Home » Wararka » Boqolaal qof oo Soomaali ah oo lagu qabqabtay magaalada Nairobi 4 maalmood ee la soo dhaafay.

Boqolaal qof oo Soomaali ah oo lagu qabqabtay magaalada Nairobi 4 maalmood ee la soo dhaafay.

Boqolaal qof oo Soomaali ah, ayaa waxaa  lagu qabqabtay magaalada Nairobi 4 maalmood ee la soo dhaafay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Militeriga dalka Kenya, oo maalmihii la soo dhaafay howlgallo balaaran ka waday magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo qabqabteen boqolaal qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood ay sharciyo lahaayeen, kuwo kale ay yihiin qoxooti haysta waraaqaha aqoonsiga ee qoxootinimo.

Howlgalladan oo soconayey maalin iyo habeen, ayaa ciidanku waxay dadka  ka qabqabanayeen waddooyinka, iyagoo  weliba guryaha iyo hotelada qaarkood ay galayeen, waxaana ciidanku adeegsanayeen gawaari waaweyn oo ay dadka ku guranayeen.

Howlgallada ayaa waxay u badnaayeen xaafadda Jaamka ee uu ku yaalo Masaajidka Hidaaya ee habeenkii Sabtida la qarxiyey, balse xaafadaha kale ayaa sidoo kale howlgalladu ay ka soconayeen, iyadoona maanta meelaha sida aadka ah ciidanku dadka uga qabqabanayeen ay ka mid ahaayeen waddooyinka 5-aad iyo 6-aad ee qeybta labaad ee xaafadda Islii.

Boqolaalka qof ee la qabqabtay ayaa qaarkood waxaa la geeyey Maxkamad, waxaana dadka aan aqoonsiga qoxootiga haysanin la xukumay in loo celiyo Soomaaliya, halka kuwa kale ee kaararka qoxootinimo haystana la xukmiyey in la geeyo xeryaha qoxootiga ee UNHCR gacanta ku hayso.

Dadka ciidanku qabqabteen ee boqolaalka ah, ayaa waxaa ka mid ahaa dad Soomaali ah oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo qaarna la s0o daayey qaar kalena weli xiran, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in xitaa dad dhalashada dalka haysta laga qaatay lacago.

Waxaa xusid mudan in guryaha iyo hotelada dadka laga qabqabtay ay ciidanku kula gorgortamayeen dadka ay qabanayeen, ciddii ay is fahmaanna ay lacago badan ka qaadanayeen, waxaana intaas dheer in dadka marka ay qabqabanayaan ay si xun ula dhaqmayaan ciidanku.

Dadka Soomaalida ah ee xaafadda Islii ku nool ayaa waxaa la soo gudboonaatay cabsi xoog leh, iyadoona marka gabalku dhaco dadka intooda badan ay guryahooda ku xaroodaan, waxaana howlggalada ciidanku ay soo bataan sanad walba marka uu dhamaadka yahay.

Ciidanka Booliska iyo kuwa caawiya ee Militeriga, ayaa aad u laba jibbaaray howlgalladooda tan iyo habeenkii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay, markaasoo Bam lagu tuuray barxadda Masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii ay ku dhinteen 7 qof, ku dhawaad sodon qof oo uu ku jiro xildhibaanka xaafadda Kaamakunji na ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno