Hadii aad taariiqda dib u eegto dhalinyarada soomaaliyeeed waxay marwalba ka qayb qaadan jireen oo hogaamin jiraan halganadii iyo hiigsashadii horumarineed ee wadanku soomaray ,waxaana tusaale lama ilaawaan ah halgankii gobanimadoonka (SYL ) iyo ardaydii gurmadka oo marka ay dugsiyada sare dhamaystaan loo dirijirey gurmad barista afka Soomaaliga inay gaarsiiyaan gobolada,tuulooyinka iyo ilaa baadiyaha arimahaas iyo qarkale oo badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin ayay ahaayeen doorka ku faanista mudan ee dhalinyarada Soomaaliyeed kaqaadan jireen Hiigsiga Himilada Soomaaliyeed.
Hadaba maxaa is bedelay maxaa ku dhacay hankii iyo hamigii dhalinyarada Soomaaliyeed, shaki kuma jiro tan iyo 1990kii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya in uu dhalinyarada Soomaaliyeed Soo foodsaartay bur-bur ,dhimasho ,Qax,iyo bur-bur Maskaxeed, waxaan meesha kamaqnayn qaadka oo noqday wehelkooda koowaad oo ay laasimeen iyagoo dowladaha dariska nala ahi ay marwalba hubinayeen inuusan qaadku istaagin.
Tusaalen lama ilaawaana waxaa loo soo qaadan karaa Abaartii ugu balaarayd ee Soomaaliya Soomartay dabayaaqadii 2011-bilowgii 2012 aduunyadu waxay isku dayeysay inay cawiyaan caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed, Dowladaha dariska ahna waxay hubimnayeen inaan qaadku kala istaagin.
Abwaan Soomaaliyeed ahna fanaan oo lagu yaqaano inuu runta kudhiirado haday dacar kaqaraartahay suugaantiisana marwalba ku dhiiranayey inuu kucabiro marxaladaha cul-culus ee wadanka Soomaray sida heesihii kooxdii Qaylo dhaan, waa Al ustaad Xuseen shire ( Ciyaar Jecel ) ayaa wuxuu yiri asagoo kahadlaya dhibaatada qaadka.
Dowladaha Dariskeena, Dalkooduu Kabaxa
Dadkooduna Macunaane , Diyaaraday kuraraanoo
Dalkeenay udiraan,Doolarkay kagurtaanoo
Daqligooday ku kabtaan,oo dalkooday kudhistaan
Da’a yarteenay kudilaanoo , daroogay kuduraan
Doqontaan garanayne , waa gumeysi dahsoone duli weeye ,daaya Qaadka.
Hadaba waa maxay Doorka uga aadan Madaxda Soomaaliyeed hadii Miisaaniyadii Sanadeedka dalka ay kabadan tahay inta 4 bilood qad loo qaato side wadanku kudhismayaa?side dhaqaalaha loo kobcinayaa ?sidee looga hortagi karaa cudurada badan ee qaadku keeno haba ugu horeeyaan Cudurada Maskaxda, beerka? Side looga hortagi karaa burburka qoyska Soomaaliyeed oo udub dhexaadkii Ummada ? Sidee loo heli karaa mustaqbalka in lahelo dhalinyaro xayi ah oo lamida kuwii hore intaan Qaadku kubaahin wadanka kuwaasoo leh himilo dheer iyo hami weyn ?
Su aashan jawaabteeda ayaa waxay ila tahay hadii ladoonayo in arimahaas wax laga qabto in lagu dhiirado oo aan marna laga baqin ganacsatada dowladaha dariskaa ee qaadka keensata wadanka oo la oran karo ama lagu tilmaami karo inqay wadanka ku haystaan Gumarysi Casri ah oo lagu koontoroolo maskaxda iyo maalka umadda Soomaaliyeed.
Gebagebadii Su’aasha isweydiinta leh, waxay tahay madaxda Soomaaliyeed maka dhoohan yihiin oo madhayilsanayaan, Mise waa ujeedaan dhiigbaxa dhalinyarada Soomaaliyeed ee waa kudhici waayeen inay ku dhiiradaan dhibaatadaas,iyagoo dhowranaya danahooda gaarka ah ,haba ugu horeeyo kursiga ama jagada ay hayaan oo waxay ka kabaqayaan dowladaha dariskeena ah oo aan raali ka ahayn marna in dhibaatada Qaadka laga hadlo.
Abukar Awale ( Qaad DiiD )
Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka.

Subhaanallah, maxaa loo waayey, nin qura oo maqaalkan qiimaha leh, jawaab ka bixiya? Hatta Abukarow waad mahadsantahayna waa dan eh.
Abuukarow hawl wacan baad wadda, haka daalin, Allah kula jireh, anaguna baryada Allah iyo duco ayaanu kuugu deeqnay.
SA