Home » Wararka » Dhexdhexaadihii Hoggaamiyaasha Al-Shabaab oo siro badan shaaca ka qaaday fariinna u diray Axmed Cabdi Godane.(Akhri)

Dhexdhexaadihii Hoggaamiyaasha Al-Shabaab oo siro badan shaaca ka qaaday fariinna u diray Axmed Cabdi Godane.(Akhri)

252_largeDhexdhexaadihii Hoggaamiyaasha Al-Shabaab, ayaa  siro badan shaaca ka qaaday fariinna u diray Axmed Cabdi Godane.

Bogga aljahad.com ayaa waxaa la soo dhigay fariin ku qoran afka Carabiga oo loo dirayo hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, taasoo uu diray nin lagu magacaabo Zubeyr Al-Muhaajiri .

Zubeyr Al-Muhaajiri, ayaa ah ninkii u xil saarnaa dhexdhexaadintii Axmed Godane oo dhinac ah iyo Ibraahim Afgaan, Fu’aad Shongole iyo Mukhtaar Rooboow Abuu  Mansuur oo dhinaca kale ah.

Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa sheegay inuusan jecleyn inuu fariinta noocaan oo kale ah uu banaanka u soo saaro, balse wuxuu intaas ku daray inuu ka fursan waayey oo ay adkaatay inuu toos ula xiriiro hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Eedeymaha culculus ee ay fariintu xambaarsan tahay.

Waxaa ka mid ah eedeymaha aadka u culculus ee fariintani xambaarsan tahay:-

In dhibaato badan ay xarakada ka dhexjirto, balse ay qariyaan.

In afhayeenka guud ee xarakada uu dadka aan Soomaalida aheyn uga been sheegay dhibaatada xarakada gudaheeda ka jirto, isagoo ugu baaqay inay Soomaaliya yimaadeen, balse kuwii horey u joogay ay ka cararayaan, sida Zubeyr Al-Mujaahiri sheegay.

In Axmed Godane uu xilkii ka qaaday madaxii golaha Shuurada, cid wada tashi isugu imaan kartana ayan jirin.

In dad badan oo aan Soomaali aheyn ay u xirxiran yihiin hoggaamiyaha Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood u dhinteen silic-dilyo, wax Maxkamad ahna aan la saarin, loona oggoleyn in la ogaado xaaladdooda iyo halka ay ku xiran yihiin.


In hoggaamiyaha Al-Shabaab uu diiday dhammaan isku dayo la doonayey in amuurahaas wax looga qabto.

In hogaamiyaha Al-Shabaab uu farageliyo Mujaahiriinta, ciddii uu doonana uu ka dhex magacawdo.

Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa sidoo kale sheegay in afhayeenka ciidanka Al-Shabaab uu sheegay in qofkii Mujaahir ah ee dalka ka baxa, kuna soo laabta iyadoon Amiirka xarakadu ogeyn inuu yahay Murtad diinta ka baxay!!!!.

In dadka Mujaahiriinta lagu sheego ee xabsiyada qarsoodiga ah laga soo daayo xoolahooda la dhaco oo aan loo celinin, qaarkoodna ay xanuuno halis ah ka soo qaadeen xabsiyada qarsoodiga ah.

Wuxuu kale oo ku eedeeyey in Hoggaamiyaha Al-Shabaab uu ergey khaas ah u dirsaday Mujaahiriinta, kuna amray inay Beyco la galaan, iyadoo qaar ka mid ah Mujaahiriintu ay Beycadaas diideen, wuxuuna intaas ku daray in mid ka mid ah dadka Xabsiyada qarsoodiga ah ka soo baxay uu sheegay in intii uu xirnaa xiliyada qaarkood loo diidi jiray inuu weyseysto oo tukado.

Eedeynta Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa u badan dhibaatooyin uu sheegayo in amiirka xarakadu uu ku hayo dadka dibadaha ka yimaada ee Mujaahiriinta loo yaqaano, isagoo carrabka ku dhajiyey in dad badan oo dibadda ka yimaada ayan waxba kala soconin xaaladda meesha ka jirta oo ay ku soo dagmi karaan.

Wuxuu kale oo sheegay in nin ka mid ah Mujaahiriinta oo dagaal ku maqan xaaskiisa loo daba maray, ninka u dabamarayna uu ka mid yahay ciidanka ammaanka, markii uu damcay in uu Maxkamad ku dacweeyana loo diiday, taasoo ka dhigan in sharciga Illaahay aan lagu dhaqmeyn, wuxuuna intaas ku daray in ninkii sidaas ay ku dhacday uu dalka isaga cararay isgoo baqaya.

Wuxuu kale oo ku eedeeyey in Mujaahiriinta iyagoo Muqdisho ka dagaalamaya dagaalka looga baxay, iyadoo amarkaas uu u muuqdo mid lagu shir qoolayo Mujaahiriinta.

Dhibaatooyinka uu wadaadkani ka hadlayo, ayaa ah kuwo horey loo sheegi jiray inay ka dhex jiraan xarakada, waxaana ugu dambeeyey fariin uu dhawaan diray ninka la aaminsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha labaad ee xarakada Ibraahim Afgaan, kaasoo uu ka sii horreeyey Abuu Mansuur Al-Amriki.

Ugu dambeyntii arrintani ayaa shaaca ka qaadeysa dhibaka ay xarakada dhexdeeda ka jira ee ay afkooda ka sheegayaan markhaati ka noqonayo in mid ka badan lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee aan xarakada aheyn, taasoo ay dafiri jireen madaxda iyo taageerayaasha xarakada Al-Shabaab.

Fariinta Zubeyr Al-Muhaajiri oo af  Carabi ku qoran halkaan ka akhriso

Somalireal-Muqdisho

7 Responses

  1. abu rixa says:

    waxaa dhici jirtay halkaan markaan xaqaaiq ka sheegno in ay isa soo maqiiqi jiraan kuwa ah “taageeroyaal indho la” ama wax afka qalaad loogu yaqaan “fanatic followers” (waxayna aad ugu badan diimaha iyo dhaqanada kale sida kirishtanka xisuuso fanatic followerskii isku gubay kaniisada uganda ka dib markii uu kula taliyey mawlahoodii) laakiin hadda haka leefaan waa kaas la sheegayo ina xaasaska la isku daba maree!!!!! nacuudubilaah minal fawaaxishi maa dahara minhaa wamaa badan’ waliba “washihidda shaahidun min ahlihaa” qofka soo saaray fadaaixdaas laga yaqyaqsoodo ma ahan somalireal iyo akhristayaasheed ee maqaawiirtooda (maqaawiirta xumaha iyo fitinta), laakiin marnaba imagu sympathy (u beerjilci) mayno almuhaajir iyo gangs la midka ah maxaa yeelay waa: “barbarians killing barbarians” ALAAHUMMA AHLIKI DAALIMIINA BIDAALIMIIN WA AKHRIJNAA MIN BAYNIHIM SAALIMIIN….AMIIIIN

  2. Ceeb iyo fadeexa waynaa, oo fool xumo badana ilaahay umada idinka soo qabay, waxa badan ayaad nagu sirteen cadawga umada ayaan hortaaganahay oo gaalo ayaan la dagaalanaa, gaaladaba idinka ayaa dadka u jabiyay.

  3. cumar cade says:

    walaahi waa wax lala yaabo horta aniga in godane uu ajaaniibta ciqaabo waan ku faraxsanahay maxay dalkeenaa ka soo dooneen kuwa kalena inuu ihaaneysto waa soo dhaweynayaa waa argagixiso isku jabeysa kuwii inay diin iyo jihaad wadaan aaminsanaa haka xaaxaabiyaan hadii xaasaska leyska daba gurayo maxaad haray ood wax ku fahmi doontaan waxaan lahadalyaa kuwii halkan wax ku tacliiqin jiray sida muxammed qulqul iyo waaniye

  4. axmed dheere says:

    dadku wixii ay ku sheegi jireen ayaa hada iyagu sheegayaan awal waxaa dadka kale lagu dhihi jiray waa caadow ilaahay iyo mujaahidiintay neceb yihiin haye kuwan halagu dhoho sidaas

  5. qulqul says:

    Bismillaah.
    Maxaa murtad iyo munaafaq iyo gaal nagu af ah meel walba taagan.
    Weligiin been iyo khuraafaad isugu sheekeeya Mujaahidiin wax ka qaadi meysaan.
    Waa horaad meelaha soo geliseen in gabar Soomaali ah loo juujuubey nin ajanabi ah iyadoo uusan waalidkeed raali ka ahayn.
    Maantana dadkaad ajaanibta u taqaaneen baad leedihiin xaasaskoodaa loo daba marey. Marba dhinac ka soo gala.
    Horta kaalaya, waxa gabdho qalanjooyin oo Soomaaliya tuban dadku iney moogyihiin miyaad moodeysaan?
    Maxaa lagu falayaa xaas nin qabo ama gabar la juujuubey.
    Kumanaan waxaa jira raali ku ah in la guursado iyadoon la juujuubin.
    Midda kala, marna waxaad dhahdaan Ajaanib baa Alshabaab maamusha mar kalena waxaad leedihiin Ajaanibtii ayaa fara ku gabbad ah.
    Horta idinka meel isku soo raaca.

  6. faarax says:

    to qulqul
    warkaan meel kale kama imaanin nin madax ka ah ajaanibta ayaa soo qoray nimankii uu ku socdayna ma beeninin waxaa ka horeeyey zeylici asna warkiisa lama beeninin marka adiga maxaad ku difaaceysaa? mida kale maxaad uga gubaneysaa gabar ay shabaab kufsadeen dhig macsuum ah bay maalin walba daadiyaan xagee gabar farjigeed joogaa caqli yaraanta maxay tahay? warka ninkaan sheegayo waxaa uga horeeyey amriki asna waa la dhaawacay ma been baa? aniga uma maleynayo sabab dambe oo shabaab loo taageero inay meesha taalo amaa qofkii aan intaas wax ku fahmeynin ilaahay ha u soo celiyo fahankiisa waaba hadii uu markii hore wax fahmi jiraye

    • abu rixa says:

      @faarax
      walaal aad ayaad ugu mahadsantahay sida fudud oo aad u tusaalaysay khayrul kaalaami maa qaalla wa dalla, laakiin ninkaan qulqul (nin iyo naag wuxuu yahay ilaahaa yaqaane!) waxba ma fahmo hadda ka hor ayaa ka kari waayey hal adillo oo la yaqaan keenso oo aan kaala niqaashno wuu diiday (amaba maba yaqaan) marka waa qof “fanatic” (riciyo shabaab u ah) laakiin wax cilmi ah aan u lahayn wuxuu taageersanyahay

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno