Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shible, ayaa Muxaadaro uu uga hadlayo ka qeyb galka golayaasha dowladaha ka bilaabay Masaajidka Hidaaya.
Sh. Shible, ayaa ugu horreyn sheegay in muxaadaradu socon doonto saddex maalmood oo maanta ka bilaabatay, wuxuuna sheegay in inuu ka hadlidda mowduucaan u doortay arrimo ay ka mid yihiin:-
1- In waayadan dambe ay jiraan dad masaa’ishan dadka ku gaaleysiiya, dhiig iyo maalna ku banneysta.
2- In ay mas’aladu tahay mid maanta muslimiinta haysata oo in laga hadlo mudan.
Qeybtii hore ee Muxaadarada Sheekha hoos ka dhageyso
Sh. Shible, ayaa qeybta labaad uga hadlay sida shareecada Islaamka ay salka ugu leedahay in maslaxadda dadka loo gali karo dowlado aan shareeco ku dhaqmeyn, iyadoo hadafku yahay in umadda loogu adeego, dhibkana looga yareeyo haddii aan laga wada dul qaadi karin.
Sheekha, ayaa waxa uu keenay qisadii Nabi Yuusuf, isagoona sidoo kale soo guuriyey waxa ay culimadu ka yiraahdeen qisadaas oo ku saabsan in Nabi Yuusuf uu xil ka qabtay dowlad gaalo ah, isla markaasna codsaday in xilkaas loo dhiibo sida qur’aanka kariimka ah ku taalla.
Daliilka labaad ee uu Sheekhu soo qaatay ayaa ahaa, qaacidada masaalixda iyo mafaasidda, wuxuuna Sheekhu soo uruuriyey sida culimadu u sharraxeen qaaciidadaas, isagoona ku soo uruuriyey in wixii dan ugu jirto umadda, ama dhib haysta looga fududeynayo in loo sameyn karo, golayaasha dowladaha jirana looga mid noqon karayo.
Intaas kaddib, ayaa Sheekhu wuxuu ka hadlay, wadaaddada masaa’shaas dadka ku gaaleysiiyey, isagoona ka soo qaatay shan wadaad oo kala ah:
1-Shugri Mustafa
2-Sayid Imaam Shariif
3-Abuu Qataada
4- Abuu Mundir Al-Shinqidi
5-Sheekh Xassaan Xuseen Aadan
Hoos ka dhageyso qeybta labaad ee Muxaadarada Sheekha.
Hoos Ka Daawo Muxaadarada 3aad ee galitaanka golayaasha dowladaha Sheekh Maxamuud Shible
Yaasiin Cabdi Ahmed
Somalireal.com/Halgan.net

maxaadarada qaybta 3aad oo mp3 ah soo geliya fadlan