Home » Maqaallo, Wararka » Mid ka mid ah akhristayaasha Somalireal oo shabakadda ku waafaqay khatarta Takfiirka reer Puntland ku hayaan bulshadooda caddeyna u keenay

Mid ka mid ah akhristayaasha Somalireal oo shabakadda ku waafaqay khatarta Takfiirka reer Puntland ku hayaan bulshadooda caddeyna u keenay

Mid ka mid ah akhristayaasha Somalireal, ayaa  shabakadda ku waafaqay khatarta Takfiirka reer Puntland ku hayaan bulshadooda.

Qormo shabakadda Somalireal, shalay ka qortay su’aalo leyska weydiinayo Takfiirka reer Puntland ee Qurbaha, ayaa waxaa ka jawaabay mid ka mid ah akhristayaasha shabakadda, wuxuuna faalo ku soo qoray bogga fikradaha ee shabakadda, isagoona caddeyn u keensaday mid ka mid ah dadka lagu ibtileeyey gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah, kaasoo u baxbaxsanaya dhiigga Culimada Soomaaliyeed, waxaana faalada Akhristahaasi u qorneyd sidan:

Dankuug

December 4, 2012 at 5:35 pm  (Edit)

Waxan u malayn in aad taqaanniin golaha internetka ee Al-Qimmah. Waxa aan ku leeyahay koonto si aan ula socdo waxyaalaha ay ku soo qoraan.

.
Diiwaan gelinta website-ka waxa ka danbeeyey dad uu ka mid yahay nin aan magaciisa ku soo koobayo X. Siciid (X waxa aan ku beddelay magaciisa runta ah oo aan “X” ka bilaaban) oo reer Puntland ah, waxa aannu isku barannay U.A.E., haddase waxa uu ku nool yahay dalka UK, degmo yar oo ku dhow London.

.
Dadka meesha wax ku qoraa waa dahsoon yihiin (anonymous) oo waxa ay adeegsadaan magacyo “Abu” iwm ah.
.
Waxyaalaha u badan ee bartaas lagu qoraa waa qoraallo laga soo nuqliyey goobaha kale ee taageerayaasha Al-Shabaab wax ku baahiyaan, haseyeeshee waxa jira qodobbo kooban oo ay kaga hadlaan dhibaatooyin ay qaar ka mid dadka meesha wax soo geliyaa u geysteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, ee ay ama shaqadooda ku galeen ama ay sidooda uga dhex arkeen.

.
Dilkii Dr. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan (EHUN) baan ka soo wadaye, wiil gacan ku dhiigle ah oo reer Puntland ah, kuna faani jiray dad tiro badan oo ay Boosaaso ku dileen isaga iyo saaxiibbadiis intii u dhexaysay 2009-2010, ayaa maalin waxa uu golaha ku soo qoray in uu doonayo in uu madaxa ka toogto wadaaddada Al Ictisaam ee Puntland.

.
Ninka aan ka hadlayo oo la yiraahdo abuxamsa2009, waxa uu yiri:

.

waxan halkan ka cambaaraynayaa raga labaxay ictisaam oo aan leeyahay kajooga hadala fulaynimada ah ee aad ku hadlaysaan waxa laysheegay inay rabaan inay fariistan kulan kale oo ay kasoo saarayaan in al-shabaab yihiin khawaarij somaliduna ay ladagaalamaan al-shabaab, balse waxan leeyahay arintas mujaahidiintu markay nimankan go’aanka soo saaraan idinkuna soo saara go’aan dhiigooda lagu banaynayo anaa ugu horeeya wax tooganaya wayna iidhowyihiin mudaan ilaashanayey…

.
Qoraalkaas waxa golaha lagu qoray 31 Maajo 2010, waxana aad laga heli karaa halkaan. Haddii ay dhacdo in ay tirtiraan, waxa nuqul bogga ka mid ah laga heli karaa halkaan.
.

Hadda dhow Abu Xamse waa uu noolaa oo golaha faallooyin ayuu ku qori jiray. Sidaas darteed waxa aan filayaa in uu ka mid yahay gacankudhiiglayaashii sheekha dilay, kuwoodii baxsaday.

12 Responses

  1. waaniye says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    war hadana ma dankuug hadalkiisa ayaad isku qancinaysaan??

    innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun!!!!

    dad bakhtiyay ayaad noqteen mar hadaad nacas kasta iyo fikirkiisa liita isku qancinaysaan

    war waxaasi xujo idiin noqon maayee ragga iska dhiciya hadii kale qaylada iskadaaya

    takfiir ayaad kuwaalateen wax cadayn ahna makeenaysaan

    takfiirintuna inay xukun sharciya oo anbiyadii layimaadeen tahay horaan uuga hadlay!

    puntland kulahaaaaa!!!!!

    war anaguba puntland kamaanaan imanin waliganana maanaan arag

    haddana wixii gaalnimo layimaada biyo usoo cabimayno ee sidii rabbul caalamiin

    uxukumay ayaanu uduldhigaynaa hadaad taas dood kaqabtaan soodaaya!!!

  2. sheekha says:

    dhalin yaradan dhowrka ah ee reer puntland ee cayda iyo hagardaamaynta u furtay websiteyada waxaa aafadaas ku xanbaaraya arimo dhowr ah :
    .
    1. si ay u muujiyaan daacadnimadooda iyo inay qabyaalad ka fogyihiin waa inay wixii iyaga u dhowba galaaftaan wuxuu doono ha ahaado ee , maamul ,madax,culimo, deegaan , qabaail..
    .
    saas darteed baadan arkayn iyagoo dimoqraadiyada soomaliland ama siilaanyo hadal haya ama daba dhiganaya , ugamana jeedo inaan leeyahay ha daba dhigtaane waa uun tusaale.
    .
    2.in badan oo iyaga ka mid ah dagaal shakhsi ah iyo xasdi ay u qabaan afraad deegaamadaas ka soo jeedda baa la fogaatay oo malaa wixii ay ka filayeen bay ka waayeen .
    .
    3. waxaa jirta maahmaah soomaaliyeed oo odhanaysa dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa .

    .
    4. maa daama oo ay wax jaan u shaqeeyaan waxaa loo diray inay deegaanadooda ka soo dhalaalaan , oo nimanku waa askar hawl maalmeed laga sugayo.
    .
    5. deegaanka puntland wuxuu u sharaxan yahay in la fawdeeyo oo koonfurta lagu xejiyo saas darteed hawlaha ay wadaan waa gogol dhig.

    FG. waxaa jira dhowr iyana reer gadood ah oo baladaas la walaaqda sida kan afarayda tiriya ee abuu faadumo iyo mid xarxariiqi jiray wax uu taariikh ku sheegay oo sheeko xariir ah .

  3. qulqul says:

    Dankuuggan saaxada faallooyinka halkuu kasoo galey horta? Waxaan u arkaa inuu yahay midka magaca Wadaad yare wata. Haddii kale waa aafo kale oo muslimiinta ku soo korodhey.
    Afkaarta Dankuug uu ka duulayo waan hubaa iney afkaar gaalo tahay. Muslimnimo inaan ku tuhmo iska daaye, kiristaannimo iyo wax diin ah inuu aaminsan yahay ma aaminsani.
    100% afkaartii Ayaan xirsi ayuu ku hadlayaa. Annagoo dhan waxaan ognahay Ayaan Xirsi iney riddowdey wax diin ahoo ay gashayna ma jirto.
    Waa gaal aan diin lahayn.
    Waxaan sidaa u leeyahay sida uu afka carabiga uga horjeedo iyo in la baxsado magacyada Muslimka oo badankood magacyo carabi ah.
    Wuxuu dadka u suuro xumaynayaa carabta, isagoo ka dhigaya iney wadaan gumeysi xagga dhaqanka. Diinta Islaamkana wuxuu u muujinayaa iney tahay diin carbeed. Isaga iyo kuwa la midka ah waxay iska indha tirayaan in cadowgii ugu horeeyey ka dib soo diristii Nabi Muxammad SCW ay ahaayeen mushrikiin carab ah iyo dagaalkii ugu horeeyey ay Nabiga SCW iyo Saxaabada galaaan ay la galeen mushrikiin carab ah.
    Waliid ibnu Mughiira, Abuu Jahal iyo Abuu Lahab yey ahaayeen? Carab xaggaa noo dhige sow Quraysh ma ahayn. Abuu lahab iyo Abuu Jahal sow Nabiga SCW adeeradiisa ma ahayn. Cadowgii ugu horreeyey ee isku dayey inuu Islaamka hor istaago si uusan u faafin sow carab ma ahayn? Sow seef loogama hor leexin? Haye halkee Dankuug/Wadaadyare ka keeney in carab nagu soo duushey iyadoo dhaqankeenna baddeleysa? Nabi Muxammad hadduu sheeko carbeed wato muxuu u baabi’inayey dadkii dad ugu xigey, Qureysh, adeeradii iyo kuwii la midka ahaa. Dagaalkii Badar, Uxud, Tabuuk iyo kuwo kaloo badan yuu dhex marey? Ma wuxuu dhexmarey Carab iyo Furus? Mise Carab iyo Roma? Diintan Islaamka goormey diin Carbeed noqotey.
    Marka waxaad dareemi kartaa sheekadu inayan ahayn hala caraboobo oo ay tahay hala islaamo. Maantadan waxaa la helayaa carab gaalo ah. Marka Soomaaliyey is jira oo yaanan gaalnimo laydiin hoos gelin.

  4. cadnaan says:

    walaalle dankuug nimankaan waa muuqataa in ay goosteen in ay wax ku talgal ah u tahay laynta culimada mana qarsadaan mararka qaarkood waxaad taas si toos ah kuugu caddeynaya kooxda Golaha buhtaanka oo badankood kasoo jeeda puntland ee fadhigooda ugu weyni yahay mareykanka khaasatan minneapolis MN, waxaad xasuusataan qoraalkii ay ka sameeyeen markii shirqoolkii baydhabo lasoo gebgebeeyey ee culimada layntooda lagaga hadlayey qoraalkii dhiiggu ka da’ayey ee ay kusoo gebabeeyeen faalladoodii ay kaga hadlayeen shirqoolkaas(anigu shir oran maayee) marka nimankaas qoraalada sameynaya ee laynta culimada aan qarsaneyn ma ay aha wax ay iska maageen ee qaar badanna inxiraaf iyo quluwi ay ku dhaceen ayaa ka keenaya qaar kalana iyaguna waa wax lagu paygareeyo oo lagu shaqaaleysiiyey marka maalin ayey soo bixi doontaa haduu alle idmo
    inay saas tahay waxaad ku garaneysaa ilaah baan idinku dhaarshaye ninka qabqablaha u ah kooxdaas wuxuu ahaa nin si aad ah looga yaqaan minneapolis oo aan diinna loogu dhowaan dadnimana loogu dhowaan , oo taxi wade ah waxa uu ku noolyahay ee uu ku qaraabtaayi ay ahayd gaalo uu qaado tip-ta yar ee ay siiyaan iyo sidoo kale wufuud meelahaas soomaaliya ka timaada oo hadba inta hoos ordo oo camero la daba ordo dabeedna maalinka dambe maalinka dambe kusoo qora bogagga websityda oo intaas lufluf ku raadsada.
    Ninkaas oo meel kasta u galey sidii uu luflufkaas ku heli lahaa reer tolkiina aanu wax qiimo ah ka lahayn illaa maalinkii dambe dambe uu damcey inuu afduubto urur-goboleed uu sheegan jirey inuu madax ka ahaa ka dibna siyaasadihiisii markii loo bogi waayey daaqadda laga xoorey , intaas ka dib ayuu wuxuu u bayrey xagga masaajidda oo uu bilaabey inuu iska gado oo uu lufluf ka raadsado masaajidkii kaliya ee ummadda reer minnesota dhisteen ee abubakar ,illaa uu isku dayey inuu siduu doono uga canbuuxsado masaajidkaas jaalliyadda soomaaliyeed dhisteen ee ku socda waxa dadkaas jeebkooda kasoo gooyeen ,gunuunac badan ka dib markii uu waayey wixii uu meesha ka filayey ayuu billaabey khidad kale , isagoo shaar kale gashtey oo culimo ah waxaana halmar uun la arkey isagoo kutubbo waaweyn oo uusan ehel u ahayn wata oo leh suufiyo ayaan la doodi, maba xuma in qofkii ehel u ah uu usoo banbaxo munaadarooyin cilmiyeysane waxaa la yaab badan dadka ku noqotey in ninkii la munaadaroonayey isaga oo markaas nin suufi ah oo u eg nin diyaarsan oo baadilka uu ka doodayo wax uun usoo diyaarsadey uu ka lug bixi waayey oo doodii isaga dhex daadatey, intaas dabadeed ayaa waxa uu bilaabey inuu culimadii uu shalay kasoo aftaagey dib ulasoo xirxiriiro oo yiraahdo war heedhahaya maad xaqa difaacdaan oo suufiyada la doodaan ood taageertaan, culimaduna sidoodaba waa xikmad waxa ay ku socdaane dheg baa jalaq loo siin waayey illeen suufi rabay wax uu kusoo caanbaxo ayuu irird u furaye oo lug meersadaye.
    intaas ka dib wuxuu builaabey inuu culimadii u muujiyo weji kale ka dib markuu is tusiyey in ay ka jeedaan( oo culimada ma khasab baa jeebka lagu gashtaa) wuxuuna bilaabey in uu shaar kale gashto oo mujaahidnimo ah isaga oo raba inuu dhankaas taageero ka helo, markaasaa kaaga darane sheekh lagaba yaabo inaanu aqoon isaga (sheekh umal) uu bilaabey inuu yiraahdo sheekh umal baa aniga iga soo raddiyey Nairobi oo muxaadaro uu akhriyey igusoo qaatey (yaab badannaa midhaa jinn baa u waxyoodey oo ku direy) markaasuu bilaabey inuu culimadii xagga iyo xaggaas wax uga sheego oo isagoo shaar alshabaab gashtey oo waliba waxyaabo kalena la sheegsheegayo oo halkaas qabuul iyo soo dhoweyn ka helay lana qaadqaadey oo magacyo badan loo bixiyey oo xagga iyo xagga kolba dhan u orday masjidkii ayuu bilaabey inuu xagiisa usoo jeesto oo baadilkiisii lasoo galo dabeed digniino badan ka dib albaab weyn laga saarey illaa uu xarigii lagu xiri lahaa xusuladiisa ku keensadey.
    walaalayaal marka ninka Golaha buhtaanka hogaamiya waa nin taariikhdiisu caynkaas tahay , ninka hadh iyo habeen laga kari la,yahay culimadii dacwadaan sh c/qaadir nuur, sh umal, sh shibli sh c/raxmaan sh cumar , sh c/raxman abyad , sh maxamed idriss iwm xafadahumullaah, inshaa allaah marbaan isaga iyo kuwa kale ee isqarqarinaya is fiican uga soo diyaarin doonaa barnaamijyo hadii ay ii fududaato laakiin ninkaas caynkaas ah iyo kooxda la duusha oo aan iyaguna waxba saas ah ka sokeyn iyo bal culumadaas isbarbardhiga oo isku keena waxa ay sheeganayaan iyo waxa ay culimada ku sheegayaan, marka walaalka Dankuugow waxyaabo badan baa dusha ka qarsoon laakiin wakhtiga lala sugi oo kashfin doona….
    REPLY

  5. Dankuug says:

    Waa aad mahadsanitihiin @SomaliReal.
     
    Waa astaamaha lagu garto qolyaha maskax ahaan weecsan gurracan (mental disorder qaba) in kolka ay waashaan ay ku waashaan dadka kan ugu sokeeya. Reer Puntland-na kuma koobna ee kuwo walbaa waxa ay sameeyaan wixii karaankooda ah si ay u muujiyaan ugana maragkacaan u hoggaansanka dadka ay dullaysan yihiin.
     
    Kolkaa wax lala yaabo ma ahan in ay ku been-abuurtaan, dhiirrageliyaanna dilka wadaaddadii iyaga diinta soo baray, waxgaradkoodii iyo dadkii kale ee ay deegaanka wadaageenba. Hadal beddeliddu ma ahan wax dad Muslim sheeganaya lagu aqoon jiray. Qur’aankaa qiray in kuwii Yuhuudoobay qaar ka mid ahi ay hadalka ka leexin jireen marinkiisa:
     

    “???? ????????? ??????? ???????????? ????????? ???? ???????????”
     
    ???? ?????? ,46

     
    Qolo kasta oo lunsanina waa kuwa tusmada kore ku qeexan oo kale. Ma aan lihi nimankani waa Yuhuud. Sida aan u arko waa Muslimiin wareertay waxana ayaandarro ah in ay xumaantu dhaqankoodii sidaas ka dhigtay :(

  6. wadaad yare says:

    Maashaa Allaah walaalkey Dankuug iyo walaalaha kaleba. Musiibada Shabaab la magac baxdey way gabaabsiyeene ha la is raaciyo oo weli bulsho jaahil ah oo u dhego nugul baa jirtee shubhooyinkooda hallooga maciino.

    Aydiyalljida Khawaarijtu waxey weligeed ku baraari jirtey meelaha is qoonsi iyo cuqdado bulsho ka jiraan. Meelaha qabyaaladdu ka jirto. Waqtiyada fitnooyinka iyo colaadaha. Khawaarijtii hore ee soo baxdey waqtigii Salafka waxey colaad dhex dhigeen qabaa,ilkii Carbeed oo isku direen carabtii oo dagaal dhex dhigeen Mudar iyo Rabiica. Hadda kuwaani waxey doonayaan iney qabaa,ilka qaar ka dhigtaan “Ansaar” kuwo kalena “Qureysh”. Qabaa,ilka ay “Ansaarta” ula baxeen waxey ka laayaan indheer garatada iyo kii wax fahmi kara. Qabaa,ilka ay “Qureyshta” ka dhigeenna si baahsan ayey u target gareeyaan.

  7. maxamed says:

    dankuug waa nin diinta islaamka neceb,waxaase doqonnimo ah dadka magaciisa sooqaatay ninkaan eyka muuqato diin la,aanta,wuxuu gumeysi u arkaa luqada carabiga ah ee diinteena kusoodegtay wuxuu rabaa dadka inuu utuso diintan iney carab katimid waase fikir dhicis ah oo aan meelna gaareynin hadaad luqada carabiga diiday fasirkeeda waxa weeye inaad diinta diiday,maxaayeelay alle swt quraankiisa wuxuu kusoo dejiyey luqadan nabiga wuxuu kuhadli jirey luqadan,marka kuusocon maayo fikirkaas raqiiska ah,diinta islaamkase maku koobno carab kaliya ee alle wuxuu rasuulka usoo diray caddaan iyo madow,aniga muddo waxaan raadinayey wadaadyare fikirkiisa maantase waan helay isagana oo waxaa layiri nin hadaad fahmi weyso dhaqankiisa saaxiibkiisaa lafiiriyaa marka dankuug iyo wadaadyare waa isku mowqif,ee somaliyey yaan leydinkugu soogamban luqo iyadoo loosocdo diinta islaamka,maxaayeelay ma oran karaan waxaan neceb nahay diinta oo wexee soomarayaan luuqyo umase soconeyso sheekadaan oo waalafahansanyhy wexee wadaan.

  8. abu rixa says:

    asc dhamaan somalireal iyo walaalaha waa ay ku mahadsanyahiin.,
    hadaan wax yar kaftamo (kaftan nin weyn)
    QOFKII RABA IN UU LIVE U ARKO SIDA SHABAAB IYO TAAGEEERAYAASHOODA U GAALAYSIIYAAN MUSLIMIINTA (PROCESSKA AY MARIYAAN MUSLIMIINTA MARKAY GAALAYSIINAYAAN) HA FIIRIYO XADGUDUBKA WAANIYE IYO MAXAMED AY KULA KACEEN WALAALKA WEBSITEKA TACLIIQIISA SOO XIGTAY EE DANKUUG MAXAAYEELAY WAANIYE KUMA LAHOO “kiristaannimo iyo wax diin ah inuu aaminsan yahay ma aaminsani” ILAAHAY KITAABKIISA WUXUU KU LEEYAHAY”( WAMAA URSILUU CALAYHIM XAAFIDIIN)” WALAALAYAAL YAA IDINKAGA DHIIRANAAN BADAN ILAAHAY IYO ADOOMIHIISA SIDEE NAFTIINA IDINKUGU OGALAATAY QOF DAAHIRKA MUSLIM AH OO SOCIAL NETWORK KU ARAGTEEN INAAD DIINTISA KU TUHUNTAAN AWHAAM IYO SHUBAHAAT WAA GAF AAN GEED LOOGU GABABAN

  9. abu rixa says:

    RAAAAAAAAAAALI GELIN
    WAANIYE GACANTAA IIGA DHACDAY WAXAAN KA WADAA QUL-QUL
    RAAAAAAAAAAAAAAAAAAAALI GELIN MAR LABAAD

  10. Shabab qaabka ay u dhaqmayaan way ogadeen wax faa,iido ah inaysan so wadin wayna ku khasareen hada waxa lagud boon ayagoo ka faa,iidaysanaya, kulamadii ay al-jaziira la yeelatay sheekhii alqaacida ee hore, Abuu xafsin almurutaani, inay dib iski saxaan kana waan tooban.

  11. xog ogaal says:

    asc walalayal nafteyda iyo naftiina waxan ku wanina ina ilaah ka cabsano melkasto manta waxa jiro waa wax laga xumado wana wax qofka manta nool oo muslim ah utamaninayo tan yacni fitanka socdo inu geeriyodo iney dhaanto nolashan kasameysan xarajka iyo hardanka ardayda ictisaam iyo ardayda shabaab ilaah ka cabsada bari shabab iyo ictisaam idiin lama hor istagayan rabi hortisa manta wa aduun bari waa aqiro ardayda shabab inta badan haben iyo malin waxey ka niqashan culimo wa weyn magala mise wa muslim ujedadoda mana fahmin ardayda ictisaam na shabab ma khawarij baa ayagana dan aye leyihiin xog hoose na wax haya labada dhinac nas alulah atowfiiqa wa sadad

  12. Dhanguug mala dhahaye & wadadyare 2duba diin islam mahayan malin walbo arko musliminta aye dacayad ku hayan lkn malin un gacanta wa so galeysin qofka ridowayne xukunkisa wa dil so rabo ha u ashahate dadka somaliyed o la dhihi jiray 100% wa muslim manta wa 30% aya muslim xaqiqi ah inta kale mid galo racay mid tageray

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno