Home » Wararka, Warbixinno » Warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Puntland, ayaa waxay wajeheysaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Puntland.

Xukuumadda hadda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole, ayaa ku doodeysa in waqtiga xukuumaddu uu yahay 5 sano, hal sanona u harsan yahay, waxayna dooddaas ku xoojineysaa in la ansixiyey Dartuurkii la qoray xiligii xukuumaddii hore, kaasoo qeexaya in waqtiga xukuumaddu ahaanayo 5 sano.

Dhinaca kale ee ka soo horjeeda xukuumadda, ayaa ku doodaya in waqtiga xukuumaddu yahay 4 sano, 7 da bisha 1-aad ee sanadka cusubna ay jiritaan beeleyso xukuumadda, loona baahan yahay in maalinta ku xigta la qabto doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Ma muuqato in doorasho Madaxweyne iyo kusigeenkiis ay dhaceyso, maxaa yeelay waxaa taas ka horreyn laheyd in baarlamaan cusub la sameeyo, kaasoo waqtigii la xuli lahaa la soo dhaafay, waaba haddii sidaasi xaalku ahaanayee.

Ku dhawaaqidda ururo siyaasadeed, ayaa soconaya, taasoo muujineysa in sanadka soo socda aan xukuumadda lagu haysanin, laakiin waxaa jirta baqdin laga qabo in 1 sano lagu qaban karo howsha ka dhiman, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin:-

1-Tira-koob lagu sameeyo dadweynaha

2-In la siiyo aqoonsiyo ay ku codeeyaan

3-In gobolada Puntland ka kooban tahay oo dhan ay doorashadu ka dhacdo

Siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumadda hadda jirta, ayaa ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, waxaana ugu tunweyn, Gen. C/laahi Siciid Samatar, iyo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii tan ka horreeyey, iyagoona xukuumadda Madaxweyne Faroole ku eedeynaya inay ka baxday wixii lagu balamay.

Waxaa jira odayaal nabadoono ah, kuwaasoo Garowe ku balansanaa, si ay xaaladda jirta uga hadlaan, balse maamulka ayaa arrintaas aad u diiddan, iyadoo odayaasha qaarna la xiray, kuwana loo diiday inay Garowe soo galaan, halka kuwa kalena loo sheegay inay faraha kala baxaan siyaasadda Puntland.

Ugu dambeyntii: waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhinacyada siyaasadda isku diiddan, kuwaasoo loogu sheegayo in dalka aan la gelinin qalalaase siyaasadeed, waxaana dhinacyada baaqa diraya ka mid ah Madaxweynihii hore Gen. Cadde Muuse Xirsi, oo Boosaaso ku soo laabtay, sheegayna in laga digtoonaado burburka Puntland.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

2 Responses

  1. cabdallah says:

    wallee tani mid meel loo wato ayey u egtahay kooxihii qaswadayaasha ahaana eedhiigga dadka u haliilayey middiyahooda ayay afeysanayaan cid ay naxariis ula laaban yihiinna ma jirto kaliya waxa ay ka faaiideystaanna waa meelaha qalalaasaha siyaasadeed ka dhaco, soomaali meesha kaliya ee aan weli laga qaxin waa puntland ee reer walbaayi sal muggii u fadhiyo, nabaddana nin aan nabad darida arag kama warqabo marka reer puntland maanta ayaa ay talo la gudboontahaye nabaddaas yeysan ku ciyaarin, qas iyo qalalaase iyo barakac iyo hoog iyo halaagna muqdisho iyo gobolada la deriska ha laga wareysto

  2. Dankuug says:

    Xeerka Puntland ee dowladdii Cadde Muuse qoritaankiisa bilowday, tan Faroolena lagu ansixiyey waa ku qoran tahay 5 sano haddii Alle laga baqayo. Waxa aad mooddaa in aysan dadku wax akhriyin ama aysan aqoon u lahayn waxa xeerku yahay. Dadkii shalay wax ka saxiixay in ay maanta ka soo horjeestaan waa badownimo iyo “Alloow haa iyo maya meel hanagaga wada yeersiin”.
     
    Kooxaha 5-ta sano diiddan waxa u furan in ay laba middood ku doodaan:
     
    1) In hirgelista qodobka 5-ta sano qeexaya ay ka bilaabanayso dowladda tan Faroole ku xigta; ama
    2) In qodobkaas la buriyey jiritaankiisa.
     
    Haddii ay kan hore ku doodaan, waxa laga rabaa in ay la yimaadaan qodobka qeexaya waqtiga uu hirgelayo qodobka 5-ta sano.
     
    Haddiise ay kan labaad ku doodaan, waxa iyadana laga rabaa in ay caddeeyaan qodobka burinaya.
     
    Maanta dhan in hadal la saarnaadaa ma fiicna.
     
    Xeerku waxa uu ka mid yahay waxyaalaha la isku gaado, haddii aad kolka hore oggolaatidna hadhoow ka noqosho ma leh oo waa lagaa gar helayaa mar walba. Dalalka horumaray qoftii garta laga helo waxa ay ku xukumaan in wixii kharash ahaa ee garqaadka ku baxay uu isagu bixiyo maadaama uu doodda isagu keenay.
     
    Kolkii la rabo in xeer la saxiixo waxa loo yeertaa qareen kuu akhriya oo ku fahamsiiya waxtarkiisa iyo hagardaamadiisa. Balse oday iyo habar walbaa dhahaan xeer baan ka hadlaynaa waa jaahilnimo.
     
    Runtii waxaa jira waxyaalo badan oo aanan Faroole ku taageerin, tusaale ahaan qaabkii uu uga hadlay doorashadii dowladda Federaalka. Haseyeeshee, waxa fiican in qofka aadanaha ah wixii fiican ee uu qabto ama laga dareemo in uu wado la xuso.
     
    Faroole waxa uu dadka Puntland dega u soo bandhigay fursad ku habboon in ay ka faa’iidaystaan. Halkii ay jagada madaxweyne ka ahayd meerto Maxamuud Saleebaan ka dhexeysa haddii uu beddelay oo yiri qof iyo codkiis iyo dimuqraadiyad halaga dhigo waxa ay ahayd in lagu taageero ee ma ahan in laga soo horjeesto.
     
    Taasi waxa ay dadka deegaanka siinaysaa fursad ay ku doortaan qofkii ay isleeyihiin waxqabad iyo sinnaan buu raadinayaa.
     
    Haseyeeshee, waxa muuqata in odayaasha isimida sheegtaa aysan taas oggolayn, waayo kaalintoodii baa meesha ka baxaysa. Isin wax dan ah oo uu horumarka iyo dimuqraadiyadda u hayaa ma jirtee waxa uu ka shaqeeyaa qabyaalad xumaan uu beeshiisa wax ugu raadinayo, dadka aysan isku beesha ahaynna uu ku fogaynayo ama ka sadbursanayo.
     
    Dhallinta iyo dadka aqoonyahanka ah waxa liidnimo ugu filan in ay talada aayahooda u daba istaagaan oday aan Faatixada sixi karin ama magaciisa qori aqoon oo loo qoro.
     
     
    __________________________

     
    F.G.: Dadka qaar baa ka xumaan doona in aan magacyo qabiil meeshan ku qoray. Dadkaasi waxa ay u qabaan magaca qabiilka oo la warbaahinta lagu qoraa in uu ceeb yahay, waxana taas dhaxalsiisay in Maxamed Siyaad Barre, intuu qori meel ku aasay, yiri ‘Qabiilkii halaas ayaa lagu aasay, ninkii magaciisa laga maqlaana waa denbiile.’ Arrintu sidaas ma ahane, iyadoo aan la caayeyn baa magaca qabiilka la sheegi karaa si looga hadlo arrin dhacday ama hadda socota. Waayo sooyaalku waxa uu ku socdaa magacyo, haddii magacyadii la qariyana sooyaal jiri mayo.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno