Home » Wararka, Warbixinno » Warbixin ku saabsan siyaasadda Puntland ee xiligan.

Warbixin ku saabsan siyaasadda Puntland ee xiligan.

Puntland, ayaa waxay wajeheysaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddada halka sano ah ee xukuumadda Puntland ay sii jireyso.

Xukuumadda hadda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole, ayaa ku doodeysa in waqtiga xukuumaddu uu yahay 5 sano, hal sanona u harsan yahay, taasoo ka bilaabaneysay shalay oo ku beegneyd 8 Janaayo oo ku beegneyd maalintii la doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa 4 sano ka hor, waxayna dooddaas ku xoojineysaa in la ansixiyey Dartuurkii la qoray xiligii xukuumaddii hore, kaasoo qeexaya in waqtiga xukuumaddu ahaanayo 5 sano.

Dhinaca kale ee ka soo horjeeda xukuumadda, ayaa ku doodaya in waqtiga xukuumaddu uu ahaa  4 sano, shalay  wixii ka dambeeyeyna ayan Puntland ka jirin xukuumad sharci ah, maadaama waqtigii 4 sano aheyd ay dhammaatay, sida ay ku doodayaan.

Shalay oo 8 bisha aheyd, ayaa waxaa Boosaaso lagu qabtay xaflad balaaran oo loogu dabaal dagayey 4 tii sano ee xukuumadda Puntland talada haysay, isla markaasna lagu soo bandhigay waxqabadkii dowladda, waxaana sidoo kale lagu shaaciyey howlaha horyaala muddada sanadka ah ee shalay ka bilaabatay ee xukuumadda u harsan, sida ay ku doodeyso.

Ururo   siyaasadeed oo lix gaaraya ayaa ilaa iyo hadda isu diiwaan geliyey ka qeyb galka hanaanka xisbiyada badan, kuwaasoo uu ku jiro ururka Horseed ee xukuumadda, iyadoona la soo afmeeray is diiwaan gelinta, laakiin waxaa jirta baqdin laga qabo in hal  sano lagu qaban karo howsha ka dhiman, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin:-

1-Tira-koob lagu sameeyo dadweynaha

2-In la siiyo aqoonsiyo ay ku codeeyaan

3-In gobolada Puntland ka kooban tahay oo dhan ay doorashadu ka dhacdo

Siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumadda hadda jirta, ayaa ku kala sugan magaalooyinka Qardho  iyo Gaalkacyo, waxaana ugu tunweyn, Gen. C/laahi Siciid Samatar, iyo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii tan ka horreeyey, iyagoona xukuumadda Madaxweyne Faroole ku eedeynaya inay ka baxday wixii lagu balamay.

Ugu dambeyntii: waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhinacyada siyaasadda isku diiddan, kuwaasoo loogu sheegayo in dalka aan la gelinin qalalaase siyaasadeed, waxaana dhinacyada dadaalka ugu jira isku soo jiididda dhinacyada iska soo horjeeda  ka mid ah Madaxweynihii hore Gen. Cadde Muuse Xirsi.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno