Home » Wararka, Warbixinno » Dadkii Culimada Soomaaliyeed ku xadgudbi jiray oo isku haya wixii ay Culimada ku maagi jireen.

Dadkii Culimada Soomaaliyeed ku xadgudbi jiray oo isku haya wixii ay Culimada ku maagi jireen.

Dadkii Culimada Soomaaliyeed ku xadgudbi jiray, ayaa  isku haya wixii ay Culimada ku maagi jireen.

Sida aad shabakaddan in badan ka akhrideen, amaba aad ka heli kartaan haddaba, waxaa jiray dad aad u weerara Culimada Soomaaliyeed, kuwaasoo shabakado u sameystay wax ka sheegga Culimada, waxaana had iyo jeer ay si gaar ah u maagi jireen Culimada iyaga kaga fikirka duwan dagaallada  waddanka Soomaaliya ka socda.

Qolyaha aan ka hadleyno, ayaa Culimada ay weerarka ku yihiin waxay si gaar ah ugu maagi jireen arrimahan:

1- In Culimadu ay cabsi iyo cadaadis u keentay inay dagaalka Soomaaliya ka socda Fidno u arkaan

2- In Culimadu ayan fahan saneyn waaqica umaddu ku nooshahay

3- In Culimadu ay kala qaadeen waxyaabo aan kala qaadi karin sida:

A- In ay ka digaan dhibka Muslimiinta ka soo gaara ficilo ay qaarkood sameeyeen

B- In ay si gaara ugu turaan Muslimiinta ku dhex nool gaalada ka tirada badan

T- In ayan fiicneyn in dadka Muslimka ah ee Gaalada ka tirada badan la nool inaan dhexdooda dhib laga sameyn si aan iyaga hadhow loogu soo jeedsanin

4- In Culimada lagu tuhmo inay cid kale u shaqeeyaan markay arrimahaas ka hadlaan.

Qodobadaas iyo kuwa kale oo ka badan, ayey qolyahaasi hadaf uga dhigteen Culimada ay maaggan yihiin, iyagoona arrinta gaarsiiyey meel aad u fog, kala duwanaashaha fikirkana aan meel banaan uga tagin.

Maxaa isbedelay?

Qaar ka mid ah qolyaha sida aadka ah ugu xadgubba Culimada, ayaa qoraalo iyo hadalo la mid ah kuwii ay Culimada ku haysteen soo gudbiyey, kuna soo gudbiyey baraha internetka ee wax badan lagu weeraro Culimada, iyadoona taas ay ka dhalatay in iyagana lagu tuhmo wixii ay Culimada ku maagi jireen, taasoo ay kala kulmeen taageerayaashii qoraaladooda iyo hadaladooda faalooyinka taageerada ah ka bixin jiray.

In aragtidu isbedeli karto kuma haysano qolyahaas, sidoo kale kuma haysano inay ka damqadaan dhibaatada Soomaalida ku haysata dalka Kenya. wax horey uga qarsoonaana maanta way u iftiimi karaan, ee waxaa is weydiintu tahay: sida Taageerayaashoodii commentiga la daba taagnaa ayan ugu dulqaadaneyn hal qoraal ama hal kalimad oo aragtidiisa uu ku dhiibtay mid ka mid ah raggii ay taageerayaasha u ahaayeen, iyadoo weliba ay tuhmooyin badan ay dusha u saarayaan.

Waxaa kale oo is weydiintu tahay, sida qolyaha lagu dheggen yahay ay ula yaabban yihiin taageerayaashooda, isla markaasna ay iyaguna u tuhmeen caqliga taageerayaashooda, waxaase ka jawaabid u baahan su’aalahan:

1- Dadka Commenti yada ka bixinaya qoraaladiina waa isla kuwii horee ma markii hore baad wada Fahan  xumeydeen? mase markii ay idinku qabsadeen wixii aad Culimada ku haysateen bay Fahan beeleen?

2- Ma u garaabeysaan Culimadii marka ay maslaxadda umadda ka hadlaan aad tuhmi jirteen?

3- Maku soconeysaan in umaddu isu baahan tahay ee aan la kala wadin?

4- Daacad ma idinka tahay in waxyaabo leysku khilaafsanaankaro iyadoo kuwa kale lagu mideysan yahay?

Fiiro gaar ah: isbedel la sheego noogama muuqdaan qolyaha aan ka hadleyno, haddiise ay isbedelaanna kuma eedeyneyno, sidoo kale lama yaabbanin qolyaha kale ee kuwaas horey u taageersanaa ee faalooyinka ku maagaya, maxaa yeelay wixii la baray bay ku socdaan ee aan waxba u hambeyneyn qofka wax un uga aragti duwanaada.

Halkan gujj si aad noola aragtaan waxa aan ka hadleyno ee ay isku hayaan wixii ay Culimada ku hayeen

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

15 Responses

  1. shaafici says:

    Walaalaha webkan qora waa hagaajiseen si asluub ah baad usharacdeen mana ku xadgubin intaas ka dib aniga waxaa qabaa c/waaxid waa nin ay diin katahay waan aqaanaa waligiis qabqablayaasha wuu ka soo horjeeday qabiil wax kuma xiro hadana sidaan diib buu uarkaa laakiin walaalku markii hore wuu talax tagay haduu hada is gartayna ceeb malahan hala soo dhaweeyo laakiin asagana waxaa laga rabaa inuu ku adkeysto mowqfikiisa wii doonayo haku neceene

  2. mahad says:

    kkkkkkkkkkk mudo sanad ka badan c/waaxid waxaa kusocday isbede maalintuu lahaa taageerada indho la,aanta wan iska dhaafayaa madhoweyn ee wuxuu kabaqaayey amaa lagula yaabaa laakiin hada waxaan aamisanahay waa soo daalay mana laaban doono

  3. c/wali says:

    walaalaha somalireal waa ka faa,iideysaneysaa fursadaha idin soo maraya good mida dhalinyaradaas hada isbedelku ku dhacay waxaan u maleynayaa waa guul in ay darbiga soo taabtaan dadkoodana usoo noqdaan

  4. waheliy_3 says:

    Waxaa layiri -Doqoni meel lagu kaftamay ayay mooday in lagu kala tagey!!
    Saad jeceshihiin ayaad wax u dhigteen-Rag waa kii is naqdiya,isi saxa, Marka sidiina haddaad jeceshihiin in lawada daad raaco oo gaalo madoow bidood ah iyo kuwa kabaha u qaada aad rabtaan in lawada taagero-Dhedo Roob noqon weyday waad HUNGOOWDEEN.
    WAXA sidaas idin leh waa Gob Islaam..Su’aal aan idin su’aalnee adinku xagee noowadaan? Ina ileey in aan Adeecno?mise faroole? mise xasan iska yimid ?
    mise siilaanyo? MISE kasiidarane AMISOM, kenya iyo Xabashi?
    Somalireal Magac fiicnaa!! waxaan idiin Aqaan inta aad Qashin iyo cadowga alle Buun buunineysaan SOMAALI UNPURE–Nasab hadaad tihiin Gaalada Naca Ama iska Aamusa.

  5. burhana says:

    aad iyo aad waxaa layari hog walaalka ha qodin hadii aad qodana aad u dhayareen ku dhici doontaa lama ogaha marka waa iska suna rabaaniya ah qofkii soo joogsa lagawaayo soo jiifse ayaa laga helaa marka waxaan leenahay haku qosquutaan qolaadaas aduunyaduna waa giraan maalinba meel taagin waxii aad taageerayso si kalahar leh u taageer ,
    inkastoo abdiwaxid aan ku amaanayo geesinimada uu sameeyey , waxaan kaloo kulatalinyaa in uu udulqaato dhibta uga imaanaysa afkaarta cusub oo uu layimid

  6. horeeye says:

    qofkasta oo fakara ama caqligiisa la tashada mar un buu ogaanayaa in waxa uu taageerayo inay sax yihiin iyo inkale,C/waaxid oo horay iskugu sifeeyey nin si indha la’aan ah wax utaageero maanta waxaa kamuuqata in uu maskaxdiisi furay oo caqligiisi latashaday,waxbadana isweydiiyey.

    intaas kadib hadalka C/waaxid waan dhagaystay waxaana kamuuqata Geesinimo iyo karti aan horay loogu aqoon iyo in uu kagudbay gumaysigi xaga maskaxda ee lagu haystay mudada dheer.

    waxaan horay ubaranay una soojoognay C/waaxid iyo inta lafikirkaa oo marka ummadda soomaaliyeed dhibkudhaco kufarxa oo isugu hambalyeeya,hadii marka isla qoladi qaarkamid ah ay maanta kadanqanayaan ummadda soomaaliyeed waa ilaah mahadiis waana soodhaweynaynaa.

    waxaan akhriyey commentiskii C/waaxid saaxiibadiis ay kabixiyeen hadalkiisi waxyaalaha aadka aan ugu qoslay waxaa kamid ah C/waaxid waxaa lagu caayayaa in kuu kadanqado dadkaas masakintaa oo dhibku kudhacay,waxaase taaskasii daran cayda loo geysanayo reerkiisa iyo isirkiisa.

    ugu dambayntii C/waaxid waxaan ugu hambalyeynayaa sida wanaagsan ee uu uhadlay iyo in uu maskax furan wax ku eegay.
    waxaa lagu maamaahaa “hadadan fakarin waa laguu fakarayaa markaas kadibna waxaad raacaysaa kuwa kuu fakaray sida ay rabaan”

    fakara intaan dambiile idiin fakarin.

  7. maxamed says:

    haddii ey dhacdo c/waaxid inuu naga leexdo micnaheedu ma ahan jihaadku waa dhamaaday haddiise uu mowqifkiisa ku adkeysto isagey uroontahay.

  8. abu rixa says:

    asc dhamaan somalireal iyo akhristayaasha.
    waan arin aad loo soo dhaweeyo in a.waaxid uu si xor ah oo uga soo horjeesto afcaasha gurucan cid kasta ha samaysee waana akhriyey maqaalkiisa (walow bacdu mulaaxadaad weli ku jiraan ) laakiin waxaan leeyahay waa bilow fiican ,
    walaal c.waaxid waxaan ku dhiiri galin in caadi tahay qofku in uu mawqif horey u taagnaa iska badalo haduu xal ku doorbido calaa cilminna yahay (imam shafici laba mad-hab ayuu leeyahay) waana geesi nimo, waxaana rajaynayaa in aad ku sugnaan doontid (adkaysandoonta mawqifkaas)

  9. Abdihakim says:

    Wan salaamaya mamulka iyo akhristayaasha sharafta mudan, inkastoo aanan qoraalka kore fahmin lkn tacliiqyadaan ka fahmey inu ninkas badeley aragtidiisii hore, hadey sidaas hawshu tahay horta ninkas waxan filayaa inu aha taageere indhala’a sida isaga laga soo xigtey waqti hore ee uusan nimankas xil iyo xoolo midna ugu maqneyn, marka ma filayo inu kuwii horena macna badan u hayey cidkalana uu wax tarayo waayo indhala’aantu cidna waxmatarto.

  10. qulqul says:

    Bismilaah. Horta in leysu dhowaado waa muhim.
    Anigu ma qabo in culimadan Ictisaam la leeyahay, ay gabi ahaanba ka soo horjeedaan, dagaalka jihaadka ah ee Soomaaliya ka socda.
    “HAA, MAYADII” Sheekh Shible waa tusaale munaasib ah.
    Marka sida muuqata, wadaaddadan Icthsaamka iyo atbaabdooda waxay dhibsadeen, waxyaabo khalad ah ama ay khalad u arkaan oo Shabaabka ka dhacay.
    Haddii howsha Shabaabka hadda wadaan, Ictisaamku wadi lahaayeen, waxaa hubaala, khaldaadka Shabaabka lagu qoonsadey iney Ictisaamka ka dhici lahaayeen kuwa la mid ah.
    Nabi Muxammad SCW oo nool ayey khaldaad dhaceen.
    Saxaabadii bey khaldaad ka dhaceen.
    Marnaba ma dhicin in howshii Islaamiga ahayd iyo jihaadkii la wadey loo joojiyo khaldaad Muslimiin ta dhexdooda ka dhacey.
    Runtii waa micno darro in howshii ummadda loo qaban lahaa, khaldaad ashqaas ay gashay loo joojiyo.
    Nin walba markuu waxoogaa qoonsado, hadduu daaqadda ka baxo, howshan yaa kala wadi?
    Diyaargarow xagga maaddiga waa lagama maarmaan, laakiin mid yaan la illaabin, awoodda macnawiga ah sida iimaanka iyo iltizaamka ayaa ka muhimsan midda maaddiga ah.
    Iyadoon la dhamaystirneyn xagga maaddiga, in dagaal la gali karo waxaa daliil ahaan kuugu filan, dagaalkii Badar ee Nabiga SCW iyo Saxaabadiisa RC ay galeen.
    Waa la ogaa walbaaharkii Nabiga SCW heystey iyo ducadii dheereyd ee uu Alle ku baryey.
    Iyadoo qamaar la dheelo iyo Nabi Muxammad ay kala fogaayeen, diintuna qamaarka ay xarrimtey, haddana, Nabigu SCW wuxuu u muuqdey nin halkii shilin ee ugu dambeeyey ee heystey ku qamaaraya.
    Sideedaba, howl haddii la gudo galo, waxyaabo badan oo iney adagyihiin loo heystey, ayaa fududaada.(Inna Macal-Cusri Yusran) Waxna inuu adkaadaa laga yaabaa.(Am Xasibtum An Tadkhulul-Jannata Walammaa Ya’tikum…)
    khaldaad iney dhacaanna, Ibnu Aadam ayaa loo yahay.
    Muhimmaddu waa in leysa saxo khaladkana laga noqdo, howshana aan la joojin, inta quus la muujiyo.

  11. Dankuug says:

    Horta ismaandhaafku waa wax caadi ah oo “maan dad waa mudacyo caaraddood”, haseyeeshee ku been-abuurashada dadku waa ragannimo-xumo.
     
    Waxa aad arag hadal qof yiri oo inta Shabaabku (ama G.O.B.I.) intay kala gooyeen, oo hadal qabyo ah kala soo hareen ku doodaya “Shiikh/Xildhibaan/Madaxweyne hebel baa xuquuqda isguursiga dadka isku-jaadka ah taageeray”.
     
    Dorraad waa aad maqlayseen kolkii Sh. Cabdulqaaddir Muumin lahaa “Masjiddadiina waa la diiday, kaniisadana waa la dhisayaa.”
     
    Waa hadal aan laga filayn nin 70+ jirsaday oo in uu fayoow yahay loo malaynayey, halkaasna waxa ku caddaatay in uusan Cabdulqaaddir Muumin fayoobayn. Xagjirnimadu fayoobi la’aantay ka mid tahay, waayo xagjirku waa iska hadle aan maskax iyo aqli toonna ku socon.

  12. a/samad says:

    asc dhamaan:
    Dr. a/waaxid a.lahi khaliif shabaab waxba umaysan hayn ee asaga aqoontiisa iyo qalinkiisa ku difaaci jiray hada haday quuqda ku badiyaan walaal isaga soo tag oo kusoo dhawoow alwaasidiyah al islaam, dhab ahaantii markii hore waa ku walwalsanaa maxaa yeelay adoo nin ilaa heerkaas aqoonbadan siyaasi islaami ah inaad isku oodid fikirkaas dayiq ee aan ku tilmaami karo ma dhalayska

  13. wadaad yare says:

    Inuu Qulqul sidaas u beer jilicsado Ictisaam wax keenayaa jira. Waxeyna tahey arrin aan in badan ka dhawaajiyey oo ah ineysan Ictisaamku sameyn muraajacaat dhab ah oo manhaji ah,laakiin ay si camaliya kaliya uga hareen manhajkoodi jihaaddiga ahaa.

    Waxa iyadoon manhajiyan loo baddalin in si camali ah loo baddalo waa waxa ugu liita oo qofka ama kooxdu sameyso.

    Bal fiiri ururkii hore oo Itixaad iyagoon far saarin mundalaqaatkoodi iyo manhajkoodi fikriga ahaa oo aan wax weyn uga baddalneyn kan Al Shabaab ayey dhinaca kale ragga badankoodi kasoo jeesteen iyagoo sidoodi ah oo isla kutubtii xanbaarsan!

    Axmed Madoobe iyo Kenya

    Ibraahim Dheere Groub iyo Itoobiya

    Iyo Itixaadiyiin badan oo ku milmey dowladda Muqdisho fadhida, tan Puntland iyo tan Somaliland!

    Wax sax ah ilama ahan arrintaasi ee sidii Aljamaacah Al Islaamiyah Masar sameeya muraajacaat Ictisaamow.

  14. Absamaawi says:

    Wadaad yare.
    .
    Waxaan xisaabo hoose ka ahayn, oo aanu isku hayno majirto. kaliya iyagu waxay wax kufasiraan fahamka mamlakada, anaguna wali hafamkii asalka ahaa ayaanu wadanaa.
    .
    Xerta Jamaacada.
    War waxa uu wadaad yare fahmay miyaad fahmi waydeen, magiciin jiryayee.!!!

  15. wadaad yare says:

    Absamaawi

    Waxaan u maleynayaa in jamaacada Ictisaam ay ku dhici doonto huwiyo la,aan sababta iney ku ku milanto jamaacaatka kale ee itijaahoodu cadyahey sida Salafiyada Madkhaliyada ama Jadiidiyah iyo Jihaadiyiinta.

    Jamaacada Ictisaamka iigama muuqato mowqif la fahmi karo sida Salafiya Jadiidah oo ay ka taaganyihiin “jihaadka aan dowladuhu wadin” ee kooxaha jabhadahaa ay caalamka ka wadaan. Waxa Ictisaamka aan kula yaabey waxaa ka mid ah iney taageeraan “Jihaadka Daalibaan” kan Ciraaq iyo Soomaaliyana ay diidaan.

    Haddaad dhinac kasta ka eegtana waa isku mid duruufta,wasiilooyinka iyo nataa,ijta Jihaadka Daalibaan iyo kuwa dalalkaas kale ka socdaa!

    Dankuug oo mufakir ah oon meelo badan iskaga aragti dhownahey maxaad arrintaas ka leedahey aan ka mulaaxadeeyey Itixaadkii hore?

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno