Home » Wararka » Soomaalida xaafadda Islii oo ka reysatay askartii dhibaatada ku haysay.

Soomaalida xaafadda Islii oo ka reysatay askartii dhibaatada ku haysay.

islii1-300x2111Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa maalmahan dambe ka reystay askartii dhibaatada ba’an ku haysay.

Muddo gaareysa bil iyo bar ayaa dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxay ku sugnaayeen xaalad aad u adag, kaddib markii askar badan oo ciidanka Kenya ka tirsan ay soo buux dhaafiyeen xaafadda, kuwaasoo xadgubyo aan la soo koobi karin ku hayey dadka iyo hantidooda.

Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa dadka reer Islii ay dareemeen nafis badan, iyadoona xiligaan ay soo laabteen dhaqdhaaqii dadka iyo xitaa caweyntii habeenkii, taasoo bishii 12aad ee sanadkii hore iyo bilowga bishii dhamaatay aan lagu dhicin.

Dadka ayaa hadda sidoodii hore ku soo laabanaya, iyadoona dariiqyada ay dadkii sidoodii u marayaan, meheradahana sidoodii u shaqeynayaan, lana fariisanayo, guryo la galana warkoodba daa, waxaana jirta in dadku ay ku faraxsan yihiin sida looga qabtay askartii hororka aheyd ee boobkooda u soo labistay.

Ku dhawaad laba bil ayaa aad loo dhibaateeyey Soomaalida xaafadda Islii, iyadoona dad badan ay u adkeysan waayeen, ka dibna ay aadeen Soomaaliya iyo magaalooyin kale oo dalka Kenya ka mid ah.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno