey garabkeena ha galo aamiin. Adigana dadaalkaaga Ilaahey Ajar kan ugu khayr badan Alle hakaa siiyo aamiin.
    To: Wadani . Qasab maaha in dilka sheekh Axmed AHUN uu jawaab ka bixiyo qirasho ama inkiraad waxay doonto ha ahaatee amiirka xarakada ama afhayeenkeeda. Sida ay soo tabiyeen guddigii la lahaa wuu madax banaan yahay(madax banaani meesha ma taallee) dilka sheekha waxaa loo haystaa laguna eedeeyey amniyaadka Alshabaab. Su’aal baa meesha imaaneysa oo ah: yaa loo dacwoonayaa lagana sugayaa caddaalad? Cidda loo dacwoonayo caddaaladna laga sugayo hadday Puntland iwm tahay maamulka Alshabaab waxba loogama baahna. Qirashada iyo inkiraadda waxaa laga rabaa wiilasha Puntland u xirxiran. Beesha sheekha hadday diyo rabaan iyo haddii kaleba waxay ku qasban yihiin iney maamulka Puntland ka codsadaan waxay rabaan.
    Haddii ay Alshabaab iney la xaajoodaan rabaan iyagoo u dacwoonaya caddaalad ka raba, beesha sheekha waxay ku qasban yihiin iney dad u diraan Alshabaab uguna tagaan meelahay xukumaan sida Baraawe dacwadoona u gudbiyaan kana warsugaan. Alshabaab baaritaan ka dib waxay dhihi karaan sheekha annaga maanan dilin. Ama innagaa dilney sababtaasaanna u dilney ama dad naga mid ah oon loo dirsan baa diley marka ma diyaad rabtaan mise waa laydin qisaasaa. Sheekada sidaasey ku fiican tahay maxaa yeelay Alshabaab waa maamul meel loogu hagaago leh. Laakiin Media-ha in wax laga soo codsado wax shaqaynaya maahan .

  22. Wadani says:

    @ Qulqul.
    Ma waxaad is ledahay xarakada inaan lala xiriirin? Waa lala xiriirey, Waa loo tagey, Rag ka tirsan Beesha Shiikha kana tirsan kooxda iyo culimadeeda ayaa la hadley hogaanka oo yiri Howshaan wax ka qabta, Dhag jalaq uma siin.
    Boowe media waa lagu khasban yahay sababtoo ah Sh Dr Axmed ma ahan nin howshiisa luuqluuq lagu xxalin karo ama qulqul ku dhaafeyso.
    Filimkii Keyse ma daawatey? last minute waxey ku leeyihiin waxbdan oo Axmed Keyse sheegay ayaan fulineynaa, Wiilashana waxey sheegeen in Axmed Keyso uu shiikha gafaashey. So, waxaa u habooneyd in Xarakadu qirato dilka Shiikha, sababtana ay soo raaciso, Saas hadii ay sameyn lahaayeen, hadalku waa xirmi lahaaaaaa!! Lakin aaamuska waxuu sababey in Xaradkii ay u burburto Siyaasiyan, Sumcad, Caskariyan iwm.
    Ilaa hada waa taagan tahay howsha hadii aysan qirsho ama nafyi mid sameyn weydo waxaa ku dhici doona waxa ku dhacay ka badan.

  23. qulqul says:

    To: Wadani.
    Hadalladaada ma qallafsana, naceyb iyo cadaawad Alshabaabna iigama kaa muuqato.
    In beesha Sheekha Alshabaab la xiriireen waa arrin jirta. Laakii hadalka aad leedahay “dheg jalaq looma siin” waa hadal aadan ka fiirsan saxna aan ahayn.
    Aniga shakhsiyan waxaan aqriyey bayaan ay Alshabaab ka soo saareen dilka sheekha. Waxay bayaanka ku caddeeyeen in dilka sheekha ay ka xunyiin berina ay ka yihiin.
    Wadaniyow ogow bayaan iyo afhayeen hadalkiis bayaankaa xoog badan kana mudan hadalka in lagu qanco. Maxaa yeelay hadalka waxaa dulduleelo u yeeli kara sabqullisaan(wax aadan u qasdin oo carrabku kaa xado). Sidaa darteed hadal waalaga cudur daaran karaa lana inkiri karaa haddaan lagaa duubin laakiin qoraal bayaan ah oo lasoo hubiyey qaab looga cudur daarto ama loo inkiro anigu ma garanayo kaaga darane webside-yadoodii ayey soo geliyeen. Haddayba qiranayaan iney sheekha dileen ama aamuska maslaxo ay moodeen wax bayaana ma ayan soo saareen. Hadallada bayaanka aan ka xasuusto micno ahaan waxaa kamida(waxaan filayaa iney fududahay in la raad raaco): ineysan shabaabka rabin markii hore iney ka hadlaan arrintan laakiin ka hadalkeeda ay ku kalliftey codsi uga yimid qaraabada sheekha. Waxay bayaanka ku sheegeen iney beri ka yihiin kana xunyihiin.
    Bayaankaa haddii lagu qanci waayo wax kaloo lagu anigu garan maayo Boowe!
    Waxaa tiri aamuska wuxuu sababey in xarakadu burburto siyaasiyan sumcad, caskariyan iwm. Hadday sidaa ku socdaanna aysan dilka sheekha ka hadlin wey sii burburayaan. Horta Alshabaab hal sheekhoo dhintey ama la diley u burburi meyso. Barnaamijkey wataan oo Islaami ah iyo gaalnimada ay la dagaalayaan ayaa ka muhiimsan kana weyn sheekha dhiigiisa. Xitaa hadday sheekha dileen iskama dilini diin u gargaar bey u dileen, sax haku ahaadaan ama khalad. Laakiin waxaa mudan in la qiimeeyo camalka wanaagsan ay hayaan iyo niyad wanaagga ay sheekha ku dileen haba ku khaldanaadeenne, haddayba arrintaa dhacdey. “WALFITNATU AKBARU MINAL-QATLI”
    Haddaad rabtaan in la buunbuuniyo oo lagu mashquulo hal sheekh oo laga yaabo in gaf loo diley hadday dhacdeyba, annagu waxaan leenahay “la dagaalanka kufriga, dimoqraadiyadda, fuxshiga iyo difaacidda diinta, dadka, iyn danta guud ee ummadda ayaa ka muhiimsan,kana weyn kana mudan in hal sheekh oo laga yaabo in gaf loo diley lagu mashquulo muddo intaa la eg!
    Midda kale Alshabaab wax burbur ahoo soo gaarey ma jiraan siyaasiyan, caskariyan , sumcad ahaan iwm. Maanta maalin ay ka tayo iyo tiro badan yihiin malahan. Dhiig baxa gaalada, murtadiinta iyo gaalo raacyada ku socdo waad u jeeddaa maalin walba in kastoo aanan garaneynin dareenka aad ka qabto. Magaalooyin laga baxay jab ha u arkin. Sumcaddoodana haddayba ugu fiican tahay. Welibana ifafaalo waxaa muuqda dadkoo dhan ay Alshabaab ku taageeri doonaan. Arrinta Jubbooyinka Jubbooyinka tusaale fiican hakuu noqoto!
    Beesha gaalada waxay idinkugu sheekeysey in dowladnimo iyo nabadgelyo ay idinka xigto oo keliya inaad Alshabaab la dagaalantaan kana takhalustaan. Dhowr magaalo uun baa leydiin baneeyey, nabadgelyo iyo kala dambeyn aad keentaan iska daaye idinkii baa is cunid isku bilaabey. Nin walba qabyaaladdii u jeebka ku qarsanayey ayuu la soo baxay. Aawey ku meel gaarnimadii laga baxay. Aawey dowladdii? Kufsiga, dhaca, boobka iyo isbaarooyinka miyaa noqdey dowladnimadii aad darteed Alshabaab ula dagaalanteen? Irid kaloo kuu furan ma jirto oon ahayn inaad ku soo biirto safka mujaahidiinta ood gaalada iska dhiciso maahane.

  24. wadaad yare says:

    Qulqul waxaad tiri:

    “Haddaad rabtaan in la buunbuuniyo oo lagu mashquulo hal sheekh oo laga yaabo in gaf loo diley hadday dhacdeyba, annagu waxaan leenahay “la dagaalanka kufriga, dimoqraadiyadda, fuxshiga iyo difaacidda diinta, dadka, iyn danta guud ee ummadda ayaa ka muhiimsan,kana weyn kana mudan in hal sheekh oo laga yaabo in gaf loo diley lagu mashquulo muddo intaa la eg”!

    Waakaas mowqifkiinnu mar kasta oo denbi weyn lagu soo eedeeyo amiirkiinna. Waana isku mid haddii lagu soo eedeeyo 100 denbi iyo kun denbi, oo mowqifkaas ayaa ka xoog badan.

    Dan kama geleysaan qalad “hadduuba jiro” maadaama “jihaad gaalada iyo cawaanteeda lagula jiro socdo”!

    Marka denbigii in la galey inaad ogaataba ahmiyad kuuma lahan oo waa lagaaga muhimsanyahey!

    Adiga Qulqul ah su,aal ayaan ku weydiinayaa “wa anshudukallaaha” ee iiga jawaab.

    Haddii xarakada Shabaab ay si shakhsi ah adigoo sida aad hadda tahey ku sugan intey kaa shakiyaan kusoo target gareeyaan ee ku dhaawacaan iyagoo doonaya iney ku dilaan, ood ka baxsato ood Neyrobi tagto eed xarakada usoo ergo dirsato adigoo ka dalbanaya iney kula xaalaan oo kaa gar baxaan. Ka warran haddii lagu yiraahdo “adigu muhim ma tihide maadaama jihaadkii socdo naga tag”?

    Haddaad tiraahdo waan ku qanci lahaa jawaabtaas waxaad la mid tahey qof cubuudiya ku jira sidii uu sheegey Salmaan oo halkaan tacliiq ku qorey.

    Haddaad tiraahdo xarakadu haddey iga garbixi weydo waan la colloobi lahaana waa arrin dabiiciya oo dulmigooda ayaad uga carari laheyd iyo inaad lafahaaga ka badbaadsato. Marka dadka hadda dacweynaya Shabaab oo eedeynaya waa dadkaas danbe oo gardarradoodu ay taabatey.

    Ee kala dooro adigu labadaas jawaabood tii kuu cuntanta haddii ay kugu timaaddo arrintaan kuu sheegey!

  25. qulqul says:

    Wadaad yare Su’aal Ridiculous ah oo aan macquul ahayn baad i weydiineysaa! Madaama magaca Allaah aad wax igu weydiisatey waan ku jawaabayaa.
    Horta balaayadaan aad ii saadineyso Allaan ka magan galay.
    Waxaad i weydiineysaa wax koox islaamiya oo mabda’ diin u dagaalameysa iska daaye xittaa qof caadi ah oo caaqila aanan ka suurtoobin. Nimankan Alshabaab ah sida u sifeysaan, khaasatan adiga Wadaad yare ah sidaad u sifeyneyso iyo si u dhow toona maaha. Waxaad ka dhigeysaan Mooryaan is urursatey oo waxay kharbudaan mooyaane wax ay xeeriyaan aynan jirin. Runtii waa caddaalo darro xaggiina ah inaad Alshabaab ku sifeysaan waxayan ahayn. Caalaa kulli xaal sida aad sheegeyso hadday qof aan wax galabsan ku sameeyaan kana gar bixi waayaan labo waa mid iney yihiin dad waalwaalan oo juhalo ah oo aan garaneynin waxay sameynayaan ama iney yihiin khaa’imiin aan ummadda maslaxo u wadin. Laakiin arrintaa weligeed Alshabaab kama dhicin. Ugu yaraan Saddex dhacdo ayaan kaaga sheekeyn karaa oo saddexdaba rag Alshabaab ka tirsan intey wax dileen loo qisaasey. Tusaale ahaan aan kuugu soo qaato mid ka dhacdey Baardheere: koox Shabaabka ka mid ah ayaa niman qayilaya meel ku qabtey iney kaxeeyaan bey damceen mid raggii qayilayey ka mid ah ayaa Askari Shabaabka ka mida qorigiisii kula dhegey mid kaloo Shabaabka ka mid ahaa ayaa kii saaxiibkii qoriga kula dhegey xabbad ku dhuftey, xabbaddii ayuuna udhintey. Reerkii ninka laga diley ayaa Shabaabka u dacwoodey. Baaritaan ka dib waxaa caddaatey in Askari Alshabaaba uu ruux xaqdarro ku diley isagana ma dafirin weliba Askarigaas wuxuu ahaa xaafidul Quraan. Halkii ayaa askarigii Shabaabka ka mid ahaa lagu qisaasey kadib markii reerkii ninka laga diley codsadeen. Dhowr jeer bey sidaan oo kale dhacdey. Amiirka XSHM hadidii uu amar ku taagleyn wado nin ey isku heyb yihiin(AXMED KEYSE) oo jaajuus noqdey dharaar cad Xamar laguma toogteen. Islaamnimo iyo beyco la kala galey ayaa lagu kala dambeeyaa maahane, qof dadka kale xoog ku heysta ma jiro.

  26. Abu yahya says:

    Subxanalaah maxa dadladhumiyay war mawfikiro shaqsi walba maxkamadihi way jihaadeen yayku jihaadeen hogaamiya kooxeediyo intitaageertay 2 marlamad way jihaadeen yay kujihaden dawladi cabdullah yusuf 3mar sedexad way isku jihaden iyaka oo lama qayba xiligi shafiif 4mrkale waxa isku jihaday alshabab iyo xisbul islaam marka fikire halkee udhamaada jihadka lashego ee somaliya mise wakursi iyo an kudanaysdho saxibayal yan lugu dilin adna muslimka hadilin digniin

  27. siyaad says:

    marka hora waxaan salaamaa walaalaha dagaalka culusgalay ee aanan magacyadooda wada xasuusan ee ay ka mid yahiin qulqul iyo waaniya inta aan magacooda shegina waay mahadsan yahiin waxaan qiraa in aad isku dayeysan in aan islaamka dhiniciina ka liicin allana karabkiina hagalo saladana allaah ha idiinka illaa liya

    to: wadaad yare
    wadaad yarow waxaan ku waay diiyey macadaayn kartaa halka safarkaaga ku wajahan yahay ?
    horay waxaad laba u qeybisay salafiyada waxaadna cadaysay in aad midna la jirin ee aad ka soo wada horjeeda waliba waxaad werarta salafiyada qeeybtii ictisaamka aad ku dartay maantana waxaad wax ku qorey wab xaga ictisaamka lagu xagliya amaba ah salafiya ah si guud marka loo hadla marka waxaan ku weydiyey ma waxaa iskaa badalay ? oo labadii salafiya ee aad sheegi jirtay midood maad ku biirtay ? waliba taad horay u tiri waxaa sheegaan runta kama sheegaan oo qowlkooda ayaa wax gaaleynaaya ficilkoodana waa khilaafaa ?
    masa waxaa loo yar ahaan kuu shaqaaleeyey ictisaam oo ku yiri noo hadal ?
    markaad waxkasta oo been ah shegtay oo aad wax nooga qaadi weysay meey sheeka ciyaaleed kaa gashay ?
    maad ka doodid hadaad wax garata waxa cad cad ee aan isku khilaafsanahay oo murana ka jirin in aan isku khilaafsanahay sida qabuuraha aad dul fadhisaan baryada owliyada alla ee aad baraydaan ku wareegashada qabuuraha waxaad ku sheegtaan xuska mowliidka sida sheegashada aad sheegaysayn in kacbada duusama reeb loo sooraray sifaadka alla ee aad diidan tihiin waxaas oo dhan oo aan isku khilaafsanahay in aad ka dooda adiga oo hali kara waxaad ka dooratay sheeka ciyaaled la waafajinaaya been abuur la isku been abuuranaa waana garan karaa waxa kuugu wacan qufka markow shaqaala yahay wax kama badali karo sida shaqada u qaba la dhahay adna waxaad un tahay samaacad lagu hadlaayo cidii kuugu hadleysay say u hadasha ayey un kaa dhigey marka doorasha malihid
    waxaan ku soo koobaa in aad noo cadeysa hadafkaaga iyo gaayadaada waanu aragnaa wasiiladada xune

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno