Home » Wararka » Maxkamad ku taala Mareykanka oo 8 sano oo Xarig ah ku xukuntay gabar Soomaali ah.

Maxkamad ku taala Mareykanka oo 8 sano oo Xarig ah ku xukuntay gabar Soomaali ah.

Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka, ayaa waxay  8 sano oo Xarig ah ku xukuntay gabar Soomaali ah.

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Sacdiyo Cali Yuusuf, ayaa Maxkamadi ku xunkuntay 8 sano oo Xarig ah, iyadoona loo haysto inay Lacago u dirtay xarakada Al-Shabaab, oo Mareykanka ugu tirsan ururada waxa uu ugu yeero Argagixisada.

Nimco Yuusuf, ayaa qiratay inay dirtay lacag cadadkeedu dhan yahay $1450 Doolar, waxaana jirta in Maxkamadeynta gabadadhi ay muddaba soo jiitameysay gudaha dalka Mareykanka.

Qareenkii u doodayey Nimco, ayaa sheegay in sanadaha xukunka gabadhu ay badan yihiin, isagoo soo jeediyey in 5 sano looga dhigo, wuxuuna ku sababeeyey inay lacagta u dirtay dad ay asaxaab yihiin oo dhibaateysan.

Saameynta arrintan, ayaa waxay horey u keentay in Bangiyada dalka Mareykanku ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay Xawaaladaha Soomaalida gaar ahaan kuwa gobolka Minnisota, iyadoona Bangiyadu ay ku doodeen inay ka baqayaan in dowladdu ku qabsato lacago loo diro Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Xawaaladaha Soomaalida ay lacagaha u kala wareejiyaan dadka Soomaalida ah ee adduunka ku kala firiqsan.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno