Home » Wararka » Daawo sida xaaladdu aheyd Masaajidka Hidaaya markii xalay qaraxu ka dhacay.

Daawo sida xaaladdu aheyd Masaajidka Hidaaya markii xalay qaraxu ka dhacay.

Markii laga soo baxay salaadda Cishaha, ayaa  banaanka hore ee Masaajidka Hidaaya qeybta gawaarida la dhigto waxaa ka dhacay qarax, kaasoo ka dhashay Bam gacanta laga tuuray, waxaana qaraxu uu ahaa mid laga wada maqlayey agagaarka xaafadda Jaamka ee Masaajikdu ku yaalo.

Qaraxa  oo geystay khasaare dhimasho 3 qof ah, iyo dhaawaca 8 kale, uuna ku jiro Xildhibaan Yuusuf  Xasan Cabdi, ayaa intaas kja dib waxaa bilowday dhagax tuur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasoo gawaarida dhagxaan la dhacayey, ciidan Boolis ah oo markii falku dhacay goobta soo gaarayna ay maaro u waayeen, iyadoona markii dambe ciidamo badan la keenay waddada Jaamka ee Masaajidku ku yaalo, kuwaasoo kala eryey dadkii Soomaalida ahaa ee ka careysnaa qaraxii lala eegtay dadkii Masaajidka ka soo baxay ee Xildhibaanku ugu horreeyo.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Hoos ka daawo sidii xaalku ahaa qaraxa ka dib Masaajidka Hidaaya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno