Home » Wararka » Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii caawa ka dhacay Masaajidka Hidaaya.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii caawa ka dhacay Masaajidka Hidaaya.

Xafiiska wararka ee Somalireal,  ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey  ku howlanaa inuu akhristayaashiisa ka haqab tiro sida caawa wax uga dhaceen Masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii.

Wararka ugu dambeeya ee aan hellay ayaa xaqiijinaya in Qaraxu dhacay ka dib markii Xildhibaan Yuusuf  Xasan uu Masaajidka ka soo baxay, isla markaasna dad badan oo Masaajidka ka soo baxay ay xildhibaanka ku soo xoomeen si ay u samaalaan, intaas ka dibna waxaa dhacaday in xildhibaanka iyo dadkii hareerihiisa dhoobnaa lagu soo tuuray Bam gacmeed.

Laba qof  ayaa dhintay, dadka kale ee dhaawaca ahna waxay gaarayaan 10 qof, iyadoona barxadda Masaajidka lagu arkayey dhiig badan, dadkana meel laga jiro ayey garan waayeen oo waa argagaxeen, isla markiina waxaa la qaaday dhaawaca xildhibaanka iyo dadkii kale ee dhaawacyadu soo gaareen.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa aagga soo gaaray, kuwaasoo dadka kala ceyriyey, waxaana dhacday in dadku ay warka qarax is gaarsiiyeen, iyadoona xiligan xaafadda Islii laga wada xarooday.

Sh. Maxamuud Shibili, oo ah Imaamka iyo Sheekha Masaajidka Hidaaya, ayaan la hadalnay, Sheekhu wuu bad qabaa, wuxuuna noo sheegay in qarax xoog badan uu dhacay dad 10 gaarayana  ay dhaawacmeen, balse uusan ka warbixin karin xaaladda dadka dhaawaca ah ee uu Xildhibaanku ka midka yahay.

Sidii aan horey idinku balan qaadnayba wixii soo kordha shabakaddan ayaa kala socon doontaan haddii Illaahay idmo.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno