Home » Wararka, Warbixinno » Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beelaha Daarood ee Jubooyinka oo sii kala fogaanaya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beelaha Daarood ee Jubooyinka oo sii kala fogaanaya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud,  iyo beelaha Daarood, ee Jubooyinka ayaa  sii kala fogaanaya.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo dhawaan gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulamo la qaatay Madaxda dalka Kenya, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Madaxda Kenya ay isku maandhaafeen arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

Siyaasiyiin, odayaal iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Beesha Daarood ee Jubooyinka oo shir ku qabtay mid ka mid ah Hotelda xaafadda Islii, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu si buuxda u diiddan yahay qorshaha maamulka loogu sameynayo Jubooyinka, waxaana jirta in xitaa xildhibaano baarlamaanka ka mid ah oo shirkaas joogay ay sheegeen in Madaxweynuhu diiddan yahay Federaal, isla markaasna uu qorsheynayo in la laalo qodobada Dastuurka ee Federaalka.

Siyaasiyiinta iyo Odayadii kulanka fadhiyey qaarkood ayaa ku hanjabay inay dowladda ka baxayaan haddii Madaxweynuhu talaabadaas ku dhaqaaqo, waxaana hadaladii meesha laga sheegay ka mid ahaa: in Madaxweynuhu uu doonayo in gobol gobol maamul loogu sameeyo dalka, meeshana laga saaro maamul goboleedyada, waa sida hadalada madasha laga yiri qaarkood ahaayeene.

Khudbaddii uu Madaxweynuhu ka jeediyey shirkii uu la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida Kenya, ayuu ku sheegay in uusan diyaar aheyn sharci kala haga maamul goboleedyada iyo mid u dhexeeya iyaga iyo dowladda Federaalka, wuxuuna Madaxweynuhu carrabka ku dhajiyey in loo baahan yahay in waxaas oo dhan laga baaraan dego.

Ma muuqato wax isku soo dhawaansho ah oo Madaxweynaha iyo Daroodka Jubooyinka u dhexeeya, iyadoona sidoo kale ayan muuqanin qaabka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu isu fahmayaan una wada shaqeynayaan.

Ugu dambeyntii: waxaa shaki badan laga qabaa qaabka Soomaaliya oo dhan hal dowlad u wada hoos imaaneyso, iyadoona Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay dalka intiisa kale ka go’day, Puntland iyo dowladda ayan wax wada shaqeyn ah ka dhexeynin, Jubooyinka uu buuq ka taagan yahay, deegaanada qaar badan ay Shabaab ka taliso, halka dadyow matalada dhinacyadaas ay baarlamaanka ku wada jiraan, marka laga reebo Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

14 Responses

  1. wadaad yare says:

    Somalireal waxey qortey sidan:

    “Ugu dambeyntii: waxaa shaki badan laga qabaa qaabka Soomaaliya oo dhan hal dowlad u wada hoos imaaneyso, iyadoona Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay dalka intiisa kale ka go’day, Puntland iyo dowladda ayan wax wada shaqeyn ah ka dhexeynin, Jubooyinka uu buuq ka taagan yahay, deegaanada qaar badan ay Shabaab ka taliso, halka dadyow matalada dhinacyadaas ay baarlamaanka ku wada jiraan, marka laga reebo Al-Shabaab”

    Warkaasi waa war aadnan been ku sheegin oo ah xaqiiqada xanuunka leh oo meesha taalla. Aniga madaxweynuhu wuu igula saxanyahey inuu diido in maamul goboleedyo la mid ah Kurdistaanta Ciraaq oo kale laga sameeyo dalka intii hore u sameysantey mooyee in kale.

    Kuwii hore u sameysmey waa Puntland iyo Somaliland oo xal u heliddoodu u baahantahey in waqti dheer iyo juhdi badan lagu bixiyo,aysanna caddeyn sidey dib ugu soo noqon karaan iney hoos yimaadaan dowladda dhexe.

    Inta soo hartey waa iney dowladdu isku deydo iney gacanteeda soo geliso, maadaama ciidammada shisheeye ee qabtey dhulkaas ay ku joogaan mandate ah iney caawiyaan dowladda.

    Mushkiladdu federaal ma ahan, laakiin waa wax magacana federaal ka ah xaqiiqdana goosasho ama buffer zone dowlad ajnebi ka ah, waana taas midda qasbeysa inaan maamullada la oggolaan in la dhidbo iyadoon sharciyadii kala hagi lahaa la sameyn.

  2. maxamuud badhaadhe says:

    soomaali mushkiladda haysata ayaa waxay tahay inay iskala laabkacdo wax aysan cilmi iyo ogaal u lahayn oo aysan salkiisa iyo baarkiisa iyo mustaqbal waxa uu ku dambeyn aysan ka warqabin, dawladdii soomaaliyeed ee dhexe ayaa la ridey iyadoo xataa kooxihii dagaalamayey ee mucaaradka sheeganayey aysan hayn qorshe rasmi ah oo ay ku mideysan yihiin oo miiska yaalla uusan jirin, kooxahaas oo sidaan la soconno ku dhisnaa qabiil USC SNM SPM, maalinkii siyaad barre muqdisho ka baxeyna iyagii ayaa qoryaha isku soo jeediyey illaa wixii la ogaa ee maanta soomaali 5ta qaaradood u kala tuuray uu dhacay dalkii soomaaliyeedna uu noqday meel xataa caalamku ku hardamayo.

    Hadaba shacabkii soomaaliyeed oo aad moodo in hogaanka ay u hayaan dharw siyaasi oo danaystayaal ah iyo odayaal maqaar saar ah oo maalinba dhinac loogu guuro danahana lagu fushado ayaad mooddaa inay haddana soomaali haadaan kale ka tuurayaan oo wax aysan nidaam ahaan garaneyn waxa uu ku dambeyn doono iyo qaabka uu u shaqeynayo ay ku dhegen yihiin kaasoo ah MAAMUL-GOBOLEED , aan isweydiinee dadku wuxuu qiimo ku leeyahay in caqliga uu ka shaqeysiiyee nidaamkaan maamul-goboleedka ee lagu celcelinayo dawladdii dhanneyd ee uu hoostegayeyba hadaaney weli dejin qaabkii lagu kala hagi lahaa sidee looga shaqeysiin, wallaahi anigu markii hore waxaan la yaabanaa m/weynaha oo aan lahaa muxuu xilligaan quraanjada isugu kicinayaa oo isugu muujinayaa nin kasoo horjeeda maamulgoboleedyada iyo waxay dadkaan ku heshiin karaane, laakiin waxaan qancey oo aan wax garawsadey markii aan dhegeystey wareysigii tafatirraa ee uu bixiyey ee ku sharxayey qaababka laysu waafajin karo maamulgoboleedyada lagu wardinayo iyo dawladii taasoo u baahan in uu baarlamaanka imika joogaayi dejiyo.

    Qaabka noocaan ah ee wax uun laysaga dhego iyadoon cawaaqibkeeda la eeginna waa middii soomaali halkaan dhigtey,waana mid kale oo sababi karta in soomaali marka dambe ay gaadho in reer walbaayi uu yiraahdo m/goboleed baanu sameysanaynaa , waxaana shaki weyn ku gelinaya markaad aragto dawladihii afrikaanka ahaa ee dawladdaan kaalmeyneynaa lahaa oo u kala baratamaya maamul u sameynta gobolada dalka yaase u dirsadey arrimahaas hadii meesha aysan wax ku jirin, bal maxaa kenya ka galey maamul u sameynta jubbooyinka maxaase itoobiya ka galay baay iyo bakool oo ay isugu xiijinayaan maamul u sameyntooda …waa shey cajiib ah, waa khidad kale oo markii soomaali ka badbaadiyey in qaaradaha aduunka laga saaro ka dib 20 sano oo qalalaase ah ayaa haddana tan lagu deyayaa si aanu qalalaasahaasi abid u dhamaan, shacabkii soomaaliyeedna ay buunka hadba meel looga tumo ay u yaacayaan .

    waa run waxa wadna qabadka ah maanta waxa weeye in xataa maamulada hore u sameysnaa ee aan goosasho sheeganin sida puntland ay muuqato inaanay wax xiriir ah la lahayn dawladaan ay baarlamaankeeda uga jiraan ragga ay iyadu soo dirsatey, marka timirtii horaaba dab loo waayaye ma tu dambaa maaro loo helayaa…anigu waa ku waafaqsanahay m/weynaha fikirkiisa walow markii hore uu ila gurracnaa aniga oo ka walwalqabey in m/weynaha aanu dawladaan curdanka ah uusan durba turunturro u yeelin.

  3. asad yare says:

    Maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka qaabka ay u wada shaqaynayaan wuxu ku cadyahay dastuurka cusub ee ka dhashay roadmapkii, mushkiladu maaha maamul goboleed iyo wada shaqayn ee mushkiladu waa arrin qabiil iyo qabyaalada ku salaysan xasan.sheekh odayaasha hawiye ayaa dabada ka riixaya oo leh waa in aan maamulka jubaland awood qaybsi ku yeelanaa hadii kale hor istaag, xaqiiqadu waa sidaas qofka aan dafirayn midda kale Xasan Sheekh hadduu xiniinyo is bidayo iyo in uu Somali oo dhan m.weyne u yahay waa in uu isku aragti ka yeeshaa maamulada jira ama samaysmaya waayo macquul ma noqonayso in uu jubaland hor istaago Somalilandna doorashada xaaraanta iyo boobka ku dhisan ugu hambalyeeyo taasi maaha mid suuroobaysa.
    ugu dambayntii Somali waa la ogyahay cudurkeeda laakiin daawadiisa lama rabo aan.wada qalano mindiyahana kala qarsano ma suuroobayso ma soconayso in uu xasan sheekh maamulada Irirka socodsiiyo oo say rabaan u yeelo kuwa daaroodna hor istaago Impossible…

  4. wadaad yare says:

    Maxamuud Badhaadhe

    Walaal waad mahadsantahey sida garowshiinyaha leh eed u qeexdey waxa meesha yaalla. Qofka haddduu galo dareen qabyaaladeed wuxuu ku kicinayaa dhiig iyo waswaas aan u saamaxeyn inuu si maangal ah u fakaro. Waxa cadowga soomaaliyeed nooga faa,iideysanayana waa boogtaas jilicsan oon leennahey.

    Asad Yare

    Waxaad tiri: “Maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka qaabka ay u wada shaqaynayaan wuxu ku cadyahay dastuurka cusub ee ka dhashay roadmapkii”!

    Oo hadduu ku cadyahey may ku wada shaqeeyaan Puntland iyo dowladdu?

    Bal noo sheeg hadduu ku cadyahey qodobbada dastuurkaa oo qeexaya:

    1. Sida loo maamulayo dhaqaalaha kasoo xarooda dekedaha iyo air portiyada?
    2. Inta maamul goboleed ee dalku leeyahey iyo xudduudahooda.
    3. Waxa laga yeelayo kheyraadka dalka sida shidaalka haddii meel laga helo iyo ay u wadaagayaan dowladda dhexe, tan maamul goboleedka iyo tan degmada laga heley?

    Tan kale oo ugu muhimsan

    Waxaa weeye yaa dhisaya maamul goboleedka haddeysan dowladda dhexe dhisin iyadoo la kaashaneysa dadka deggan degaanka?

    Haddaan dowladdu hor kicin oo isku soo uruurin oo is waafajin dadka degaanka oo ugu danbeysna kii dhib wada u qaban yaa kaloo kaalintaas sameynaya ma qabaa,ilkaa la isku fasaxayaa? Mise qabqable maleeshiyo beeshiisaa wata ayaa kaalintaas buuxin kara?

    Aqligu ha shaqeeyo

  5. asad yare says:

    @ wadaadyare

    walal saan ognahay Somali qabiil iyo qabyaalad bay isu dishay sida keliya ee lagaga bixi karo waa in waxa weeye in dowladdu ay isku si ula macaamisho maamulada jira kuma lihi maamulada dadka degaanku ha dhisteen dowladdu ha usoo dhistana kuma lihi runtu waxay tahay anigu jeclahay kuna qanacsanahay in federaal iyo 4.5 oo dhan la tirtiro oo somali iyo walaltinimo iyo wadaniyad xeerinaya wax wada dhistaan oo kuwa 4 lagu sheegay iyo kuwa. 0.5 lagu sheegayba xilalka u wada simanyihiin.
    Laakiin mushkilada jirtaa waxaa weeye madaxweynuhu isagii baa qabiilaysi iyo qabyaalad horboodaya sida kuwii KMG ee ka horeeyey taasina maaha wax qarsoon qofkii indhaha iska tuuraya mooyee waayo tusaale Somaliland waa dhul somaliyeed maamul baa ka jira Puntland waa dhul somaliyeed maamul baa ka jira Jubbaland hadday rabtaa in ay maamul noqoto maxay ku dhacday in uu Somaliland oo leh somali baan ka go’nay oo hadh iyo habeen la taagan uu u marxabeeyo oo u hambalyeeyo in ay doorasho xaq ahi ka dhacday inagoo og dulmiga uu maamulkaasi gobolada sool iyo sanaag ka wado iyo sidoo kale uu hadda dulmigii hargaysa gaadhay oo mudaharaadadu ka socdaan dhanka kale sidee buu isaga indho tirikaraa doonista dadka jubooyinka ee ah in ay samaystaan maamul sida ay somaliland iyo puntlandba u samaysteen taasi sidee bay suurogal u tahay.
    haddii uu cid soo dhoweynayo saw maaha in uu kuwan somalinimada ogol soo dhoweeyo oo uysan ku kalifin in ay cadowgii somaliyeed oo hadh iyo habeenba somalida xasuuqaya u gacnan galaan? ? dabcan haa wuu samaynkaraa hadduu maskax adeegsado laakiin middi middi ku taag iyo awood aan jirin adeegso waxba tari mayso…. Mahadsanid

  6. wadaad yare says:

    Asad Yare

    Su,aalahaan ku weydiiyey kama aadan jawaabin. Madaxweynuhu qodobbo cad ayuu sheegey oo qaarkood aan su,aalaha ku xusey. Labada maamul ood sheegtey ee Somaliland waa xaqiiqo sameysantey dowladda kahor,waana arrin xallinteedu u taallo maammulladaas iyo dowladda. Mana ahan arrintoodu arrin laga gaarey xal kama danbeys ah oo sidiisa loogu dhaqmi karo. Maamulka Somaliland waa maamul si cad gooni isku taag ugu dhawaaqey. Laakiin kan Puntland wuxuu la mid yahey wadciga Kurdistaanta Ciraaq oo kale oo magac ahaanna ka tirsan dowladda Ciraaq,laakiin xaqiiqo ahaan ah dal gooniya. Sidii labo dal ayey Kurdistaan iyo dowladda Baqdaad ugu sigtaan iney isku dhacaan oo ciidammadooda ayey is hor tubaan oo ku sigtaan iney isku dhacaan.

    Wadci kaas la mid ah hadduu hore fowdadii uga sameysmey meelo dalka ka mid ah ma ahan in dowladdu aqbasho wadciyo kale oo la mid ah haddey kari karo iney hor istaagto.

  7. asad yare says:

    Wadaad Yare

    Su’aal kasta in aan jawaabteeda kuu faahfaahiyo muhiim maaha, adigu waxaad u hadlaysaa sidii in Somalia aysan dhibaato ka dhicin oo 20kii sano ay dowlad ahayd oo hadda arrintan Kenya iyo jubbaland uun ay tahay mushkilada keliya ee jirta.
    Sxb markii cudurka la garto ayaa daawayntiisa la gartaa oo ay fududahay anigu waxan ku leeyahay cudurkii in xaqiiqdiisa la ogaado iyo waxa ay doodu ku salaysantahay ayaa muhiim ah haddii taas la ogaado way fududahahay xalintu.
    Adigu hadda waxa aad ka hadlayso waa uun daawadii cudurka ee weli maad garan ama waad iska indho tiraysaa in aad ogaato meesha sartu ka quruntay.
    waxad dhahday markad ka hadlaysay Somaliland (waa xaqiiqo samaysantay dowladda ka hor)
    sxb waa in aad ogaataa in sidaas oo kale jubbaland ay tahay xaqiiqo iyo doonis ay dadka degaankas soo bilaabeen dowladda ka hor welina sidii u socota.
    xaqiiqada in lagu soo dhowaado ayaa fiican.

  8. wadaad yare says:

    Asad Yare

    Haddii dhib hore u dhacey jawaabteedu ma ahan inaan kala go,no dhab ahaan, haddana aannan kala go,ine magac ahaan u wada joogno. Waa inaan hal dowlad ahaanno oo hal meel looga taliyo,haddii kale aan kala tagno. Wixii ka dhaxeeya waa in ummadda beer miino ah iney ku dhex noolaadaan lagu qasbo!

    Midda ah iney Jubbaland dooneyso iney noqoto sida Puntland oo kale waa dhici kartaa,laakiin waa ciyaar aan weli final aheyn ee aan sugno.

  9. asad yare says:

    Okey, hala sugo bal meeshay ka dhacdo iyo sida uu Xasan Gurguurte uga dabaasho

  10. Mire says:

    Maxamuud badhaadhe & Wadaad yare,

    Somalia waxaa ka dhacay dagaal rayid (“sokeeye”) oo sababay soomaalinimadi in ay dhimato. Soomaalinimadi marki ay dhimatay, waxaa dhacday in la is’aamini waayo oo lala mid noqdo dad aan isku dal aheyn, laguna guul dareysto in la heshiiyo si loo helo sharci & kala dambeyn. Dhibaatadaas marki ay dhacday waxaa dhalatay su’aasha ah, maxaa xal ah? jawaabti waxey noqotay federalism maa’damaa nidaamkan uu yahay nidaamka kaliya ee suural galin kara in ay isku dal ahaadaan dad ay is’aaminaad u dhaxeyn. Is’aaminaad la’aan waa is’aaminaad la’aan! Ha u dhaxeyso dad wadaaga diin, af iyo midab sida dadka Somalia ama dad aan intaasba wadaagin. Waxaana keena kala duwanaasho. Kala duwanaashaha u keenay Somalia is’aaminaad la’aanta, ma aha mid ku yimid diin, af iyo midab, ee waa mid ku yimid aaminaad. Dadka Somalia waxey aaminsan yihiin ineysan isku dad aheyn, waana sababti keentay marki ay isdileen, in ay isku dilaan isir ahaan laakiin aysan isku dilin hunguri iyo xukun sidi ka dhex dhacday jilibyada (qabiilada jilibyadooda) oo isku dilay xukun & hunguri. Marka, federalism haddii uu noqday lagama maarmaan, idinkana (Muqdisho) aad diidan tihiin maa’daamaa aad aamin santihiin iney idiin faa’iido badan tahay inaan la qaadan nidaamkan, ka warama haddiiba lakala tago oo meeshaba laga dhigo Yugoslavia cusub ileen lama helayo nidaam kale oo xal noqon karee?. Waxey ila tahay iney sidaas ku dambeyn doonto ee darisnimo wanaagsan!

  11. Mire says:

    Maxamuud badhaadhe & Wadaad yare,

    Somalia waxaa ka dhacay dagaal rayid (“sokeeye”) oo sababay soomaalinimadi in ay dhimato. Soomaalinimadi marki ay dhimatay, waxaa dhacday in la is’aamini waayo oo lala mid noqdo dad aan isku dal aheyn, laguna guul dareysto in la heshiiyo si loo helo sharci & kala dambeyn. Dhibaatadaas marki ay dhacday waxaa dhalatay su’aasha ah, maxaa xal ah? jawaabti waxey noqotay federalism maa’damaa nidaamkan uu yahay nidaamka kaliya ee suura galin kara in ay isku dal ahaadaan dad ay dhaxeyn is’aaminaad. Is’aaminaad la’aan waa is’aaminaad la’aan! Ha u dhaxeyso dad wadaaga diin, af iyo midab sida dadka Somalia ama dad aan intaasba wadaagin. Waxaana keena kala duwanaasho. Kala duwanaashaha u keenay Somalia is’aaminaad la’aanta, ma aha mid ku yimid diin, af ama midab, ee waa mid ku yimid aaminaad. Dadka Somalia waxey aaminsan yihiin ineysan isku dad aheyn, waana sababti keentay marki ay isdileen in ay isku dilaan isir ahaan laakiin aysan isku dilin xukun iyo hunguri sidi ka dhex dhacday jilibyada (qabiilada jilibyadooda) oo isku dilay xukun & hunguri. Marka, federalism haddii uu noqday lagama maarmaan, idinkana (Muqdisho) aad diidan tihiin maa’damaa aad aaminsan tihiin iney idiin faa’iido badan tahay inaan la qaadan nidaamkan, ka warama haddiiba lakala tago oo meeshaba laga dhigo Yugoslavia cusub ileen lama helayo nidaam kale oo xal noqon karee?. Waxey ila tahay iney sidaas ku dambeyn doonto haddiidan gar qaadan ee darisnimo wanaagsan!
    P.S. xanuun baa ku dhacay Somalia, dawadiisa waxey noqotay federalism sidaas darteed waa in marka hore la sameeyo dawada (federalism) dabadeedna la iska wareysto sida ugu haboon ee loo isticmaali karo. ninka aan sidaas rabin waa nin ujeeddo kale leh.

  12. wadaad yare says:

    Mire
    Haddii federaal la qaadanayo waxey u baahantahey in xeerar iyo sharciyo lagu saleeyo
    qeexaya sida ay iskula shaqeynayaan dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada nafsaddooda iyo xudduudahooda iwm.

    Laakiin in beel kastaa inta is abaabusho ay ku dhawaaqdo iney meegaaratey intaasoo gobol iyadoo haddey doontana ay saacidayaan dalal shisheeye ma ahan wax sharci ahe waa wax la mid ah dagaalladii 90 shanaadkii oo weji kale leh.

    Maxaad ku diiddantahey adigu in la marka hore baarlamaanku sameeyo sharciyadii federaalka intaan federaal la sameyn?

    Dad xanaaqsan oo frustrated ah oo aan cilmi iyo gar midna ku doodeyn ayaan u arkaa dadka hadda leh gobollo ayaan si unilateral(hal dhinac) ah u meegaaraneynaa,kamana jawaabeyno su,aalaha gartaa oo madaxweynuhu miiska soo saarey oo laga xusi karo:

    1. Sidee loo wadaagayaa revenue ga kasoo xarooda dekedaha iyo airportiyada oo ah hanti ay leedahey dowladda dhexe sida ku qoran dastuurka?

    2. Sidee loo wadaagayaa kheyraadka gobol kasta kasoo baxa maxeyse leedahey dowladda dhexe muxuuse leeyahey maamul goboleedku?

    Maxaa la wada leeyahey maxaase la kala leeyahey sideese loo wada shaqeynayaa?

    Jawaab looma hayo ee waxaa loo hanqal taagayaa in maamullo de facto ah oo iskood u taagan oo aysan jirin xarig ku xiraya dowladda dhexe la sameeyo.

    Way dhici kartaa iney sameysmaan oo iyagoo kaalmo ka helaya dalalka deriskaa ay sidaas noqoto,laakiin ma ahan wax adigoo khiyaar leh ay tahey inaad aqbasho haddaad dowlad madax ka tahey. Sababtoo ah dhibka ay xallineyso midka ay keeneyso ayaa ka badan.

    Marka maaba si toos ah looga wada hadlo aan dhulka kala googoosanno ee noo qeybiya inta qunbulad waqti ku qarxeysa la dhigayo?

    Mire marka haku soo cel celinnina kalsoonidii ayaa baxdeye xal hal dal lagu wada ahaan karo oo sharciyo shaqeyn kara leh keena haddii kale federaalk sharciyo lagu wada shaqeeyo leh oggolaada.

  13. Mire says:

    Wadaad yare,
    su’aalaha aad adeegsatay waa su’aalo dhalanaya marka lagu heshiiyo federalism. Sidaan horey kuugu sheegay, xanuunka haya Somalia waxaa dawo u ah nidaam federaal, sidaas darteed su’aalaha aad qiilka ka dhiganeysaan ma aha caqli gal iney soo hormaraan. waxba waxbaa ka horeeya! Marka, waxaa ila quman sida aad ka dhawaajisay, in la kala tago sababta oo ah waxey ka dhexeyneysaa kalatag ama federalism. Halaga faa’iideysto waqtiga!
    P.S. ninki reer banaadirka ahaa ee doonay naagta wuxuu yiri marki uu gartay in si dadban loogu diidayo naagta…’ma isku raacnay arooska muddada noo magacaaw, ma isku raacin miyaa macsalaama’.
    riwaayad from sideetanadi

  14. wadaad yare says:

    Mire
    Kolley aniga iyo adiga kala tagga iyo wada jooggu naguma xirnee annagu arrinta waan ka wada doodeynaa. Hal qof oo kaligiis arrintaas go,aan uga gaari karana ma jiree waa wax ku xiran dad faro badan, duruuf gudaha iyo dibeddaba ku xiran iwm.

    Marka waan sugeynaa sidey wax noqdaan.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno