Home » Wararka, Warbixinno » Takfiirka reer Puntland ee qurbaha ku nool oo su’aalo badan leyskka weydiinayo.

Takfiirka reer Puntland ee qurbaha ku nool oo su’aalo badan leyskka weydiinayo.

Takfiirka reer Puntland ee qurbaha ku nool ee shabakadaha warbaahinta u sameystay faafinta Manhajkooda ayaa dad badan oo waxgarad ahi su’aalo iska weydiinayaan qaabka ay u shaqeeyaan.

Dadkan waddada Takfiirka ku qancay ayaa u badan dhalinyaro careysan, kuwaasoo aan badneyn, balse sameystay shabakado internet, ayna ku faafiyaan Manhajka Takfirka ee ay Culimadu in badan ka digeen, waxaana intaas ka daran inay dagaal joogta ah kula jiraan Samaha iyo sheegidiisa.

Qolyahan Takfiirnimadooda ay caddeeyeen Culimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa yar Caalim Soomaaliyeed oo ka nabad galay, waxaana hadda ay u soo dhigteen Maraakizta Islaamiga ah ee Qurbaha, kuwaasoo dadka caalamka u kala firxaday loogu adeego.

Dhalinyaradan ku qanacsan Manhajka qaloocan ee Culimadu ka digeen, ayaan aheyn reer Puntland oo kaliya, balse kuwa reer Puntland ee fara ku-tiriska ah waxay kaga duwan yihiin Takfiirka kale: la dagaalanka Culimada iyo Maraakizta kheyrka faafisa ee Qurbaha oo ay ka badsadaan kuwa kale, waana middaas tan dad badan ay su’aalaha iska weydiinayaan sababteeda.

Takfiiriyiintan, ayaa waxaa asaxaabtooda u yaqaanaan xaq u dirir ka daacadsan Takfiirka  deegaanada kale ka soo jeeda, taasoo ku kalftay inay ka xishoon waayaan dambiyo badan oo Khawaarijta ay ku abtirsadaan u aragto wax lagu gaaloobayo.

Waxyaabaha ay xumaanta ku sheegaan waa badan yihiin, waxaase malagiis galay qofkii ka hadla danta dadka deegaanada ay ka soo jeedaan, mar shacabka ayey ku eedeeyaan inayan la dagaalamin maamulka deegaanada ay ka soo jeedaan, mar culimada ayey ku eedeeyaan inay la shaqeeyaan maamulka, mar waxay isku ciil kaambiyaan sida Manhajkooda gurracan loogu qanci waayey, marna waxayba ku baaqaan in la dilo dadka waxgaradka ah ee bulshada ka dhex muuqda, iyagoona dacaayado ku fura qofka ay maagan yihiin.

Dadka la xusuusto ee ay Takfiirka reer Puntland ee Qurbaha dilalkooda ishaareen ayaa waxaa ka mid ah: Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, iyagoona dilkiisa ka hor shabakadahooda ku soo daabacay in Dr. Axmed iyo Culimo kale ay lacag u uruuriyeen maamulka Puntland, taasoo daaha ka qaadeysay inay tahay farmuuqid.

Shaqooyin 10 ah ayaan mar hore ku sheegnay inay Takfiirka reer Puntland ee qurbaha ay qabtaan, waxaana ka mid ahaa:

1-Gaaleysiin ashkhaas, Qabiilo,  iyo jameecooyin.

2-Caayid aan dhamaad laheyn.

3- Been-abuur.

4- Hadalada Culimada ay caayayaan oo ay kala gooyaan, si macnaha ay doonayaan ula soo baxaan.

5- Iskukeenid Sawiro aan is laheyn, si dadka wax khaldan looga dhaadhiciyo.

6- Marin-habaabin bulsheed.

7- Dhiirra gelin dhiig Muslim.

8- Isku dirid qabiilo Soomaaliyeed.

9- Cinwaano xasaasi ah oo aan xiriir la laheyn qormada hoos imaaneysa.

10- Kucayaaridda caqliga dhalinta Soomaaliyeed.

Intaas oo qodob iyo kuwa kale oo marba qaar soo baxayaan, ayaa dad badan waxay ku keentay inay su’aalo iska weydiiyaan hadafka qolyahan lumay, iyo cidda ay shaqadaas u hayaan, waxaana su’aasha ugu badan ee leysku raacsan yahay ay tahay: dadkan ku nool dhul gaalo sida ay ugu suuragashay inay ku raaxeystaan dalal dagaal kula jira cidda ay dhalintan qalinka ugu dagaalamayaan.

Ugu dambeyntii: Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay manhajka gurracan ee Takfiirka, iyadoona dadka si cad loogu sheegay inayan diiniyan u banaaneyn in wax laga dhageysto dadka lumay ee bulshadana luminaya.

Fiiro gaar ah: qoraalada ay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ku ishaarayeen dilkiisa shabakadahooda way ka saareen markii dambe. waxaa kale oo in la bidhaamiyo u baahan in Manhajkaas ay dad horey ugu qanacsanaa ay ka soo laabteen, kuwa kale oo uu ka mid yahay ninka ugu weyn ee qoraalada ku difaaci jirayna wuu ishaaray inuu khaati ka taagan yahay, walow marar hore uu sheegay inuu iska deynayo taageerada indho la’aanta uu ku sifeeyey qoraagaas.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

2 Responses

  1. Dankuug says:

    Waxan u malayn in aad taqaanniin golaha internetka ee Al-Qimmah. Waxa aan ku leeyahay koonto si aan ula socdo waxyaalaha ay ku soo qoraan.

    .
    Diiwaan gelinta website-ka waxa ka danbeeyey dad uu ka mid yahay nin aan magaciisa ku soo koobayo X. Siciid (X waxa aan ku beddelay magaciisa runta ah oo aan “X” ka bilaaban) oo reer Puntland ah, waxa aannu isku barannay U.A.E., haddase waxa uu ku nool yahay dalka UK, degmo yar oo ku dhow London.

    .
    Dadka meesha wax ku qoraa waa dahsoon yihiin (anonymous) oo waxa ay adeegsadaan magacyo “Abu” iwm ah.
    .
    Waxyaalaha u badan ee bartaas lagu qoraa waa qoraallo laga soo nuqliyey goobaha kale ee taageerayaasha Al-Shabaab wax ku baahiyaan, haseyeeshee waxa jira qodobbo kooban oo ay kaga hadlaan dhibaatooyin ay qaar ka mid dadka meesha wax soo geliyaa u geysteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, ee ay ama shaqadooda ku galeen ama ay sidooda uga dhex arkeen.

    .
    Dilkii Dr. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan (EHUN) baan ka soo wadaye, wiil gacan ku dhiigle ah oo reer Puntland ah, kuna faani jiray dad tiro badan oo ay Boosaaso ku dileen isaga iyo saaxiibbadiis intii u dhexaysay 2009-2010, ayaa maalin waxa uu golaha ku soo qoray in uu doonayo in uu madaxa ka toogto wadaaddada Al Ictisaam ee Puntland.

    .
    Ninka aan ka hadlayo oo la yiraahdo abuxamsa2009, waxa uu yiri:

    .

    waxan halkan ka cambaaraynayaa raga labaxay ictisaam oo aan leeyahay kajooga hadala fulaynimada ah ee aad ku hadlaysaan waxa laysheegay inay rabaan inay fariistan kulan kale oo ay kasoo saarayaan in al-shabaab yihiin khawaarij somaliduna ay ladagaalamaan al-shabaab, balse waxan leeyahay arintas mujaahidiintu markay nimankan go’aanka soo saaraan idinkuna soo saara go’aan dhiigooda lagu banaynayo anaa ugu horeeya wax tooganaya wayna iidhowyihiin mudaan ilaashanayey…

    .
    Qoraalkaas waxa golaha lagu qoray 31 Maajo 2010, waxana aad laga heli karaa halkaan. Haddii ay dhacdo in ay tirtiraan, waxa nuqul bogga ka mid ah laga heli karaa halkaan.
    .

    Hadda dhow Abu Xamse waa uu noolaa oo golaha faallooyin ayuu ku qori jiray. Sidaas darteed waxa aan filayaa in uu ka mid yahay gacankudhiiglayaashii sheekha dilay, kuwoodii baxsaday.

  2. cadnaan says:

    walaalle dankuug nimankaan waa muuqataa in ay goosteen in ay wax ku talgal ah u tahay laynta culimada mana qarsadaan mararka qaarkood waxaad taas si toos ah kuugu caddeynaya kooxda Golaha buhtaanka oo badankood kasoo jeeda puntland ee fadhigooda ugu weyni yahay mareykanka khaasatan minneapolis MN, waxaad xasuusataan qoraalkii ay ka sameeyeen markii shirqoolkii baydhabo lasoo gebgebeeyey ee culimada layntooda lagaga hadlayey qoraalkii dhiiggu ka da’ayey ee ay kusoo gebabeeyeen faalladoodii ay kaga hadlayeen shirqoolkaas(anigu shir oran maayee) marka nimankaas qoraalada sameynaya ee laynta culimada aan qarsaneyn ma ay aha wax ay iska maageen ee qaar badanna inxiraaf iyo quluwi ay ku dhaceen ayaa ka keenaya qaar kalana iyaguna waa wax lagu paygareeyo oo lagu shaqaaleysiiyey marka maalin ayey soo bixi doontaa haduu alle idmo

    inay saas tahay waxaad ku garaneysaa ilaah baan idinku dhaarshaye ninka qabqablaha u ah kooxdaas wuxuu ahaa nin si aad ah looga yaqaan minneapolis oo aan diinna loogu dhowaan dadnimana loogu dhowaan , oo taxi wade ah waxa uu ku noolyahay ee uu ku qaraabtaayi ay ahayd gaalo uu qaado tip-ta yar ee ay siiyaan iyo sidoo kale wufuud meelahaas soomaaliya ka timaada oo hadba inta hoos ordo oo camero la daba ordo dabeedna maalinka dambe maalinka dambe kusoo qora bogagga websityda oo intaas lufluf ku raadsada.
    Ninkaas oo meel kasta u galey sidii uu luflufkaas ku heli lahaa reer tolkiina aanu wax qiimo ah ka lahayn illaa maalinkii dambe dambe uu damcey inuu afduubto urur-goboleed uu sheegan jirey inuu madax ka ahaa ka dibna siyaasadihiisii markii loo bogi waayey daaqadda laga xoorey , intaas ka dib ayuu wuxuu u bayrey xagga masaajidda oo uu bilaabey inuu iska gado oo uu lufluf ka raadsado masaajidkii kaliya ee ummadda reer minnesota dhisteen ee abubakar ,illaa uu isku dayey inuu siduu doono uga canbuuxsado masaajidkaas jaalliyadda soomaaliyeed dhisteen ee ku socda waxa dadkaas jeebkooda kasoo gooyeen ,gunuunac badan ka dib markii uu waayey wixii uu meesha ka filayey ayuu billaabey khidad kale , isagoo shaar kale gashtey oo culimo ah waxaana halmar uun la arkey isagoo kutubbo waaweyn oo uusan ehel u ahayn wata oo leh suufiyo ayaan la doodi, maba xuma in qofkii ehel u ah uu usoo banbaxo munaadarooyin cilmiyeysane waxaa la yaab badan dadka ku noqotey in ninkii la munaadaroonayey isaga oo markaas nin suufi ah oo u eg nin diyaarsan oo baadilka uu ka doodayo wax uun usoo diyaarsadey uu ka lug bixi waayey oo doodii isaga dhex daadatey, intaas dabadeed ayaa waxa uu bilaabey inuu culimadii uu shalay kasoo aftaagey dib ulasoo xirxiriiro oo yiraahdo war heedhahaya maad xaqa difaacdaan oo suufiyada la doodaan ood taageertaan, culimaduna sidoodaba waa xikmad waxa ay ku socdaane dheg baa jalaq loo siin waayey illeen suufi rabay wax uu kusoo caanbaxo ayuu irird u furaye oo lug meersadaye.

    intaas ka dib wuxuu builaabey inuu culimadii u muujiyo weji kale ka dib markuu is tusiyey in ay ka jeedaan( oo culimada ma khasab baa jeebka lagu gashtaa) wuxuuna bilaabey in uu shaar kale gashto oo mujaahidnimo ah isaga oo raba inuu dhankaas taageero ka helo, markaasaa kaaga darane sheekh lagaba yaabo inaanu aqoon isaga (sheekh umal) uu bilaabey inuu yiraahdo sheekh umal baa aniga iga soo raddiyey Nairobi oo muxaadaro uu akhriyey igusoo qaatey (yaab badannaa midhaa jinn baa u waxyoodey oo ku direy) markaasuu bilaabey inuu culimadii xagga iyo xaggaas wax uga sheego oo isagoo shaar alshabaab gashtey oo waliba waxyaabo kalena la sheegsheegayo oo halkaas qabuul iyo soo dhoweyn ka helay lana qaadqaadey oo magacyo badan loo bixiyey oo xagga iyo xagga kolba dhan u orday masjidkii ayuu bilaabey inuu xagiisa usoo jeesto oo baadilkiisii lasoo galo dabeed digniino badan ka dib albaab weyn laga saarey illaa uu xarigii lagu xiri lahaa xusuladiisa ku keensadey.
    walaalayaal marka ninka Golaha buhtaanka hogaamiya waa nin taariikhdiisu caynkaas tahay , ninka hadh iyo habeen laga kari la,yahay culimadii dacwadaan sh c/qaadir nuur, sh umal, sh shibli sh c/raxmaan sh cumar , sh c/raxman abyad , sh maxamed idriss iwm xafadahumullaah, inshaa allaah marbaan isaga iyo kuwa kale ee isqarqarinaya is fiican uga soo diyaarin doonaa barnaamijyo hadii ay ii fududaato laakiin ninkaas caynkaas ah iyo kooxda la duusha oo aan iyaguna waxba saas ah ka sokeyn iyo bal culumadaas isbarbardhiga oo isku keena waxa ay sheeganayaan iyo waxa ay culimada ku sheegayaan, marka walaalka Dankuugow waxyaabo badan baa dusha ka qarsoon laakiin wakhtiga lala sugi oo kashfin doona….

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno