Home » Wararka, Warbixinno » Xaqiiqada xaafadda Islii ka jirta iyo sida noloshu isu beddeshey.(WARBIXIN)

Xaqiiqada xaafadda Islii ka jirta iyo sida noloshu isu beddeshey.(WARBIXIN)

Xaafadda Islii ee Soomaalida dalka Kenya ku nool ugu badan yihiin, ayaa dadka ku nool xaaladdoodu ka sii dareysaa marba marka ka dambeysa.

Iyadoo in dhawaaleba xaaladda Soomaalida Islii ku dhaqan ay sii adkaaneysay, ayaa muddo haatan laga joogo hal bil waxa uu qarax ka dhacay gudaha Bas nooca rakaabka qaada ah, kaasoo ay ku dhinteen 8 qof 30 kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale qarax horraantii bishan ka dhacay masaajidka Hidaaya barxaddiisa hore, ayaa waxaa ku dhintay 7 qof dhowr iyo labaatan  kalena ay ku dhaawacmeen,  wixii markaas ka dambeeyeyna xaafadda Islii waxaa lagu soo kordhiyey ciidamo badan oo isugu jira, Boolis Soomaalidu u taqaano qoryo-dheer, ciidanka  koofiyad casta ah ee loo so gaabiyo JSU kuwo dharcad ah oo nabad sugid ah iyo kuwo kale oo loogu talagalay xaafadaha gudohooda.

Ciidamadan oo ammaanka sigiddiisa loo keenay, ayaa si aan kala sooc laheyn u raafay dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo xabsiyada ka buuxa, habeen iyo maalinna qabqabashadu xisaab maleh, iyadoona gawaari noocyo kala duwan ah oo ciidanku wataan lagu gurayo tobonaan Soomaali ah, kuwaasoo guri, hotel iyo dariiq midna aan ku baxsaneyn.

Dhacdooyinka xanuunka badan

Ciidanku marka ay dadka qabqabanayaan si aan naxariis laheyn bay ula dhaqmaan, waxaana dhacday in haween umulo ah la qabtay, iyadoona laga tagay caruurtii ay umusha kula jireen, waxaana saldhigyada qaar ka dhacday in haween noocaas ah oo Soomaali ah oo la xiray saldhigga loogu geeyo ilmihii ay dhaleen, si ay  Naas  u nuujiyaan, iyadoona lacag laaluush ah lagu bixiyey in hooyooyinka banaanka loo soo saaro si Ilmahooda ay Naas u siiyaan. runtii waa arrin aad uu uga damqanayo qof walba oo damiir leh.

Sidoo kale waxaa jira haween Uur leh, kuwaasoo xoog lagu saaray gawaari ciidanku wateen, kuwaasoo ku jira Saldhigyada, waxaana sidoo kale jira dad xanuunsan oo dhalinyaro iyo waayeel ba leh, qormooyinna laguma soo koobi karo dhibaatada dadka soo food saartay.

Qax ka bilowday xaafadda

Xarumaha laga raaco basaska aada xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab ayaa buux dhaafay, iyadoo haddii aad damacdo inaan tigid soo jarato aadan heleyn muddo toddobaad ah. sidoo kale diyaaradaha Soomaaliya ayaa meelaha tigidhadooda laga jarto ay aad mashquul u yihiin, waxaana dib u laabanaya dad aad u badan, waaba kuwa ay suuragal u tahay inay tigidho jartaane.

Welwelka la qabo

Dadka Soomaaliyeed ee xaafadda Islii ku nool oo dareenkoodu aad u kacsan yahay, dhegtana u taagan yahay, ayaa haddana waxaa welwelka u sii siyaadiyey qaraxyada Masaajidda ee horey looga digay, iyadoo dadku jeclaan lahaayeen in ciidanku ammaanka sugaan wixii dambi lehna  dambigooda lagu qaado, balse dadka laga daayo dhibka guud ee lagu hayo.

Ugu dambeyntii: iyadoo waxaasoo dhan ay jiraan ayaa haddana noloshu kala socotaa, Isliina ma ahan meel lagu kala tagay, waxaana soo baxaya baaqyo dadka loogu sheegayo inay is dajiyaan khalkhalka iyo baqdinta badanna iska daayaan,

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

One Response

  1. wadaad yare says:

    Somalireal

    Arrimaha ku saabsan cidda ka danbeysa qaraxyadaan bal isku daya inaad taqriir ka soo diyaarisaan runta u dhow. Shakiaa iga galey in gaalo ka aarsanaya ay yihiin waxa wax tuuraya iyo iney nimankii hore sharta ugu caan baxey yihiine.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno