Home » Maqaallo, Wararka » Tallo bixin ku socota madaxda dowladda federalka Somaliyeed

Tallo bixin ku socota madaxda dowladda federalka Somaliyeed

Waxaanu marka hore salaamaynaa soona dhoweynanaa madaxda dowlada federaalka Somaliyeed ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho, qaybna lagu magcaabay, waxaanuna u rajaynaynaa in ay xilkooda u gutaan si daacad, xilkasnimo iyo cadaalad ku saleysan.

Waxaanu ogsoonahay si xeel dheerna ulla soconaa waayaha, duruufaha iyo marxaladaha adag ee ay Soomaaliya soo martay welina ku jirto, waxaa noo cad noona muuqata in xal u helista mashaakilka soomaaliya uu yahay arin aad u culus kana mug iyo baaxad weyn in ay xal waafi ah ay ka keenaan qof, koox ama group gaar ah, sidaas daraadeed waxaa noo muuqda in aay waajib na saaran tahay in aan tallo bixin iyo tilmaan ku biirino madaxda dowlada federalka Somaliyeed taas oo aan u aragno in ay tahay hiillo qaran.

TALLO SOO JEEDIN:

1) In ay madaxda dowladu ka fogaato waxkasta oo u muuqan kara kelitalisnimo, kooxaysi iyo awooda dalka oo hal gacan lagu arrursado islamarkaana ay talada dalka qayb weyn ka siiyaan ummada Soomaaliyeed iyo qofkasta oo lagu tuhmaayo, garasho iyo hufnaan.

2) Waxaa lagama maarmaan ah in ay madaxda dowladu si toolmoon u yaqiinsato in ay cadaaladu tahay shayga ugu mihiimsan ee bini,aadamka isukeeni kara iskuna hayn kara,isla markaana ay tahay seeska ugu adag ee abuuri kara wada jirka iyo kalsoonida ummada Soomaaliyeed ee kala irdhowday, sidaa owgeed waxaan madaxda dowlada ku boorinaynaa in ay illaaliyaan halbeega cadaalada ummadda ayna ka dhigtaan asaaska howl maalmeedkooda.

3) Waxaa noo muuqda in tiraabta iyo go,aamada madaxda dowlada ee ku aadan maamul ka curta kana hana qaada gobolada Jubooyinka iyo Gedo aanu balanqaadi karin abuuris jewi nabedgelyo iyo kalsooni dhexmarta dowlada federalka iyo shacabka deegaanka maxaa yeeley ma’ahayn wax lagu kalsoonaan karo qaabkii iyo hanaankii loola dhaqmay ergaddii hormuudka ka ahayd dhismaha maamulka Jubooyinka iyo Gedo ee dhowaan Xamar ugu tagtay madaxda dowlada si ay ulla socodsiiyaan heerka iyo meesha ay wax u marayaan, hadalkii madaxweynaha ee Beled-weyne uu ka sheegay, iyo oraahdii madaxa safaarada Soomaaliya ee Kenya Mohamed Ali Ameriko oo runtii gef iyo ceebba ku ahayd dastuurka federalka iyo rabitaanka shacabka Somaliyeed.

4) In ay madaxda dowladu ka faa’iidaysato khaladaadkii iyo caqabadihii curyaamiyey dowladihii ka horeeyey iyada oo aan marnaba ka ilduufayn in ay afkaarta silloon, qabyaalada iyo danaysigu uu yahay nacabka iyo iinta ugu weyn ee dowlad haleesha.

5) Waxaanu soo jeedinaynaa in ay dowladu xurmayso ku dhaqanka dastuurka iyo xeerka dalka u yaala oo sida aynu wada ognahay lagu bixiyey wakhti dheer, dhaqaale badan iyo aqoon, kaas oo tibaaxaya hanaanka federalismka isla markaana dhiirigelinaya dhismayaasha maamul goboleedyo dalka oo dhan ka taabagala, isla markaana ay dowladu cod iyo talaba ku taageerto dhismayaasha maamulada loo kabagashaday in laga abdo gobalada Jubooyinka, kan Bay iyo Bakool iyo kuwa kale ee soo socdaba iyadoo talada loo gacan banaynayo laguna xurmaynayo, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, indheergaradka iyo dhamaanba qaybaha bulshada ee ka soo jeeda deegaanka laga dhisaayo maamulka.

6) Waxaanu madaxda dowlada federalka uga digaynaa in ay lumiso rajada iyo iftiinka yar ee manta shacabka Soomaaliyeed u soo bidhaamay, maxaa yeelay shacabka Soomaaliyeed waxa aay u baahan yahay in loo muujiyo debecsanaan, daacad, iyo kalosooni, iyada oo laga fogaanayo carab iyo ficilkasta oo abuuri kara xanaf iyo hurgumo.

Gabagadii waxaanu madaxda dowlada federalka ee Somaliyeed ka rajayneynaa inay u dheggo nuglaato talooyinka iyo tilmaamaha aanu soo jeedinay, waxaana Rabi uga baryeynaa in uu ku aadiyo talada teeda saxda ah,isla markaana uu u fududeeyo gudashadeeda.

Wabilaahi Towfiiq,

Abdulkadir Hashi Ali (Fish) Former Somali Presidential Candidate 2012

2 Responses

  1. wadaad yare says:

    Waa aragti hal dhinac ah oo ka tarjumeysa ambitionka ama dumuuxa qaar ka mid ah beel ka tirsan beelaha soomaaliyeed. Nin kaligi gar naqsadey iyo nin dhul gameyba midna lagama gar helo ayey soomaalidu hore u tiri.

    Saddexdaas gobol arrintoodu waa arrin ku saleysan doonitaanka hal reer qabqableyaashoode arrin innaba cilmi ku dhisan ma ahan.

    Tusaale

    Hal geela oon maalno ayaa naga dhaxeysa, is qabqabsi badan markuu dhacey ayaa la isku soo hadal qaadey si muranka loo daaweeyo in hasha la qali karo. Laakiin hashii way nooshahey weli oo lama qalin.

    Shan nin ayeyna hashu ka dhaxeysaa oo wada leh oo afar ka mid ah aysanba dooneyn in hashaba la qalo,laakiin in la dhaqdo oo la manaafacaadsado ayey qabaan.Laakiin nin ka mid ah shantii ayaa ku adkeystey in horta la isla qiro oo mabda, ahaan loo qoro in heshu qeyb geli karto oo ninba intiisa uu xaqa u leeyahey uu qaadan karo.

    Ninkii kaligiis ahaa ayaa isagoo seef iyo middiyo wata intuu yimid yiri waxaan goosanayaa jeeniga iyo sararta iyo lugta anigaana iska leh intaas oo go,aankaas soo gaarey.

    Arrinta Jubbooyinku sidaas ayey la mid tahey oo hal beel ayaa rabitaankeeda dooneysa iney ku socodsiiso soomaalida kale iyadoo weliba u mareysa Kenya iyo qabqablennimo waqtigeedi dhammaadey.

    Haddii federal la hir gelinayo uma taallo Kenya iyo ruux qabqable ah ama hal qabiile qaranka dhan ayey u taallaa. Sida gobollada la isku raacinayana hal qabiil go,aankeed ma lehee dadka dhan oo wax ka dhaxeeyaan ayey u taallaa.

    Haddii Daarood xaq u leeyahey inuu siduu doono saddex gobol oo la wada degganyahey isku saarto, maxaa Digil iyo Mirifle u diidaya iney iyaguna sida anfaceysa isku saartaan? Oo Hawiye maxaa u diidaya iney iyaguna min Gaalkacyo ilaa Kismaayo isi saartaan?

    Ma ahan in fikrad hal reer inta qol la isku soo xiro loo maleeyo iney xaq tahey. Waa inaad positionka qabaa,ilka kalena intaad istaagto wax kasoo eegtaa oo ku fiirisaa ookiyaalahooda.

  2. wadaad yare says:

    Qaado calculator ee xisaabi percentage ka Hawiyuhu ka noqonayo dadka dadka deggan min Koofurta Gaalkacyo ilaa Jubbada Hoose.

    Sidoo kale xisaabi percentage ka ay Digil iyo Mirifle ka noqonayaan laga billaabo Afgooye ilaa dhammaan koofurta Soomaaliya.

    Iyo percentage ka uu Daaroodku ka noqonayo saddexdaas gobol oo ay isi saarteen.

    Maxaa adiga xaq kuu siinaya inaad sidaas isku saarto oo iyagana u diidaya iney sidii xisaabtoodu ugu tooseyso isku saartaan?

    Yaa u haya jawaab?

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno