Home » Wararka » Urur Siyaasadeed Mucaarad ah oo maanta Boosaaso looga dhawaaqay,(SAWIRO)

Urur Siyaasadeed Mucaarad ah oo maanta Boosaaso looga dhawaaqay,(SAWIRO)

Urur Siyaasadeed cusub oo Mucaarad ah, ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland.

Kulan balaaran oo lagu daah-furayey urur siyaasadeed Mucaarad ah laguna magacaabo Midnimo, ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Jubba magaalada Boosaaso, waxaana kulanka ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida aqoon yahanno, siyaasiyiin, Odayaal, dhalinyaro iyo haween, waxaana shaaca looga qaaday ururka Midnimo ee ka qeyb gali doona doorashooyinka soo socda ee Puntland.

Dr. Saadiq Enow, oo ah Aqoon yahan reer Puntland ah, isla markaasna si weyn wax uga qora taariikhda, ayaa madasha ka sheegay in ururka Midnimo uu yahay urur Mucaarad ah, ayna ku mideysan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland.

Dr. Enow, ayaa ka hadlay howlaha ururkoodu ka qabanayo dhinacyada, ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo calaadda, wuxuuna intaas ku daray in ururka Midnimo uu matalo inta badan bulshada reer Puntland, oo uu ku tilmaamay codka aamusan.

Diktoorka, ayaa ku baaqay in ammaanka laga shaqeeyo, wuxuuna ka digay in qori caaraddiis wax lagu doono, isagoona baaqaas u jeediyey mucaaradka iyo xukuumadda, isagoona carrabka ku dhajiyey in ayan ka hari doonin ciddii xoog wax ku doonta, lana xisaabtami doonaan.

Ururkan Midnimo,  ayaa noqonaya xisbi u tartami doona doorashooyin ay ku kala hari doonaan xisbiyada siyaasadda ee Puntland, kuwaasoo 3 da ugu hormatta ay ka qeyb gali doonaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxaase xusid midan inay jiraan siyaasiyiin caan ah oo reer Puntland ay ku adkeysanayaan in bisha 1-aad ee sanadka cusub ay qabsoonto doorashada Madaxtinimada Puntland, halka xukuumadda hadda jirtana ay ku adkeysaneyso in sanadka soo socda loogu diyaar garoobayo nidaamka Xisbiyada badan ee lagu kala bixi doono.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno