Home » Wararka, Warbixinno » Kooxihii ku aafeysnaa ku degdegidda Gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah oo iyagii ka dhex taagan tagay.

Kooxihii ku aafeysnaa ku degdegidda Gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah oo iyagii ka dhex taagan tagay.

Kooxihii ku aafeysnaa ku degdegidda Gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah, ayaa  iyagii ka dhex taagan tagay.

Kooxahan oo qormooyin aad  u badan aan horey uga sameynay, isla markaasna dadka Soomaaliyeed intiisa badan gaaleysiin iyo aflagaaddo la daba taagnaa, ayaa ugu dambeyntii iyagii isku soo jeesteen, waxaana hadda ay is weydaarsanayaan ereyada hor dhaca u ah marka ay wax gaaleysiin rabaan, sidoo kalena waxay isku tuurayaan eedeymihii ay ku shaabadeyn jireen dadka kale markii ay isku duubnaayeen.

Qeybaha ay u kala jabeen iyo cidda kala hoggaamineysa.

Koox waxaa horkacaya C/waaxid C/laahi Khaliif

Kooxda kalena waxaa hoggaaminaya Faarax Deeq

Labadan nin ayaa ka soo jeeda Puntland, dadka ay kala hoggaaminayaanna reer Puntland iyo dad kaleba waa leeyihiin, waxaana mid walba uu gaar u sheeganayaa inuu ku taagan yahay xaqa, waxaana muuqata inay haystaan taageerayaal, walow ninka C/waaxid la dhaho laga taageero badan yahay.

C/waaxid oo ah nin aad ugu adag dadka uu ka soo horjeedo, ayaa hadda waxa uu wajahayaa wax badan oo uu isagu kula dhaqmi jiray dadka ay iska soo horjeedaan, waxaana laga joojiyey darsi uu ka akhrin jiray aallada paltalk, sida isaguba ku sheegay qormo uu soo qoray, isagoo saaxibadiis ku eedeeyeen inuu ka tanaasulay wixii ay isla aaminsanaayeen.

Qolada kale ee uu Faarax Deeq hoggaaminayo, ayaa waxay ku doodayaan in kooxda kale ee C/waaxid ay is bedeshay, isla markaasna ay eedeyso Mujaahidiinta iyo Culimadooda, waa sida ay kooxdaasi warka u dhigeysee, iyadoona C/waaxid iyo taageerayaashiisa ay ku doodayaan inay doonayaan in la isu soo dhaweeyo wadaaddada dalka Kenya ku nool ee iska soo horjeeda, iyo inay ku soconayaan wixii ay xaq u arkaan.

Labada qolo, ayaa isku tuhunsan jasuusnimo, iyagoona hadaladooda ay ka muuqanayaan shakigaas, waxaana sidoo kale la saadaalinayaa inay iyagu mar aan fogeyn isgaaleysiin doonaan, maadaama ay dhaqan u tahay in meesha ugu dambeysa leys gaarsiiyo marka aragti lagu kala tago.

Labadan kooxood ayaa waxaa gacanta ugu kala jira labada shabakadood ee Somalimemo iyo Somalimidnimo, kuwaasoo caan ku ah wax isadaba marinta iyo been abuurka, waxaana labada kooxood ku dhex waraarsan dadkii taageerayaasha u ahaa markii ay isku duubnaayeen, kuwaasoo aad uga biyo diiddan israddinta horjoogayaashooda, waxayna taageerayaashu ku taliyaan in ayan fursad siinin warbaahinta ka aragtida duwan, kuwaasoo ay ula jeedaan Somalireal.com iyo Halgan.net.

Ugu dambeyntii: qurba joogtaan reer Puntland u badan, ayaa sheegta inay taageersan yihiin Jihaad qof kasta laga rabo, laakiin iyagu haysta dhalashooyin dalal kale, Jihaadka ay sheegayaanna banaanka ka daawada, waxaana su’aal  u baahan jawaab ah,  in marka ay xuquuqdooda doonanayaanna ay Maxkamado gaalo qareeno ka qabsadaan, dastuurrada dalalka ay ku nool yihiinna u hoggaansan yihiin, halka dadka kale ee ka aragtida duwanna ay ku gaaleysiiyaan Dastuurro ay ku sheegaan inay dhowr qodob oo diin ka bax ah ay ku jiraan.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

 

7 Responses

  1. Isack says:

    Asc walalka warkan qorey ma waxad ku eedeyneysa iney dastur u arkan galnimo ma qof tastur galnimo u arkin ma jiro?

  2. khaliil says:

    Aniga adinka ayaaba nilla yaabanahay ragiinaan meshan wax kuqoro. Dadkaas warkooda nacfi malahan kashekoontoodo faaido badan kuma jiro. Raggaaas warkooda hala xiro. Mida kale adinka puntland ku qafiifteene webkina muxuu yahay. Wali ma iikalo cado webkani mid reerbaa mise waa mid diin. Mase waa mid dowlada puntland mase waa miid a somaliyeed u dhaxeeyo oonan af gooni ah ku hadlin

  3. abuu caisha says:

    Waa nooc caddaaladda ka mid ah ayaa la oran karaa in kuwa dulmiga iyo xadgudubka lagu ibtaleeyey lagu abaalmariyo wixii ay geysan jireen oo waliba qaabkii ay u geysan jireen lafteeda loogu abaalmariyo, waa halka la yiraahdo AL-JAZAAU MIN JINSIL-CAMAL, amaba KAMAA TADIINU TUDAAN, imisaan usoo joognay kooxahaas hadda gantaalada isku ridaya oo dadkii soomaaliyeed khaasatan culimada af iyo addin wax ugu reebteen aan la arag, illaa buhtaankoodii uu gaarey in dhiig badan iyo cirdi badan lagu banneysto, inta beelo walaaloi ah laysku direy, inta la dhiirri geliyey takhriibka masaajidda oo adoomadii alle ee ku tukan jirtey laga irdheeyey ka dib markii dhiigooda lagu daadiyey masaajiddaas hortooda inta culimo ama cuqaal dilkooda maro la saarey inta mujrim dhagarqabo ah la difaacey, marka maanta in ugu dambeystii iyagu isku soo jeestaan oo xerada iska saaraan oo jaajuusnimo iyo (muraad morten) ay isugu yeeraan oo golayaashii ay makrigaas iyo belaayooyinkaas ku maleegi jireen maanta ku heshiin waayaan oo iyagii ka dhextolato waa nooc cadaaladda ka mid ah waxaadna arki doontaan waxyaabo kuwaan ka daran oo ka soo ifbaxa kooxahaas…

  4. qulqul says:

    Bismillaah. War cusub! C/waaxid iyo Faarax deeq group ayaa loo kala saftey kulaha. C/waaxid waalaga taageero badiyey! Kkkkk.
    Tolow aniga group-keen ku jiraa? Ma kan C/waaxid mise kan Faarax deeq? Mise dhegdheertaan ku jiraa?

  5. waheliye_3 says:

    Kkkk kuwani Miskiinsanaa oo Diin yaraa ,,kaarrarka Gaalnimada aan idiin sheegee ula taga wadaad xumahsa aad Caabudaan oo wax kasta aad isaga Raacdaa:
    1_Xaakim kasta ee kitaabka Alle aan wax kuxukumin Waa Gaal

  6. waheliye_3 says:

    Kkkk kuwani Miskiinsanaa oo Diin yaraa ,,kaarrarka Gaalnimada aan idiin sheegee ula taga wadaad xumaha aad Caabudaan oo wax kasta aad isaga Raacdaa: 1_Xaakim kasta ee kitaabka Alle aan wax kuxukumin Waa Gaal
    2_Gaalo ugargaare, lasafte, Muslim uga hiilye .
    waa Gaalo.
    Dadka labadaas Qodob kudhacay Gaslnimo u diidayoow Adigu ha’isku Gaaloobin.
    ?????? ???????? ??? ???????? iyo ????? ???? ?? ???? ???? ninkii ka Ag baxa waa Gaal iska ogaada kuwa meeshan wax ku Qoroow, Diinka BARTA,nac nac wax ma tartee.

  7. cadnan says:

    Wadan an wadanyiin laheen waa guri an gabaad laheen!!!!wadan…wadani
    Wadan islaam an muslimiin laheeen waa guri aan gabad laheen….
    Wadanka wuxuu noqday sanam…wadaniyadana waa diin.
    Anigu wadani ma ihi ee islaaami ayaan ahay…wana ku faanayaa..

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno