Home » Wararka, Warbixinno » Warbixin ku saabsan nolosha iyo halka ay mareyso xaaladda Soomaalida ku nool xaafadda Islii.

Warbixin ku saabsan nolosha iyo halka ay mareyso xaaladda Soomaalida ku nool xaafadda Islii.

Xaafadda Islii ee Soomaalida dalka Kenya ku nool ugu badan yihiin, ayaa dadka ku nool xaaladdoodu ka sii dareysaa marba marka ka dambeysa.

Muqddo bil ka badan, ayaa waxaa xaafadda Islii ku sugan ciidamo badan oo kala duwan, kuwaasoo qaarkood ay gawaari ku joogaan, halka qaar kalena ay lugeynayaan. guryaha iyo hoteladana ay galaan, dadkana waxay u soo qabqabtaan koox koox, ciddii ay lacag ka helaan waa sii daayaan, lacagta ay qaadanayaanna ma ahan mid yar ayna awoodaan dadka danyarta ah ee Soomaalidu u badan tahay.

Saldhigyada waxaa ka buuxa dad badan, kuwaasoo qaar lagu xukumay in xeryaha qoxootiga la geeyo. waxaa jira dad badan oo haysta warqado aqoonsi ah oo dowladda Kenya siisay, kuwaasoo loogu ogolaa inay magaalooyinka ku joogaan, laakiin hadda ciidanku wax tix-gelin ah ma siinayaan dadkaas.

Meheradaha ganacsiga gaar ahaan meelaha Shaaha laga cabbo ayaa qarka u saaran inay xirmaan, maxaa yeelay cid ku dhacda inay fariisato majirto, dad badanna iyagoo fadhiya oo meheradaha wax ka gadanaya ayaa la qabtay, lana xiray. dadka wixii ku badbaadi kara guryaha kama soo baxaan, walow mar mar ay dhacdo in askari xaafadaha ugu soo gasho, kana qaadato wixii ay ka heli karaan, xitaa waxaa jira guryo laga qaatay Kumbuutarro iyo alaabo kale, iyadoo cid wax ka dhihi kartana ayan jirin.

Dad badan ayaa xaafadda Islii isaga tagay. kuwo waxay aadeen dalka Uganda, kuwa kale xeryaha qoxootiga, waxaana jirta in dad badan ay u socdaaleen Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxaa sidoo kale dhacday in dad badan oo xeryaha iyo Soomaaliya u socday la celiyey, iyadoona la weydiiyey sharcigii ay magaalooyinka ku joogeen, qaar lacag laga qaatay qaarna gaadiidkii ay la socdeen lagala haray.

Waxaa jirta rajo yar oo ay dadku qabaan taasoo ah: in marka ciidaha  Kirishtaanku dhamaadaan xaalku si caadi ah laga yaabo inuu ku soo laabto, waxaana ay arrinta hadda jirta u aaneynayaan mid ciidanku ku doonayaan dhaqaale ay ku ciidaan, balse wax la hubo maaha in sidaas arrintu isu beddeli doonto.

Ugu dambeyntii: maadaama dadku ay aad ugu badan yihiin xaafadda, isla markaasna ciidanku ayan guri walba gali karin qof walbana qaban karin, ayaa waxaa jirta in dad badan oo Soomaali ah ay ka badbaadeen dhibaatadaas, walow dadku ka siman yahay cabsida iyo welwelka.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno