Home » Maqaallo, Wararka » Nimcada Allaah ina siiyay waxey u baahan tahay in lagu xamdi noqo, Farriin ku socota shacabka iyo maamulka Puntland (Q-1aad) W/Q: Cabdixakiim Jaamac Jooje

Nimcada Allaah ina siiyay waxey u baahan tahay in lagu xamdi noqo, Farriin ku socota shacabka iyo maamulka Puntland (Q-1aad) W/Q: Cabdixakiim Jaamac Jooje

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland idiin leeyahay iga gudooma salaanta islaamka ACWW. ka dib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa la waayey dhamaan hay’ddihii dowladeed ee ay Soomaali laheyd taasoo horseeday in lagu noolaado nolol qof bani’aadan ah uu ku nool yahay tii ugu hooseysay. Waxaa la waayey amnigii iyo kala danbeyntii, waxaa dhacday in qofba qofku ka xoog weyn yahay uu dhaco ama boobo, waxaa sameysmay dagaal oogayaal (Warlord) uu qofba meel gooni ah iska qabsaday, ummaddii Soomaaliyeed siday u badnayd waxa ay bilaabeen in ay dalkii isaga qaxaan. Waxaa la sameeyay isku dayo baddan oo lagu soo celinayo sidi loo soo celin lahaa nidaamkii dowladnimo, nasiib daro giddigood waa lagu guul dareystay. Haddaba sideed sano kadib ayaa dib la isu eegay oo leys tusay ma haboon tahay in noloshaan lagu sii jiro, mise waxa haboon in wado kale la raadiyo. Taariikhdu faa’idada ay leedahay waa in dib loo eego waayihii ina soo dhaafay faa’iido iyo khasaaraba wuxuu lahaa.

 

Haddaba marxaladahaas kala duwan ee uu soo maray dalkeenii ayaa waxa ay dhalisay in dadku ay markan intii isku dan ahba ay si uun u tashato si ugu yaraan wax loo badbaadiyo laguna sugo nidaam lagu soo celin karo dowladdeenii dhexe. 1998di ayaa indheergarad, aqoonyahano, waxgarad iyo oday dhaqameedyadeenii isugu tageen magalada Garoowe leysna tusay bal in dib loo xisaabtamo oo ugu yaraan maatadeena iyo aayaha ubadkeena ka tashano. Halkaas waxaa lagu go’aamiyey suurtogalnimada aynu ku sameysan karno bal maamul inoo gaar ah oo aynu ku sugno inta maamul Soomaali weyn isaga imaanayso. Halkaas ayaa lagu unkay maamulka maanta loo yaqaan { Dowlad Goboleedka Puntland}, waxaana markii ugu horeysay madaxweyne loogu doortay Allaha u naxariistee mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Haddaba waad qiyaasi kartaa halka wax laga bilaabay. Puntland horey ugama dhisnayn hay’ado lagu shaqeeyo, ma jirin xitaa meel yar wax inooga bilownaayeen, haddana Allaha u naxariistee Mudane Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu markiiba bilaabay soo dhisiddii golihiisii wasiirada iyo waliba sidi loo dhigi lahaa asaaskii hay’adaha uu maamulku ku shaqeyn lahaa. Xilligaas waa markii la dhisay ama la bilaabay qorshihii ay ku shaqeyn lahaayeen hay’adihii maamulka. Waad qiyaasi kartaa meel markaas wax laga bilaabayo iyo dhibaatada lagala kulmi karo. Runtii Cabdullaahi Yuusuf aad buu ugu aamaanan yahay asaaskaas (Foundation) uu u sameeyay maamulka Puntland. Wuxuu dhisay Ciidan adag oo tayo leh.

Hay’adihii badankoodana waa lagu guuleystay in loo sameeyo biloow wanaagsan. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu u sameeyay ummaddii reer Puntland cinwaan ama address runtii loogu soo hagaagi, waxaa halkaas ka baxay halkudhigi ah halkeed degtaan. Runtii waa arin aad iyo aad loogu amaani karo Allaha u naxariistee mudane Cabdullaahi Yuusuf.

 

Xilligii ku xigay oo uu talada Puntland qabtay Mudane Maxamuud Xirsi – Cadde Muuse oo runtii ku soo beegantay xilli adag oo ay dalka Soomaaliya guud ahaan ay ka jireen dagaalo baddan iyo mucaarid fara baddan oo ku kacsanaa dowladii uu ka talinayey Cabdullaahi Yuusuf, taasoo runtii Puntland ku yeelatay raad fara baddan. Si kastaba haddana Mudane Cadde Muuse waxaa lagu xasuustaa arimo baddan oo horumar leh oo uu Puntland ku soo kordhiyay sida Airportiga quruxda baddan ee Boosaaso, Maxjarka xoolaha. Waxaa kaloo Mudane Cadde Muuse lagu amaanaa labo arimood oo uu runtii baal dahab ah ku galayo oo ah soo afjaridii colaadihii Xilligii uu dagaalka ka dhaxeeyay jabhaddii badbaadada Puntland iyo maamulkii Cabdullaahi Yuusuf.

 

Xilligan hadda la joogo oo ah maamulka Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxmuud – Faroole oo runtii aan oran karno waxa uu wax ka badalay muuqaalkii guud ee Puntland isagoo la yimid waxa loo yaqaan maamul wanaag ( Good Governance) taasoo runtii la oran karo wuxuu ku gaaray wasiiro tayo leh oo uu maamulkiisa u soo dhisay. Mudane Cabdiraxmaan Faroole runtii waxaa uu ku guuleystay arimo fara baddan oo ay ka mid yihiin maareynta iyo horumarinta dhaqaalaha Puntland, maamul wanaaga, horumarinta adeegyadii dowladda sida caafimaadka, waxbarashada, ansixintii dastuurka, u sameynta astaanta Puntland sida calanka iyo astaanta gaarka ah, tayeeynta ciidamada, asaasidii ciidanka badda ee Puntland, xiriirka caalamiga ah oo uu runtii aad ugu aamaanan yahay taasoo ay Puntland ka gaartay heer wax ku ool ah oo ayan weligeed gaarin.

Sidoo kale runtii wey iska jireen dhaliilo fara baddan oo runtii qaarkood la oran karo waxaa u sabab ah waqtiga iyo xilliga adag ee uu dalka marayey, sida dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Puntland runtiina lagu dilay dad badan oo qiimo iyo qadarinba ku lahaa Puntland. Nasiib wanaag maamulku ugu danbeyn wuu ku guuleystay in uu arintaas fashiliyo oo si fiican ayaa wax looga qabtay dilalkaas foosha xumaa ee ka dhici jiray Puntland.

Waxaa kaloo arin aad loogu farxo ah dhisida rugaha iyo guryaha uu ku shaqeyn doono maamulka Puntland hadda iyo mustaqbalka ee qaarkoodna dhismahooda hadda la wado kuwo kalena la dhameystiray sida guriga quruxda baddan ee loo dhisay Baarlamaanka Puntland. Waxaa kaloo iyadana jirtay in maamulku markuu cusbaa lagu dhaliili jiray in uusan ka degin magaalooyinka laamiga saaran oo uusan u gudbin kuwa fog fog taasna waa la xaliyey oo waxaa marqaati u ah barnaamijyada horumarineed ee ka socda magaalooyinika bariga fog iyo kuwa kaleba.

Arimaha maamulkaan aadka loogu amaani karo waxaa ka mid ah shirarkii caalamiga ah ee taariikhda galay ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2. Runtii shirarkaas oo indhihii caalamka u soo jeedisay Puntland meel walbaana laga hadal hayo. Arinta kale oo haddii ay suurto gasho uu madaxweyne Cabdiraxmaan baal dahab ku gali doono waa arinta Doorshooyinka Xisbiyada, taasoo Puntland u gudbin doonta marxalado taariikh ah, iyadoo laga gudbiyo nidaamkii ku dhisnaa qabyaalada ee wax lagu dooran jiray.

Lasoco qeybta 2aad iyo fariin ku socoto shicibka iyo maamulka.

Wabilaahi Toowfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje

One Response

  1. Abu Rixa says:

    waa article aad u qiimo badan thaks c.j.jooje

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno