Home » Wararka » Soomaalida xaafadda Islii ku nool oo dareen murugo leh ka muujinaya qaraxii xalay ka dhacay Barxadda Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi.

Soomaalida xaafadda Islii ku nool oo dareen murugo leh ka muujinaya qaraxii xalay ka dhacay Barxadda Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi.

Soomaalida xaafadda Islii ku nool ayaa  dareen murugo leh ka muujinaya qaraxii xalay ka dhacay Barxadda Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa dareen murugo leh ka muujinaya qaraxyada ku soo kordhaya xaafadda Islii, ee uu ugu dambeeyey kii xalay ka dhacay Barxadda Masaajidka Hidaaya ee Jaamka, waxaana ay sidoo kale aad uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ee dhimashada iyo dhaawacaba lahaa.

” Aad baan uga xumahay qaraxyada xaafadda ku soo badanaya, maalin walba baqdin baa noo siyaadeysa haddana waxaaba leysugu yimid goobihii cibaadada, Illaahay hana noo sahlo xaalku mafiicna, kolay waxaa u arkaa wax siyaasad ka dambeyso” ayuu yiri Abshir oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee Islii deggen.

” Xildhibaan Yuusuf Xasan baa la target gareynayey saan u maleynayo, taasna waa dhibaato kale oo Soomaalida soo gaartay, maxaa yeelay Xildhibaanku wuxuu ahaa nin dadka dhibaatada aan ku fiirsanin oo difaaca danaha dadka, Illaahay hanoo caafiyo” sidaasna waxaa boggan u sheegay Axmed C/qaadir.

” Sanad walba marka bislaha dambe la gaaro xaaladdu way ka sii dartaa, sanadkan waxaaba u dheer waxaa soo dhow doorasho, marka siyaasadna way ku jirtaa meesha laakiin xaqiiqada Ilaah baa naga og, haddii xaaladdu sidan ku socoto ma aqaano mustaqbalkeena” ayey tiri Faadumo Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka xaafadda Islii.

Inta badan dadka Soomaalida ah, ayaa dareenkaas wada qaba, iyadoona midda ugu daran ee dadku ka anfariirsan yahay ay tahay qaraxa oo xalay ka dhacay Barxadda Masaajidka Hidaaya, iyo Mas’uulkii xaafadda Kaamakunji oo u muuqda in qaraxa lala bartilmaameedsaday.

Xalay Fiidkii ayey aheyd markii Bam Gacmeed lagu tuuray Xildhibaan Yuusuf iyo dad su’aalo weydiinayey barxadda Masaajidka Hidaaya, ay ku dhinteen 3 qof, 8 qof oo Xildhibaanku ka mid yahayna ay ku dhaawacmeen, iyadoona xildhibaanka uu ka jabay Lugaha.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

2 Responses

  1. wadaad yare says:

    Bogga somalimemo waxaa ku qoran maqaal ka digaya kaamerooyin lagu rakibey masjidka Al Hidaaya. Waxaana ka danbeeya qaraxa maqaal kale oo ka hadlaya.

    Way iska caddahey in falkaas qolyaha qora boggu wax ka ogaayeen oo ama si dadban ama si toos ah ugu lug leeyihiin. Waxaa laga doonayaa iney dadka kooxahaan isha ku hayaa la socdaan arrimahaas.

  2. sheekha says:

    arinta wadaad yare waxaan ku darayaa , dhalin yaro saxafiyiin ah oo caasimadda lagu dilayna sidaasoo kale bay waxay soo qoreen maqaal lagu eedaynayo ama lagu maxkamadaynayo kii ku xigayna wuxuu ahaa waa la dilay !!
    .
    umuurtaas waa in la kaydiyaa .

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno