Home » Wararka » Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray beesha uu ka soo jeedo Suldaan Muuse Faarax oo maanta Boosaaso lagu dilay.

Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray beesha uu ka soo jeedo Suldaan Muuse Faarax oo maanta Boosaaso lagu dilay.

farlole2Madaxweynaha Puntland, ayaa  baaq u diray beesha uu ka soo jeedo Suldaan Muuse Faarax oo maanta Boosaaso lagu dilay.

Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, oo ka hadlayey dilka maanta Boosaaso loogu geystay Suldaan Muuse Faarax (Onkod) ayaa ugu horreyn waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo umadda Puntland ee uu ka geeriyooday Suldaanku, wuxuuna Madaxweynuhu intaas ku daray inay dishay gacan ka gardaran, laguna daba joogo.

Madaxweyne Faroole, ayaa sheegay in beesha uu Suldaanku isinka u ahaa looga baahan yahay inay is dajiyaan, isla markaasna ayan waxaan la hubin ku dhaqaaqin, wuxuuna Madaxweynuhu carrabka ku adkeeyey in gacan ku liiglayaashu ay beelaha isku dhuftaan, si iyaga diiradda looga leexiyo, wuxuuna ku baaqay  inaan la degdegin.

Maanta ayey aheyd markii dabley hubeysan ay bartamaha Boosaaso ku dileen Suldaan Muuse Faarax oo ka mid ahaa Salaadiinta Puntland, iyadoo dadkii dilkaas geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana jirta in ciidanka bileyska ay dabagal ku hayaan kooxdii falkaas ka dambeysay.

Magaalada Boosaaso, ayaa in dhawaale ayan ka dhicin dilal noocaan oo kale ah, ka gadaal markii ciidanka iyo qeybaha bulshada ay iska kaashadeen, waxaana dilkaan uu ka nixiyey bulshada.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno