Home » Wararka » Qarax caawa ka dhacay Masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii oo uu ku dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Xasan.

Qarax caawa ka dhacay Masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii oo uu ku dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Kaamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa caawa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii.

Markii laga soo baxay salaadda Cishaha, ayaa waxaa banaanka hore ee Masaajidka Hidaaya qeybta gawaarida la dhigto waxaa ka dhacay qarax, loo maleynayo inuu ka dhashay Bam gacanta laga tuuray, waxaana qaraxu uu ahaa mid laga wada maqlayey agagaarka xaafadda Jaamka ee Masaajikdu ku yaalo.

Ilaa iyo hadda wararka ayaa isa soo taraya, waxaana dhaawac uu soo gaaray 6 qof oo uu ka mid yahay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Kaamakunji, waxaana dhici karta in khasaaruhu intaas ka badan yahay, iyadoona Masaajidka agagaarkiisa ay soo gaareen ciidamo Boolis ah, waxaana adag in war faahfaahsan la helo, waxaana isku dayeynaa inaan xiriir la sameyno maamulka Masaajidka haddii ay noo suura gasho.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadku ku xaroodeen guryahooda, iyadoona ammaanka xaafadda Islii uu todobaadyadan dambe ka soo darayey, halka ciidankuna ay laba jibaareen howlgalada ay dadka ku qabqabanayaan.

Wixii soo kordha kala soco shabakadda Somalireal.comĀ dib ayaan idinkala socod siin doonaa haddii Illaahay idmo.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno