Home » Wararka » Qaar ka mid ah Talefishinada Soomaalida oo doodo laga sii daayo ay hurinayaan dagaallo sokeeye.

Qaar ka mid ah Talefishinada Soomaalida oo doodo laga sii daayo ay hurinayaan dagaallo sokeeye.

tvQaar ka mid ah Talefishinada Soomaalida,  ayaa dhawaanahan doodo laga sii deynayey waxay dadka dib u xusuusinayeen colaadihii sokeeye ee sagaashamaadkii rogay dalka.

Barnaamijyada ay Talefishinadan doodaha ugu qabanayaan dadka qaarkood, ayaa ah kuwo aan lala gabbaneynin dib u soo nooleynta colaadihii dalka burburiyey, waxaana qaarkood si cad banaanka loogu soo dhigaa dagaaladii Soomaalida dhex maray.

Doodahan oo hadda dad badan xiiseeyaan, ayaa sabab u noqon kara in dad badan ay  colaado qabiil huriyaan, iyadoona mararka qaarkood sida loo doodo ay ka mid tahay, iyadoo la isu hanjabayo, laguna faanayo dhibkii dhex maray dadka Soomaaliyeed.

Inta badan doodahaas waxaa loo qabtaa dad caaddifad badan oo aad isaga soo horjeeda, iyadoona qaabka taleefishinadaas wax ku wadaan ay u muuqato mid dadka dib loogu celinayo waxyaabo ay ka soo gudbeen.

Xiligan la joogo dadka Soomaaliyeed ma xamili karaan colaad hor leh oo ka dhex tolata, taasoo sida muuqata ifafaalaheeda la arkayo, waxaana meelaha ugu daran ka mid ah dalalka dibadda ee Soomaalidu u qaxday, markii dalkooda ay burburiyeen.

In l;a wada hadlo oo la doodo ayaan dhib lahayn, balse marka la fiiriyo bulshada Soomaaliyeed waa dad caadifad badan oo ay kicin karaan wax aad u yar, iyadoon weli laga soo doogin dhibaatadii dalka ku dhex martay qabiilada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii: Talefishinada Soomaalida, ayaa waxaa wanaagsan inay doodaha isugu keenaan dad hufan oo dadkooda aan dib u xusuusineyn colaado soo faagisteeda aan wanaag u soo koedhineynin.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

One Response

  1. Abshir X. says:

    Waxey ila tahay “doodahaan” in ay ku yimaadeen gobolada jubooyinka dartood.

    Dadka Somalia waa la isku diray kadibna wey is dhibaateeyeen, waxaana filayaa in uusan jirin qabiil tiro badan oo la dhibaateeyey isagana aan wax dhibaateen/aarsan, mana filayi in la ilaawayo dhibaatadi la is gaarsiiyey dalk oo dhan, waana qalad iyo gaf in lagu taliyo in la ilaawo dhibaatadaas oo laga soo qaado wax aan dhicin sida dadka qaarkood ay ku taliyaan.

    Maxaa xal ah marka?

    Waxey ila tahay; waxaa xal ah oo aan laga maarmi karin haddii la rabo in isku dal lasii ahaado, in la heshiiyo oo la qoro dhibaatadi dalka ka dhacday oo dhan lagana digo in aysan mar dambe dhicin.

    Taasina suuragal ma ahaaneyso in ay dhacdo, sida aan filayo, haddii aysan qolo walba qiran qaladkeeda! Waxaana aamin sanahay in uu jiro qalad ay leedahay qolo walba.

    Waxey ila tahay Somalia haddii ay kala tageyso, in ay ku kala tagi doonto gobolada jubooyinka dartood.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno