Home » Wararka, Warbixinno » Sababta ay Takfiirku u daba-joogaan Sh. C/qaadir Nuur Faarax.

Sababta ay Takfiirku u daba-joogaan Sh. C/qaadir Nuur Faarax.

Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee waaweyn, ayaa waxa uu hadaf u noqday Qolyo Takfiir ah oo ka soo jeeda Puntland.

Qolyaha Takfiirka ah ee Sheekha la daba-dhigay, ayaa had iyo jeer aan ka daalin dacaayado iyo been abuurro ay ka sameynayaan Dacwada Sheekha, iyagoona shabakado u furtay been ka sheegga Culimo badan oo Sheekhu ugu weyn yahay.

Dadkaas Takfiirka ah ee Sheekha har iyo habeen daba-taagan, ayaa shabakadahooda soo dhiga codad Sheekhu leeyahay, kuwaasoo ay si xun dadka ugu tarjumaan, waxayna codadka Sheekha u isticmaalaan ujeeddo gurracan oo ay dadka ku khaldaan.

Shabakadaha Islaamiga ah ee Culimada iyo dacwadooda difaaca ayaa in badan ka daba tagay been abuurrada iyo wax is-dabamarinta shabakadaha Takfiirka, kuwaasoo iyagana aan ka daalin soo celinta been abuurradoodii hore.

Waxaa isweydiin mudan maxay Takfiirka reer Puntland u bartilmaameedsanayaan Sh. C/qaadir? ilaa 4 qodob ayaa ka mid ah sababaha Sh.  C/qaadir Nuur Faarax, hadafka looga dhiganayo, waxayna kala yihiin:

1- In Sh. C/qaadir hadalkiisu cad yahay oo uu qarsanin sida uu u diiddan yahay Manhajka qaloocan ee Takfiirka.

2- In Takfiirka Puntland ee shabakadaha leh ay kuwa ay isku ujeeddada yihiin uga dhaadhiciyaan inay daacad yihiin oo ay ka bilaabeen Culimada ay isku beesha yihiin, si kuwa kalena ugu dhiirradaan Culimo kale.

3- In dadka lagu diro dacwada Sheekha iyo Culimada ay Asaxaabta yihiin, si Takfiiriyiintu u fushadaan danahooda gurracan.

4- In Qolyaha gacanta fudud ee wax laaya loogu farmuuqo Sheekha iyo Culimada kale, ka dib marka maskaxdooda lagu shubo in Sheekhu cadow ku yahay Manhajkooda qaloocan.

Shabakadaha Takfiirka, ayaa horey intii aan la dilin Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxay ka faafiyeen inuu lacag u uruuriyey PIS ta, taasoo horey aanu usoo bandhignay, waxaana hadda Takfiirku dadka ka dhaadhicinayaan in Sh. C/qaadir la shaqeeyo PST,  si dhalinta dhagaha fudud ugu dhiirradaan dilka Sheekha.

Waxaa xusid mudan in shabakadaha Takfiirka, ay soo geliyeen cod Sheekhu leeyahay, kaasoo sanadkii 2008-ddii ahaa, markaasoo ammaanka magaalada Garoowe ay isu taageen bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoona codkaas Takfiirku ka dhigayaan mid hadda ah si danahooda gurracan ugu gaaraan.

Ugu dambeyntii: qolyahan Takfiirka ah, ayaa manhaj qalooca waxaa u dheer mas’uuliyad darro, iyagoona boorka u dhagsan uu yahay diin u gargaar, waxaase is weydiintu tahay, diin dadkii bartay ee dadka baray ay ka difaacayaan firqo lunsan oo iyadu u baahan in la badbaadiyo.

Hoos ka daalaco qoraalo aan horey uga sameynay Takfiirka:

Fikradihii Takfiirka oo gadmaya 1-aad

Fikradihii Takfiirka oo gadmaya 2-aad

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

12 Responses

  1. xasan says:

    si fiican baad udhigteen hadaney kuwaas takfiir aheyn aniga maqaan takfiir kuwii hore waxay uga duwanyihiin bas hilibka kuwan waa cunaan kuwana ku fiican taas laakiin kuwii horena waxay kuficanyihin waa takfiir kaliya an fulin laheyn lakin kuwa wa kugaleysinayan wana kudilayan

  2. gurey says:

    maxay karabaan shiikha waa nin 80 sano diin kugaaray habaarkisa kama baqayaan miyaa alow jaahilsanaa kuwas

  3. farax says:

    adinka takfiir macaqli kasugeysan qofku marku fikirkas qato xoolo okaluu noqda aniga malin dhaweyd waxan arkay wil dhahayo abahey wa murtad waxan dhahay subxanalah hoyadana wuxu dhay wa muslim waxa dhahay see isku qaban wuxu dhahay xaran waxan dhahay ilmaha walalaha ah wacalo miya ha ow dhahay subxanalah kuwas ma aqli iyo din kasugeysan

  4. kafi says:

    somalireal shiikh cabdulqadir kaligis maaha kuweyd hadafka kadhigten wa badanka culumada somali lakin hakubishareystan qofki owliyada ilahay ladagalo allah ba ladagalayo

  5. wadaad yare says:

    Sh. Cabdul Qaadir Gacaneey waa ruux aad qaali ugu ah amniga iyo barwaaqada iyo wada noolaashaha Puntland. Sheekha isku manhaj ma nihin oo waa nin Salafi ah, laakiin waxaan ogahey inuu yahey nin xakiim ah oo aqli u saaxiib ah oo bulshadiisa wax tar u leh. Waana halkaas meesha sheekha laga raacey oo uu cadaawadda ku kasbadey.

    Qof kasta oo bulshada wax gal u ah ayaa kooxdaan sheydaanigaa target u ah.

    Waxaanan qabaa inaad takfiirka u gefeysaan marka aad Alqacida takfiir ku sheygeysaan. Taasi caddaalad ma ahan xaqiiqduna sidaas ma ahan. Takfiirku waa xarako salbi ah oo kun jeer ka mandiq iyo fiqhi fiican Alqacida. Sababtoo ah Takfiirku waxey iltizaamaan raadka ka dhalanaya xukumkooda takfiirigaa oo ah iney yihiin aqalliyo laga badanyahey oo aan laheyn awood mileteri oo ay ku jihaadaan ama ay munkarka ku suuliyaan.

    Laakiin Alqacida intey takfiiriyeen dhammaan dowladihii muslimiinta ayey haddana iclaamiyeen “jihaad” ay ku qaadaan dowladaha islaamka iyo kuwa gaalada. Taas waxey dhashey in qof kastoo aqli u saaxiib ah uu arko in sidaasi tahey doqonnimo iyo maangaabnimo iyo baadiyoobid aan xad laheyn. Markaas waxgaradkii ayaa iyaguna kusoo biirey cadowga ay Alqaacida leedahey maadaama fikirkooda gurracan ay ku qanci waayeen.

    Alqacida sidaas darteed waxey dagaal kula jiraan muslim iyo gaalo oo dhan. mana qiimeyn karaan istidaacadooda sida takfiirka.

    Marka Khawaarijtii hore ayey aad ugu dhowyihiin,laakiin kuwaasi beenta in lagu gaaloobo ayey aamminsanaayeen, kuwaanna iney beentu u bannaantahey ayey aamminsanyihiin markey xeel dagaal ka tahey.

  6. horeeye says:

    Afkaaga caano lagu qabay aad bana maqsuud uga ahay qaabka cilmiga iyo akhlaaqda kudhisan ee aad wax uqortay waxaan akhriyey qoromo lagu qoray mid kamid ah bogaga ay wax ku qoraan dhalinyarad jaahwareersan runtii markaan akhriyey maqaalkooda waxaa iisoo baxday in aan akhriyey qoraal faaruq ah.

    waxyaalaha ku qornaa waxaa kamid ah in ay tabar iyo ilaal karaadinayeen bal in ay qaabqabiil wax udhigaan si ay uhelaan cid uu udhadhamo qoralkooda maran.

    Shiikh C/qaadi Nuur Faarax shacabkiisa dowladiisa iyo dadkisaba waa la ogyahay meesha uu kajoogo iyo waxa uu ugu yaalo nacnac rakhiis ah oo wiil yar oo wadangaalo kunool oo guriga iyo cuntadaba gaalo kabixiso uusoo qorayna waxba kaqadi mayso.

    “tiisa wax tare baa tukale daryeela” ragga Sheekh C/qaadir Nuur F aarax wax ka sheegaya bal iyagu marka hore intay iska joojiyaan gaalada quudisa naftooda wax ha ula soobaxeen markaas kadib haka hadleen waxkale.

  7. cali says:

    wadaad yae ban ku racsanahay kuwan ad kashekeyneysan takfiirka caadiga ah a ka fican maxayelay kuwas waa daacad lakin kuwan waa beenalayaal daneysteyal ah

  8. qulqul says:

    War nimanku(Alshabaab) waa daneystayaal! Ma ahee waa khaa’imiin! A aaa waa beenayaal! War waa takfiir! War ma waalateen? Takfiirku ma dagaallamo oo taaktoodey yaqaannaan! Walba Khawaarij ku sheega! Aragti xumidiinaa! Khawaarij beenta kufri ayey u arki jirtey, kuwanna beenta waa u caado! Maya maya waa xagjir! War u kaadiya, xagjir maahee waa argagixiso! War magacaa(argagixiso) naga daaya gaaladaa keentee!
    Soomaaliyeey car waakaase wax uun isku raaca!
    Wax kaleba intaan la gaarin waxaad isku maandhaafsan tihiin aragtida aad Alshabaab ka qaadan lahaydeen.
    Waxaad isla meel dhigi la’dihiin magacii ama summaddii aad ku label-gareeyn lahaydeen. Magac walboo aad is tiraahdaan ku koolleeya wuu kasoo fuqayaa kumana dhagayo.
    Taa waxay ka micna tahay: Inaadan isku fikir ahayn isku meelna wax u wadi karin. Inaad garan la’dihiin qaabkii aad ku wajihi lahaydeen nimankan. Inaad khaldan tihiin iyaguna saxsan yihiin. Iyo inaadan weligiin wax ka qaadi karin.
    Is maandhaafkiina iyo sida aad u la’dihiin waxaad nimankan ku sheegi lahaydeen wuxuu isoo xasuusinayaa aayaad uu Allaah subxaanahuu watacaalaa ku cabbirey sida ay gaalada ugu wareereen waxay Quraanka ku sheegi lahaayeen. Aqriya Mudathir 18-25.
    18. Wuu fikirey wax buuna go’aansadey(yacnii inuu Quraanka ku sheego)
    19. Hoog iyo balaayo helaha! Sidee buu u go’aansadey(inuu Quraanka ku sifeeyo wax aan u suubanin)
    20. Mar kale hoog iyo halaag haku dhacee sidee buu waxaa u go’aansadey?
    21.ka dib wuu ka baaraan degey(aad buu uga fiirsadey wuxuu Quraanka ku sifeeyn lahaa)
    22. Kadibna sunniyuhuu kaduudey wuuna weji tubey.
    23. Intaa dabadeed intuu jeestey ayuu kibrey(sanka taagey)
    24. Markaasuu yiri: kanu waxaan sixir la soo ururiyey ahayn maahan.
    25. Kani waa hadal dad mooyaane wax kale maahan.
    Wadaad yare waxaad tiri: Sheekha isku manhaj ma nihin. Isagu waa nin Salafi ah!
    Kiisa aragnaye kaaguna waa sidee?
    Manhajka aad ka duuleyso waa mid noocee ah?
    Bal noo sheeg aan ogaannee in uu gadmayo iyo inkale!

    Midda kale Soomaaliyeey xaalad adag baa lagu jiraa mar walbana xaaladda sidey kuu soo wajahdaa loola tacaalaa.
    Haddaad sugeysaan in xal la gaaro iyadoon naf, maal iyo waqti toona la hurin waLLaahi waad riyooneysaan.
    Kolna ha sugina iyadoo la haasaawayoo la jiifo in uu xal iman. Waa leys rifayaa ee adigoo safka gaalada ku jira yaan lagu rifin.

  9. Muxibulculamaa says:

    Wadaadyare sidii dhaqankiisaba ahayd ayuu sunta malab ku daray.
    Sheekh Cabdiqadirna waad aflagaadaysay markaad tiri bulshadiisa ayuu wax u taraa.
    Halkaasna waxaad sheekhii ka dhigtay nin qabiilayste ah.
    Marka sheeku ma somali buu wax u taraa mise bulshadiisa aan ku waydiiyee.
    Adiga waad ka faaidaysani fursad kasta ood ku duraysid.

  10. wadaad yare says:

    muxibbulculamaa

    Maxaa kugu kallifaya inaad hadalka dhanka qalloocan la aaddid? Qofkii bulshadiisa wax u tara ummaddoo dhan ayuu wax u tarey. Qabyaaladduna waxtar uma ahan bulshada qeyb ka mid ahe waa fitno ka talin.

    Qabiilkaaga kaliya haddaad wax u tarto soomaali oo dhan ayaad wax u tartey, sidaasna qabyaaleyste laguma noqdo mar haddaadan wax caam ah oo dadka ka dhaxeeya u leexin dad gaar ah.

  11. Muxibulculamaa says:

    Wadaadyare hadalkaaga macnaha uu xambaarsanaa umbaan ka hadlay.
    Horta bulshadiisa kaliya wax uma tarine somalida ayuu wax u taray, oo uu sheekh u ahaa.
    Adigu inta aad bulshadiisa ku koobaysid maad iska tiraahdid waa sheekh wax tar ah. Maxaa kugu kalifay inaad tiraahdid Puntland nabadeeda ayuu ka shaqeeyaa, mafhuumul mukhaalafkuna waa kama shaqeeeyo nabada Somaliland iyo koonfurta.

  12. manaxdo says:

    As wr walaalayaal waxaan ognahay inaad fikrad ku qilaafsan tihiin waxaana dareemayaa inaysan jirin somalidii hore kartidii hore kuwa hadda jooga rag xoog iyo fikirrad salaysan diinta wata ma ahan dad maan islaamnimada buuxda ma ahan waa qayaanoolayaal isku qayaana nolol maalmeedka laakiin dadka dilay sheeqan ama dilaayo culumada somaalida waa kuwa udaneeya gaalo qarsan si ay ummada somaalida looga dhex waayo culumo diinta sida saxa ah awlaada ugu gudbisa risaalada nabigeena maxamed SCW lulamuhsin@hotmail.co.uk

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno