Home » Wararka » Guddiga Doorashooyinka Puntland oo waqti ku daray muddadii furashada Xisbiyada (Warsaxaafadeed)

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo waqti ku daray muddadii furashada Xisbiyada (Warsaxaafadeed)

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa  waqti ku daray muddadii furashada Xisbiyada, wuxuuna guddigu soo saaray warsaxaafadeed u qornaa sidan:

8th December 2012

War-Saxaafadeed

Ujeedo: Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda ee Puntlnad

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatashi ah la soo yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobolada dalka,

Markuu dhagaysay codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kal duwan,

Markuu u kuurgalay dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada ururada siyaasadda ee Puntlnad,

Markuu arkay u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee ay bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu tixgaliyay mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntlnad oo ku eg 10th December 2012,

Markuu arkay wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntlnad inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo Taariikhdu ay ahayd 6 December 2012, wuxuu go’aamiyay in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntlnad laguna daro saddex isbuuc oo ku eg 31st December 2012. Guddigu wuxuu cadaynayaa Kordhintan wax saameyn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Raodmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliya waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10th February 2013 sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo road map-kaba.

Guddugu wuxuu ka codsanayaa daneeyayaasha ururada siyaasadda ee Puntlnad inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhammaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaangeliyo.

Wadashaqayn wacan

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee KMG

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno