Waxaa habeen hore laga sii daayey Tv-ga SNTV barmaamij gaar ah oo lagu soo bandhigay baaritaankii ay gudiga madax banaan ka soo saareen dilkii Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaa Allaha u naxariistee, barmaamijka ayaa waxaa lagu soo bandhiga Qiraal ay bixinayaan qaar ka mid ah kooxdii wax ka fulisay dilka Sh Dr Axmed Xaaji . Gudiga Madax banaan ayaa mudo ku dhow sanad waxaa ay wadeen baaritaan dheer oo markii danbe ay guul ka gaareen kooxdii dilka fulisay. Shabakadda Soomaaliyeed ee Internetka ayaa waxaa si wanaagsan uga qayb qaateen in ay bulshada Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan warbixin dhamaystiran oo ay ka soo diyaariyeen gudiga Madax banaan oo in badan baarayey dilkii Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan allaha u naxariistee, Barmaamijka gaarka ah ee xalay ka baxay Tv-ga SNTV ayaa waxaa gabi ahaantiisa looga hadlay dilkii Sh Dr Axmed Xaaji iyagoo waraysiyo kale duwan la yeeshay culimo Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha Gobolka Bari.
Hoos ka Daawo Barmaamijkii ay SNTV ay ka diyaariyeen Warbixintii ay soo saareen gudiga Madax banaan ee loo xil saaray in ay baaraan dilka Sh. Dr Axmed Xaaji
Source SNTV
