Home » Wararka » Dib u eegis kooban buugga Xusuus qor Saciid Cismaan Keenadiid W/Q Saciid Cali Shire

Dib u eegis kooban buugga Xusuus qor Saciid Cismaan Keenadiid W/Q Saciid Cali Shire

ShireBuugga ‘Xusuusqor’ ee Saciid Cismaan Keenadiid, Eebbe (sw) ha u naxariistee, ogaantay, waa buuggii u horreeyey ee si tafatiran u soo ururiyey una soo bandhigay dhacdooyinkii hareeyey guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, muddadii u dhexeysay Diseembar 1990 – Juun 1994-tii. Dhacdooyinka buuggu xambaarsan yahay, shar iyo kheyr, ma aha ku tiri ku teen iyo war suuqa laga ururiyey ee waa dhacdooyin qoraagu ama dhegihiisa ku maqlay, ama indhihiisa ku arkay.

Qoraagu, inta uusan dhex muquuran dhacdooyinkaas murugada badan, malaha isagoo ogsoon in buugga la daabici doono, seben, dadkii qarannimo iyo qiimeheed ogaa ama xusuus-guur ku dhacay ama ay aakhiro u jihaysteen ayuu buugga af-bilow uga dhigayaa oraahyo jiilka maanta nool iyo kuwa mustaqbalka ku abtirsan doona Jamhuuriyaddii Soomaaliya u iftiimiya sidii berisamaadkii la ahaan jirey. Wuxuu sidoo kale, qoraagu, buugga ku soo af-meerayaa muuqaal ujeeddadiisu, aniga fahankayga, ku biyo shubanayso in uu qalbigeenna ka dhaqo caloolxumada iyo uur ku taallooyinka buuggu xambaarsan yahay. Waa qoraal kooban oo muuqaal ka bixinayo gobonnimaddoonkii degaammada Shabeellada Dhexe.

 W/Q: Saciid Cali Shire.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno